Waxaa xayiraad lagu soo rogey dhaqdhaqaaqa ‘tiknikada’ ay wadan jireen mas’uuliyiinta ka hartey maamulkii hore ee ‘Indhacadde’ islamarkaasna ku jira maamulka cusub ee Shabeellada Hoose,
waxaana mas’uuliyiintaas ka mid ah Jaamac Baloow, Nuuriye Cali Faarax iyo Cali Ganey.30-Aug-2007@[BMC]19:00GMT


Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose: "Dhuxuloow Haddii uu la Shaqeeyo IDJ waa Arrin Assaga u Gaar ah".
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/qaaddir Sheekh Maxamednuur ayaa ka warbixiyey nabadgelyada Gobolka.30-Aug-2007@[BMC]15:00GMT


Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran oo maanta lagu wado in lagu soo gaba gabeeyo Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis.
Shirkii Dib u Heshiisiinta Beelaha Soomaalida uga soconaya Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo la filayo in ay ka soo qeyb galaan Madaxda Dowladda iyo wafuud ka socota Beesha Caalamka.30-Aug-2007@[BMC]10:00GMT

Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho oo saaka xiran, iyadoo Ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Soomaali la soo dhoobay. Waxaa saaka xiran qeybo ka mid ah Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamadii ugu faraha badnaa la soo dhoobay qeybo ka mid ah Isgoysyada magalaada.30-Aug-2007@[BMC]10:00GMT
Faahin faahin dheeraad ah oo ku aadan Iska hor imaadyo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday oo xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhacay.Iska hor imaad aad u qaraar ayaa habeenimadii xalay ka dhacay qeybo ka ah Magaalada Muqdisho, kaasoo si daran la isugu adeegsaday Madaafiicda iyo hubka fud fudud.30-Aug-2007@[BMC]10:00GMT
Ergooyinka Shirka Dib u Heshiisiinta oo qeylo dhaan ka keenay xeritaanka Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran.Qaar ka mid ah Ergooyinka Beelaha Soomaalida uga qeyb galaya Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ayaa qeylo dhaan xoogan ka muujiyay xeritaanka Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran oo maanta la filayo in la soo xero.30-Aug-2007@[BMC]10:00GMT

Xildhibaanada Beelaha Digil&Mirifle oo si cad uga soo horjeestay Qorshe wasiirka Isboortiga Dowladda Federaalka uu hordhigay Baarlamaanka ee ahaa in Magaca Garoonka Kubada Cagta ee Dr Ayuub ee Baydhabo laga bedelo.
Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa si caro ah uga soo horjeestay hadal uu maanta ka jeediyay Fadhigii Baarlamaanka Wasiirka isboortiga.30-Aug-2007@[BMC]01:00GMT

Cali Mahdi oo ku dhawaaqay in maalinta Berrito ah la soo gaba gabeyn doono shirka dib u heshiisiinta qaran.Gudoomiyaha Shir gudoonka Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Soomaalida uga soconaya Magaalada Muqdisho Cali Mahdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri la soo gaba gabeyn doono shirka dib u heshiisiinta qaran.30-Aug-2007@[BMC]01:00GMT
Qaraxyo maanta ka kala dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad oo sababay dhimashada ilaa 8 ruux oo labo ay tahay askar ka tirsan Booliska. Qaraxyo maanta ruxay Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ayaa geystay dhaawacyada ilaa 8 ruux oo labo ay aheyd askar ka tirsan Booliska.30-Aug-2007@[BMC]01:00GMT
Gudiga Howl Galka iyo Nabadgelyada G/Banadir oo sheegay in Ciidamo fara badan ay geyn doonaan Degmooyinka xiisadaha culus ay ka taagan yihiin. Iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ay qaati ka taagan yihiin Weerarada iyo iska hor imaadyada lagala soo horjeedo, ayaa hadana Maamulka G/banadir uu wadaa qorshe ay ku xakameynayaan goobaha xiisadaha kaga furan.30-Aug-2007@[BMC]01:00GMT

