Welcome to BuurHakaba Media Center

Ismail Muhyadin oo ku guuleyste abaalmarinta muwaadiniinta isku xilqaamey inay wax kaqabtaan bulsha weynta ku dhaqan magaala madaxda labaad ee goboladda dhexe ee dalka Norway magaalada Trondheim.

Trondheim, 06-Des-2007@[Buurhakaba Media] Ismail wuxuu isku xilqaamey siduu isugu soo dhaweyn lahaa bulsha weynta ku dhaqan gobolka oo jinsiyad walba leh siiba dhalinyarada gobolka ee da’doodu u dhaxeys 12-23.

Ismail ayuu ahaa ninkii ka danbeeyey abuurista koox ay ku mideysan yihiin dhalinyaraddaas kala afka, jinsiga iyo diinba ah, tan uu ku mideeyeyna ay aheyd ciyaaraha siiba kubadda cagta.

Muwaadinkan kooxihii uu soo dhisey waxey ka qeyb galeen tartamo caalami ah iyo kuwa qaranba iyagoo matalaya gobolkooda Trondheim, waxeyna soo hooyeen guulo la taaban karo taasna uu Ismail ku muteystey sharaf iyo aqoosiga maanta loogu aqoosadey abaalmarinta uu maanta heley, uuna noqday qofkii ugu horeeyey ee asalkiisu ka soo jeedo dadka laga tirabadan yahay (Han er den første prisvinnaren med minoritetsbakgrunn ).

Ismail Muhyadin waa aqoonyahan u shaqeey isla markaana shaqaale dowladeed ee ka shaqeeya maamulka gobolka Trondheim, howlahan uu bulshada uu ugu shaqeynayana wuxuu isticmaaley waqtiyadiisa faraaqada ah.

Wuxuuna Ismail u mahad naqayaa xaaskiisa Leyla Ahmed Maye, iyo dhamaan dadkii ka caawiyey ee howshaas u fidideeyey ee degen gobolka Trondheim iyo wadanka Norway oo dhan. Ismail Muhyadin Wuxuuna yiri " ABAAL MARINTAN WAA MID AY HESHEY UMADDA SOOMALIYEED EE KU DHAQAN NORWAY".

Jaliyadda Soomaaliyeed ee degen gobolka Trondheim iyo dhamaanba Jaaliyadaha wadanka Norway waxey habalyo iyo bogaadin u dirayaan walaalkood Ismail Muhyadin sharafta uu u soo hoyey dhamaan ummadda Soomaliyeed ee ku nool wadanka Norway. Waxaanu leenahay ilaahay hakaa siiyo ajir!!!.

Halkan ka eeg wargeysyada wadanka Norway waxa ay ka qoreen Ismail Muyadin isagoo Af-Norwegian ah. Riix halkan

Mohamed Ali Mamow
Buurhakaba Media: Oslo, Norway

WWW.BUURHAKABA.COM