Welcome to BuurHakaba Media


Waxaa safar shaqo ah ku soo gaadhay dalka Finland Safiirka u fadhiya Swisarland DKG

Helesinki, 24-Nov-2007@[Buurhakaba Media]  -Yusuf Maxamed Ismaciil (Baribari) Safiirku waxa uu la kulmay Madaxda Baarlamaan Dalkan Finland iyo wasaarada arimaha dibadaeewadanka finland. 

waxaana guul ku soo dhaamaday arimihii ay ka wada hadleen labada dal wuxuuna dalka Finland balanqaaday inuu si hagarlaan ah uga qayab gali doono dib u dhiska wadan soomaliya lana horumarin doono iskaashiga labada wadan gaar ahaa dhinaca diblomaasiyada iyo wadashaqaynta labada dal dibna loo soo celiyo xiriirkii labada dal ka dhaxayn jiray ee xukuumadii Marxuum Siyad Bare ee dalka soomaaliya lahayd oo lasii labo laabo shaqooyinkii ay kawada shaqayn jireeyn sida Caafimaadka iyo Korontada oo ay Gobola badan oo Soomaaliya ah ay hora uga hergaliyeen. 

 

Waxaa kaloo safiirka uu u sheegay baaqashadii gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Sheikh Adan Maxamed Nuur inay ku saabsanayd magacaabista Raiswaaraha cusub sida ugu dhaqasaha badan markuu wakhti u helo uu ku soo booqan doono dalka Finland oo ay dowlada soomaliya ka dhaxayso wada shaqayn waqti badan soo jirtay loona baahanyahay in la sii adkeeyo. Safiirka waxaa kaloo uu dalka Finland madaxdeeda kale hadlay in dadka soomaliyeed ee ku nool dalka Finland ay yihiin dad firfircoon loona baahanyahay in la dhiirigaliyo sida ay uga qayab qaadan lahaayeen dib u dhiska wadankooda iyo horumarka xiriirada labada dal. 

 

Safiirka mudane Yusuf Maxamed Ismail (Yusuf baribari) waxaa xaflad soo dhawayn ah ku maamuustay safaarada dalka Maryankanka ay ku leedahay dalkan Finland qaas ahaan safiirada Dalka Maraykanka oo soo dhowayanta iyo casuumadaasi
kadib Safiirada waxay sheegtay in ay ka go'antahay inay dadka soomaaliyeed ay la samayso xiriir wanaagsan  aduunka oo dhan ayna ku faraxsantahay inay masuuliyiinta dowlada soomaaliyeed soo booqdaan dalka Finland ayna ku guda
jiraan dib u dhiska wadankooda iyo soo celinta kaladanbaynta, cadaalada iyo sharciga.

 

Safiirada waxay kaloo ay ku nuuxnuuxsatay ina hada dunida ay fiirogaar ah ay u yeelatay Dalka Soomaaliya loona baahanyahay in laga faa'iidayasto fursadan madaamaa ay dadka soomaliyeed dhibaato ku soo jireen wakhti dheer Waxaa kaloo ay safiiradu sheegtay inay ku faraxsantahay inay bulshada soomaaliyeed ee ku nool dalkan Finland qaarkood ay caawa xaflada ugu qabato markii ugu horeysay hoygeeda waxaana rajaynaynaa in madaxda imaandoontana sidaas oo kale aan u soo dhawayn doono.

 

Waxaa kaloo xusud mudan in safiirku uu booqdo xafiiska Madaxweynihii hore ee dalka Finland Mudane Matti Ahtisaari isagoo ka codsaday inay ka qaybqaataan dib u heshiisiinta ummadda soomaaliyeed si ay uga baxaan dhibka ay waqti badan ku soo jireen loona dhamayastiro dib u heshiisiinta qaran oo dhab ah.

 

Safiirku wuxuu kula hadlay Jaaliyadaha dalka Finland 21.11.2007 Magaalada Helsinki wuxuu warbixin ka siiyay xaalada dalka uu marayo iyo dhibaatooyinkii ay dowlada ku Meelgaarka lakulantay iyo xaalada uu dalku haatan caga cagaynayo iyadoo dadkii Halkaasi isugu yimidna ay su'aalo badan weydiiyeen Safiirka.

 

Safiirkuna uu dhamaan su'aalihii lawaydiiyay uu ka jawaabay wuxuu kaloo uu usheegay umadii halkaasi isugu timid kuna boogaadiyay in wadanka loo duceeyo gacmahana lay isqabsado oo wadanka soomaali oo dhan baa wada lahee cid gaara aysan lahayn loogana fadhin inay cid gaara u shaqayso walaalaha mucaarad ka nagu ahna ay nala fahmaan dib u dhiska dalka iyo kawada shaqaynta horumarka dalka hadii allaha awoodalihi ogolaado oo gacmo wada jir bay wax ku gooyaane aynu gacmaha is qabsano intaasi ayuu ku soo koobay Safiirku.

 

Hadalkiisi wuxuuna ahaa Safiirka Soomaaliya ufadhiya wadanka Swizerland Mudane Yusuf Maxmed Ismacil (Yusuf Bari bariy).

WWW.BUURHAKABA.COM