Aqoon isweydaarsi ka dhacey magaaladda Oslo ee wadanka Norway oo ey ka soo qeyb galeen jaaaliyaddaha Soomaliyeed
ee Norway iyo hay’adaha CRD Somalia iyo CARE Somalia.
Oslo, 17-Feb-2007@[Buurhakaba Media]
Kulankaasi oo ay soo abaabuleen jaaliyadda Soomaliyeed ee Norway iyagoo ay horboodayaan gudiga lagu magacaabo Somali Peace Initiativ Group in Norway.
Doodahii laga doodaayey oo ay soo bandhigeen, hay’adaha CRD Somalia oo ka socday Jabriil Ibrahim iyo CARE Somalia oo uu ka socday Mohamed Bashir.
Ay aheyd dood lagu falanqeynayey sidii Soomalida qurbe ku noolka ah ey ugu midoobi lahaayeen sidey wadankoodii hooyo ay wax ugu
qaban lahaayeen. Araadii halkaas leysku weydaarsadeyna ey u ekeyd mid wax ka soo bixi doona.
Jabriil oo ka socdey hay’adda CRD wuxuu yiri Soomalida wadanka gudihiisa jooga waxey aaminsan yihiin
in dhibaatada maanta ka taagan Somaliya ey ka saari karaan dadka dibadaha ku maqan oo iyagu wax bartay eyna
sugayaan inta ey iyagu ka imaanayaan halka somalida dibadaha ku maqana ee la sugayo ey leeyihiin ma socono
ilaa ey kuwaas Somaliya jooga ey xaaladda Dejiyaan oo ey ka dhigaan dalka meel lagu noolaan karo.
Waxaa sidoo kale ay xarunta cilmi baaristu qorsheyneysaa inay kulan balaaran ku qabato magaalada Rome ee dalka
Talyaaniga bisha may ee sanadkan, kulankaasoo ay kasoo qeybgali doonaan Xubno ka socda ururada bulshada rayidka
soomaaliyeed ee Gudaha iyo dibadda kala jooga ayna ka qeybgali doonaan madax ka socota Midowga Yurub gaar ahaan
Luis Mecheal oo ururkaas ugu qeybsan arrimaha banii'aadannimada iyo gargaarka.
Waxaa ka loo kulanka ka Hadley madaxda jaaliyada soomaliyeed ee Norway, dhamaantoodna waxey u mahad naqeen wafdigii soomaliya ka yimid iyo abaabuleen jaaliyadda Soomaliyeed ee
Norway iyagoo ay horboodayaan gudiga lagu magacaabo Somali Peace Initiativ Group in Norway