Odayaasha Hawiye garabka mucaaradsan oo sheegay inuu fashilmay shirkii dib u heshiisiinta.
Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka mucaaradsan ayaa sheegay inuu fashilmay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida oo haatan maraya heer gabo gabo.29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Dowladda Federaalka iyo Maamulka G/Banadir oo ku guuleysan la' xasilinta Caasimada, xilli kooxaha wax iska caabinta ay u babac dhigayaan xoogaga Ethiopia iyo kuwa Dowladda. Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wali maara u la' xakameynta kooxaha ka soo horjeeda oo habeen iyo maalin weeraro dhiig ku daata ku soo qaada.29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Dowladda Ethiopia ayaa Dalka Eritrea ku eedeysay in ay wali hubeyneyso Dagaalyahaniinta Islaamiyiinta ah ee ka dagaalmaya Soomaaliya. Dowladda Ethiopia ayaa si kulul u weerartay Siyaasada Dowladda Eritrea ee colaad xoogan u dhaxeysa, iyadoo ku eedeysay in ay wali hubeysan kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar oo xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay. Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho. Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa Saldhiga Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Ciidamada Ethiopia oo saaka xiray wadooyin halbowle u ah isu socodka Caasimada Muqdisho kadib dagaalo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada.
Waxaa guud ahaan xiran waddooyinka gala Xaafadaha Suuqa Xoolaha, SOS, Heliwaa iyo Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo meel walba ay taagan yihiin Ciidamada waddanka Ethiopia ee jooga Magaalada Muqdisho.29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan "Waxaan xusul duub ugu jirnaa inaan dhisno Xisbo Siyaasadeed oo mucaarad ah. Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu hogaamiyo Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in ay dhisi doonaan xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah.29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Saraakiil ka socota Dowladda Brundi oo Muqdisho u timid qiimeynta Xarumaha la dejinayo Ciidamada Brundi ee ku soo fool leh. Saraakiil sare oo ka socda Dowladda Brundi ayaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray, iyadoo socdaalkooda lagu sheegay qiimeynta goobaha la dejinayo Ciidamada Brundi ee ku soo fool leh Caasimada Muqdisho.29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Dad kor u dhaafaya lix ruux oo maanta ku dhimatay Qaraxyada qul qulatooyinka iyo rabshadaha ka aloosan Caasimada Muqdisho. Waxaa sii badanaya dad u geeriyoonaya qaraxyada iyo rabshadaha qul qulatooyinka ah ee ka taagan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo sababa dhimashada ugu yaraan 10 ruux maalin walba.29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan "Beesha Cayr waxaa laga dhigay nin dhintay, nin dhaawacmay iyo nin cararay, waxaana cadeynayaa in shirka dib u heshiisiinta aanan tegin, ilaa inta. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah Ugaas Beesha Cayr ayaa shaaca ka qaaday in dadka u dhashay Beesha Cayr ay noqdeen kuwa la dilay, qaar isaga cararay dalka iyo kuwa xiran.29-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo ku guulaysta siidayntii sadexda gudoomiye dagmo ee Buurhakaba Diinsoor iyo Qasaxdheere.
Prof Talxa oo dadal dheeraad ah u galay siideenta sadaxda gudoomiye ayaa sheegay in ay wax dimbi ah laheeyn loona xiray tuhuno ay soogud biyeen sirdoonka dowlada kumeelgaarka. Halkan ka dhageyso wareysigii uu Radio Xusho la yeeshay Prof Maxamad Cumar Talxa. 28-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Booliska Magaalada Baydhabo oo baaritaano ku haya cidii ka dambeysay Weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday Hotel ku yaal Magaaladaas.Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo ayaa wada howlo baaris ah oo ku aadan cidii ka dambeysay weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Hotel ku yaal Magaaladaas.28-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Sheekh Xasan Dahir Aweys "Ciidamadeenu waxaa loo tababaray in ay toogtaan Cadawga, ee ma toogtaan shacabka rayidka ah".
Hogaamiyihii Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa beenayay in kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ay ka dambeeyaan dilalka dadka shacabka ah.28-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Ciidamada Booliska oo toogasho ku dilay 3 nin oo weerar bambaano ku soo qaaday fariisin Booliska ay leeyihiin.Weeraro loo adeegsaday Bambaanooyin kala duwan ayaa xalay laga maqlayay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ahaa kuwo lagu bartilmaameedsanayay fariisimaha Ciidamada Dowladda.28-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Baaritaano saaka ka bilowday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay xalay dagaalo culus ka dhaceen.Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa ka socda Baaritaano ay sameynayaan Ciidamada Dowladda, kadib dagaalo qaraar oo xalay ka dhacay deegaano dhowr ah.28-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Maamulka Gobolka Baay oo damiin ku sii daayay 3-dii Gudoomiye Degmo ee dhowaan la xiray
Maamulka Gobolka Baay ayaa sheegay in damiin uu ku sii daayay saddexdii Gudoomiye Degmo ee dhowaan la xiray. Gudoomiyaha Gobolka Baay Xaaji Barbaar ayaa sheegay in ay sii daayeen Saddexda Gudoomiye ee qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolkaas. 27-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Deegaanka Suuqa Xoolaha oo ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Somali la dul dajiyay iyo baaritaano ka socda halkaas. Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo qeybo ka mid ah Degmada Huriwaa oo noqotay meelaha xiisadaha adag kaga furan yihiin Dowladda Soomaaliya ayaa saaka ku waabariisatay Ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Somali.27-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamada Booliska Degmada Xamar Weyne oo toogtay mid ka mid ah kooxo saaka bam ku weeraray saldhiga Afar irdood.Qarax bam ayaa saakay lala beegsaday saldhigga 4 irdood ee degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasi ninkii ka dambeeyay ay toogteen ciidamada booliska ee saldhiga la weeraray. 27-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Abwaan Caan ka ah Soomaaliya, kana mid ahaa Hoboladii waaberi oo maalintii 3aad ku xiran Xabsiga Magaalada Baydhabo. Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (Yusuf Yare) oo ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliya ayaa maalintii 3aad ku xiran Xabsiga Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.27-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Maamulka Gobolka Baay oo wada qorshayaal uu dib u dejin ugu sameynayo Ganacsatadii laga kiciyay Suuqii Godey.Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Baay, isla markaana ah xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya inuu ka socdo qorshayaal dib u dejin loogu sameynayo ganacsatada Gobolkaas.27-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
The Southern Somali Union (SSU) is an advocacy organization dedicated to fighting occupation, economic genocide and environmental degradation in southern Somalia.
SSU is outraged by the recent episode of human rights violation inflicted against honorable district commissioners of Dinsor, Burhakaba, and Qansaxdheere.26-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

