Dhalinyarada da`diisa ah iyo kuwa ka yaryarba wuxuu Cabdsalaam kula dardaarmayaa in
jaanis fara badan u furan yahay dhinaca kubadda cagta in ay ka muuqdaan dunida
sababtoo ah ayuu yiri markaan soo arkay akadeemiyaha Blackburn ciyaartoyda ku jirta
in aan ka sareyno tayo ahaan, laakiin dhinaca xoogga aan ku liidano. Xooggana waa
wax la samayn karo laakiin tiknikada waa in yaraanta lagu bartaa.
Cabdisalaam Caddaay khadka dhexe ayuu ugu ciyaaraa kooxdiisa Fjellhamar iyo Kooxda
qaranka Norway. Waa wiil dheer oo xooggan mustaqbal ku leh ciyaarta kubadda cagta,
riyadiisana waxay tahay in uu ka ciyaaro ciyaaraha yurub iyo world cupka isagoo
metalaya magaca dalka Norway.
Cabdisalaam Caddaay wuxuu halkan ka salaamayaa kooxdiisa Fjellhamar iyo Kooxdiisa
gaarka ee somalida Oslo-Stars iyo macalinkooda Kalkaal Xasan. Wuxuu kaloo halkan ka
salaamayaa labadiisa waalid iyo walaalihiisa iyo websideka
By: Cabdulqadir Cadaay. Oslo, Norway