Welcome to BuurHakaba Media Center

Safiirka dowlada Federaalka Soomaliyeed ay u soo magacowday dalka Finland. mudane Ali Qassim Maxamed.

Helsinki, 20-June-2007@[Buurhakaba Media] Anagoo ku hadlayna magaca dadweynaha soomaliyeed ee ku nool wadanka Finland waxaan hanbalyo diiran u diraynaa safiirka dowlada Federaalka Soomaliyeed ay u soo magacowday dalka Finland. mudane Ali Qassim Maxamed

Mudane Ali Qassim waa shaqsi mudo dheer ku noolaa dalkan Finland kana soo qabtay xilal kala duwan ilaa heer wasaaradeed.

Mudane Ali Qassim wuxuu dadaal aad u dheer ka muujiyay sidii soomalida wadanka Finland ku dhaqan ay ula jaanqaadilahaayeen dowlada soomaliyeed ee u curatay ummada soomaliyeed meelkastoo ay joogaan, waxaa dhab ah in ummada soomaaliyeed danteeda guud ay ku jirto in la helo dowlad ku dhisan cadaalad iyo sinaan taana ay hada muuqato.

Dalka Finland waxaa ku nool dadweyne soomaliyeed una baahan safaarad u dooda xuquuqdooda ay kana hawalgasho dalka Finland una fududeyso adeega muwaadinka uu xaq u leeyahay sida cadayanta jinsiyada, dadka soomaliyeed ee ku nool dalka Finland qaarkood waxaa loogu qoraa waraaqda aqoonsiga inaysan cadayan jinsiyadiisa qofka soomaliyeed madaamaa aynan dowlad cadayan kartaa aysan jiri jirin lakiin hada arintaas laga gudbay.

Waxaan dowlada federalka soomaaliyeed uga mahadcelinaynaa magcaabista mudane Ali Qassim ay u soo macaabeen xilkan inuu dalka Finland ka qabto waxaanan rajaynaynaa inay dowlada Finland iyo tan soomaliya ay dib u soo ceshadaan xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada wadan ka dhaxeen jiray qaas ahaan la dagaalanka cudurka dilaaga ee tiibishada iyo mashruucyadii korontada.

Waxaan u rajaynayanaa in mudane Ali Qassim uu xilkiisa u guto si wadaninimo ku dheehan waxaa kaloo ilaahay uga baryaynaa inuu xilkiisa u fududeeyo hawshiisana uu u guto si xilkasnimo leh.

Jama Abduluqadir: E-mail: faadhig@yahoo.com
Buurhakaba Media: Helsinki, Finland

WWW.BUURHAKABA.COM