Welcome to BuurHakaba Media Center

Prof. Cabdurahman M. Cabdullahi iyo Prof. Yahya Haji Ibrahim oo la kulmay jaaliyadaha Norway.

Oslo, 10-May-2007@[Buurhakaba Media] Kulan ay soo abaabuleen Xiriirka Ururada Soomaaliyeed Ee Norway (XUSEEN/SONIN) oo ka dhacay Oslo ayaa waxaa lagu martiqaaday halkaa Prof. Cabdurahman iyo Proff Yahye oo soo gaaray dhowaan dalkan Norway.


Labadan Proffesor oo ka socday Jammacadda Magaaladda Muqdisho ayaa waxay u soo bandhigeen jaaliyahada soomaaliyeed Cilmi baaris ku saabsan dhaqaalaha iyo ganacsiga dhul uu dagaal ka jiro.

Cilmi baaristaan oo ay soo sameeyeen arday soomaaliyeed iyagoo kaashan Prof. Yahye iyo Cabdurahman ayaa ahaa kuwa meelo badan kaa tusin xiriirka ka dhaxeeya Nabada,Dagaalada,Ganacsiga iyo Dhaqaalahaba.

Xiriirka dagaalada iyo dhaqaalaha .

Iyadoo ay dagaaladan geysteen burbur dhan kasta ah, sida dhanka bulshada, horumar iyo hantiba ayaa haddana mar walba waxaa jira qolo ka hesha dhaqaale sida wadamada/shaqsiyaadka ka iibinaya hubka xoogaga ku dagaalamaya soomaaliya. Waxaa soo baxay warlord’ya ka taliya degaano kala duwan oo iyana ganacsi/Contracts/canshuuro ka fuliya meelaha ay ka taliyaan kana helay dhaqaalo fara badan mudadii ay socdeen dagaalada sokeeye.

Xiriirka Ganacsiga, Nabada iyo dagaalada .

Ardadii soomaaliyeed ee sameysay cilmi baaristan ayaa la kulmay shirkado badan oo ka howl gala Muqdisho iyagoo weliba xushay shirkadaha ugu yaraan heysta shaqaale ilaa labaatameeyo ah. Waxyaabihii ay ku soo qaateen cilmi baaristan waxaa ka mid ahaa sida ay shirkadahan dhaqaalo fara badan ugu bixin jireen stuff-ka waardiyeeya hantidooda la'aantoodna aysan marnaba macquul aheyn in la fuliyo howlaha ganacsiga. Awoode dhaqaale oo ay leeyihiin ganacsatadan ayey marna ayid sanaayeen ama ka soo horjeedeen siyaasadaha kala duwan (siyaasad sababta nabad ama dagaal).

Prof. Abdurahmaan ayaa isna warbixin dheer ka bixiyey marxaladaha kala duwan ee uu soo maray dalkeena laga soo bilaabo ka hor intuusan imaan gumeystihii.

Xilligii Hogaamiyo dhaqameedyada .

Soomaalidda inta uusan gumaysigu imaan dalka waxaa ay ahayd qoowmiyad u badan reer guuraa waxaana ay lahayd xeer iyo dhaqan ay umaddu isku xukunto. Hogaan bulshaddana waxaa hayay odayaal dhaqameedka sida Boqorada, Suldaanada, Ugaasyada, Malaaqyada, Webarada iwm.Sidoo kale dadka beeralayda ama xeebaha daga waxaa talada reerka hayay odayaal dhaqameedyada. Tuulooyinka qaarkood waxaa talada hayay culumaa'udiinka.


Xilligii Isticmaarka iyo nidaamka uu uga tagay dalkii.

Markii uu gumaysiga Reer Yurub yimid dhulka Soomaliyeed waxaa uu durbadiiba la yimaadeen maamuladii ka jiray dhulkooda taladii umadana waxaa la wareegay iyaga iyo dad ay u magacaawdeen maamuladii waqtigaa jiray.

Xilligii Isticmaarka iyo nidaamka uu uga tagay dalkii.

Markii uu gumaysiga Reer Yurub yimid dhulka Soomaliyeed waxaa uu durbadiiba la yimaadeen maamuladii ka jiray dhulkooda taladii umadana waxaa la wareegay iyaga iyo dad ay u magacaawdeen maamuladii waqtigaa jiray.

Dowladii xigtay isticmaarka iyo xukunkii military.

