Welcome to BuurHakaba Media |
![]() XIDDIGGA CUSUB EE KUBADDA CAGTA Muqdisho,
29-Sept-2007@[Buurhakaba Media] Xiddigga cusub ee kubadda cagta Cabdisalaam Cabdulqadir Caddaay ayaa markii
labaad ee noloshiis ka qay gelaya isreebreebka ciyaaraha Yurub.Xiddiggan Cusub ee u ciyaara kooxda weyn ee ka dhisan dalka Ingiriiska ee Manchester City FC, ayaa maanta u caraabay dalka Poland isagoo kooxdiisa qaranka ee dalka Norway kala qayb galaya tartanka is reebreebka ciaaraha Yurub under 17ka. Cabdisalaam Caddaay oo sanadkaan horaantiisii u saxiixay heshiis 3 sano ah kooxda Manchester City FC ayaa wacdaro ka dhigay ciyaaraha akademi leaague-ga ee England. Macallamiinta koxda Manchester waxay xaqiijiyeen in Cabdisalaam Caddaay uu ku biiri doono kooxda reserve teamka ee Manchester City. Cabdisalaam Caddaay oo haysta dhalashada dalka Norway ayaa xulkii ugu dambeyey e under 17ka dalka Norway loo xulay bishan september bartamaheeda, yadoo macallinka qaranka Norway uu aad u jecel yahay ciyaarta Cabdisalaam oo khadka dhexe uga ciyaara xulkiisa qaranka iyo kooxdiisa Manchester City FC. Cabdisalaam Caddaay oo ah wiilka soomaaliyeed ee inoogu horeeya ee iyaata kubadda cagta ayaan waxaan u rajaynaynaa in uu her ka gaaro ciyaartan, sida inanka soomaliyeed ee Mo Farah ee haysta dhalashada dalka Ingiriiska, orodkana ka gaaray her caalami.
Cabdisalaam Caddaay iyo familkiisaba waxaan u diraynaa hambalyo, waxaanu
leenahay halkaasi kasii wad Cabdiyow Abdulkadir Ibrahim |