Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacdey caasimada wadanka Mareykanka (Washington DC). Xafladaas oo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha wadanka Soomaaliya Mudane Abdullahi Yusuf Axmed.24-April-2008@[BMC]15:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo soo bandhigay Hub fara badan oo ay ku soo qabteen Dagaaladii Labadii maalmood (Daawo Sawirada). Ciidamada Dowladda Ethiopia ee taageeraya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay Hub fara badan oo ay ku soo qabteen Dagaaladii labadoo maalmood socda ee ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.24-April-2008@[BMC]15:00GMT
Nabadoono dadaalo ugu jiro dhex dhexaadinta Labo beelood oo mar kale dad iska dilay deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe. Nabadoon iyo waxgarad ka soo jeeda Beelaha Abgaal ayaa bilaabay dhex dhexaadinta Labo Beelood oo mar kale dad iska dilay, deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.24-April-2008@[BMC]15:00GMT
Ciidamo Ethiopian ah oo xalay ku hoyday Wadada dheer ee Warshadaha, dibna saaka isaga soo baxay. Ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan, isla markaana Habeenkii xalay ahaa dhaq dhaqaaqyo ka waday ayaa dib isaga baxay, markii ay ku baryeen Wadada Warshadaha.24-April-2008@[BMC]15:00GMT
Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka oo dib uga bilowday Deegaanada Huriwaa ee Gobolka Banaadir. Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka ayaa dib ugu bilowday Deegaanada Degmada Huriwaa, kadib dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay Degmadaas aheyd mid xaaladeedu aheyd mid cakiran.24-April-2008@[BMC]15:00GMT
Barakac baahsan oo ka bilowday Degmada Buulo Burde iyo Ciidamada Ethiopianka oo dhaq dhaqaaqyo ka wada. Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka bilowday barakac baahsan oo ay sameynayaan dadka ku dhaqan halkaas kadib markii Ciidamada Ethiopia bilaabeen dhaq dhaqaaqyo kala duwan.24-April-2008@[BMC]15:00GMT
Wariye Maxamed Shidane "Muddo saddex Bilood ayaa waxaa u xirnaa inaan ku lug lahaa Dilka Afhayeenkii Gobolka Banaadir Maxamed Muxiyadiin". Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Magaalada Muqdisho ayaa dib xuriyadiisii u helay, kadib markii lagu soo eedeeyay Dilka Afhayeenkii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Muxiyadiin Cali.24-April-2008@[BMC]15:00GMT

