Welcome to BuurHakaba Media


Shir ay yeesheen jaaliyada Digil iyo Mirifle iyo walaalahooda la deegaanka ah

Jeddah, 22-July-2007@[Buurhakaba Media]  Shir ay yeesheen jaaliyada Digil iyo Mirifle iyo walaalahooda la deegaanka ah.

Waxaa salaadii jimcaha kadib shir ugu furmey magaalada Jeddah ee dalka sacudi Arabia jaaliyada D&M iyo walaalohooda la deegaanka ah kuwasoo ka mid ahaa  sheeqaal gandarshe, jareerweene, sabeele, shiidle, reerxamar, biimaal iyo qabaa'ilo kale.

Shirkaas oo ay soo agaasimeen jaaliyada digil iyo mirifle ayaa muhiimadiisu waxa ay aheyd sida qomiyadaha walaalaha ah oo deris  iyo isku deegaan ah sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen iyo ayagoo ka xun sida loo kala qeebiyey laakiin hada ay tahay waqtigii ay midoobi  lahaayeen oo ay halmeel ku soo wada jeesan lahaayeen.

Dhamaan ka soo qeebgalayaasha shirkaasi ayaa waxay ay ku midesnaayeen fikrada ah in wax lawada qabsado ayagoo dhaliil badan ka muujiyeen fikrada ah ( others ) " waxaa lanagu darey qomiyado dega waqooyi iyo bari si lanoo kala qeeb qeebiyo waana la yaqaanaa dadka dega min beled ween iyo kismaayo" sidaasi waxaa jiri cabdi shire oo ka socdey beesha jareer weene.

Gole oo ahaa xogeyaha fadhigasi ayaa yiri" waan taagyeersanahay dowlada  ee kama soo horjeedno laakiin waxaan rajeynaynaa mustaqbalka inaysan jirin wax layiraahdo 4.5 digil iyo mirifle iyo dadkal la dega ay si mid ah wax u wada qeebsan doonaan ".

Gadoomiye ku xigeenka jaaliyada beelaha digil iyo mirifle ayaa sidoo kale sheegey in fikradaani ay tahay firrad ah in la mideeyo walaalaha wada dege si aysan dhexdooda loogu faa'ideysan oo way wax wada qabsadaan asigoo itaa ku darey inaysan aheen dadka ugu aqoonta badan ama ugu aragtida fiican laakiin ay noqoto kuwii  u horseedi laha beelaha digil iyo mirifle iyo dadka la dega guul iyo mid nimo.

Sidoo kale eng. Awees shee mile oo ka socdey beesha sheeqaal gandarshe ayaa sgeegey in firradaani ay tahay mid waqti hore loo baahnaa. Hadana maadaama taas ay dhici waysey hada in la iloobo wixii dhacey oo lagu firiro sidii hada wax loo wada qabsan lahaa waxaa hadaladhiisa ka mid ahaa " midkeena ugu badan waxaa uu gaarayaa 20 sano laakiin waxaa loo bahan yahay inaan keeno fikrad shaqeyn karta ilaa iyo 900 sano".

Gabgabdii shirka kadib marka la aruuriyey fikradihii ayaa waxa laysku raacey in la sameeyo gudi kasoo shaqeeya sidii loo dhisi lahaa hogaan mideysan waxaana la qorey magacyadaan.

DIGIL IYO MIRIFLE

Awees gure

Professor muxyidiin

Jeylaani maxamed cali

Cumar sheegow

 

SHIIDLE

Xaaji cali cumar abuukar

Cabdi shirey cusmaan

 

SHEEQAAL

Eng.awees sheemile

Sheeq nuur cabi casan

 

CARAB

Shariif karuuma

Jelaani xaaji

 

SHABEELE

Cabdi shabeele

Faarow casan cali

 

BIIMAAL

Xasan maxamed talas

Abuukar qaroofow

 

Sidoo kale beesha jareer weene ayaa sheegeeytey inay dib u soo magacaabi doonaan ergadooda maalinta labalansanyahay oo ah maalinta jimcaha soo socota.

 

Odoyaasha iyo aqooyahanada meeshaas ka soo qeebgashey ayaa dhamaantooda waxy ay ka muuqatey farxad ayagoo mahad guud u soo jeediyey jaaliyada digil mirifle sida ay isu xilqaameen sidii aay isu soo dhaweyn lahaayeen walaalahooda la dulmiyey laguna tilmaamey (kuwo kale) waxayna mahad gaar ah u soo jeediyeen nuur sheeq madoobe oo runtii ka soo shaqeeyey arintaan sidii ay u hirgeli laheed asigoo fududeeyey  isu keeninda dadkaani iyo qarashkii ku bixi lahaa xafladaasi.

 

Hadaba fikradaani  oo ah in ay midoobaan dadyowga dega gobolada koonfureed oo ay ka mid yihiin qowmiyadahay diyil iyo mirifle iyo qomiyadahaan walaala ah ee la dega ayaa waxay horseedi kartaa.

WW.BUURHAKABA.COM