Oslo, 24-June-2007@[Baardhere.com] Kulankaas oo ay isugu yimaadeen
wakiilada Jameecada baardhere ee Scandinavian-ka halkaas oo loga hadley
ajendiyaal fara badan oo ay ka mid ahaayeen arrinta furitaanka shabakadan cusub
iyo xaaladda guud ee cusub ee baardhere iyo Soomaliya.
Marti sharaftii
halkaas isugu timid oo ay meesha ka soo jeeddiyeen mahadnaq dadkii isku
xilqaamay hawshan muhiinka ah oo wax ka tari doonta wacyi gelinta iyo soo shaac
bixinta codka shacbiga iyo jameecada baardhere oo waayadii dambe aan laga
maqlin warbaahinta codkooda xaqqa ah.
Marti sharaftii
halkaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa Dr Omar Abdulkadir Sheikh oo halkaas ka
soo jeediyey taariikhdii magaalada baardhere tan iyo markii la aasaasay
sannadkii 1776 iyo xilliyadii kala duwanaa oo ay soo martey: Gumeysigii ka hor,
waqtiyaddii gumeysiga, waqtigii xoriyadda, xilligii militeriga iyo xilligii
jahawareeka iyo boobka.
Dr Cumar oo ka soo
jeeda baardhere, ahna aqoonyahan ku xeeldheer dadka iyo degaanka baardhere ayaa
caddeyey in website-kan uu ka shaqeyn doono sidii loo maqli lahaa codka
jameecada baardhere oo kulansan, isla markaana loo horumarin lahaa bulshada ku
dhaqan degaanka baardhere.
Waxaa isna halkaas
ka hadley Mudane Abdulaziz Dahir Shabeel, ahana aqoonyahan ka soo jeeda
baardhere aadna loogu yaqaano degmada oo xusay in jameecada baardhere ahayd
maamulkii ugu horeeyey ee laga sameeyey gudaha Soomalia imaanshaha gumeysiga ka
hor oo shaqeynaaya ilaa maanta.
Mudane Abdulaziz
wuxuu intaa raaciyey in Jameecada baardhere hooy u ahayd qoomiyaddaha
Soomaaliyeed ee degaankaas, oo dadka oo dhan u sinaayeen isla markaana ka amar
qaadanaayeen Ulul-Amraha iyo hoggaanka lixda firqo ee jameecada, taas oo illaa
maanta ah midda keliya dadka ay kalsooni ku qabaan, xaqana ah.
Waxaa kaloo
halkaas ka hadley Mudane Abdi Luqman oo ah odey ka mid cuqaasha aadka loo
yaqaano ee degmada baardhere. Wuxuuna faallo ka bixiyey degaanka iyo khayraadka
baardhere, taas oo ay ka koobnaayeen tacabka kheyraadka beeraaha oo u badnaa
dhainaca bari webiga iyo dhaqashada xoolaha oo u badnaa dhinaca galbeed ee
webiga.
Ugu dambeystiina,
waxaa halkaas mahad loogu soo jeediyey agaasimaha Buurhakaba media, Mudane
Mohamed Ali Maamow oo ruuxiisa ka soo jeeda jameecada, kaalinta weyn uu ka
geysatey abaabulka munaasabadan furitaanka shabakada www.baardhere.com
Bashir Mohamed:
Webmaster@baardhere.com