CODISI WAX U QABASHO WIIL DHALAN HAL BIL KELIYA DHIBAATEYSAN –CABDIXAKIIM MOHAMED YAROW. Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa taariiskhdu markey ahayd 08 March 2008 uu ku dhashay wiil degmada Baidoa. 11-April-2008@[BMC]01:00GMT
Kulan Deeq Aruurin ah oo loo Sameeyey Jaamacada Koofurta Soomaliya ee Baydhabo oo lagu qabtey magaala madaxda sedexaad ee goboladda dhexe ee dalka Norway, magaalada Trondheim.07-April-2008@[BMC]17:00GMT
Danjire Yusuf Maxamed Ismaciil "Bari-Bari" oo u gudbiyey Waraqadihii aqoonsiga Danjirnimo Maareeyaha Guud ee Jimciyadda Qaaruumaha ka dhexeysa saldhiggeeduna yahay magaalada Geneva ee Dalka Swisska.07-April-2008@[BMC]13:00GMT
SHIR LOOGU HADLAY TAAKULAYNTA JAAMACADDA KOONFURTA SOOMAALIYA KA DHACY MAGAALADDA MELBOURNE, AUSTRALIA. Waxaa magaaladda Melbourne, Australia ka dhacay shir loogu hadlay arrimo ku saabsan Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya-Baydhabo.06-April-2008@[BMC]13:00GMT
XAFLAD DEEQ DHAQAALE LOOGU ARUURINAYO JAAMACADDA KOONFURTA SOOMAALIYA EE BAYDHABA OO KA DHACDEY MAGAALADA DEN HAAG EE DALKA HOLAND. Xafladdaas oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda soomaliyeed ee wadanka Holand. Ka qeybgalayaasha xafladdas oo ay ka mid ahaayeen dhamaanba .29-March-2008@[BMC]13:00GMT
Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2009, Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar.  Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota. Xafladaas ayaa ku saabsaneyd soo dhaweynta Musharaxa madaxweynenimada Puntland 2009, Dr. Saleebaan Ciise Axmed oo ku dhawaaqay bishan horaanteedii in uu u taagan yahay doorashada madaxweynenimada Puntland.20-March-2008@[BMC]15:00GMT
Xulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo galabta ka adkaaday Xulka Gobolka Hiiraan ee Tartanka 18aad ee Cayaaraha Gobolada. Cayaaraha tartanka 18aad ee Gobolada ayaa wareegiisa ugu horeeyay ka furmay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo wareegyada kale ee tartanka la filayo in ay ka dhacaan Gobolada kale ee Soomaaliya.16-March-2008@[BMC]21:00GMT
Cabdisalam Caddaay oo u ciyaara Xulka Qranka ee da'dooda ka hooseeysa 17jirka, isla markaana ka tirsan ayaa Kooxda Manchester City FC, ayaa ka qayb galay tartanka ciyaaraha yurub ee ka dhacaya dalka Holland.16-March-2008@[BMC]21:00GMT
Madaxweyne Musaveni"Malaga Fekeri karaa 18-ka bilood ee u harsan C/laahi Yuusuf in la helo Dowlad weyn oo shaqeysa, maxay tahay sababta aad uga daba wareegtaan Dowlad KMG ah" Tusaalooyin uu shirka Intebbi ka socda ku soo bandhigay.13-March-2008@[BMC]17:00GMT
Xoogag Al-shabaab oo weerar culus ku qaasay Bar Koontarool Ciidamada Dowladda ku lahayaeen inta u dhaxeysoa Leego iyo Buur Hakaba. Waabarigii saaka weerar culus ku jiiray Bar Koonatrool ay fadhiyeen Ciidamada Dowladda inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Buur Hakaba.13-March-2008@[BMC]17:00GMT

Qoysaskii ka soo barakacay Dagaaladii Muqdisho ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan Guryahooda.
Qoysas fara badan oo isaga soo cararay Dagaaladii qararaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan xaafadahooda. 30-April-2007@[BMC]11:00GMT

Qeybo ka tirsan Wadooyinka Muqdisho oo furmay, halka kuwa kalena ay wali xiran yihiin. Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa wali xiran, iyadoo qaarkood ay wali ku leeyihiin raadadkii Dagaalada.30-April-2007@[BMC]11:00GMT
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in aanu dhamaan wali iska caabintii lagaga soo horjeeday Ciidamada Ethiopia. Hogaankii Golihii Fulinta Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa ka dhawaajiyay in aanu dhamaan iska caabintii shacbiga Soomaaliyeed ay kula jireen Cadowga Soo jireenka..30-April-2007@[BMC]11:00GMT

Shir jaraa'id uu maanta ku qabtay Ra'iisul Wasaare Geedi xarunta golaha Wasiirada ee magaalada Muqdisho ayuu
dadweynaha ugu baaqay inaysan dib u degin xarumaha dowlada maadaama buu yiri ay yihiin goobo loogu adeego ummada Soomaaliyeed. 30-April-2007@[BMC]10:00GMT

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fkmg ee Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada xarunta Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga warbixiyey safarkii uu ku tagay dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Ethiopia.28-April-2007@[BMC]21:00GMT

War Cad oo kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo uu kaga hadlayo arrimaha Somalia.
War Cad oo kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa kaga hadlay xaalada Magaalada Muqdiso. 28-April-2007@[BMC]15:00GMT

C/llaahi Yuusuf "Dagaaladii Muqdisho wey soo afjarmeen, dadkii ka barakacay Muqdisho waa in ay dib ugu soo laabtaan. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho isagoo ku sheegay shirkiisa jaraa'id inuu aad uga xun yahay dagaalladii ka dhacay Muqdsiho. 28-April-2007@[BMC]21:00GMT
Ciidamada Dowladda oo maanta howl gallo nabad sugid ah ka bilaabay Wadooyinka Aadan Cadde iyo Isgosyka H/wadaag. Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ilaalo ka tirsan kuwa Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta howlgallo ay ku sugayaan ammaanka Muqdisho ka billaabeen Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn koonfurta Soomaaliya.28-April-2007@[BMC]21:00GMT

Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya ayaa xalay loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. 28-April-2007@[BMC]15:00GMT

Qaar ka tirsan Isgoysyada Magaalada Muqdisho oo la soo dhoobay Ciidamo fara badan. Qaar ka mid ah Isgoysyada Caasimada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa Ethiopianka. 28-April-2007@[BMC]15:00GMT
Ciidamada Booliska oo saaka howl gallo isugu jira ammaan sugid iyo baaritaano ka bilaabaya Suuqa weyn ee Bakaaraha.. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). 28-April-2007@[BMC]15:00GMT

Waxaa maalintii shalay ku shirey magaalada Birminham ee wadankaan UK Golaha Beelaha Digil iyo mirifle.
Waxaa shaly oo ay taariikhdu ahayd 26/04/2007 ka dhacay magaalada Birminham ee wadankaan England shir aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tira badan oo ka kal yimid dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay wadankan UK. 27-April-2007@[BMC]15:00GMT


Qof rayida oo lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wararka naga soo gaaraya xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa waxay sheegayaa in hal qof oo rayida ayaa lagu dilay xarunta Gobolka sool ee Laascaanood. Dilkan ayaa lagu saleenayaa anaado qabiil oo ka dhacday Gobolka Baay . 26-April-2007@[BMC]20:00GMT


Ciidamda Dowlada iyo kuwo itoobiya oo gacanta ku dhigay qeybo badan oo ka mid ah magaalada muqdisho.
Ciidamada Dowlada Federaalka oo kaashanaya kuwo Ethiopia ayaa la wareegay deegaanada Fagax, agagaarka Hotel Ramaadaan, degmada Huruwaa, deegaanka Suuqa Xoolaha iyadoo mudo sideed beri ah uu dagaal ka socday halkaasi. 26-April-2007@[BMC]20:00GMT


Prof. Geedi: Dagaalada Muqdisho way soo gabagaboobeen waxaana ku raadjoognaa kooxo yar oo ku dhuumaalaysanayo meelo cayiman.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Fkmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta shirjaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah wuxuuna shacabka reer Muqdisho ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda maadaama buu yiri lasoo afjaray intooda badan dagaalada Muqdisho. 26-April-2007@[BMC]20:00GMT


Dowlada federaalka kmg ee Somalia ayaa maanta biloowday inay raashin mucaawino u qaybiso dadweynihii kasoo.
Barakacay dagaalada Muqdisho ka soconaya iyagoo deegaan ahaan degay Wasaaradii hore ee arrimaha gudaha, waxaana halkaasi ka hadlay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Sayid Aadan. 26-April-2007@[BMC]20:00GMT

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ee is garabsanaya ayaa guulo ka gaaray Dagaalada mudada sideeda maalmood ka soconaya Muqdisho. iyagoo gacanta ku dhigay goobihii ay heysteen kooxihii iyaga ka soo horjeeday. 26-April-2007@[BMC]10:00GMT
Dagaalada ka huraya Magaalada Muqdisho ee galay maalintii 8aad ayaa ku fiday deegaano hor leh. Dagaal kulul oo bilowday xalay abaarihii 4-tii habeenimo ilaa iyo haatan ka soconaya qeybo ka tirsan Magaalada Muqdisho. 26-April-2007@[BMC]10:00GMT
Gaari Saanad Hub ah oo gacanta ku dhigeen Ciidamada Maamulka Maxamed Dheere, xilli uu ku sii jeeday Muqdisho. Dagaalo faraha looga gubtay oo wali ka soconaya Caasimada iyo duqeyn loo geystay Isbitaalka SOS. 26-April-2007@[BMC]10:00GMT
Isbitaalada waa weyn ee Muqdisho oo qarka u saaran in ay diidaan, dhaawacyada . cusub, kadib markii uu la buux dhaafay bukaanadii hore u jiifay. 26-April-2007@[BMC]10:00GMT
Sheekh Shariif oo ka dhawaajiyay in Dagaalada Muqdisho ay soconayaan inta Ciidamada Ethiopia dalka ay isaga baxayaan. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Hogaankii Golihii Fulinta Maxkamadihii Islaamiga ayaa Dagaalada mudada todobaadka ah. 26-April-2007@[BMC]10:00GMT
Kulan lagu joojinayo Dagaalada Muqdisho oo u socda Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ethiopia. Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ethiopianka ayaa uga soconaya Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho. 26-April-2007@[BMC]10:00GMT

