Welcome to BuurHakaba Media Center |
|
MUNAASIBADA MADAXBAANIDII SOOMAALIYEED 1DA LUULYO 2006 By.Mohamed Ali Mamow, 02-July-2006
Waxaa maalintii Jimcaha ee bishan Luulyo 1 deedii ka dhacay xaflad
si aad ah loo soo gaasimey wadanka Norway caasimadiisa Oslo.
Xafladaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadaha soomaliyeed Norway. Xafladaasi oo lagu soo bandhigey Cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, heeso iyo cunto Soomali aad u macaan oo halkaasi lagu cuney. Gelinkii dambe ee isla maalintaas waxaa xaflad taa la mid ah oo aad loo soo agaasimey lagu qabtey xarunta ururka haweenka soomaliyeed ee wadanka Norway, casho aad u macaaneyd oo halkaas lagu cuney kadib waxaa halkaasi ka soo jeediyey Khudbado ku la xiriirey munaassibada 1da Luulyo. Martidii ereyadaha koob kooban oo ku saabsan munaasibada iyo soomaalida degan Norway ka soo jeedisey halkaas waxaa ka mid ahaa: Siyaad Mursal Waxaa sidoo kale Xafladaasi oo lagu soo bandhigey Cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, oo aay soo bandhigeen dhalinyaro soomaaliyeed ee ku noor wadankan Norway. Waxaan halkan hambalyo ugua soo jeedineynaa dhamaan umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan iyo dadkii soo agaasimey xafladahan aad iyo aadka u qiimo badnaa. |