Welcome to BuurHakaba Media Center


Dad loo magacaabey in shirka dib u heshiisiinta ay ugu qeebgalaan jaaliyada jeddah oo ka mid ah gudoomiyaha D&M

 

Jeddah, 07-July-2007@[Buurhakaba Media] Waxaa qunsuliyada soomaaliya ee magaalada jiddah lagu qabtey qado  ay isugu yimaadeen aqoonyahano ganacsato odey dhaqameedyo iyo dhalanyaro iyo madaxda jaaliyada soomaaliya ee ku dhaqan cariga boqortooyada sacuudi carabiya.

 

Isku imaanshahaan  oo ujeedadiisu ahayd sida ay ugu qeyb qaadan lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ee la rajeynaayo mardhow inuu ka dhaco magaalada muqdisho.

 

Maxamed cilmi cumar oo ah qunsulka safaarada ayaa u sheegey marti sharaftii ka soo qeebkashey sawabta la isugu yeerey inay tahay  isku xirnaanshaha jaaliyada joogta halkaa iyo inay isla meel dhigaan sidii ay ugu qeeb geli lahaayeen shirka dib u heshiisiinta iyo ashqaastii ugu qeeb geli lahayd iyo weliba  doorka ay ka qaadan karaan  dib u heshiisiinta ka jaaliyad ahaan.

 

Waxaa uu halkaas amaan ugu soo jeediyey jaaliyada digil iyo mirifle inay muujiyeen isku xirnaansho iyo hogaan midaysan taasna loogu baahan yahay qolo walba ay u sahlanaato la xiriirkooda.

 

Raga loo magacaabey inay ka qeeb galaan shirka oo lafilaayi inay mardhow ka ambabaxaab magaalada jiddah ayaa waxaa ka mida ah gadoomiyaha jaaliyada Digil iyoMirifle mudane Aw maye Sheikh Maalin Abdiyow.

WW.BUURHAKABA.COM