Dagaalo goos goos ah oo saaka ka socda qeybo ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Dagaal la isku waabariistay ayaa mar kale saaka dib ugu bilowday goobihii maalmahanba ay dagaaladu ka jireen. 25-April-2007@[BMC]12:00GMT


Meles Zenawi oo sheegay in mashaakilka ka jira Magaalada Muqdisho ay dhalisay Beesha Cayr.
Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa ka hadlay Dagaalada ka soconaya Caasimada Muqdisho.25-April-2007@[BMC]12:00GMT


Qarax weyn ayaa gil gilay Fariisin Ciidamada Ethiopia ku lahaayeen Deegaanka Afgooye, iyadoo qaraxa ka dhacay halkaasina ay ka soo baxayaan warar kala duwan.
Saldhiga qaraxu ka dhacay ayaa sida la sheegay uu ahaa Beer halkaas ku tiil oo mudaba Ciidamada Ethiopianku fariisin u aheyd, waxaana beertaas milkiyadiisa leh C/raxmaan Jaamaca Barre.24-April-2007@[BMC]21:00GMT

Qarax ka dhacay Galabta agagaarka Hotelka Ambassador ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxan ka dhacay Hotelka Ambassador ayaa sida wararku aanu ku heleyno waxa uu ka dhashay Gaari Mark 2 ah oo sida la sheegay laga soo buuxiyay walxaha qarxa.24-April-2007@[BMC]21:00GMT
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalada ka socda Muqdisho ee galay Maalintii lixaad. Maalintii lixaad ayaa Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Ethiopia iyo kooxo ka soo horjeeda ayaa waxa uu ka dhacayaa Magaalada Muqdisho. 24-April-2007@[BMC]21:00GMT
Golaha Wasiirada oo ansixiyey Canshuuro lagu soo rogay shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha. Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Fkmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shir gudoominayey kulan ay galabta yeesheen golaha Xukuumada iyadoo looga hadlay sedex qodob oo kala ahaa Warbixin laga dhagaystay gudi wasiiro ah oo loo xilsaaray arrimaha Dhaqaalaha.24-April-2007@[BMC]21:00GMT

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoo kaga hadlaya arrimaha Dagaalada Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Fkmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoo kaga hadlaya arrimo kusaabsan dagaalada Muqdisho.24-April-2007@[BMC]10:00GMT


Dagaalada Muqdisho ka socday oo xaley deganeyd iyadoo maantana aan la ogayn sida ay wax noqon doonaan.
Magaalada Muqdisho ayaa xaley deganeyd ka dib markii ay dagaalo qaraar ku dhex marayaan Ciidamada Dowlada oo kaashanaya ciidamda Ethiopia iyo kuwa kasoo horjeeda ee Muqaawimada.23-April-2007@[BMC]09:00GMT


Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi
ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaaladan kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho oo ay u dhaxeeyaan ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa dalka Ethiopia.22-April-2007@[BMC]12:00GMT

Xaabsade oo sheegay in garoomada dalka Somalia oo dhan laga soo dagi karo Wasiirka gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Dowlada Federaalka Md. Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa shaaca ka qaaday in la furay dhamaan garoomada macmalka iyo kuwa caalamiga ah ee dalka Somalia inay kusoo dagi karaan diyaaradaha waaweyn iyo kuwa yar yar iyadoo horey loo mamnuucay.22-April-2007@[BMC]12:00GMT

Shaaweeye oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo ahaa kuxigeenka Duqa magaalada Muqdisho ee arrimaha nabadgalyada ayaa dhaawac dartiis ugu geeriyooday dalka Kenya Magaalo madaxda Nairobi.21-April-2007@[BMC]16:00GMT


Magaalada Baydhabo oo lagu soo rogay Bandow habeenkii soconaya.
Maamulka Gobolka Baay ayaa Bandow ku soo rogay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah baarlamaanka Soomaaliya.19-April-2007@[BMC]18:00GMT