Gumaysiga oo xoog ku haystay dhulka soomaalida markii uu talada umada ku wareejiyay dadkii uu tababaray waxaa ay durbadiiba isqabteen odayaal dhaqameed yadii uu talada bulshada kala wareegay. Taasina waxay keentay in ay mucaaradaan xukunka casriga ee uu gumaysigu noo keenay. Taasina waxay sababtay in nadaamkii uu gumaysigu ka tagay uu ka maarmi waayo inuu qanciyo qabiilka iyo kabaqabiiladiisa.

Taasina waxay fashil ku keentay xukuumadii ugu horeeysay ee soomaaliddu yeelato gumaysiga kadib. Fashilkaasna waxaa sabab u ahaa musuq maasuq iyo eex qabiil. 1969kii ayaa waxaa u suuragashay ciidankii xooga dalka soomaaliyeed oo ahaa haykalka dawladeed ee ka badbaaday nadaamka qabaailka. Dadkii magaalooyinka daganaa oo u badnaa dad aqoonleh iyo indheer garad ay aad u soo dhaweeyeen. In uu la wareego xukunkii dalka.

Dhisyna maamul milateri oo la dagaalama nidaamkii qabiilka siina ambaqaaday maamulkii dawladda casriga ahaa ee uu gumaystuhu noo keenay.

Xukinkii milatariga ahaa waxaa awoodiisii wiiqantay markii uu dagaalka la galay Dawladda Itoobiya oo haysatay dhulka soomaaliyeed ee Ogaadeenya loo yaqaan. Waxaa durbadiiba soo baxday inay soo laba kaclaysay qabyaaladii oo ay ku xoogaysatay xukiinkii milateriga ahaa dhexdiisa taasina ay keentay in xukunkaasi u kala jajabo qabaa'ilo iska soo horjeeda.

Taas waxaa tusaale u ah in markii lagusoo fashilmay dagaalkii lala galay Itoobiya ay soo if bexeen jabhadu ku salaysan qabiil oo kasoo horjeestay xukuumadii milateriga ahayd sida SSDF oo asaasantay 1978dii iyo SNM oo aasaasantay 1983dii.


Iyo xukunkaas oo ku sifoobay eexqabiil iyo musuqmaasuq.Dagaalkii qabiiladu wuxuu ku guuleystay in uu burburiyo xukunkii milateriga ahaa ee ku dhisnaa nadaamka xukuumadaha casriga ah ee uu gumaystuhu noo keenay, kadib markii ay jabhadii qabiiliga ahayd ee USC ay ka cayrisay magaalada Muqdisho madaxweeynihii xukumadii milatariga ahayd.

Halkaa waxaa umada soomaaliyeed uga biloowday nidaam cusub oo qabiil ku dhisan ayna hogaaminayaa dagaal oogayaal.

Mudo yar kadibna qabiil walba oo soomaaliyeed waxaa uu yeeshay dagaal ooge isku magacaabay inuu yahay madaxa siyaasada ee reer qansax. Waxayna ku caanbexeen in ay huriyaan colaado qabiil oon dhamaad lahayn iyo isu tanaasulid la'aan si loo dhiso xukuumad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Waxaa soomaalida oo ay hogaaminayaa dagaal oogayaasha siyaasadeed loo qabtay 12 shir oo aysan kasoo bixin wax dawlad ah oo shaqeey. Shirkii 13aad ee dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Carta ee wadanka Jabuuti waxaa la isugu yeeray dhamaan qabaailada kala duwan ee soomaalida oo ay hogaaminayaa odayaal dhaqameedyo, culumaa udiin, ururadda bulshada rayadka ah iyo soomaalida qurbajooga ah.

Waxaa qadacay shirkaas intii badnayd dagaal ogayaasha. Waxaa dhacday dood dheer kadib in ay ergooyinkii isugu yimid meesha oo ahaa 3000 oo qof ay isku raacaan in soomaalidu qabiil isku laysay xukunkoodiina u burburisay qabil dartii. Si arrinkooda loo xaliyana ay lagama maarmaan tahay in xalka laga raadiyo qabiilka. Taasoo ay ergadu isku raacday in ay soomaalidu tahay afar beelood iyo bar ayna lagama maarmaan tahay in hada kadib ay wax ku qaybsato qabiil.

