Munaasabadaan oo muhiimadeeda aheyd sidii
loo midayn lahaa jaaliyada Digil iyo mirifle ee ku dhaqan wadanka sacuudiga iyo
sidii loogu sameynlahaa hal hogaan oo ku kooban gadoomiye iyo kuxigeeno
afhaheen iyo xisaabiye.
Waxaa shirkaasi lagu magacaawey xilalkaan soo socda:-
Gudoomiey : Abukaate Maye Macalin sheekh
cabdiyow
Gadoomiye ku xigeen : Cumar Mursal Yaxye
(Cumar boonge)
Gadoomiye ku xigeen 2 :
Cabdi Kariim Maxamed kire
Qasnajiga ahna lataliyaha gadoomiya:
Nuur sheekhmadoobe (Nuur Taajir)
Afhayeenka jaaliyada: Maxamuud Jalaal
Wakiilka jaaliyadaha : Aaqil Maxamed
Muuse Maxmed
Xogayaha guud: Maxamed C/ Xamid
Xogayaha maaliyada : Baker Sheegow
Xoga: Jaaliyaadka: Kuusow
Xog. Arimaha bulshada iyo xiriirka
safaaradaha: Xasan Macalin ( Xasan Damaam)
Iyo xubo kale.
Shirkaan oo looga hadlay sidii loomideyn
lahaa jaaliydaha Digil iyo mirifle wada shaqeyna ay u yeelan lahaayeen
meelkastoo ay ka joogaan dunida.
Qudbadaha laga soo jeediyey shirkaasi
ayaa ahaa kuwo baaq u jeedinaayey xoogaga isku haystey magaalada muqdisho iyo
in la joojiyo dagaaladii ka socdeen magaalada muqdisho wax walbana lagu
dhameeyo wada hadal iyo is afgarad.
Inkastoo shirka magiciisu uu ahaa shirka
jaaliyada Digil iyo Mirifle hadana waxaa ka soo qeeb galey shaqsiyaad kala
duwan oo ka socdey qabaa'ilada kale ee soomaaliya.
"Muhiimada ma aheen keliya inaan anaga
isku soo koobno hadalka laakiin waxaan baaq u jeedinaynaa inay midoobaan
soomaalida meelkasta oo ay joogaan ama sidii wax loogu qaban lahaa dadkii
burburka ka soo gaarey dagaaladii muqdisho ama sidii gargaar loola gaari lahaa
dadkii waxyeelada kasoo gaaren dagaalada " sidaasi waxaa yiri nuur sheikh
madoobe oo ahaa dadkii ka Hadley munasabadaasi mar uu u warmaayey buurhakaba
media.
Waxaa kaloo baaq loogu jeediyey shirkaasi
jaaliyadaha soomaaliya ee ku dhaqan dalkaani inay wada shaqeeyaan oo la
yimaadaan dadaalka ay la imaadeen walaalahooda kale sidii hal mowqif looyeelan
lahaa ama wax loo wada qabsan lahaa.
Sikastaba ha ahaatee waxaa loo ariki
karaa hii ay midoobaan jaaliyadaha dibada ka jooga dalka soomaaliya inay wax
week ka tari karaan sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda soomaaliya ku
dhibaysan kuwaasoo isugu darsamey dagaalo iyo abaaro.