Welcome to BuurHakaba Media Center


KULAN AY ISUGU YAMAADEEN QOOMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE UK.


London, 03-June-2007@[Buurhakaba Media]   Waxaa ka dhacay magaalada London ee wadankaan England shir aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tira badan oo ka kal yimid dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay wadankan Enland iyaga oo isugu jirey dhamaan waxgaradka, aqoonyahanada, culumaa'udiinka, dhalinyarada iyo haweenka ku abtirsada beelaha Digil iyo Mirifle ee degan wadanka UK.

Shirkaas oo socday mudo ka badan lix saacadood ayaa ugu horeyntii  waxa uu hambalyo u direy maamulka cusub ee loo magaacabay Gobolka shabeelada hoose iyagoo aad ugu farxay sida cadaalada ah ee loo soo dhisay iyada oo mudnaanata koowaad la siiyay dadka dega gobolkaas sidoo kale waxay ilaahay ugu baryeen in uu xilkooda ilaah la garab galo iyaga sidoo kale ka  codsaday in xilkooda u gutaan si xilkasnimo iyo wadanimo ku jirta.

Waxyaalha kale oo aad loogu lafa gurey waxaa ka mid ahaa in la taageero shirka dib u heshiisiinta ee goor dhaw ka dhacay soomaaliya iyada oo isla meesha lagu magaacbay gudi ka hawl gala isku xirka dhamaan jaaliyada digil iyo mirif ee ku nool qaarada yurub iyo qaaradaha kale iyo sidii uu shirkaas u hoirgeli lahaa.

Waxaa meesha ka hadlay rag badan oo uu ka mid ahaa gudoomiyha qowmiyada Mudane cabdullahi siidow oo meesha ka sheegay taariikhda qowmiyada   isaga si gaar ah u sheegay in ay qowmiyadu tahay dad aad nabada u jecel sidaas darteed ay hormuud  uga noqdaan nabad raadinta soomaaliya isaga oo sheegay in qowmiyada ay ku dadaasho sida soomaaaliya kale la isugu keeni lahaa nabadna wadanka loogu soo dabaali lahaa.

Waxaa kale meesha warbixin aad u dheer ka jeediyay rag badan oo ay ka mid ahaayeen Mudane Axmed C/laahi oo ah xoghayaho odayaasha  iyo rag kale oo badan.

WW.BUURHAKABA.COM