C/fataax Shaaweeye oo ka bad baaday qarax miino loo dhigay oo ay ku geeriyootay Arday Iskuulo ku sii jeeday oo ka dhacay Deegaanka Gubta.
Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Sabriye Shaaweeye ayaa goor dhoweyd ka bad baaday qarax miino loo dhigay. 26-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Meydka Nin Rayid ah oo xalay laga helay Buundada Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.Meydka Nin rayid ah ayaa habeenimadii xalay laga helay Buundada 1aad ee Degmada Xamar Jajab ee Magalaada Muqdisho.26-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Suxufiyiinta Soomaaliyed oo baqdin badan ka qaba xaaladda Magaalada Muqdisho, xilli ay sii kordheyso Ugaarsi iyo Hanjabaad kulul oo lagu haayo Suxufiyiinta.Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa weli wal wal iyo walbahaar ka muujinaya xaalada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, tan iyo markii la dilay Agaasimayaashaa Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital Voice. 26-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Mid ka mid ah Gudoonka Shirka Dib u Heshiisiinta oo xalay kooxo sita Dareyska Ciidamada Dowladda ay ka dhaceen gaarigiisa.Mid ka mid ah Gudoonka Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran beelaha Soomaalida ayaa xalay dhac loo geystay gaarigiisa.26-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Banaan bax looga soo horjeeda Xariga Gudoomiyeyaasha Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Baay oo ka dhacay Degmada Diinsor.Dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo xariga Gudoomiyeyaasha qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Baay ayaa ka dhacay Degmada Diinsoor.26-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Labo ka mid ah Ergada ka qeyb galeysa Shirka Dib u Heshiisiinta oo lagu
dabiibayo Mid ka mid ah Cusbitaalada Muqdisho, xilli dhaawacyo ay ka soo gaareen Bambanooyin lagu weeraray. 25-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Baaritaano xoogan oo ka socda Deegaanka Ceelasha Biyaha, xilli Maxamed Dheere uu sheegay in dadka ku barakacay halkaas ay xiriir la leeyihiin Argagixiso.Warar goordhaw oo saaka naga soo gaaray Ceelasha Biyaha ee Degmada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano. 25-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Qal qal ku yimid ganacsigii Suuqa Bakaaraha, iyadoo halkaasna goor dhoweyd ay ka dhaceen qaraxyo is xiga.Dhawaqa ilaa Labo qarax ayaa si weyn looga maqlay gudaha Suuqa Bakaaraha. 25-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ka qeyb galata Kulanka Dib u heshiisiinta Qaran ee maanta wajigiisa labaad dib u furmay.Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb qaadanaya, kulanka Dib u Heshiisiinta qaran oo maanta galay wajigiisii labaad.25-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Khilaafkii ugu xooganaa ee dhinaca shidaal qodista oo soo kala dhex galay Dowladda Kmg ah iyo Maamulka Puntland.Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.25-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Gudoomiyeyaashii Degmooyinka Buurhakab, Diinsoor iyo Qansaxdheere oo maalintii 5-aad ku jira xabsi ku yaala Baydbabo Waxaa maalintii 5-aad ku xiran xabsi ku yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Bay guddoomiyeyaashii degmooyinka Buurhakaba, Qansaxdheere iyo Diinsoor oo ka tirsan degmooyinka gobolka Bay .25-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha D&M oo cambaareeyay Xariga ujeeda la'aanta ee lagula kacay Mas'uuliyiintii Degmooyin ka mid ah Gobolka Baay.Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa si kulul u cambaareeyay xariga ujeeda la'aanta ah ee lagula kacayo Mas'uuliyiin ka tirsan Degmooyinka Gobolka Baay.25-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Xildhibaanada Digil iyo Miriflle oo Cambareyn Kulul u Jeediyey Maamulka Gobolka Baay.
Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Miriflle ee ku jira Golaha Baarlamaanka ayaa maanta cambaareyn kulul u jeediyey Maamulka Gobolka Baay ka dib markii ay xireen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Diinsoor, Buurhakaba iyo Qansaxdheere. 24-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Dagaal ay adeegsadeen Ciidamada Ethiopia Madaafiicda BM-ka iyo kuwa ka dhaca Taangiga oo xalay ka dhacay Muqdisho. Dagaalo qaraar oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay Magaalada Muqdisho si weyn looga dareemay, kaasoo ahaa dagaal toos ah. 24-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Sheekh Shariif oo sheegay in Maxkamadaha islaamka aysan ku lug laheydn dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Caasimada Muqdisho. Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa iska fogeeyay in Maxkamadaha ku lug leeyihiin dilalka abaabulan ee ka dhaca Caasimada Soomaaliya. 24-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Cadde Gaabow "Weli waxaan ahay Duqa Muqdisho, waxa keliya ee leyga qaaday waxay aheyd howlihii aan Dowladda u hayay, balse duqa waa u dhalasho mooyee ma ahan xil laga hayo Muqdisho". Duqii Hore ee Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya howl galada ay ka wado Magaalada Muiqdisho.24-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Ururka Midowga Afrika oo maanta kulan leh Arrimaha Soomaaliya, xilli rabshadaha ka jira Muqdisho ay sii xoogeysanayaan Ururka Midowga Afrika ayaa maanta la filayaa in Magaalada Addis Ababa ugaga furmo kulan ay uga hadlayaan dalka ay colaadaha la dageen ee Soomaaliya.24-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Gudiga uu Madaxda u yahay Cali Mahdi oo la sheegay in laga la’ yahay Lacagtii Ergooyinka Shirka (Ergooyin qarka u saaran in ay Goboladooda dib ugu laabtaan lacag la'aan awgeed).
Waxaa isa soo tareysa qeyla dhaanta ay muujinayaan Ergooyinka shirka Dib u Heshiisiinta iyo Milkiilayaasha Hoteelada iyo guryaha ay degan yihiin Ergooyinkaas oo wali aanan helin Gunooyinkii loogu tala galay. 23-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay inuusan waxba kala socon Hadalada Ra'iisul Wasaaraha sheegayo ee ahaa in Muqdisho qad cagaaran laga sameyn doono. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuusan waxba kala socon qorshaha uu wato Ra'iisul Wasaaraha ee Magaalada Muqdisho loogaga dhigayo qad cagaaran. 23-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Faahin faahiin dheeraad ah dagaal xalay dadka Muqdisho dhulka la gil gilay oo ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Dagaal xoogan oo dadka Muqdisho dhulka la gil gilay ayaa xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kaasoo si daran la isku weydaarsaday Hubka culus iyo kuwa fud fudud.23-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Dowladda Kmg oo ku dhawaaqday in ay ballaarineyso Howl galadeeda Muqdisho, kadib Kooxaha Ka soo horjeeda oo kordhiyay weerarada ay ku qaadaan xarumaheeda. Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay ballaarineyso Howl galada ballaaran ee ay ka fuliso Magaalada Muqdisho, kadib markii ay bateen weerarada kaga yimaada Kooxaha ka soo horjeeda.23-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Weerar Hubeysan oo xalay lagu qaaday Guriga uu degan yahay Jeneraalka ugu sareeya Ciidamada Ethiopia.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar hubeysan oo xalay lagu qaaday guri uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Jeneraalka ugu sareeya Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya.22-Aug-2007@[BMC]20:00GMT