Isku dhacyo xoogan oo la isku adeegsaday Madaafiic culus ayaa xalay ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho. Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, inkastoo xalay dagaal la isku adeegsaday Madaafiicda waa weyn uu ka dhacay qeybo ka tirsan Magaalada Muqdisho.19-April-2007@[BMC]18:00GMT
Kooxaha Wax iska caabinta oo aad isu xoojiyay, kadib markii ay madaafiic aan wali la maqlin ay adeegsadeen. Waxaa Magaalada Muqdisho ka taagan cabsi iyo wal wal ballaaran, taasoo la xiriirta Dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho oo sii galaya wajiyo cusub.19-April-2007@[BMC]18:00GMT
Ciidamo Ethiopian ah oo fariisin ka dhigtay Agagaarka Fagax oo ay dagaalo ka jiraan. Ciidamo Ethiopian ah ayaa saaka gudaha usoo galay Xaafado ka tirsan W/Muqdisho, iyagoo fariisin ka dhigtay Agagaarka Hotel Lafweyn ilaa Isgoyska Fagax.19-April-2007@[BMC]18:00GMT
Xuseen Ceydiid "Waxa Muqdisho ka dhacaya waa xasuuq ka dhan ah Bani'aadanimada, waana xasuuqii ugu xumaa ee aduunka ka dhaca" Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Howlaha Guud iyo guriyeynta Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa ugu baaqay Dowladda Ethiopia in dalka isaga baxdo si shuruud la'aan ah. 14-April-2007@[BMC]18:00GMT
Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo hareeyay eedeymo ay isku jeedinayeen Dalalka Eritrea iyo Ethiopia. Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ee shalay ka furmay Magaalada Nairobi ayaa ahaa mid aad u xasaasi u ahaa, iyadoo shirkaas uu si weyn u hareeyay eedeymo culus oo ay isu jeediyeen Dalalka Eritrea iyo Ethiopia. 14-April-2007@[BMC]18:00GMT
Magaalada Muqdisho oo saaka xasiloon, inkastoo xalay Madaafiic iyo rasaas xoogan la isku weydaarsaday. Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka xasiloon, inkastoo ay wali taagan tahay, cabsi dagaal. 14-April-2007@[BMC]18:00GMT
Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka hadlay Dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho. Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa ka hadlay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho. 14-April-2007@[BMC]18:00GMT
Dowladda Talyaaniga oo ku dhawaaqday in ay Lacag ku deeqeyso Ciidamada Amisom ee Soomaaliya howl galada ka fulinaya. Dowladda Taliyaaniga ayaa waxay sheegtay in ay bixinayso lacagta ay ku howlgalayaan ciidammada Nabad ilaalinta ah ee la geynayo Soomaaliya. 14-April-2007@[BMC]18:00GMT

Hawlo balaaran oo ka socda Dekada iyo Garoonka Boosaaso oo uu soo kormeeray Ra'iisul Wasaaraha Somalia.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa kormeer kusoo sameeyey Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso. 12-April-2007@[BMC]15:00GMT


Ganacsatada iyo Madaxda Maamul goboleedka Puntland oo soo dhaweeyey sharciga cashuuraha Dowlada Federaalka usoo bandhigtay.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Ganacsatada reer Boosaaso ayaa maanta kulan ku yeeshay Hotel International Village Boosaaso. 12-April-2007@[BMC]15:00GMT


Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha iyo Maamul goboleedka Puntland oo ka wada hadlaya sharciyada Cashuuraha Dfkmg ay soo jeedisay
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka koobnaa afar wasiir ayaa kulamo la yeeshay Maamulka dowlad goboleedka Puntland. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT


Gudoomiyaha Baarlamaanka federalka Soomaaliya oo doonaya inuu wax ka
bedelo siyaasadhii lagu maamuli jirey beelaha Digil iyo Mirifle. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT


Lataliyaha Dhinaca Siyaasadda iyo Dib u heshiisiinta ee Goddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Md. Maxamed Rashiid Xaaji
Waxaa dhowaan loo magacaabay inuu noqdo Lataliyaha Dhinaca Siyaasadda iyo Dib u heshiisiinta ee Goddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Ku meel gaarka ah. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT

Madaafiic laga hogaaminayo Madaxtooyada oo lagu garaacayo Agagaarka Fagax iyo dagaal goos goos ah oo socda. Madaafiicda BM-ka oo laga hogaaminayo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa si daran lagu garaacayaa Xaafadaha Fagax, agagaarka Hotel Ramadaan, Juungal ilaa jamhuuriya. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT
Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegtay in dib loo dhigay Shirka Dib u Heshiisiinta qaranka. Ururka Jaamacada Carabta ayaa daboolka ka qaaday in dib u dhac uu ku yimid shir weynaha dib u heshiisiinta qarank ee lagu waday inuu dhaco 16-ka bishan April. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT
Hey'addaha Sama Falka iyo Dowladda Soomaaliya oo uu khilaaf soo kala dhex galay. Khilaafkani ayaa yimid kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) laga diiday in Dowladda ay gacanteeda ku qeybiso Deeqaha ay Hey’adaha Samafalka. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT
Maamulka Gobolka Banaadir oo Canshuur Uruurin weli ka qorsheyneysa Magaalada Muqdisho. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa weli wada qorshe ay ku doonayaan in ay canshuuro kaga uruuriyaan Goobo fara badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT
Dagaaladii shaley bilowday Agagaarka Fagax oo yara qaboobay. Dagaaladii shaley ka bilowday Deegaanka Fagax ayaa yara qaboobay, inkastoo la maqlayo rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT
Sarkaal Booliska ah oo maanta gudaha Magaalada Kismaayo toogasho lagu dilay. Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Kismaayo ayaa saaka toogasho lagu dilay gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT
Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen kooxo argagixiso ah iyo Haraadigii Maxaakimta. Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in kooxo uu ugu yeeray in ay yihiin Argagixiso ay dagaalki maanta ka dhacay Fagax ay soo qaadeen. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Dowladda Kmg ah ku eedeeyay in ay dagaalka soo qaadeen. Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa Ciidamada Dowladda Kmg ah ku eedeeyay in ay soo qaadeen Dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Fagax ee W/Muqdisho. 12-April-2007@[BMC]10:00GMT

Saraakiil Ciidanka booliiska oo tababar ugu dhamaaday degmada Carmo oo Ra'iisul Wasaare Geedi u xiray.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi oo ay wehliyeen wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo kuxigeenka madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Md. Xasan Daahir Maxamuud (Afqurac). 11-April-2007@[BMC]16:00GMT

Dagaalo goos goos oo ka socda Agagaarka Isgoyska Fagax ee W/Muqdisho. Dagaal xoogan ayaa goor dhoweyd ka bilaabatay Isgoyska Fagaxa ee W/Muqdisho, kaasoo ku dhex maraya Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda. 11-April-2007@[BMC]16:00GMT

Howlihii Dekeda weyn ee Muqdisho oo wali xanibin, iyadoo Doomo iyo Maraakiib ku xiran yihiin.
Howlo aan sidaas u buurneyn ayaa ka jira Dekeda weyn ee Muqdisho, iyadoo doomo iyo maraakiib sida shixnado ay ku xiran yihiin meel aan sidaa uga dheereyn Dekada. 11-April-2007@[BMC]16:00GMT

Qoysas fara badan ayaa wali ka sii qaxaya Caasimada Muqdisho, xilli xiisado ay soo cusboonadeen. Qoysas fara badan oo gaaraya Boqolaal ayaa ka sii qaxaya guryahooda, xilli xiisado ay soo cusboonaadeen. 11-April-2007@[BMC]16:00GMT

Iska Hor imaadyo saaka ka jira Waqooyiga Muqdisho, kaasoo Ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ay isaga soo horjeedaan.
Rasaas goos goos ah ayaa saaka laga maqlayaa Xaafado ka tirsan W/Muqdisho. kaasoo ay is weydaarsanayaan Kooxaha wax iska caabinta iyo Ciidamada Dowladda. 11-April-2007@[BMC]10:00GMT

Madaafiic iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho. Dagaal hubka noocyadiisa la isku adeegsaday ayaa xalay ka dhacay Agagaarka Stadium Muqdisho ee Xaafada Towfiiq, halkaasoo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopianka. 11-April-2007@[BMC]10:00GMT

Ra'iisul Wasaare Geedi oo safar ku tagay gobolada Puntland si diirana loogu soo dhaweeyey.
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey. 11-April-2007@[BMC]10:00GMT