Carta waxaa kaloo la&'isku raacay in arrinkaas lagu qoro dastuurka kumeel gaarka ah. Hada wixii ka dambeeyana soomaalidda wax loogu qaybiyo nidaamkaas kor ku xusan.

Dagaalkii sokeeye, warlordyada, dowladii carte iyo maxkamadaha.

Dawladii Carta waxaa durbadiiba ka hor yimid dagaal oogayaashii hubaysnaa oo diiday in awoodu farahooda ka baxdo.Ayagoo kaashanaya Itoobiya cadawgii soo jireenka ahaa ee soomaalidda waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen inay burburiyaan dawladii soomaaliyeed ee ay soo dhiseen dad matalaya qaybaha kala duwan ee bulsha waynta soomaaliyeed.Waxaa ay ku guuleysteen in Dawladii lagu soo dhisay Carta ay dhaafi waydo magaaladda Muqdisha.

Taariikhdu markay ahay 2004 ayaa waxaa ay dawladii Carta ka codsatay dawladaha IGAD in ay dhexdhaadiyaan dawladda iyo mucaaradka.

Itoobiya oo arrintaas ka faaiidaysanaysa ayaa durbadiiba waxaa ay usuura gashay in ay iska horkeento kalana dirto maamulkii lagu soo dhisay Carta. Waxaan halkaa laga anbaqaaday shirwaynihii 14aad ee loo qabto soomaalida oo ay hogaanka u hayaan Itoobiya iyo Keenya. Durbadiina waxaa mudnaata la siiyay dagaal ogayaashii hubaysnaa si ay u soo xulaan xubnihii ka qayb gali lahaa Barlamaanka ku meelgaarka ah. Awoodii madax dhaqameedkana waxaa lagu soo koobay in ay ansixiyaan waxa ay dagaal ogayaasha hubaysani soo magacaabaan. Dawladii ay hormuudka ka ahaayeen dagaal ogayaashu intii aysan soo dhaafin Nayroobi ayay u kala jabtay laba garab.

Taasina waxaa ay dhaxalsiisay inay u kala guuraan laba magaalo oo kala ah Xamar Iyo Jawhar.

Intii ay labadan garab ku murmayeen arrimihii ay isku qilaafsanaayeen oo ay ugu waynayd in aan ciidamo shisheeye dhulka la keenin. Ayaa waxaa u suuragashay maxkamadihii Xamar ka jiray iyo ganacsatadii oo u arkay keenida ciidama shisheeye in ay khatar ku tahay iyaga iyo danahooda in ay is abaabulaan una diyaar garoobaan ka hortag arrintaa. Durbadiiba waxaa Xamar ka bilawday shirar iyo isabaabul ku wajahan in laga hortago ciidamada shisheeye iyo DFKM ee soo hogaaminaysa.

Waxaa arrintaa khatar iyo in awoodii caasimada laga fara marooqsaday u arkay dagaal oogayaashii Muqdisho. Islamarkiina waxaa ay ku dhawaaqeen isbahaysi la magac baxay Isbahaysiga Ladagaalanka Argagixisada. Dagaal dhowr bilood socday kadib waxaa ay guushii raacday oo la wareegay Xamar iyo inta badan koofurta Soomaaliya Isbahaysigii Maxkamadaha Islaamiga. Durbana bilaabay inay khalkhal galiyaan DFK ahayd ee fadhigeedu markaa ahaa Baydhabo iyo Dawladda Itoobiya.

DFK oo kaashanaysa ciidamo Itoobiyaan ah iyo taakulayn dhinaca milatariga ah oo ay ka heleen Maraykanka ayaa ay usuura gashay inay iyana markooda si sahlan uga saaraan dhamaan meelihii ay mudada yar ku qabsadeen IMI ahaa burburiyayna awoodoodii milateri.

Proff. Yahye iyo Proff Cabdurahmaan ayaa meelo badan ka tusay dadkii halkaa isugu yimid marxalada wadankii uu ku sugan yahay iyo waxa la filan karo mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Gabagabadii ayaa waxaa halkaa loogu mahad celiyey aqoonyahanada soomaaliyeed ee booqashada ku yimid dalkan Norway leyskuna raacay sidii leysugu xiri lahaa jaaliyadaha, aqoonyahanada ku nool dalka dibadiisa iyo jaamacada Muqdisho.

Somalisk Organisasjoners Nettverk I Norge (SONIN)
Buurhakaba Media: Oslo, Norway

WWW.BUURHAKABA.COM