Dagaalyahaniin Shisheeye iyo Soomaali ah oo la wareegay Gacan ku heynta Deegaan Baar-gaal ee Gobolka Bari.
Xaalada Deegaanka Baar-gaal ee Gobolka Bari ayaa aad u kacsan kadib markii shalay ay ka dageen Dagaalyahaniin Shisheeye iyo Soomaali ah. 31-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Maxamed Dheere " 48-ka saac ee soo socota waa in ay Ciidamada Milateriga uga baxaan Magaalada Muqdisho. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonaan Ammaanka Magaalada Muqdisho. 31-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Saan Saan Dagaal oo laga dareemayo Duleedka Kismaayo iyo Deegaanka Buulo Gaduud. Abaabuloi ciidan oo xoog leh ayaa laga dareemayaa Duleedka Magaalada Kismaayo iyo Deegaanka Buulo Gaduud, iyadoo dhinacyadii hore ugu dagaalamay Kismaayo ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.31-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Kulan Dhaqaale Aruurin ah oo loo Sameeyey Jaamacada Koofurta Soomaliya ee Baydhabo “the University of Southern Somalia @Baidoa”
Xaflad lagu taageeraayo Jaamacadda Koofurta Soomaaliya ee Baydhaba (Southern Somalia University at Baidoa) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus ee Gobolka Ohio.30-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT


Bayaan ka soo baxay Shirka Digil iyo Mirifle ee Columbus Ohio
Waxaa lagu soo gebagebeeyey Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee carriga Mareykanka shir ay isugu yimaadeen xubno fara badan oo ka tirsan qowmiyadda Digil iyo Mirifle eek u nool waqooyiga Mareykanka. 30-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT

Ra'iisul Wasaare Geeddi oo manta Magaalada Abuuja ee dalka Nayjeeriya kaga qeyb galay Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Nayjeeriya. Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ka degay Magaalada Abuuja ee Dalka Nayjeeriya.30-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT
Qarax Xoogan ayaa xalay ka dhacay Deegaanka Huriwaa, kaasoo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda. Qarax ayaa xalay gil gilay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid lala beegsaday Ciidamada Dowladda.30-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT
Meydka Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hiiraan oo saaka loo qaaday Beled Weyn iyo Bulshada rayidka Gobolkaas oo cambaareyay Dilkii shalay loogu geystay gudaha Suuqa Bakaaraha. Maydkii Sheekh Maxamed Muuse Ducaale oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hiiraan ayaa saakay loo qaaday dhanka Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. 30-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT
Kooxo Dabley ah ayaa xalay rasaas huwiyay gaari ay saarnaayeen Dad rakaab oo ku sii jeeday Beledweyn, kaasoo dhaliyay dhimasho Kooxo Dabley ah ayaa habeenkii xalay ahaa weerar ku qaaday gaari Rakaab oo marayay Deegaanka Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kaasoo uu ku sii jeeday Degmada Beled Weyn.30-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT
Miino lala damacsanaa in weerar lagu fuliyo oo saaka laga helay Isgoyska Sanca iyo Ciidamo Ethiopian ah oo halkaas ku sugan. Miino lagu soo qariyay Rooti aad u weyn oo lala damacsanaa in lagu fuliyo weerar ayaa saaka laga helay meel ku dhow Isgoyska Sanca.30-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT

Ra'iisul Wasaare Geeddi oo manta Magaalada Abuuja ee dalka Nayjeeriya kaga qeyb galay Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Nayjeeriya.
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ka degay Magaalada Abuuja ee Dalka Nayjeeriya ayaa waxa ay manta halkaas kaga qeyb galayaan Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Dalkaas loo doortay.29-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Qarax Xoogan ayaa xalay ka dhacay Deegaanka Huriwaa, kaasoo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda. Qarax ayaa xalay gil gilay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid lala beegsaday Ciidamada Dowladda.29-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Meydka Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hiiraan oo saaka loo qaaday Beled Weyn iyo Bulshada rayidka Gobolkaas oo cambaareyay Dilkii shalay loogu geystay gudaha Suuqa Bakaaraha. Maydkii Sheekh Maxamed Muuse Ducaale oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hiiraan.29-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Kooxo Dabley ah ayaa xalay rasaas huwiyay gaari ay saarnaayeen Dad rakaab oo ku sii jeeday Beledweyn, kaasoo dhaliyay dhimasho Kooxo Dabley ah ayaa habeenkii xalay ahaa weerar ku qaaday gaari Rakaab oo marayay Deegaanka Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kaasoo uu ku sii jeeday Degmada Beled Weyn.29-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Miino lala damacsanaa in weerar lagu fuliyo oo saaka laga helay Isgoyska Sanca iyo Ciidamo Ethiopian ah oo halkaas ku sugan. Miino lagu soo qariyay Rooti aad u weyn oo lala damacsanaa in lagu fuliyo weerar ayaa saaka laga helay meel ku dhow Isgoyska Sanca.29-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Diyaarad sida Lacago Shilin Soomaali ah oo manta ka degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Diyaarad kuwa xamuulka ah oo sida Lacago Shilin Soomaali ah ayaa manta ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.28-May-2007-2007@[BMC]18:00GMT