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo saaka kooxo Hubeysan ay ku toogteen Degmada Yaaqshiid.Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa saakay Kooxo hubeysan ay ku toogteen Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.22-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Madaxweyne Yuusuf oo ka horyimid Hadalkii Jendayi Frazer, kuna tilmaamay in ay Dowladiisa ka been sheegtay.Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka horyimid eedeymo ay Dowladiisa u soo jeedisay haweeneyda Arrimaha Afrika u qaabilsan Mareykan Mss Jendayi Frazer.22-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Maamulka Gobolka Bay oo xabsiga dhigay sadax Guddoomiye degmoWararka ka imaanaya xarunta gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sheegaya in saldhiga dhexe ee Baydhabo la dhigay Guddoomiyeyaasha degmoyinka Buur-Hakaba, Diinsoor iyo Qansax Dheere.22-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Bambaanooyin saaka lagu weeraray Kolonyo iyo Taangiyeyaal ay la socdeen Ciidamada Ethiopia oo sababtay dhaawaca dad rayid ah.Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa lala beegsadayo Kolonyo iyo Taangiyeyaal ay la socdeen Ciidamada Ethiopia, kuwaasoo ka soo shiraacday Xerada Maslaxa ee Duleedka Magaalada Muqdisho.22-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
PRESS RELEASE: The kidnapping of Abdulhafid Sheikh Hussein – The Chairman of Diinsoor District Council. We have received information concerning the kidnapping and unlawful detention yesterday of the Chairman of Diinsoor District Council Mr. Abdulhafid Sheikh Hussein. We have received news that he is being held in solitary confinement and incommunicado at a facility in Baydhabo, the headquarters of Baay Province.22-Aug-2007@[BMC]20:00GMT

Condoleeza Rice Waxaan aaminsanahay in bilaabashada Wajiga 2aad ee shirka uu yahay qariirada Nabada ee looga gudbayo
Khilaafaadka u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda. Xogahahaya Arrimaha Dibada Mareykanka Mss Condaleeza Rice.21-Aug-2007@[BMC]20:00GMT

Wasiirka Garsoorka Xasan Dhimbil oo si kulul u weeraray Siyaasada Maxamed Dheere, isagoo tilmaamay in xilka uu hayo aanu u qalmin.Wasiirka Garsoorka Dowladda Soomaaliya Xasan Dhimbil Warsame ayaa si kulul u weeraray Siyaasada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, isagoo tilmaamaay in aanu u qalmin xilka uu hayo.21-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Mowjado isugu jira qaraxyo,rabshado iyo dilal wali ka sii soconaya Magaalada Muqdisho, xilli Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay kaabiga nagu soo heyso.Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo noqotay Magaala madaxda caalamka mida ugu nasiibka xun ayaa waxaa ka sii holcaya qul qulatooyinka habeen iyo maalinba dhaca.21-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Ciidamo ka gadooday Dowladda oo gawaari fara badan ku xayiray Deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.Ciidamada ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka gadooday Maamulka G/Sh/Hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay u xayiran yihiin gawaari fara badan kadib markii ay dhigteen Isbaaro.21-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Mid ka mid ah Nabadoonada Beesha Murusade oo Dagaalada ka socda G/gaduud iyo Hiiraan ku eedeeyay Gudoomiyaha Hiiraan Dabageed.Nabadoon Axmed Salaad Cali oo ka mid ah Nabadoonada Beesha Murusade ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.21-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Baraawe oo Xuddun u Noqotey Kooxaha Dowlladda ku Kacsan: Magaalada ku taalla koonfurta Goblka Shabeellada Hoose ee Baraawe ayaa waxay haatan xarun u tahay kooxaha Dowlladda ku kacsan ee dagaalada culus ka wada Jubbooyinka iyo Gobolka Banaadir.21-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Gobolka Jubada Dhaxe oo ay isku Haystaan Saraakiil ka Wadatirsn Ciidamada Militeriga DFKMG ah:Saraakiisha ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka ee ku suagn Gobolka Jubbada Dhaxe ayaa isku haysta cidda xaqa u leh hoggaaminta ciidamda Gobolka ku sugan.21-Aug-2007@[BMC]20:00GMT

Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf. Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi oo kulan albaabada u xiran ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada.20-Aug-2007@[BMC]20:00GMT

Maxamed Dheere "Maxamed X. Xaad iyo Axmed Diiriye gudiga ay leeyihiin madaxaa u nahay ayaa ka mas'uul ah dhibaatada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu eedeeyay Odayaasha Dhaqanka Hawiye iyo Baarlamaanka Xorta ee Asmara.20-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo markii Labaad ka bad baaday isku day lagu qaarijin lahaa.Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa maanta markii labaad si layaab leh uga bad baaday isku day lagu qarxin lahaa gaari uu watay oo marayay Gudaha Degmada Kaaraan.20-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Warbixin ku saabsan Weeraro Hoobiyayaal iyo iska hor imaadyo dhiig badan ku daatay oo xalay Muqdisho ka dhacay.Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaya weeraro Hoobiyeyaal oo lagu qaaday Xarun ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.20-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Wasiir ka tirsan Xukuumada Geeddi oo lagu tilmaamay inuu yahay Al-qaacido, xaaskiina lagu amray in ay tuurto indha shareerka.Wasiir ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la sheegay in Ilaalada Madaxtooyada Baydhabo ay ku tilmaameen inuu yahay Al-qaacido.20-Aug-2007@[BMC]20:00GMT
Qarax Xoogan oo saaka ka dhacay meel 100 talaabo u jirta Xarunta Shirka Dib u Heshiisiinta.Qarax Xoogan ayaa goor dhoweyd ka dhacay agagaarka Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ee Degmada C/casiis, iyadoo qaraxaas ay warar kala duwan ka soo baxayaan.20-Aug-2007@[BMC]20:00GMT