Ra'iisul Wasaare Geedi oo safar ku tagay gobolada Puntland si diirana loogu soo dhaweeyey.
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey. 11-April-2007@[BMC]01:00GMT


Shir lagu taageerayey dib u heshiisiinta Qaran ee Dowladdu ku dhawaaqdey oo lasoo gabagabeeyey Go'aamana laga soo saarey.
Shir aad u balaadhan oo socday laba maalmood ayaa ka dhacay magaalada Columbus ee gobolka Ohio. 10-April-2007@[BMC]13:00GMT

Kullan lagu sagootinayay Wasiirka Maaliyadda oo lagu qabtay Intercontinental Hotel in London. Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Digil & Mirifle ee ku dhaqan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa lagu qabtay Intercontinental Hotel oo ku yaalla bartamaha magaalada London. 10-April-2007@[BMC]10:00GMT
Ra'iisul Wasaare Geedi iyo Imaam Maxamuud oo ka qeyb galay shir ay lahaayeen Beesha Abgaal oo lagu taageerayey dowlada Federaalka. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, Imaamka Beesha Abgaal Cismaan, Md. Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Malaaqa beesha iyo Ugaaskoodaba, Xildhibaanada iyo wasiirada beesha Abgaal ugu jira Dowlada Federaalka. 10-April-2007@[BMC]10:00GMT
Odayaasha Beelaha Hawiye oo beeniyay in ay xiriir la yihiin Maxaakimta. Xubnaha Beelaha Hawiye ee dadaallada xabadjoojinta ah ka wada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inaysan wax xiriir ah la lahayn Maxkamadihii Islaamiga iyo Mudanaaysha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ee ku sugan Asmara. 09-April-2007@[BMC]16:00GMT
Dad horay uga qaxay Caasimada ayaa bilaabay in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda, halka kuwa kalena ay sii qaxayaan. Dadkii hore uga qaxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ee uu ka socday dagaaladii 4-ta maalmood ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, halka kuwa kalena ay ka sii qaxayaan. 09-April-2007@[BMC]16:00GMT
Mareykanka oo Dowladda Eritrea ku eedeysay in ay hubeynayo Kooxaha wax iska caabinta Somalia. Dowladda Mareykanka ayaa Dowladda Eritrea ku eedeysay in ay hubeyneyso Kooxaha wax iska caabinta Soomaaliya. 09-April-2007@[BMC]16:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi ayaa maanta safar dhanka dhulka ku soo gaaray Magalaada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihiisa ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo kicitimay Magaalada Baydhabo oo ay gaareen Maalintii shalay. 08-April-2007@[BMC]16:00GMT
Wargeyska New Yorka Times oo kashifay war sir ah oo sheegayay Hubkii ay Dowladda Ethiopia u adeegsatay Dagaalkii Maxaakimta ay la gashay oo la kashifay. 08-April-2007@[BMC]16:00GMT
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa soo dhaafay Degmada Afgooye, iyagoo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho. Tan iyo markii ay gaareen Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ethiopianka waxaa si isdaba joog ah usoo gaarayay Magaalada Muqdisho ciidamo fara badan oo Ethiopian ah, kuwaasoo xoojin u ahaa kuwa ku sugan Caasimada. 08-April-2007@[BMC]16:00GMT
Odayaasha Beelaha Hawiye oo gudi qiimeyn ku sameeyay dhibaatooyinkii dagaaladu ay geysteen magacaabay. Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa manta kulan ay isugu yimaadeen ku magacaabay gudi qiimeeya Qasaarooyinkii ay geysteen dagaaladii 4-ta maalmood socday. 08-April-2007@[BMC]16:00GMT
Dhaq dhaqaaq ciidan oo Muqdisho aad looga dareemayo iyo wadooyinka qaar oo xiran. Dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh ayaa saaka laga dareemayaa Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya la soo dhoobay wadooyinka qaar ee Muqdisho.08-April-2007@[BMC]16:00GMT
Jendai Frazer iyo Wafdi ay hogaaminaysay oo booqasho ku yimi magaalada Baydhabo iyadoo kulamo la qaatay Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka.  Gabadha wakiilka uga ah Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika.07-April-2007@[BMC]16:00GMT
