Welcome to BuurHakaba Media Center
Tronto, 10-July-2006@[BMC] Doraat oo ay taariikhdu tahay Sabti July 8, 2006 waxaa shir deg deg ah isugu yimid odeyaasha jaaaliyadda Digil iyio Mirifle ee ku dhaqan dalka Canada, waxay hambalyo iyo tahniyad gaar ah ay udireen guddoomiyaha Gobolka Bay, ku xigeeenadiisa iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyagoo uga tahniyadeynaya xilalka cusub ee loo magacaabay.
Odeyaasha iyo guddoomiyahaba waxay isla garteen in loo diro khubaro Soomaaliyeeed oo ka hawl gala G. Bay. Waxayna wada go’aansadeen in si deg deg ah loo diro Dr. Abdalla M. Xuseen oo ku taqasusey arrimaha caafimaadka.