Welcome to BuurHakaba Media


Waxaa maalintii sabtidii oo taariikhdu ahayd  04/08/2007 Lagu qabtey magaalada birmingham ee wadanka ingiriiska shir weyn ay isugu yimaadeen qowmiyada digil iyo mirifle ee ku sugan wadankan britain.

Birmingham, 08-August-2007@[Buurhakaba Media]   Kulankaas oo lagu casuumey Drs Fowsiyo Maxamed oo ka socotey baarlamaanka xorta ah ee haatan ku sugan wadanka Eritrea.

Kulaas  waxaa soo abaabuley xubno ka tirsan gudiga fulinta iyo gulaha odayaasha digil iyo mirifle ee cariga ingiriiska. shirkaas  oo socdey saacado badan, waxaa furey xoghayaha guud ee gudiga odayaasha  Malaaq Maxamed abdulaahi Abdiyow oo warbixin ka bixiyey xaalada ay ku sugan yihiin umada  iyo  sida ay u mideysan yihiin qowmiyada digil iyo mirifle ee uk  sidoo kale waxaa warbixin laga dhegaystey gudoomiyaha gudiga siyaasada Sayidali Mohamed.

Waxaa kale oo warbixin dheer laga dhegaystey Drs Fowsiyo Maxamed oo ka warbixisey xaalada uu marayo wadanka maanta iyo waxaa ku kalifey iney mucaarad ku noqdaan iyo guud ahaan iyo mabd'a  ay wataan  baarlamaanka xorta ah iyo halka ay marayaan howlahooda.

Sidoo kale waxaa ka hadley aqoonyahano wax garad iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Mustaf Abdirahman Mohamed ( Leysamow) Dr Adan Buule, Maxamed Nuur Abdulaahi ( ariirow), Abdirsaq Berkan (Shaabdogoowi) Ali Adan Hassan ( Doolow),Sheeq Ibrahim Qordheere, iyo aqoonyahaho kale oo fara badan.

Dood dheer iyo falayqeyn oo marti sharftii shirka isugu timid ay dhexgaleen ka dib shirku wuxuu go'aan ku gaaray qodobatan soo socota.

1- In cadowga wadanka ku soo duulay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan wadanka uga baxo

2- Shirku wuxuu baaq usoo jeedinayaa dhamaan soomaali weyn meel walbo ay joogaan iney gacmaha is qabsadaan oo ka hortagaan gumeysiga wadanka gacanta loo geliyay maanta.

3- In qaas ahaan qowmiyada digil iyo mirifle ka qaataan mowqif mideysan oo gumeysi diid ah

4- In wafdi ka socda qowmiyada digil iyo mirifle ee Uk ka qeyb galo shirweyne lagu qabanayo asmara

5- In qowmiyada digil iyo mirifle ay marti geliyaan shirweyne lagu xalinaayo qilaafaadka u dhexeeya soomaali weyn si nabad ah anagoo aaminsan soomaaliya iney dhexdeeda wax waliba dhamaysan karto oo aan loo baahneyn fara gelin shisheeye.

Shirkaas waxaa isku duba ridey dhinaca farsamada gudoomiyaha gudiga dhalinyarada Birmingham (Somali Youth Association) Mr Abdirsaq berkan (Shaabdogoowi).

Abdirsaq Berkan
Buurhakaba Media:
Birmingham, UK.

WW.BUURHAKABA.COM