Dhimasho aan caadi aheyn oo ku timid geelii wadanka Sacuudi Caraabiya.
Ilaa boqolaalo geel ah ayaa ku geeriyoodey wadanka Sacuudi Caraabiya maalmihii nasoo dhaafey, lamana oga sababta. 19-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Khilaaf la sheegayo inuu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha oo si weyn looga hadal haayo Magaalada Muqdisho (Muxuu ku saabsan yahay khilaafka).Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemay khilaafka soo kala dhex galay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi.19-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Sheekh Aadan Madoobe oo ugu baaqay Kooxaha Dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho in ay Dowladda la hadlaan.Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay kooxaha dagaalada ka wada Muqdisho in ay wada hadalo la galaan Dowladda Soomaaliya.19-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamada Gobolka Banaadir oo ka mas'uul ah dhibaatada barakicinta ah ee lagu hayo Dadka degan Degmada Huriwaa.Ciidamada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyay in ay ka mas'uul yihiin Dhibaatooyinka, isugu jira dhaca, boobka iyo barakicinta lagu hayo Dadka degan Deegaanka Huriwaa.19-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Warar dheeraad ah oo ka soo baxayay dhawaqa Qarax xoogan oo goor dhoweyd laga maqlay Xarunta Maamulka G/banadir.Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax bambaano oo si xoogan looga maqlay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir, xilli uu gudaha xarunta uu ku sugnaa Maxamed Dheere.19-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Rasaas ay fureen Ciidamada Booliska Dowladda oo ay ku dhinteen dad rayid ah Suuqa Degmada Huriwaa.Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya oo maanta gaaf wareegayay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa oo ah goobaha ay weerarada ugu yimaada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia.19-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalo ka socda Bartamaha Soomaaliya.Wararka ka imaanaya Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu marba marka ka dambeysa uu sii weynaanayo Dagaalada u dhaxeeya Beelaha Xawaadle iyo Murusade.19-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Nabdoon Macalin Haaruun oo goor dhoweyd Muqdisho lagu dilay.
Allaha u naxariistee waxaa goor dhoweyd Magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoonkii Beesha Warsangeli Abgaal Nabadoon Macalin Haaruun Macalin Yuusuf Beerey.18-Aug-2007@[BMC]23:00GMT

Maamulka Degmada Balcad oo albaabada isugu dhiftay Xafiiskii Hey'adda Bisha ee Degmadaas, Xabsigana dhigay shaqaalo ka tirsan Hey'addaas.Maamulka Degmada Balcad ee G/Sh/Dhexe ayaa maanta albaabada isugu dhiftay Xafiiska Hey'adda Sama Falka ee Bisha Cas ay ku leedahay Degmadaas.18-Aug-2007@[BMC]23:00GMT
Xukuumada Asmara oo beenisay eedeymaha ku aadan in ay taageerto Argagixisada Caalamiga ah.Dowladda Eritrea ayaa iska fogeysay eedeymaha kulul ee uga imaanaya Dowladda Mareykanka ee ku aadan in ay taageero u fidiso Argagixisada.18-Aug-2007@[BMC]23:00GMT
Mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamuka G/Banaadir oo la xaqiijiyay in ay dhaawacyo kala duwan loogu jiifay Cusbitaalada MuqdishoMaamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyo kala duwan oo maanta Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulkaas lagu qaaday, kaasoo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen.18-Aug-2007@[BMC]23:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta dib Muqdisho ugu soo laabtay, isagoona ka warbixiyay safarkiisa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.18-Aug-2007@[BMC]23:00GMT

Ciidamo Ethiopian ah oo ku gadaaman suuq Bacaad, iyagoo halkaasna ka wada howlo baaritaano ah.
Ciidamada Milateriga Ethiopia ayaa isku gadaamay qeybo ka mid ah Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn K/Soomaaliya.17-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Cusbitaalada Muqdisho oo xilligan noqday xilligii ugu mashquulka badnaa, kadib markii ay bateen dadka halkaas dhaawacyada kala duwan lagu gaarsiisanyo.Cusbitaalada Caafimaad ee Magaalada Muqdisho ayaa xilligan u muuqda kuwo ka mashquul badan xilliyadii hore, marka loo eego dhaawacyada kala duwan ee halkaas la gaarsiinayo.17-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo looga hogaansamay Amarkii ka soo baxay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee ahaa.Magaala Madaxda Muqdisho oo ay saldhig u aheyd 17-kii sano ee la soo dhaafay fowdo iyo kala dambeyn la'aan ayaa maanta waxaa si wada jir ah qeybo badan looga hogaansamay amar ka soo baxay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta.17-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Sanad Guuradii 1-aad Ee Maamulka Gal-Mudug.
Shaley oo taariikhdu tahay 14 agosto 2007, waxaa magaalada Oslo ee dalka Norway Xafladdaas waxaa soo qabanqaabiyey Jaaliyadda Galmudug ee Norwey.15-Aug-2007@[BMC]12:00GMT