Gudoomiyaha Cusub ee G/Sh/Hoose oo sheegay in ay wax ka qaban doonaan Howlaha Ammaanka ee Gobolkaas. Gudoomiyaha Cusub ee G/Sh/Hoose oo uu dhowaan Ra'iisul Wasaare Geeddi u magacaabay xilka Gobolkaas, ayaa shaaca ka qaaday inuu wax weyn ka qaban doono howlaha ammaanka ee Gobolkaas.28-May-2007-2007@[BMC]18:00GMT

Ciidamada Ethiopia oo xalay Toogasho ku dilay labo wiil oo dhalin yaro ah, kadib markii bam lagu weeraray meel fariisin u aheyd.
Ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh Warshadii Baastada ayaa habeenkii xalay ahaa toogasho ku dilay labo wiiloo dhalin yaro ah.28-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Gudoomiyaha Cusub ee G/Sh/Hoose oo sheegay in ay wax ka qaban doonaan Howlaha Ammaanka ee Gobolkaas. Gudoomiyaha Cusub ee G/Sh/Hoose oo uu dhowaan Ra'iisul Wasaare Geeddi u magacaabay xilka Gobolkaas, ayaa shaaca ka qaaday inuu wax weyn ka qaban doono howlaha ammaanka ee Gobolkaas.28-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Qaraxyo kala duwan oo geystay qasaaro isugu jira dhaawacyo ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxyo kala duwan oo xalay ka dhacay Muqdisho ayaa geystay qasaarooyin dhaawacyo ah oo soo gaaray dad rayid ah oo ka dhawaa goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3-qof oo rayid ah.28-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Meydka Labo Ruux oo labisan dharka Tuutaha oo saaka lagu arkay Degmada Kaaraan. Meydka Labo ruux oo xiran dharka Tuutaha Ciidamada Dowladda ayaa saaka lagu arkay Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.28-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Qaar ka mid ah Shacabka reer Muqdisho oo soo dhoweeyay Safaaradii ay shalay Dowladda Ethiopia ka furatay Magaalada Muqdisho Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa aad usoo dhoweeyay Safaaradii ay shalay Dowladda Ethiopia ka furatay Magaalada Muqdisho.28-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Dowladda Federaalka oo Maamul u magacawday Gobolka Shabeelaha Hoose, oo uu guddoomiye.
Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maamul cusub u magacowday gobolka Shabeelaha Hoose.26-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Kuxigeenada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka bad baaday qarax lala beegsaday kolonyo ay wateen. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara Qaraxii saaka ka dhacay Ex Ctrl Balcad ayaa waxa ay sheegayaan inuu ahaa mid lala beegsanayay kolonyo ay wateen Kuxigeenada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.26-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Qarax xoogan oo saaka ka dhacay Ex Ctrl Balcad. Qarax ayaa saaka abaarihii 8-da subaxnimo xilliga Muqdisho waxa uu ka dhacay Ex Ctrl Balcad ee Magaalada Muqdisho.26-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Seyoum Mesfin oo xalay ku hoyday Magaalada Muqdisho. Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia oo shalay gelinkii dambe safar qarsoodi ku yimid ayaa xalay ku hoyday Magaalada Muqdisho.26-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyo dhowr ah oo xalay ka dhacay Caasimada Soomaaliya. Ilaa 3 qarax oo xoogan ayaa xalay ka kala dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaas ay geysteen dhimasho iyo dhaawac 26-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dood kulul ka yeelanaya meel marinta Gudiga Shirka Dib u Heshiisiinta Qaranka. Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku qul qulaya Magaalada Baydhabo.26-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Bashiir Raage oo ka mid ahaa Xubnihii Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka mid ahaa aas aasayaashii Isbaheysigii La dagaalanka Argagixisada ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kadib muddo 10 bilood ah oo uu ka maqnaa Magaalada Muqdisho.24-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Weerar Bambaano oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay lagu qaaday Saldhiga Degmada Huriwaa. Weerar Bambaano ayaa xalay fiidkii lagu qaaday Saldhiga Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay qasaaro kala duwan. 24-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Nin Ganacsade oo xalay lagu dilay Xaafada Towfiiq ee Magaalada Muqdisho. Nin Ganacsade ah ayaa xalay lagu dilay Xaafada Towfiiq ee Magaalada Muqdisho. 24-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Sheekh Aadan Madoobe "Ma hilmaami doono dadaalkii Dowladda Ethiopia siisay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed" Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Eritrea ayaa Dowladda Eritrea ku eedeeyay taageerida kooxaha ka soo horjeeda Dowladda. 24-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Madaxtooyada Madaxweyne Yuusuf ee Magaalada Baydhabo oo xalay ilaa 70 qori lagala baxay. Wararka naga soo gaaraya Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in xalay saqdii dhexe Madaxtooyada Soomaaliya laga baxsaday ku dhawaad qori oo ay ku jiraan kuwo cul culus iyo kuwo fudud. 24-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Maxamed Dheere oo eedeeyn kulul u jeediyay Odayaasha Beelaha Hawiye
Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa Odayaasha Beelaha Hawiye.23-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda oo saaka howlo baaritaano ka wada Suuq Bacaad. Ciidamada Dowladda Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa saaka howlo baaritaano ka wada Suuq Bacaad oo ah suuqa 2aad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho. 23-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Xildhibaan Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo la sheegay in safar qarsoodi ah uu kaga ambabaxay Magaalada Muqdisho. Warar shalay gelinkii dambe aynu helnay ayaa sheegayay in Xildhibaan Xaaji Muuse Suudi Yalaxow uu safar qarsoodi ah kaga ambabaxay Magaalada Muqdisho.23-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Madaxweyne Geelle oo soo dhoweeyay Shirweynaha Dib u Heshiisiinta qaran. Madaxweynaha Dalka Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Siyaasada Soomaaliya ay yeeshaan wada hadal loo dhan yahay. 23-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Gudoomiyaha Shir Dib u Heshiisiinta Qaran Mudane Cali Mahdi oo sheegay in shirka Dib u Heshiisiinta qaran uu wajigiisii 1aad uu furmay. Gudoomiyaha Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah uu u furmay shirka dib u heshiisiinta qaran.22-May-2007-2007@[BMC]17:00GMT
Bam Gacmeed lagu weeraray Garaash ay ku jireen Askar ka tirsan Dowladda Kmg Soomaaliya. Afar ka tirsan Askarta Ciidamada Dowladda Kmg ah ayaa ku dhaawacantay Bam gacmeed lagu weeraray meel garaash ah oo ay ku sugnaayeen. 22-May-2007-2007@[BMC]17:00GMT
Agaasimaha TV-ga Universal C/qaadir Nadaara iyo Labadii Kaamiramaan oo manta Xabsiga laga sii daayay. Agaasimihii TV-ga Universal iyo Labo kaamiramaan oo muddo ka badan bil Xabsi ku xirneyd ayaa maanta la sii daayay.22-May-2007-2007@[BMC]17:00GMT