Dowladda Brundi oo sheegtay in muddo todobaad gudihiisa ay Ciidamadeeda ugu soo direyso Soomaaliya. Dowladda Brundi ayaa daboolka ka qaaday in muddo todobaad gudahood ay Ciidamadeeda ku geyn doonto Soomaaliya. 07-April-2007@[BMC]16:00GMT
Dooni u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed ayaa madax furasho lagu sii daayay, kadib markii koox Burcad badeed ahi afduubatay todobaad ka hor. Waxaa xalay la sii daayay dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo Axaddii la soo dhaafay laga afduubtay meel ku dhow dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay in doonidaan lagu sii daayay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 45-kun oo Dollar. 07-April-2007@[BMC]16:00GMT
Labo Ruux oo ku dhimatay is rasaaseyn ka dhacday Degmada Afgooye. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay laba ruux oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii saakay kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen dhallinyaro meel ku sheekeysanaysay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose. 07-April-2007@[BMC]16:00GMT
Wasiirka Dib u Heshiisiinta oo sheegay in aanu jirin dib u dhac ku yimid Kulankii Dib u Heshiisiinta Qaran. Wasiirka Dib u Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dib loo dhigay Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Qaran. 05-April-2007@[BMC]22:00GMT
Wasaaradaha Dowladda Federaalka oo bilaabay in ay usoo guuraan Caasimada Soomaaliya. Waxaa socda qorsha ballaaran oo lagu doonayo in Golaha Wasiirada kulankoodii u horeyay ku yeeshaan Caasimada Soomaaliya. 05-April-2007@[BMC]22:00GMT
Eng. Xuseen Ceydiid oo raacay garabkii Shariifka ee ka soo horjeeday Siyaasada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Xubno uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka 1aad Xuseen Ceydiid iyo Sh. Shariif Hogaamiyihii Midowgii Maxkamadaha ayaa ka degay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea. 05-April-2007@[BMC]22:00GMT
Ciidamada Ethiopia iyo kooxihii ka soo horjeeday oo xalay saqdii dhexe madaafiic culus is weydaarsadeen. Daryanka Madaafiicda iyo is rasaaseyn qadaro socotay ayaa hareesay qeybo ka tirsan Caasimada Soomaaliya, iyadoo madaafiicda ay is weydaarsanayeen Ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda. 05-April-2007@[BMC]22:00GMT
Shirweyinihii Dib u Heshiisiinta Qaranka oo la sheegay in dib loo dhigay. Sida ay shaacisay Jariirada Sharqul Awsad ee ka soo baxda Magaalada London ayaa diblo maasi carbeed ka soo xigatay in dib loo dhigay Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Qaran. 05-April-2007@[BMC]22:00GMT
Odayaasha Dhaqanka Beelaha hawiye iyo Saraakiisha Ethiopianka oo kulan ku leh maanta Muqdisho Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ethiopianka ayaa manta kulan lagu dhameystirayo heshiiskii ay hore u gaareen ku yeelanaya Magaalada Muqdisho. 05-April-2007@[BMC]22:00GMT
Qodobo ay isku afgarteen Odayaasha Beelaha hawiye iyo saraakiisha Ethiopianka. Heshiis horu dhac ayay galabta wada gaareen Gudiga Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ethiopianka oo kulan lagu adkeynayo xabad joojintii hal dhinac ka hirgashay. 04-April-2007@[BMC]10:00GMT
Gaari Rakaab ah oo lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Buur Hakaba. Gaari rakaab ah oo sida la sheegay ka tagay Magaalada Muqdisho ayay kooxo hubeysan rasaas la beegsadeen, iyadoo rasaastaas ay dhalisay dhimasho iyo dhaawac. 03-April-2007@[BMC]12:00GMT
Sheekh Shariif oo ka hadlay Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho. Gudoomiyihii Golihii Fulinta Maxaakimta Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay Dagaalada ka socda Caasimada Soomaaliya. 03-April-2007@[BMC]12:00GMT
Muqdisho oo maalintii 2aad ku waabariisatay xaalad degenaansho. Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa maalintii 2aad degan, iyadoo aan wax dagaalo dhicin, inkastoo dhinacyadii dagaalamay ay wali is hor fadhiyaan. 03-April-2007@[BMC]12:00GMT