Qarax ay dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose.Inta la og yahay labo ruux ayaa ku geeriyootay 18 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray, kadib markii qarax xoogan uu barqanimadii maanta uu ka dhacay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose.15-Aug-2007@[BMC]15:00GMT
Warar dheeraad ah qaraxyo xiriir ah oo ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho.Qaraxyadii ugu tirada badnaa ayaa maanta si saf ballaaran ah uga dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.15-Aug-2007@[BMC]15:00GMT
C/llaahi Sh. Xasan "Beelaha Hawiye khilaafkooda waxa uu salka ku hayaa Arrimaha Shirka dib u heshiisiinta, waxaana dadaal ugu jirnaa inaan mideyno.Siyaasiga Beelaha Hawiye C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ka dhawaajiyay in khilaafka Beelaha Hawiye u dhaxeeya uu salka ku hayo arrimaha Shirka.15-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Prof. Geeddi oo ka dhawaajiyay in Muqdisho labo loo qeybin dooni sida Dhismaha Qadka Cagaaran ama (Green Zone) ee la mid ah Kan Baqdaad Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in ay wadaan qorshayaal ay Magaalada Muqdisho kaga hirgilanayaan meelo ammaan ah oo ay ku nabad galaan Xubnaha Dowladda.15-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Dagaalo beeleed mar kale laga cabsi qabo inuu dhex maray Beelaha Sacad iyo Saleebaan.Waxaa soo muuqaneysa saan saan colaadeed oo aad looga cabsi inuu dib usoo laba kacleeyo dagaaladii uu dhiiga faraha badan uu ka daatay ee dhex maray Beelaha Sacad iyo Saleebaan.15-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Sheekh Aadan Madoobe oo ka digay Xildhibaano Fadhiyada Baarlamaanka la soo gala Bistoolado.Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka digay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo fadhiyada Baarlamaanka la soo gala Bistoolad.15-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Is rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo dhex martay Ciidamo ka kala tirsan Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.Is rasaaseyn xoogan ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku dhex martay Ciidamo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.15-Aug-2007@[BMC]12:00GMT

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo dagaalo ba'an ku qabsaday xalay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Dowladda Kmg ah iyo kuwa Ethiopia ayaa habeenkii xalay ahaa Dagaalo ba'an ku qabsaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.14-Aug-2007@[BMC]12:00GMT

Col. Barre Hiiraale oo Dalka Jarmaalka loogu dhoofin doona Xaalad Caafimaad.Xildhibaan Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa saacadaha soo socda Xaalad Caafimaad loogu dhoofin doonaa Dalka Jarmaalka.14-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Qeybo ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho oo saaka xiran.Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa saaka gebi ahaanba xiray qaar ka mid ah wadooyinka wadnaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho.14-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Midowga Afrika oo dalbaday in howsha nabad ilaalinta Soomaaliya la wareegto Q.MMidowga Afrika ayaa dalbaday in howsha nabad ilaalinta Soomaaliya la wareegaan Qaramada Midoobey.14-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Qaramada Midoobey oo cambaareysay Dilkii Maalin ka hor Magaalada Muqdisho loogu geystay Madaxdii Warbaahinta.
Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay Dilalkii Maalin ka hor Magaalada Muqdisho loogu geystay Madaxdii Warbaahinta Soomaaliya.13-Aug-2007@[BMC]12:00GMT

Dowladda Federaalka oo ka hadashay Weeraro hubeysan oo xalay fariisimaha Ciidamadeeda lagu qaaday.Kooxaha Kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa weeraro hubeysan ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka.13-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Ciidamada Dowladda, kuwa Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Kacdoon wada oo lagu eedeeyay in ay galeen Dambiyo Dagaal.iidamada Dowladda Federaalka, kuwa Ethiopia iyo Kooxaha Mucaaradka ah ayaa lagu eedeeyay in ay xadgudubyo iyo xasuuq u geysteen Dad rayid ah.13-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Saxaafadaha Muqdisho oo maanta bilaabay in ay boorsooyinkooda ka soo xir xirtaan Muqdisho (Wariyeyaal caan oo gaaray Magaalada Hargeysa).Kadib Falalkii naxdinta lahaa ee shalay lagu dilay Saxafiyiinta Magaalada Muqdisho.13-Aug-2007@[BMC]12:00GMT

Qiimo Jab aad u weyn oo ku yimid noocyada Hubka ee Magaalada Muqdisho iyo Bam Gacmeedyada loo yaqaan F1 oo iyagana sare u kacay.
Wararka laga helayo Suuqyada Hubka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qiimo jab aad uu weyn uu ku yimid kala gadashada noocyada hubka.12-Aug-2007@[BMC]12:00GMT

Bambaanooyin xalay lagu weeraray Xarunta Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.Weerar Bambaano ayaa xalay fiidkii lagu qaaday Xarunta Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.12-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Idaacadaha Muqdisho oo maalintii labaad shaqo joojin ku jira iyo Hey'adaha Xuquuqul Insaanka oo cambaareeyay dilalka Saxafiyiinta Muqdisho.Qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa maalintii labaad shaqo joojin ku jiray, iyagoo u baroor diiqaya dilalkii waxashnimada ahaa ee loo geystay Mas'uuliyiinta Warbaahinta Horn Afrik.12-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Barlin Xassan Cali oo ah Gabadh soomaaliyeed oo deggan gobolka Virginia ee dalka Maraykanka
ayaa waxay dhowaan soo bandhigtay buug sharxaya habka cuntada loo diyaariyo amaba ay dadka geeska Afrika deggani wax u karsadaan. Dhageyso wareysiga ay VOA la yeelatey Barlin Hassan Ali 11-Aug-2007@[BMC]01:00GMT


