Welcome to BuurHakaba Media Center

Waxaa maalintii shalay ku shirey magaalada Birminham ee wadankaan UK Golaha Beelaha Digil iyo mirifle.

Birminham, 27-April-2007@[Buurhakaba Media] Waxaa shaly oo ay taariikhdu ahayd 26/04/2007 ka dhacay magaalada Birminham ee wadankaan England shir aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tira badan oo ka kal yimid dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay wadankan Enland iyaga oo isugu jirey dhamaan waxgaradka, aqoonyahanada, culumaa'udiinka, dhalinyarada iyo haweenka ku abtirsada beelaha Digil iyo Mirifle ee degan wadanka UK.


Shirkaas oo socday mudo ka badan shan saacadood ayaa ugu horeyntii uu gudiga shirka uu soo bandhigay maamul cusub oo uu yeelan doona beelahan degan Uk, taas oo ay ku dhamaatey isku raac iyo farxad iyo sacab aad u tira badan waxaa xigey oo lagu wada gorfeeyay shirkaas waxyaalo tira badan oo ka mid ah sida ay u midayn lahayd dhamaan walaalhooda kala jooga dhamaan shanta qaaradooda ee aduunka iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka hadda ka jira wadanka oo ay beesha ay gogol ugu dhigi lahayd walaalaha soomaaliya isku haysta.

Taas oo uu dadkii meeshaas isugu yimid ay aad uga wada hadleen oo ay yaqiinsadeen khatarta siyaasdeed iyo mida nabadgelyo ee uu marayo dalka soomaliya iyo weliba gobolka geeska afrika guud ahaan, wuxuuna shirka kula taliyay madaxda iyo hawlwadeenada ka ah hawlahaasi an ay u tallaabsadaan si taxadar badan si loo badbaadiyo qaranimadeena, wadajirka iyo xoryida Soomaaliya.


Ugu dambayntii waxa uu golaha ka codsaday Dawladda Federaalka ee ku meel gaarka ah inay weriyayaasha ku xiran la soo taago maxkamad hadii ay dembi leeyihiin hadii kalena la sii daayo waayo sida uu qabo axdi dhaqameedki soomaaliya oo ahaa in aan qofka la hysan karin in ka badan 48 saaacadood iyada oo ay hada ka badan tahy inta ay xiran yihiin 3 usbuuc, waayo waxay ka tirsan yihiin reer oo ay u adeegayaan.

Iyo arintii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Buur Hakaba taas oo ay aad uga xumaadeen dadka lagu xirey magaaladaas oo isugu jirey dad ganacsato ah iyo dad wadaado culumaa'udiin ah.

Marka waxan Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ee uu Madaxwaynaha ka yahay Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisul wasaarihiisa Prof Ali Maxamed Geedi markale ka codsanynaa in dadkaasi hadii ay dembi leeyihiin maxakamad la soo taago hadii kalena xoriyadooda loo soo celiyo.

Dadweyhanaas oo ahaa dad iska xoogsato ah waayo Dastuurka qarankeena ayaa ku qoran in aan qof dembi la'aan aan la haysan karin 24 saacadood ka badan

Abdurahman Sheikh Ibrahim
Buurhakaba Media: Birminham, UK

WWW.BUURHAKABA.COM