Welcome to BuurHakaba Media


Jaaliyada D&M oo soo dhaweyn u sameysey wufuud sare oo dowlada ka tirsan kana soojeeda D&M 

Muqdisho, 14-July-2007@[Buurhakaba Media]  Waxaa maanta lagu qabtey magaalada jiddah ee boqortooyada sacuudiga  xaflad aad loo soo agaasimey taasoo lagu soo dhaweynaayey wufuud sare oo isugu jira wasiir wasiir kuxigeen iyo danjirayaal  katirsan dowlada kumeelgaarka kana soo jeeda beelaha digil iyo mirifle.  

Wufuudaas ayaa waxaa horkacayey mudane Madoobe maxamed nuunow: Wasiirka warfaafinta iyo maxmuud cabdi xasan beekoos: wasiir ku xigeenka batroolka cabdulaahi maxmuud cabdi danjiraha D.F.G. u fadhiya U.K. muqtaar siidi ibraahim : danjiraha soomaaliya Suudaan.

Qado sharaf, isbarasho kadib waxaa laguda galey xafladii ayadoo halkaasi ay qodbado ka soo jeediyeen madaxdii martida aheyd iyo jaaliyadii soo abaabushey casuumaadaasi. Aayado qur'aan kadib waxaa halkaasi qudbad kasoo jeediyey gadoomiyaha jaaliyada D&M jeddah aw Maye Maalin Abdiyow soodhaweyn kadib waxaa  uu u soo jeediyey beelaha digil  iyo mirifle inay muujiyaan isku xirnaan iyo midnimo asigoo si qaas ah ugula dardaarmey jaaliyada joogta dalka sacuudiga inay marwalba sidaan ookale ay u muujiyaan isku xirnaanshahooda. 

Mudane Maye waxaa uu sheegey in jaaliyadiisa ay soo diyaarisey qoraal ay kaga hadlayaan arimaha shabeelooyinka ay soo hordhigi doonaan wufuuda ayna Usii gudbin doonaan dowlada asagoo sheegey on saxaafadana ay  usoo  gudbin doonaan  mardhow.

Waxaa sidoo kale kamid ahaaa madaxdii halkaas ka hadashey wasiirka warfaafinta waxaa uu ugudbiyey salaam kaga sidey madaxweenaha, gadoomiyaha baarlamaanka iyo raysulwasaaraha D.F.G  wuuna ka warbixiyey marxalada haatan ay mareyso dowlada iyo waxqabdkeeda  asagoo  u joojeediyey beelaha dhigil iyo mirifle meelkasta ay joogaan in sibuuxda ay u taagyeeraan dowlada maadaama ay yihiin dadkii marhoreba soo dhaweeyey. 

Mar uu ka jawaabaayey su'aal ahayd sawabta keentey in lagu daro maamulka shabeelooyinka dad kasoo  jeeda gobolada dhexe. Ayuu sheegey in arintaasi ay dowlada ka shaqeyneyso sidii loo saxi lahaa wuxuuna raaciyey in 19 beel oo dega shabeelooyinka uu shir ugu socdo muqdisho Inkastoo ay ka Maqanyihiin 2 beelood.

 

"Muhiimada fadaraalismka ama 4.5 waxay aheen in qofna aan la dulmin qofwalibana uu xaqiisa helo taasina waxaa laga

Gaarey guul badan" sidaasi waxaa yiri Maxmuud cabdi xasan beekoos oo ah wasiirka ku xigeenka batroolka. Waxaa kaloo uu shegey in marwalba ay u taaganyihiin inay soo saaraan xaqa beelaha digil iyo mirifle wuxuu intaasi ku darey in wax badan ay qabsoomeen inkastoo ay weli  ay jiraan qaladaadyo uuna sheegey in laxalintoono. 

 

Qudbadaha iyo talooyinka laga soo jeediyey shirkaani ayaa ah kuwo bog cusub u furi doona    sayaasada iyo waxqabadka  beelaha digil iyo mirifle iyo kaalintooda ku aadan xalka soomaaliya.

 

Dhanka kale waxaa wadanka sacuudiga ku sugugan wafdi uu horkacayo raysul wasaare cali maxamed geedi wixii warar oo ka soobaxa socdaalkooda maalmaha soosocda ayaan idinla soo socosiin doonaa

WW.BUURHAKABA.COM