Agaasimihii Idaacada Capital Voice oo saaka lagu dilay Magaalada Muqdisho.Wariye Mahad Axmed Cilmi oo ahaa Agaasimaha Idaacada Capital Voice ee hoos tagta Horn Afrik ayaa la dilay xilli uu ku sii jeeday Xarunta Shirkada Warbaahinta Horn Afrika.11-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Faahin faahin ku aadan Iska hor imaad xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.Mar kale ayay xalay Degmada Huriwaa marti u aheyd iska Hor imaadyadii habeenadii ka dhaca, iyadoo xalay dagaal culus oo halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kooxo aan la garaneyn.11-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Mas'uuliyiin loo magacaabay Maamulka Deegaanka Ceel Baraf ee G/Sh/Dhexe oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.Mas'uuliyiin loo magacaabay Maamulka Deegaanka Ceel Baraf ee G/Sh/Dhexe ayaa xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafada Miijiska ee Degmada Yaaqshiid.11-Aug-2007@[BMC]12:00GMT
Cali Mahdi oo ugu baaqay kooxaha dagaalka ka wada Muqdisho in ay wada hadalo la furaan Dowladda.Cali Mahdi Maxamed Gudoonka Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ayaa ugu baaqay qolooyinka dagaalka ka wada Magaalada Muqdisho in ay u turaan dadkooda.11-Aug-2007@[BMC]01:00GMT
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo dad culumo ah ka kaxeystay Degmada Hodan, iyadoo maanta dadka u diiday in ay tukadaan Salaadii Jimcaha.Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa maanta u diiday dadka Degmada Hodan in ay tukadaan Salaadii Jimcaha.11-Aug-2007@[BMC]01:00GMT
Dowladda Kuwiet oo sheegtay in ay heshiis Shidaalka lagu soo saarayo la gashay Dowladda SoomaaliyaMadaxa Shirkadda Tamarta ee Kuwait oo lagu magacaabo Sara Akbari ayaa daboolka ka qaadday in Dowladdeedu ay waddo qorshayaal ay ku doonayso inay shidaal kaga soo saarto dalka Soomaaliya, waxayna hadalkaan u sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.11-Aug-2007@[BMC]01:00GMT
Qax iyo Barakac xoogan maanta ka bilowday Deegaanka SOS ee Magaalada Muqdisho.Deegaanka Sos ee Degmada Huriwaa oo ah Deegaanada inta badan lagu weeraro Ciidamada hubanta iyo kuwa Dowladda ayaa maanta waxaa ka bilowday qax iyo bakarac xoogan.11-Aug-2007@[BMC]01:00GMT
Beesha Madaxweynaha oo halgankii ugu xooganaa ugu jirta qabsashada Magaalada Kismaayo. (Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Kismaayo lagu qaban karo)Beesha Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wada halgan xoogan ugu jira qabsashada Magaalada xeebeedka Kismaayo.11-Aug-2007@[BMC]01:00GMT

Warbixin ku saabsan kulan xasaasi oo ay maanta Beelaha Hawiye ku yeesheen Hotelka Ramadaan.
Kulan Xasaasi ah oo maanta Hotelka Ramadaan ku dhex maray Nabadoono.09-Aug-2007@[BMC]23:00GMT

Imaam Maxamuud "Dadaa la laayoowaa, kuwa la laayahana waa dadkeyga ama Koonfurta Muqdisho ha deganaadaan ama Waqooyiga, waayo waxaan ahay Idimkooda".Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa maanta si rasmi ah uga hadlay Dhibaatooyinka ka jira Caasimada Muqdisho ee dilalka isugu jira.09-Aug-2007@[BMC]23:00GMT
Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo maanta booqday Magaalada Jowhar.Wafdiga ka socda Qaramada Midoobey ayaa maanta booqday Magaala Madaxda Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Jowahr.09-Aug-2007@[BMC]23:00GMT
Beesha Xawaadle oo si kulul u cambaareysa dilalka Magaalada Muqdisho loogu geysanayo.Beesha Xawaadle ayaa si kulul u cambaareysay Dilalka loo geysto dadka u dhashay beesha Xawaadle ee lagu ugaarsado magaalada Muqdisho.09-Aug-2007@[BMC]23:00GMT
Guddoomiyaha Guddiga shir guddoonka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in ilaa iyo arbacada shirkii dib u heshiisiinta iyo kulamadii ay ergooyinka isugu imaan jireen hakad la geliyay si ay guddiga iyo xogheynta shirka ay u soo diyaariyaan qoraalada iyo ajandaha shirka taasoo ah buu yiri howl aad u culus.09-Aug-2007@[BMC]23:00GMT

Waxaa maalintii sabtidii oo taariikhdu ahayd 04/08/2007 Lagu qabtey
magaalada birmingham ee wadanka ingiriiska shir weyn ay isugu yimaadeen qowmiyada digil iyo mirifle ee ku sugan wadankan britain.08-Aug-2007@[BMC]18:00GMT


Amb. Fall oo ugu baaqay Garabka Beelaha Hawiye ee diidan shirka dib u heshiisiinta in ay ka qeyb qaataan.
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr Francois Fall ayaa ugu baaqay Garabka Beelaha Hawiye ee diidan shirka dib u heshiisiinta in ay ka qeyb qaataan.08-Aug-2007@[BMC]18:00GMT