Madaxweyne Yuusuf oo Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen balanqadyadii ay hore Dowladiisa ugu fidiyeen.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay gaabiyeen balan qaadyadii ay hore Dowladiisa ugu balan qaadeen in ay gacan ka geysanayaan dib u dhiska dalka.22-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Col. Barre Hiiraale oo beeniyay inuu Magaalada Baardheere ka wado abaabulo ciidan iyo eedeyn kulul oo uu jeediyay Xukuumada Prof. Geeddi. Barre Aadan Shire Hiiraale oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa warar aan sal iyo raad toona laheyn ku tilmaamay in abaabulo dagaal uu ka wado Gobolka Gedo. 22-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Taliyihii Guutada 1aad ee Ciidamada Xooga Dalka C/risaaq Afgaduud oo xilkii laga qaaday. Taliska Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa xilkii ka xayuubiyay Taliyihii Guutada 1aad ee Ciidamada Xooga Dalka C/risaaq Afgaduud.22-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Madaxweynaha Masar iyo Gudoomiyaha Midowga Afrika oo kulan ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya. Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konari iyo Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa waxay kulan ay kaga hadleen arrimaha Soomaliya ku yeesheen Magaalada Qaahira ee dalka Masar. 22-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

BANNAANBAX KA DHACEY NEDERLAND.
WAXAA 19-05-07 MAGAALADA DEN HAAG EE WADDANKA HOLLAND KA DHACEY BANNAANBAX SI WEYN LOO SOO QABANQAABIYEY.21-May-2007-2007@[BMC]15:00GMT


