Welcome to BuurHakaba Media Center

WIILKA MUSTAQBALKA KUBADDA CAGTA CABDISALAAM CADDAAY OO WACDARO KA MUUJIYEY TARTANKII CIYAARAHA EUROPEANKA EE KA DHACAY DALKA TURKIGA.

Oslo, 02-Feb-2007@[Buurhakaba Media] Tartanka waxaa isugu yimid kooxo ka kala yimid waddamada yurub oo ay ka mid yihiin, Belgium, Greek, Norway, Romania, Slovakia, Spania, Tyrkia iyo Ukrain.

Cabdisalaam Caddaay isagoo gashan funaanadda ku sawiran calanka dalka Noraway kuna ciyaarayey qaranka dalka Norway ayaa ciyaar karti lahayd ka muujiyey garoon aad u qurxoon oo ku yaala magaalada Izmiir ee dalka Turkiga.

Cabdisalaam ciyaartiisa kowaad wuxuu la yeeshay dalka Griigga. Ciyaartaasi oo ahayd ciyaar aad u adag ayaa cabdisalaam caddaay kooxda qaranka ee dalka Norway uga ciyaarayey khadka dhexe. Cabdisalaam maalintaasi wuxuu muujiyey ciyaar wanaag, karti iyo farsamo aad u qurxoon Garoonka waxaa buux dhaafiyey dadweynaha deggan magaalada Izmiir, waxaa intaasi sii dheraa in ay joogeen kooxo baadi goob ugu jira in ay helaan ciyaartoy da\yar oo mustaqbalka lagu xisaabtamo.

Waxaa kaloo halkaasi goob joog ka ahaa ajentisyo fara badan oo iayguna halkaasi ka dhex xulanayey ciyaartiyda ugu wanaagsan si ay ugu iib geeyaan kooxaha yurub ka dhisan. Kooxihi ciyaartoda baadigoobayey ee halkaasi joogay waxay u badnaayeen kooxo ka yimid dalka England sida Manchester City, Manchester United, chelsea, celti, Arsenal, Totenham, Asten Villa, Blackburn iyo kuwo kale oo ka tirsan waddanka Turkiga.

Akhristow ciyaartii ay la yeesheen dalka Norway ee uu u ciyaarayey Cabdisalaam caddaay iyo Griigga waxay ku soo gabagabowday 2 iyo 1 oo ay ku badiyeen dalka Norway. Markii ay ciyaarta dhammaatay ayaa farta ay isugu fiiqayeeen dalaalada ama ajentisyada ciyaartoyda baadigoobta iyo kooxaha Englandba.

Cabdisalaam Caddaay aabihiisa oo aan ka harin meel kasta uu ka ciyaaro, ayaa waxa la soo xiriiray kooxo badan si wiilkiisa loogala wareego, Halkaasi ayaa taleefoonadii lagu kala qortay. Cabdisalaam Cadaay wuxuu ciyaaro tijaabooyin ah horey ula soo sameeyey labo kooxood oo reer England ah, waa Blackburn iyo Manchester City ilaa iyo haddana koox uu oggolaaday ma jirto inkastoo ay labadaba ay aad u xiisaynayaan.

Kooxaha xiisaynaya cabdisalaam oo soo kordhaya ayaa wuxuu goàan gaari doonaa bishan dhamaadkeeda isgaoo la tashanaya aabihiisa Garsoore FIFA Cabdulqaadir caddaay.

Cabdulqaadir caddaay
Buurhakaba Media: Oslo, Norway


WWW.BUURHAKABA.COM