
Birmingham,
08-Sept-2007@[Buurhakaba Media]
Waxaa lagu qabtay magaalada Manchester shir ay isugu
yimaadeen gudiga fulinta ee maamulka digil iyo mirifle ee Uk. Kulankaas
waxaa looga wada hadlay waxqabadka maamulka tan iyo markii la aasaasay iyo
arimo kale oo xasaasi ah oo la soo gudboonaaday.
Dood
dheer iyo falanqayn ka
dib gudigu wuxuu go'aan ku gaaray in la qabto shirweyne ay dhamaan jaaliyada
digil iyo mirifle ee ku dhaqan Uk isugu yimaadaan maalinta sabtida ee
taariikhdu ay tahay 16/09/07 laguna qaban doono hoyga shirarka ee magaalada
birmingham.
Gudiga fulinta ee kulankaas isugu yimid waxa ka mid ahaa:
Gudooomiye ku xigeenka maamulka guud ee Didgil iyo mirifle Mr Ali Aden Mohamed
( IIDOW) Gudoomiyaha guud ee golaha odayaasha Malaaq Maxamed abdulaahi abdiyow
Gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha Mr Isaaq Eedin Hassan (Isaaq Doolow) Gudoomiyaha
Gudiga dhalinyarada Mr Sayidali Mohamed Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada
Mr Macalin Abdulahi Moallim. waxaa sidoo kale joobgoog ka ahaa aqoonyaho
iyo wax garad ka tirsan beesha digil iyo mirifle ee Uk.
More pictures click here, sawiradda shirka oo dhan riix halkan