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka u duulay Magaalada Addis Ababa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobey).21-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Xuseen Ceydiid oo sheegay inuusan ka qeyb geli doonin shirka Dib u heshiisiinta qaran inta ciidamada ethiopia ay joogaan soomaaliya. Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Xuseen Maxamed Ceydiid oo ku sugan Dalka Isu taga Imaaraadka carabta ayaa sheegay inuusan ka qeyb geli doono shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ee uu madaxweynaha ku dhawaaqay. 21-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Iska Hor Imaad xalay kooxo maleeshiyo iyo Ciidamada Booliska ku dhex martay Deegaanka ceelsha biyaha. Iska hor imaad hubeysan ayaa xalay waxa uu duleedka Magaalada Muqdisho uu ku dhex maray Ciidamo Boolis ah iyo kooxo hubeysan.21-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Xaalada Ammaan ee Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland oo aad looga deyrinayo. Waxaa aanu shaki ku jirin ammaan daro soo wajahday Deegaanada Puntland oo ay ka jiraan Maamul Goboleed, taasoo ay usii dheer tahay in dhaca iyo boobka ay caadi ka noqotay. 21-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Qarax lala beegsaday gaari ay wateen Ciidamo Ethiopian oo saaka ka dhacay Agagaarka wasaaradii gaashaandhiga Qarax Xoogan ayaa saaka waxa uu ka dhacay Agagaarka Wasaaradii Gaashaandhiga, iyadoo qaraxaas uu ahaa mid lala beegsanayay gawaari ay wateen Ciidamo Ethiopian ah. 21-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Maxamed Dheere oo sheegay inuu ka bad baaday qarax loola damacsanaa in lagu qaarijiyo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere oo shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Gobolka Banaadir .20-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Xaalada Isgoyska Sos oo saaka degan kadib markii xalay qaraxyo is xiga ay halkaasi ka dhaceen. Waxaa saaka degan Xaalada Isgoyska Sos ee Degmada Huriwaa, kadib markii xalayto ay ka dhaceen qaraxyo is xiga. 20-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la sheegay inuu ogolaaday in shirka dib u heshiisiinta qaran ay ka soo qeyb galaan Golihii Maxaakimta. Kadib cadaadis Beesha Caalamka ay ku saartay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayuu madaxweynuhu ku ogolaaday in ay shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ay ka soo qeyb galaan Golihii Maxaakimta Islaamka.20-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Maxamed Dheere oo si dirqi ah kaga badbaaday isku day bam lala damacsanaa in lagu qarxiyo kolonyo uu saarnaa. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa si dirqi ah kaga badbaaday isku day bam lala damacsanaa. 20-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Jaamacada Carabta oo si weyn u cambaareysay Qaraxii dhowaan lala beegsaday Kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM. Ururka Jaamacada Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaarijiyay afar ka tirsan Ciidamada Amisom. 20-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Ergeyga Cusub ee Dowladda Mareykan usoo magacowday Arrimaha Soomaaliya oo ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday Askartii Uganda mid argagixiso ah.
Ergeyga Cusub ee Dowladda Mareykanka dhowaan usoo magacowday Arrimaha Soomaaliya, ayaa falkii lagu weeraray Kolonyadii Ugandeska ahaa ku tilmaamay mid argagixiso ah.19-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Shacabka ku dhaqan Dalka Uganda oo codsaday in dhaqse Ciidamadooda looga soo saaro Soomaaliya, kadib geeridii askartooda. Afti laga qaaday Shacabka ku dhaqan Dalka Uganda ayaa inta badan waxa ay isku raaceen in Ciidamadooda kaga sugan Soomaaliya laga soo daadgureeyo. 19-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Xiisada ka taagan Kismaayo oo laga cabsi qabo in ay isku bedesho gacan ka hadal siyaasadeed. Wali waxaa taagan Xiisadii Magaalada Kismaayo ka jirtay taasoo bilaabatay dhamaadkii bishii April, waxaana haatan socda dadaalo arrinkaa lagu qaboojinayo.19-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibada Talyaaniga u qaabilsan Afrika oo maanta la filayo in ay soo gaarto Magaalada Muqdisho. Wafdi ay hogaamineyso Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibada Talyaaniga u qaabilsan Arrimaha Afrika Patricia Santinelle ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaarto Magaalada Muqdisho. 19-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Taageeridii Reer Minnesota Taageereen Heshiiskii Buurtinle.
Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa xalay waxa ay ka dhacdey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Xafaldaas ayaa waxa soo qabanqaabiyey dumarka ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland. Xafladaas ayaa waxa lagu casuumey mas’uuliyiin kala duwan oo ka soo jeeda beelaha degan Puntland. 18-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT


Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday Ciidamada Uganda.
Midowga Afrika ayaa aad u cambaareeyay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Uganda, maalinimadii shalay. 17-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Allaha u naxariisto wariyeyaal ka tirsanaa Idaacada Jowhar oo lagu dilay Duleedka Degmada Cadale. Wariyeyaal ka tirsanaan jiray Idaacada FM-ka ee Jowhar oo habeen hore lagu dilay Duleedka Degmada Cadale ayaa xalay lagu aasay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. 17-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo dalbaday in Ammaanka suuqaas la sugo, hadii dib loogu soo celiyo Hubkoodii si ay ammaankooda u sugtaan. Ganacsatada ku dhaqan Suuqa Bakaaraha ayaa qaati ka taagan Kooxo burcad ah oo ku haya Dhac iyo boob. 17-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Bandowgii lagu soo rogay Degmada Huriwaa oo xalay si rasmi ah u dhaqan galay. Bandow xalay lagu soo rogay Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir ayaa noqday mid si wanaagsan u dhaqan galay sida ay sheegayaan madaxda maamulka Gobolka Banaadir oo bandowgaas ku soo rogay Degmada Huriwaa. 17-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Kolonyo ka tirsaneyd Ciidamada Amisom ee Uganda oo qarax xoogan lala beegsaday.
Qarax xoogan ayaa lala beegsaday Kolonyo galbineysa Ciidamada Amisom ee Uganda, xilli ay marayeen Meel u dhow Wasaaradii Hore ee Maaliyada. 16-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe. Lix ruux oo ku geeriyootay Gawaari galbineysa Gudoomiyaha G/Sh/Dhexe oo tacshiiradi ay dhex martay Kooxo Maleeshiyo ah. 16-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Uganda oo baaq ujeediyay Dalalka hore u balan qaaday Ciidamada. Madaxweynayaasha Uganda iyo Soomaaliya ayaa shir jaraa'id ah oo si wada jir ah ugu qabteen Magaalada Kampala ayaa waxa ay baaq ugu jeediyeen dalalka aan wali ciidamada usoo dirin Soomaaliya. 16-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Col. Barre Hiiraale oo ay galbinayaan Ciidamo fara badan iyo gawaari dagaal oo gaaray Magaalada Baardheere.
Col. Barre Aadan Shire Hiiraale Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga oo ay la socdaan Ciidamo fara badan iyo gawaari dagaal ayaa gaaray Magaalada Baardheere. 15-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT

