Kulan Dhaqaale Uruurin oo loo Sameeyay JAAMACADA KOOFURTA SOOMAALIYA-BAIDOA
"THE UNIVERSITY OF SOUTHERN SOMALIA-BAIDOA"
Portland,Oregan. 14-June-2007@[Buurhakaba Media]
Xaflad lagu taageerayo Jaamacada Koofurta Soomaaliya-Baidoa (The University of Southern Somalia-Baidoa)
ayaa lagu qabtay magaalada Portland ee gobolka Oregan. Xafladaa waxaa kaso qaybgaley dadweyne aad ufara
badan oo isagu jira culamaudiin,aqoonyahano,oday dhaqameedyo,haween,arday iyo dadweyne kale oo aad ufara badan.
Xafladaa oo lagu qabtay goob lagu magacaabo Xarunta waxbarashada ee bulshada,"Community Education Center"oo
kutaala north of Portland ayaa marti sharaftii xafladaa kasoo qaybgashay waxaa halkaa kusoo dhaweeyay madaxda
Jaamacada Koofurta Soomaaliya iyo gudi hoose oo reer Portland ah oo xafladaas soo qaban qaabiyay.
Xafladaa waxaa lagu furay aayado qur'aan ah uu aqriyay Shariif Abdulaahi Maxamed, kadib waxaa warbixin jaamacada
aasaaskeeda,dhulka iyo dhismaha jaamacada oo ugu taba rucay marxuum Abduqaadir Mohamed Adan (Zopppo) kasoo jeediyay
Professor Omar Abdullqadir Enow.
Waxaa kaloo uu ka hadley Professor Enow, taariiqda ama backgroundka jaamacada
iyo baahida waxbarasha sare oo gobolada kuuforta Somaaliya iyo dhamaan gobolada soomaaliyeed intaba.
Waxaa kaloo halkaa qudbado bogaadin leh kasoo jeediyay Abdisalaan Muse oo ah aqoonyahan soomaaliyeed
iyo xubno katirsan gudiga qaban qaabada shirka oo kala ah Isgow A. Mohamed, Faysal Ustaad Osman, iyo Ali Hussein Sheick.
Waxaa kaloo qudbad qiima leh halkaa kasoo jeediyay Professor Abdi Mahamad Kusow oo kahadlay abaabulka iyo
aasaaska jaamacada iyo halgankii loosoomaray sidii loo rumayn lahaa in jaamaacadaan lahirgeliyo.
Wuxuu kaloo soo bandhigay Professor Kusow sawiro muujinaaya dhulka jaamacada uu kufadhiyo iyo
dhismaheeda hada iyo dhismaha larabo in loo dhiso jaamcada mustaqbalka iyo qiimaha cilmigu uu
u leeyahay aadamiga guud. Maamulka Jaamacada Koonfurta Soomaaliya wuxuu u mahad celinayaa
dhamaan dadweynihii reer Portland oo kasoo qeybgalay xafladaan iyo taageerada ay u fidiyeenba.
Professor Kusow wuxuu kaloo u mahad celinayaa maamulku"Gudiga qabanqaabada iyo haweenka reer Portland
oo iska xilsaaray inay u sameeyaan casho sharaf dhamaan dadweynihii kasoo qeybgalay xafladaa. Waxaa inoo
ballan ah Salt Lake City, Utah iyo the Baltimore-Washington Metropolitan Area Bisha July Illahey Indinki.
Wixii warbixin ah oo ku saabsan jaamacada waxaad kale xiriiri kartaan: uss_baidoa@hotmail.com
Hadii aad dooneysid in aad taageero u fidisid jaamacada, check ama money order ku haagaaji:
Friends of the University of Southern Somalia
688 Cambridge Drive
Rochester Hills, MI 48309
Waad Mahadsantihiin:
Gudiga Portland ee Dhaqaale Uruurinta JAAMACADA KOOFURTA SOOMAALIYA-BAIDOA
Mukhtar M. Abdow, Chair
Isgow A. Mohamed
Faysal Ustaad Osman
Ali Hussein Sheick
Shariif Abdulaahi Maxamed
Haji Baafadal