Welcome to BuurHakaba Media |
![]() KULAN AY YEESHEEN JAALLIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE KU NOOL MAGAALAGA TORONTO EE DALKA CANADA AYAGOO XUSEY TAARIIQ NOLOLEEDKII IYO WAX QABADKII MARXUUM MUDANE ABDALLA DEEROW ISAAQ. ![]() Toronto, 07-August-2007@[Buurhakaba Media] Waxaa jaaliyada digil iyo mirifle oo magaalada Toronto shir ay yeesheen dhamaan xubnaha kala duwan ee jaalliyada, waxaana aad loo xusay taariiq nololeedkii iyo wax qabadkii umada soomaliyeed uu u qabtay Abdalla deerow oo ahaa wasiirka dastuurka soomaaliyeed ee dowlada federaalka. Sidaan ogsoonahay marxuum Abdalla waxaa dilay gacan ka gardaran isagoo ka soo baxay salaad jimcaha, dilkaas oo ahaa mid la soo abaabulay kuna saleysan siyaasad (Hired to murder) iyadoo ilaa iyo hada wax baaris ama cadaalad ah laga qabanin maamulka denbi baarista ee dowlada federaalka.iyo maamulka gobolka bay. Waxay umada soomaliyeed meel kasta ay joogaan ay aad oga xumaadeen dilkii loo geystay marxuumka, isagoo ifkana kaga tagay 6 caruur iyo 2 xaas waxaan mar walba illaah oga baryaynaa in janadii fardowsa ka waraabiyo. Magaalada Baydhabo waxaa laga furay dugsi loogu magac daray marxuumka, kaas oo dhigta ilaa iyo arday gaareysa 3000, oo gabdho ah waxaan dhamaan jaaliyada digil iyo mirifle iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee jecel wanaaga iyo horumarka la war gelinayaa in gacan ka geestaan sidii ardaydaas kaalmo ama mucaawino ay gacan oga geysan lahaayeen. Mohamed Maye Mursal |