Qaramada Midoobey oo quburo baarta Xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho usoo direysa. Qaramada Midoobey ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay usoo diri doonto quburo ay ku sheegtay in ay baari doonaan gabood faladii iyo xasuuqii Ciidamada Ethiopia ka geysteen Magaalada Muqdisho intii uu dagaalka socday. 15-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT
Ganacsadata Suuqa Bakaaraha oo qaati ka taagan Hab dhaqanka Ciidamada Dowladda, iyadoo dhowr jeerna dhac iyo boob ka geystay suuqaas. Waxaa soo baxeysa qeyla dhaanta ay Ganacsatadu ka muujinayaan Ciidamada Faraha badan ee daadsan wadooyinka Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxeyna ku cataaween in Ciidamadu ay caadi ka dhigteen inay dadka dhacaan iyagoo lebisan dharka Ciidamada. 15-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT

Xaflad Furitaan iyo Hooy Lagu Deeqay Jaamacadda The University of Southern Somalia @ Baidoa.
Waxaa ka dhacay Hotel Eeden ee magaalada Baidoa maalintii ay taariikhda ahayd 05/05/07 xaflad ay munaasabadu ahayd qorshe lagu dhisaayo Jaamacadda, The University of Southern Somalia @Baidoa (USS-Baidoa). 14-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT

Allaha u naxariisyo Gudoomiyihii Degmada Huriwaa oo ay xalay kooxo Hubeysan ay ku dileen Magaalada Muqdisho. Gudoomiyihii Degmada Huriwaa C/llaahi Shiikhow Xasan ayaa xalay kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Muqdisho.. 14-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT
Meles Zenawi "Ciidamadeenu waxa ay Soomaaliya ka soo baxayaan, marka ay dhameystirmaan Ciidmada Midowga Afrika". Dowladda Ethiopia oo Soomaaliya ay ka joogaan kumaan kun ciidamadeeda ah ayaa ku dhawaaqday in ay Ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya, marka ay soo dhameystirmaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya. 14-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Magaalada Baydhabo ka wada dhaq dhaqaaqyo uu Baarlamaanka kula xisaabtamayo Dowladda. In ka badan 70 xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ayaa wada isku day uu Baarlamaanka kula xisaabtamayo Dowladda. 14-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT
Xiisad dagaal oo ka jirta Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa wali taagan Xiisado dagaal oo u dhaxeysa Labo beeleed oo wada dega G/Sh/Dhexe, waxaana beelahan 3-dii maalmood ee la soo dhaafay dagaalo kulul uu ku dhex marayay Deegaano ka tirsan Gobolka. 14-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT
Mss Frazer oo sheegtay in loo baahan yahay in wax laga bedelo Hogaanka Dowladda, lana helo Hogaanka ay dadku ku qanacsan yihiin. Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika Mss Jendayi Frazer ayaa waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in wax laga bedelo Hogaanka sare ee Dowladda Federaalka.14-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT

Xaalada Magaalada Kismaayo oo kacsan, Rasaas xoog badan oo ka dhaceysa Magaalada.
Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa xalay iyo saaka aheyd mid aad u kacsan, iyadoo Magaaladuna ay ku waabariisatay rasaas aad u xoog badan oo Magaalada oo dhan laga wada maqlayo. 13-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT

Dagaal qaraar oo labo beeleed ay ku dhex marayaan Deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe. Dagaalo beeleedyo geystay dhimashada lix ruux iyo dhaawaca tobaneeyo kale ayaa waxa uu ka ololayaa deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe.13-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo xilalkii loogaga xayuubiyay Xuseen Ceydiid iyo Col. Barre Hiiraale.
Wareegto Ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa xilka looga xayuubiyay Xuseen Ceydiid iyo Col. Barre Hiiraale. 12-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo dalbaday in Ciidamo suga ammaanka suuqaas loo soo diro, kadib markii falal ammaan daro ay ka bilaabatay Suuqaas. Iyadoo Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha Hubkii ay ganacsigooda ku waardiyeysanayeen.12-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT
Howlo Canshuuro lagu uruurinayo oo saaka ka bilowday Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Sh/Dhexe. Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa saaka waxaa markii u horeysay muddo dheer kadib lagu arkay howl canshuuro uruurin ah, taasoo ay qaadayaan Ciidamo Minishiibiyo ah. 12-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT
Isku Duwaha Howlaha Bani'aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobey oo ku soo fool leh Magaalada Muqdisho. Isku Duwaha Guud ee Howlaha Gar gaarada xaga Bani aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobey Mr John Holmes ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho. 12-May-2007-2007@[BMC]11:00GMT

