Marka, 07-May-2007@[Buurhakaba Media] War deg deg ah oo aan helney ayaa tibaaxayaa in Dr. Cabdulqaadir Sheikh Maxamednuur loo magacaabey in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose. Dr. Cabdulqaadir oo muddo dheer u soo halgamey qowmiyadda Aw-Digil assagoo ah Guddoomiyaha DSA (digil Salvation Army) ayaa iminka ku sugan magaalada Muqdisho ka dib markii uu muddo dheer uu ku maqnaa Addis Ababa, Jowhar iyo Baydhabo.

Waxaa kale oo la magacaabey laba Guddoomiye Kuxigeen, Xoggeeye iyo Taliyaha Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa farxad ah in shantii qof oo iminka magacaaban ay yihiin dadka u dhashey Gobolka waana markii ugu horeeysa labaatanka sano oo la soo dhaafey ay dadka Gobolka u dhashey ay hantiyaan maamulka Gobolkooda iyadoo la ogyahay in Gobolkaas uu gacanta ugu jirey beelo ka soo jeeda Gobolada Dhaxe.
Waxaa mar dhow la filayaa in xaflad aad u ballaaran laga sameeyo magaala madaxda Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo loogu dabbaal degi doono guusha weyn ee la soo hooyey.
Wixii faahfaahin ah dibbaan u soo bandhigi doonnaa Insha Allah.
