Iyo xukunkaas oo ku sifoobay eexqabiil iyo musuqmaasuq.Dagaalkii qabiiladu
wuxuu ku guuleystay in uu burburiyo xukunkii milateriga ahaa ee ku dhisnaa nadaamka xukuumadaha
casriga ah ee uu gumaystuhu noo keenay, kadib markii ay jabhadii qabiiliga ahayd ee USC
ay ka cayrisay magaalada Muqdisho madaxweeynihii xukumadii milatariga ahayd.
Halkaa waxaa umada soomaaliyeed uga biloowday nidaam cusub oo qabiil ku dhisan ayna hogaaminayaa dagaal oogayaal.
Mudo yar kadibna qabiil walba oo soomaaliyeed waxaa uu yeeshay dagaal ooge isku magacaabay inuu yahay
madaxa siyaasada ee reer qansax. Waxayna ku caanbexeen in ay huriyaan colaado qabiil oon dhamaad lahayn
iyo isu tanaasulid la'aan si loo dhiso xukuumad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
Waxaa soomaalida oo ay hogaaminayaa dagaal oogayaasha siyaasadeed loo qabtay 12 shir oo aysan
kasoo bixin wax dawlad ah oo shaqeey. Shirkii 13aad ee dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Carta
ee wadanka Jabuuti waxaa la isugu yeeray dhamaan qabaailada kala duwan ee soomaalida oo ay
hogaaminayaa odayaal dhaqameedyo, culumaa udiin, ururadda bulshada rayadka ah iyo soomaalida qurbajooga ah.
Waxaa qadacay shirkaas intii badnayd dagaal ogayaasha. Waxaa dhacday dood dheer kadib in ay ergooyinkii isugu
yimid meesha oo ahaa 3000 oo qof ay isku raacaan in soomaalidu qabiil isku laysay xukunkoodiina u burburisay
qabil dartii. Si arrinkooda loo xaliyana ay lagama maarmaan tahay in xalka laga raadiyo qabiilka.
Taasoo ay ergadu isku raacday in ay soomaalidu tahay afar beelood iyo bar ayna lagama maarmaan
tahay in hada kadib ay wax ku qaybsato qabiil.
Carta waxaa kaloo la&'isku raacay in arrinkaas lagu qoro dastuurka kumeel gaarka ah. Hada wixii
ka dambeeyana soomaalidda wax loogu qaybiyo nidaamkaas kor ku xusan.
Dagaalkii sokeeye, warlordyada, dowladii carte iyo maxkamadaha.
Dawladii Carta waxaa durbadiiba ka hor yimid dagaal oogayaashii hubaysnaa oo diiday in awoodu farahooda
ka baxdo.Ayagoo kaashanaya Itoobiya cadawgii soo jireenka ahaa ee soomaalidda waxay geed dheer iyo
mid gaabanba u fuuleen inay burburiyaan dawladii soomaaliyeed ee ay soo dhiseen dad matalaya qaybaha
kala duwan ee bulsha waynta soomaaliyeed.Waxaa ay ku guuleysteen in Dawladii lagu soo dhisay Carta
ay dhaafi waydo magaaladda Muqdisha.
Taariikhdu markay ahay 2004 ayaa waxaa ay dawladii Carta ka codsatay dawladaha IGAD in ay dhexdhaadiyaan dawladda iyo mucaaradka.
Itoobiya oo arrintaas ka faaiidaysanaysa ayaa durbadiiba waxaa ay usuura gashay in ay iska horkeento kalana
dirto maamulkii lagu soo dhisay Carta. Waxaan halkaa laga anbaqaaday shirwaynihii 14aad ee loo qabto soomaalida
oo ay hogaanka u hayaan Itoobiya iyo Keenya. Durbadiina waxaa mudnaata la siiyay dagaal ogayaashii hubaysnaa si
ay u soo xulaan xubnihii ka qayb gali lahaa Barlamaanka ku meelgaarka ah. Awoodii madax dhaqameedkana waxaa
lagu soo koobay in ay ansixiyaan waxa ay dagaal ogayaasha hubaysani soo magacaabaan. Dawladii ay hormuudka
ka ahaayeen dagaal ogayaashu intii aysan soo dhaafin Nayroobi ayay u kala jabtay laba garab.
Taasina waxaa ay dhaxalsiisay inay u kala guuraan laba magaalo oo kala ah Xamar Iyo Jawhar.
Intii ay labadan garab ku murmayeen arrimihii ay isku qilaafsanaayeen oo ay ugu waynayd in aan ciidamo
shisheeye dhulka la keenin. Ayaa waxaa u suuragashay maxkamadihii Xamar ka jiray iyo ganacsatadii oo
u arkay keenida ciidama shisheeye in ay khatar ku tahay iyaga iyo danahooda in ay is abaabulaan una
diyaar garoobaan ka hortag arrintaa. Durbadiiba waxaa Xamar ka bilawday shirar iyo isabaabul ku
wajahan in laga hortago ciidamada shisheeye iyo DFKM ee soo hogaaminaysa.
Waxaa arrintaa khatar iyo in awoodii caasimada laga fara marooqsaday u arkay dagaal oogayaashii Muqdisho.
Islamarkiina waxaa ay ku dhawaaqeen isbahaysi la magac baxay Isbahaysiga Ladagaalanka Argagixisada.
Dagaal dhowr bilood socday kadib waxaa ay guushii raacday oo la wareegay Xamar iyo inta badan koofurta
Soomaaliya Isbahaysigii Maxkamadaha Islaamiga. Durbana bilaabay inay khalkhal galiyaan DFK
ahayd ee fadhigeedu markaa ahaa Baydhabo iyo Dawladda Itoobiya.
DFK oo kaashanaysa ciidamo Itoobiyaan ah iyo taakulayn dhinaca milatariga ah oo ay ka heleen
Maraykanka ayaa ay usuura gashay inay iyana markooda si sahlan uga saaraan dhamaan meelihii
ay mudada yar ku qabsadeen IMI ahaa burburiyayna awoodoodii milateri.
Proff. Yahye iyo Proff Cabdurahmaan ayaa meelo badan ka tusay dadkii halkaa isugu yimid
marxalada wadankii uu ku sugan yahay iyo waxa la filan karo mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Gabagabadii ayaa waxaa halkaa loogu mahad celiyey aqoonyahanada soomaaliyeed ee booqashada ku
yimid dalkan Norway leyskuna raacay sidii leysugu xiri lahaa jaaliyadaha, aqoonyahanada ku
nool dalka dibadiisa iyo jaamacada Muqdisho.
Somalisk Organisasjoners Nettverk I Norge (SONIN)
Buurhakaba Media: Oslo, Norway