Danjire Fall iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Francois Lonseny Fall iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka la filayaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho. 11-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo maanta Qab qabtay Goobaanle iyo Cirfo. Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo is kaashanaya ayaa goor dhoweyd Gudaha Suuqa Bakaaraha ka qab qabtay rag aad ugu dhowaa Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya. 11-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo ku gadaaman Suuqa Bakaaraha, howl galna ka wada halkaas. Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa saaka howl gal baaritaan ka wada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada Ethiopia ay ku gadaaman yihiin suuqaas. 11-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo faarujiyay Deegaanka Suuqa Xoolaha. Waxaa dib u bilowday dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Suuqa Xoolaha oo maalmihii la soo dhaafay fariisin ciidan u aheyd Ciidamada Ethiopia, iyadoo xaalada suuqaasna ay iminka tahay mid degan. 11-May-2007-2007@[BMC]16:00GMT

Prof. Cabdurahman M. Cabdullahi iyo Prof. Yahya Haji Ibrahim oo la kulmay jaaliyadaha Norway.
Kulan ay soo abaabuleen Xiriirka Ururada Soomaaliyeed Ee Norway (XUSEEN/SONIN) oo ka dhacay Oslo ayaa waxaa lagu martiqaaday halkaa Prof. Cabdurahman iyo Proff Yahye oo soo gaaray dhowaan dalkan Norway. 10-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT

Qarax aad u xoogan ayaa sawaxankiisa saaka mar kaliya laga wada maqlay magaalada Muqdisho. Qarax weyn ayaa saaka abaarihii 8-da subaxnimo aad u gil gilay Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaas meelo aad u fogna laga wada maqlay. 10-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT
Ciidamada Dowladda Kmg ee fariisinka ku leh Xaafada Suuqa Xoolaha oo la weeraray xalay. Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda ku lahaayeen Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho. 10-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT
Faah faahin ku aadan qarax xalay ka dhacay wadada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo loo qab qabtay dad gaaraya ilaa 90 ruux. Qarax Xoogan oo xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in loo qab qabtay dad dhowr ah oo gaaraya ilaa 90 ruux. 10-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT
Dowladda Uganda oo wacad ku martay in ay Ciidameeda kala baxeyso, hadii aan la keenin ciidamada kale ee Amisomo ee wali harsan. Dowladda Uganda oo ay Dalka Soomaaliya ka joogaan 1,500 oo askari nabad ilaaliyeyaal ah ee ka socda Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ay Ciidamadeeda kala baxeyso hadii aan la dhameystirin Ciidamada kale ee Midowga Afrika. 10-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT
Jen. Cabdi Qeybdiid "Cidii Gurigeeda Hub ku qarsata, Dowladdu waxa ay la wareegi doontaa Gurigeeda iyo Hubka". Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka dhawaajiyay in Cidii Gurigeeda hub ku qarsata hubkaas iyo gurigaba ay Dowladda la wareegi doonto. 09-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT
Qarax Bam oo goor dhoweyd ka dhacay Qeybta Dawada ee Suuqa Bakaaraha, xilli halkaasi ka socotay howlo lagu bur burinayo Dhismayaasha Sharci darada Qarax Bambaano ayaa goor dhoweyd ka dhacay Qeybta Dawada ee Suuqa Bakaaraha, xilli halkaas ay ka socotay Howl gal lagu bur burinayo Dhismayaasha Sharci darada. 09-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT
Ciidamada Dowladda Kmg ah ee ku sugan Wadooyinka Magaalada ayaa bilaabay in ay si qasab ah Haweenka Soomaaliyeed uga furaan Indha Shareerka. Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugaya ammaanka Wadooyinka Muqdisho ayaa waxay maalintii labaad wadaan in ay indho shareerka ka qaadaan haweenka waddooyinkaas maraya.09-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT
Xaalada Isgoyska H/Wadaag ayaa saaka degan, kadib markii xalay halkaasi ka dhaceen weerar Bambaano. Waxaa saaka degan Xaalada Isgoyska H/Wadaag, kadib markii xalay weerar Bambaano ay ka dhaceen.09-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT
Maamulka Cusub ee G/Sh/Dhexe oo mar kale ay ka soo dhex muuqdeen Xubnihii Maamulkii Hore ee Maxamed Dheere. Iyadoo shalay si rasmi ah loogu wareejiyay Xilka G/Sh/Dhexe Maamulka Cusub ee G/Sh/Dhexe uu Ra'iisul Wasaaraha u magacaabay, ayaa hadana waxaa la arkay xubno maamulkii hore Maxamed Dheere uga tirsanaa oo ku soo biiray Maamulkaas Cusub. 09-May-2007-2007@[BMC]20:00GMT

