Oslo, 03-June-2007@[Buurhakaba Media] Kulan uu
gudiga jaaliyadda D&M ee wadanka Norway yeeshey oo lagu taageerey
maamulka loo
magacaawey Gobolka Shabeelaha Hoose, oo uu guddoomiye ka yahay
Dr. C/qaadir Maxamed Nuur.
Kulankaas
oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan wakiiladda jaaliyadda ee gobolada iyo
degmooyinka wadanka Norway, qodobka ugu mihiimsanaa ee halaas leysugu yimid
wuxuu ahaa sidii taageero loogu fidin lahaa maamulka curdanka ah ee u dhashey
dadyowga dega gobolka shabeelaha hoose.
Waxaan soo
dhoweynaynaa maamulka cusub ee laga dhisay gobolka Shabeellada Hoose, annagoo
si buuxda u taageereyno xubnaha maamlka cusub oo hiil iyo hooba la garab taagan.
Waxaan si kulul u cambaareynaynaa beelaha aan u dhalan gobolka oo ku doodaya
inay maamulkaas qayb ku yeeshaan.
Qofka
soomaaliga ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado, dego ama ka ganacsado meel
kasta oo Dalka Soomaaliya ka mid ah, hase yeeshee maamulka iyo talada waxaa xaq
u leh dadka asal ahaan u dhashay deegaan kasta.