Jeddah, 22-July-2007@[Buurhakaba Media]
Gudiga sare ee badbaadinta beesha
gandharshe oo la soo xiriirey BUURHAKABA MEDIA waxa ay sheegeen inay si aad ah
ugu faraxsanyihiin shirkii ka dhacay magaalada jiddah ee lagaga hadlaayey
arimaha soomaalia qaasatan sida la isku soo dhaaweyn lahaa walaalaha laka
qeebiyey oo lakala fogeeyey.
Sultaan sh. Cusmaan shee abuukar mad
sheemile ayaa dhiniciisa si toos ah u taagyeerey wareysi aan la yeelaney
shirka kadib wuxuuna ilaah ugu rajeeyey inuu u noqdo furaha hormar iyo
nabadgeliy buuxa ay kuwada noolaadaan walaalaha deriska ah.
Sidoo kale Suldhaan sheeq nuur cabdi xuseen
oo shirkaasi qudbad dheer ka soo jeediyey ayaa yiri anirtaan inuu mudo hore ka
fikiraayey balse uu mahad gaar ah u soo jeedinaayo ragii ka soo shaqeeyey
walaalaheena meelwalba oo aduunka ka joogaana aan ka codsaneynaa inay nagu
taagyeeraan arinta maslaxada u aha dhamaan garabyada meeshaan isugu yimid.
"Gudigaan waxaa lugu aas aasey magaalada
jiddah ayaa waxay isku biirsadeen in u duubtaan dhulkooda oo ay ka soo gaareen
awoowayaashooda, isla markaana aay ku noolyihiin walaalahooda waxeyna ku
dhaarteen inay hoo iyo hiilba la garab taaganyihiin dhulkooda iyo walaalahooda"
sidaasi waxaa yiri eng. Awees sheemile.
Gudiga waxaa ka mid ah :
Eng. Awees Sheemile
Eng. Sheikh Xasan Cabdi Xuseen
Sheekh Nuur Buunkeey
Eng. Saalax Gaduudow
Xuseen Qaliif