Jen. Cabdi Qeybdiid oo ku eedeeyay qaraxii shalay lagu weeraray Ciidamada Booliska in ay ka dambeeyaan Maxkamadihii Islaamiga.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ku eedeeyay Qaraxii shalay lala beegsaday Ciidamo Boolis ah oo joogay Isgoyska Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho inuu ahaa mid ay soo abaabuleen xubnihii ka haray Maxkamadihii Islaamiga ee kol hore laga adkaaday. 08-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Dad looga shakiyay qaraxii shalay lala beegsaday Kolonyo Ciidamada Booliska la socdeen oo la qab qabtay. Ilaa iyo 60 ruux oo u badan rag dhalinyaro ah ayna ku jiraan dumar ayaa Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka qab qabteen Xaafadaha H/wadaag iyo W/dhiigley.. 08-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Ciidamada Dowladda KMG oo saaka wada howl gal ay ku bur burinayaan Goobaha Ganacsiga ee wadooyinka ku yaal Black Sea. 16-kii sano aynu soo dhaafnay ayaa dadka Soomaalida waxay caadi ka dhigteen inay goobo ganacsi ka furtaan agagaarka waddooyinka Magaalada muqdisho,iyagoo ka faa’ideysanaya Maamul la'aantii dalka ka jirtay, waxaana waddooyinka dhinacyadiisa laga furay dukaamo yar yar oo laga ganacsado.08-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Maxamed Dheere "Maalinta Jimcaha ayay Ciidamada Milateriga Dowladda iyo kuwa Ethiopia uga baxayaan Gudaha Muqdisho, waxaana la geyn doono Xerooyin". Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa ku dhawaaqay in dhawaan gudaha Magaalada laga saari doono Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaaliya marka laga reebo Ciidamada Booliska ee ka howlgali doono gudaha Magaalada Muqdisho..08-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Munaasabad Xilka uu ku wareejinayo Maamulka Maxamed Dheere xilka G/Sh/Dhexe oo ka socota Magaalada Jowhar. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) iyo Guddoomiyaha Maamulkii uu Ra'iisul Wasaare Geeddi u magacaabay Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka ambabaxay Muqdsiho iyagoo ku sii jeeda Jowhar oo ay ka dhacayso xafladda wareejinta Maamulka Shabeellada Dhexe.. 08-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Gobolka Shabeelaha Hoose: Guddoomiye iyo Guddi Cusub.
War deg deg ah oo aan helney ayaa tibaaxayaa in Dr. Cabdulqaadir Sheikh Maxamed Nuur loo magacaabey in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose. 07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT


Xafladii caleema saarka gadoomiyaha jaaliyada Dighil iyo Mirifle ee wadanka Saudi Arabia.
Waxaa magaalada jiddah ee dalka sacuudiga lagu qabtey munaasabad caleemo saar gadoomiye. 07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT

Qarax ka dhashay Miino dhulka lagu aasay oo lala beegsaday Gaari ay la socdeen Ciidamo Boolis ah. Qarax ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday Ciidamada Booliska Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya. 07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT
Ciidamada Ethiopia Labo Bakhaar oo Hub ah kala baxay Suuqii Hubka ee Cirtoogte. Ciidamada Ethiopia ayaa goor dhoweyd waxa ka rarteen Hub fara badan Labo bakhaar oo hubka lagu keedinayay, kaasoo ka tirsanaa Bakhaarada Hubka ee Suuqii Cirtoogte. 07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT
Maxamed Dheere oo Ganacsatada Gobolka Banaadir ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin Afduubka loo geysto Maraakiibta Xeebaha Mara. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Ganacsatada Gobolka Banaadir ku eedeeyay in ay gacan siiyaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee afduubata Maraakiibka.07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT
Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Odayaasha Beellaha Hawiye ee hore isku aragti ka ahaa Dagaaladii Muqdisho. Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay Odayaasha Beellaha Hawiye ee hore isku aragtiga ka ahaa Dagaaladii Muqdisho ka socday ee loogala soo horjeeday Ciidamada Ethiopia.07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ayaa saaka waxa ay baaritaano xoogan ka wadaan Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Huriwaa. Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopianka ee saaxibada ah ayaa saaka markii u horeysay Howl gallo ballaaran ka bilaabay Deegaanaka Suuq Xoolaha iyo Huriwaa . 07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT
Maamulka Hore ee Maxamed Dheere ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa walii ka biya diidan inuu wareejiyo xilka Gobolkaas. Wali waxaa muuqata is mari waa ku aadan arrinta Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ilaa iyo haatan xaaladeeda ay sii galeyso wado dheer. 07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nin lagu sheegay in dhalashadiisu tahay Falastiini oo lagu qabtay J/Hoose. Warar kala duwan ayaa ilaa iyo haatan ka soo baxaya nin dhalashadiisa lagu sheegay inuu yahay Falastiin oo shalay lagu qabtay Deegaanka Buulo Gaduud ee dhacda Duleedka Kismaayo. 07-May-2007-2007@[BMC]21:00GMT

