Ohio, 30-May-2007@[Buurhakaba Media]
Waxaa lagu soo gebagebeeyey
Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee carriga Mareykanka shir ay isugu
yimaadeen xubno fara badan oo ka tirsan qowmiyadda Digil iyo Mirifle eek u nool
waqooyiga Mareykanka, asal ahaanna ka soo jeeday Bay, Bakool, Shabeellada Hoose,
Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose yo Gedo.
Shirka oo socday muddadii u
dhexeysay 26 iyo 27 May 2007, waxaa looga dooday qodobo fara badan oo dan u ah
qowmiyadda Digil iyo Mirifle, waxaana dood dheer ka dib ka soo baxay qodobada
hoos ku qoran:
1. Waxaan
taageereyna Dowladda Kumeelgaarka ah ee Federaaliga ee Soomaaliya si loo
xaqiijiyo soo celinta qarannimada Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan u aragnaa
dhsmaha hay’adaha dowliga ah inay tahay arrin muhiim ah oo soo celin karta
nabadgelyada guud ee Dalka. Sidaas darted waxaan ku baaqaynaa in muhiimadda
kowaad la siiyo dib u soo nooleynta hay’adaha aasaasiga ah sida:
a)
Wasaaradaha iyo hay’adaha
hoos yimaada,
b)
Xoogga Dalka Soomaaliyeed
c)
Ciidammada Boliiska
d)
Ciidanka Asluubta iwm.
2. Waxaa
muhiim ah kuna adkeynaynaa Madaxda Dowladda inay ku dhaqmaan axdiga
kumeelgaarka ah ee lagu dhisay iskana ilaaliyaan ku xadgudub iyo awood
sheegasho keeni karta burbur hor leh.
3. Annagoo
tixgelinayno baaqyadii ka soo baxay Qarammada Midoobay iyo Ururka Midowga
Afrika oo ku aaddan joogitaanka Ciidammada Ethiopia ee Soomaaliya, waxaan ku
baaqeyna in la soo dedejiyo ciidammada ay ku yabooheen Dowladaha Afrika si ay u
buuxiyaan kaalinta ciidammada Ethiopia loogana hortago in uu faraha ka baxo
degganaanshaha iyo wada noolaanshaha dadweynaha Soomaaliyeed.
4. In
Awood qaybsiga lagu heshiiyey shirkii Dibuheshiisiinta Kenya la dhowro laguna
dhaqmo layskana ilaaliyo sadbursi iyo caddaalo darro.
5. Waxaa
si buuxda u taageereyna shirka dibuheshiisiinta ee lagu baaqay, annago soo
jeedinayno:
a)
Inuu noqdo mid loo dhan
yahay’
b)
Inuu isu keeno dadka wax
kala tirsanayo’
c)
In qoraal lagu uruuriyo
xadgudubyadii loo geystay dadka aan hubeysnayn, lana magdhawo macnawi iyo
maaddiba.
6. Waxaan
si buuxda u taageereyna in dalka laga hirgeliyo hannaanka federaaliga ah, lana
dedejiyo hirgelintiisa. Qofka soomaaliga ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ku
noolaado, dego ama ka ganacsado meel kasta oo Dalka Soomaaliya ka mid ah, hase
yeeshee maamulka iyo talada waxaa xaq u leh dadka asal ahaan u dhashay deegaan
kasta.
7. Waxaan
soo dhoweynaynaa maamulka cusub ee laga dhisay gobolka Shabeellada Hoose,
annagoo si buuxda u taageereyno xubnaha maamlka cusub oo hiil iyo hooba la
garab taagan. Waxaan si kulul u cambaareynaynaa beelaha aan u dhalan gobolka oo
ku doodaya inay maamulkaas qayb ku yeeshaan.
8. Ugu
dambeystii waxaan Dowladda Kumeelgaarka ee Federaaliga ee Soomaaliya ugu
baaqeynaa inay Jubbooyinka iyo Gedo ka hirgeliyaan maamulo ay leeyihiin dadka
asal ahaan u dhashay dhulkaas.
Xubnaha Qabanqaabada:
1.
Malaaq Muqtaar Mohamed
Aadan
2.
Suldaan Ibraahim Caliyow
Ibrow
3.
Inj Geilani Sheikh
Hussein Guddiga Qabanqaabada/Ku-xig/Gud/SSU
4.
Sheiknor Abukar Qaasim
Guddiga Qabanqaabada/Ku-xig/Xog/SSU