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo maalintii 2aad ku sugan Magaalada Muqdisho
isagoo wada hadalo la qaatay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. 06-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Kulan maanta Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku yeelanayaan Madaxweyne Yuusuf iyo Odayaasha Beelaha Hawiye. Iyadoo kulankii ay shalay yeelan lahaayeen Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf uu dib u dhac ku yimid. 06-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Dadka dhowaan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee hore uga barakacay oo ay la soo deristay dhibaatin xagga nolosha iyo dhac iyo Hanadadaad ay kala kulmayaan Ciidamada Dowladda. 06-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Dhaq Dhaqaaqii Ganacsi ee Suuqa Hubka Cirtoogte oo gaabis ku imaanaya. Tan iyo markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopianka ee is garabsiinaya ay xaqiijiyeen gacan ku heynta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa yaraaday dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee Suuqa weyn ee Hubka Cirtoogte.06-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Maamulka Cusub ee G/Sh/Dhexe ee uu Ras'iisul Wasaare Geeddi magacaabay oo maanta u baqooli doona Magaalada Jowhar. Iyadoo la sheegayo in xoogaa xurguf hoose ay ka taagan tahay arrinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe. 06-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo maalintii 2aad ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoo wada hadalo la qaatay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. 06-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Qarax weyn oo xalay ka dhacay meel u dhow Hotel Ampassador rr Magaalada Muqdisho
Qarax sawaxankiisa xalay laga wada maqlay Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Ampassador ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo ah meelaha ay degan yahay Xubnaha Dowladda Kmg ah. 05-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT

Abaabulo Dagaal oo ay wadaan dhinacyadii hore ugu dagaalamay Magaalada Kismaayo. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in abaabulo dagaal oo xoogan ay wadaan labadii dhinac ee hore ugu dagaalamay Magaalada Kismaayo. 05-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT
Maxamed Dheere "Qof Hub ku dhex qaadan kara Ma jirto Gudaha Magaalada Muqdisho oo aan aheyn Ciidanka Qaranka" Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay inuusan maamulkiisu aqbalayn in Muqdisho wax hub ah lala dhex maro, waxaana uu sheegay in ciddii lagu qabto sharciga la hor-geyn doono. 05-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT
Nin Soomaali ah oo ku xiran Xabsiga Guwantanamo Bay ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Ururka Al-qaacida Muwaadin Soomaali ah oo lagu Magacaabo Guuleed Xasan Axmed, isla markaana ku xiran Xabsiga Guwantanamo Bay ayaa beeniyay inuu xiriir la leeyahay Ururka Al-qaacida. 05-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT

Xildhibaan Muuse Suudi oo dhaliilsan Siyaasada Dowladda Kmg ee ku aadan Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir
Warar aanu si hoose u helnay ayaa sheegay in Xildhibaan Xaaji Muuse Suudi Yalaxow uu si aad ah u dhaliilsan yahay siyaasaddda dowladda KMG ee ku wajahan magaalada Muqdisho. 03-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT

Afhayeenka Ciidamada Amisom oo sheegay in dhowaan ay Ciidamada Ethiopia kala wareegi doonaan Goobaha ay gacanta ku hayaan. Afhayeenka Ciidammada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan Captain Paddy Ankunda ayaa daboolka ka qaaday inay ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM la wareegayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidammada Ethiopia. 03-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT
Prof. Geeddi oo dadaal ugu jira sidii uu mar kale xil uu ugu dhiibi lahaa Hogaamiyeyaashii Dagaalka. Warar ku dhow dhow Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegaya in Ra'iisul wasaaruhu uu wado qorshe uu ku doonayo inuu xilal wasiirnimo ugu magacaabo hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ee horay xailalkooda waayay. 03-May-2007-2007@[BMC]10:00GMT

Dadka tahriib doonka ah oo weli ku sii qulqulaya magaalada boosaaso.
Tiro koox koox usocda dhalinyaro ubadan ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxay soo gaarayaan magaalada boosaaso dhalanyaradaan ayaa badanaa waxaay ka imaadeen koonfurta soomaaliya qaasatan magaalada muqdisho. 02-May-2007-2007@[BMC]12:00GMT


Ciidamada Midowga Afrika ayaa maanta socod dheer ku soo maray goobihii ay dhowaan Dagaalada ka dhaceen.
Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa manta markii u horeysay socod dheer ku soo maray qeybo ka tirsan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 01-May-2007-2007@[BMC]17:00GMT

Xildhibaanno cusub oo maanta loo dhaariyay xilka Xildhibaanadii Xilkoodii laga qaaday dhowaan. Xildhibaanno tiradoodu gaarayso 6-xildhibaan ayaa loo dhaariyay maanta xilka Xildhibaanadii xilkoodii laga qaaday dhawaan, waxaana xildhibaannadan cusub lagu hordhaariyay golaha Baarlamaanka. 01-May-2007-2007@[BMC]17:00GMT