Magaalada Jowhar oo markii u horeysay laga hirgelinayo Jaamacad.Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa markii u horeysay laga hirgelinayaa Jaamacad.08-Aug-2007@[BMC]18:00GMT
Xaalada Saldhiga Degmada H/wadaag oo saaka degan, kadib weerar bambaano oo xalay lagu qaaday saldhigaas.Xaalada Saldhiga Degmada H/wadaag ayaa saaka ah mid degan, kadib markii xalay weeraro bambaano lala dhacay saldhigaas.08-Aug-2007@[BMC]18:00GMT
Ergooyinka ka qeyb galeysa Shirka Dib u Heshiisiinta oo ku kala qeybsan Qodobka Qeybsiga Kheyraadka Dalka.Ergada ka qeyb galeysa Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ayaa ku kala qeybsan habka loo wadaagayo kheyraadka Dalka.08-Aug-2007@[BMC]18:00GMT
Ammaanka Magaalada Jowhar iyo Gobolka Sh/Dhexe oo si weyn loo adkeeyay kadib markii la qabtay Miinooyinka Gacmaha laga hago.Ammaanka Guud ee Magaalada Jowhar iyo Deegaanada hoos yimaada ayaa si weyn loo adkeeyay maanta kadib markii shalay la qabtay Miinooyinka iyo walxaha qarxa oo la gelinayay Magaaladaas.08-Aug-2007@[BMC]18:00GMT

KULAN AY YEESHEEN JAALLIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE KU NOOL MAGAALAGA TORONTO EE DALKA CANADA
AYAGOO XUSEY TAARIIQ NOLOLEEDKII IYO WAX QABADKII MARXUUM MUDANE ABDALLA DEEROW ISAAQ.07-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Gudoomiyaha jaaliyada D&M Aw Maye Maalin Abdiyow oo u duuley magaalda muqdisho
Wafdi uu hogaaminaayo gadoomiyaha jaaliyada digil iyo mirifle mudane Aw Maye Maalin Abdiyow ayaa u duuley magaala madaxda soomaaliya ee muqdhiso si ay ugu qeeb galaan shirka dib u heshiisiinta beelaha soomaaliya.07-Aug-2007@[BMC]13:00GMT


G.S. Hoose: Dowladda, Itoobiyaanka iyo Maamulka Gobolka oo Waxqabad ku Heshiiyey.
Kulan ay yeesheen Mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, Mas'uuliyiinta Dowladda, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa la isku afgartey in si wadajir ah ay u wajahi doonaan qalalaasaha ka taagan Gobolka Shabeellada Hoose.07-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

















Ergada Shirka oo maanta mar kale faraha la galaya qodobka ugu dhibka badan ee DIINTA ku saabsan iyo Culumaa'udiin ku dhawaaqay in ay doodaas ka qeyb qaadaneyn.
Shirka Dib u Heshiisiinta qaran ayaa maanta mar kale faraha la galaya Marxalad aad xasaasi u ah.06-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Isbaarooyinkii ugu badnaa ee Gaadiidka lacagaha looga qaato oo la soo dhoobay inta u dhaxeysa Buur Hakaba iyo Muqdisho.Isbaarooyiinkii ugu badnaa ayaa laga soo sheegayaa in la soo dhoobay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Buur Hakaba, halkaasoo gaadiidka isaga kala goosha looga qaado lacago baad ah.06-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamada Dowladda Federaalka oo maalintii labaad howl gal ay dad ku baadigoobayaan ka wada qeybo ka mid ah Muqdisho.Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Ethiopia ayaa maalintii labaad waxa ay howl gallo ka wadaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.06-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Qarax Xoogan oo goor dhoweyd ka dhacay Xaafada Gubta, xilli uu halkaas ka socday Howlo baaritaan ah.Dhawaqa ilaa Labo qarax oo is xiga ayaa si weyn u gil gishay xaafada Gubta ee Degmada Dayniile, halkaasoo saaka ay ka soconayaan Howlo Baaritaan.06-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Yuusuf Dabageed " Xubnihii ka haray Maxaakimta Islaamiga waxaan rabaa in ay si nabad ah ugu noolaadaan Gobolka Hiiraan, hadii aysan Rabshado wadin.Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shalay si rasmi ah ula wareegay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Xubnihii ka haray Maxkamadaha uu ugu baaqayo in ay si nabad ah ugu noolaadaan Gobolka.06-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran oo maanta loogaga hadlayo Ka doodista Xagjirnimada Diineed iyo Sheekh Shariif oo wax lagu qoslo ku tilmaamay qodobkaas.
Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran Beelaha Soomaalida uga socda Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in looga doodo. 05-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Ra'iisul Wasaare Geeddi " Wali Haraadigii Maxaakimta iyo Argagixisada Caalamiga ah waxa ay awood ku leeyihiin Qeybo badan oo ay rabshado ka wadaan".Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa shaaca ka qaaday in wali Haraadigii Maxaakimta iyo waxa uu ugu yeeray Argagixisada Caalamiga ay ka how galaan qeybo badan oo uu sheegay in ay ka wadaan rabshado xoogan.05-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Baaritaano xoogan oo saaka Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ka wadaan qeybo ka mid ah Caasimada ( Ganacsigii iyo isu socodkii Gaadiidka oo inta badan xaniban).Baaritaano kuwii ugu ballaarnaa ayaa saaka ka socda qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.05-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Dad fara badan oo isugu jira Haween, Rag iyo dhalinyaro, dad Da' ah oo Ciidamada Ethiopia saaka kaxeysteen Degmada Hodan.Ciidamada Dowladda Ethiopia ee saaka howl galka xoogan ka wada qeybo ka mid ah Degmada Hodan ayaa la sheegay in halkaas ay ka kaxeysteen Dad fara badan oo isugu jira Haween, rag dhalinyaro iyo dad da' ah.05-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Howlgal Amaanka Lagu Sugayo oo ka Socda Degmada Marka iyo Warbixin ku Saabsan Kulanka Maamulka Gobolku la Yeeshey Masuuliyiinta Dowlladda:Ka dib markii magaalada Marka ay qas iyo jahwareer ku jirtey toddobaadyo aan soo dhaafney ayaa maamulka Gobolka Shabeellada Hoose iyo militeriga Marka ku sugan.05-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Marka Oo Ay Ka Jirto Xasilooni-Darro Baahsan:Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka jirta xasilooni-darro ay sameeyaan ciidamo gashan dharka militeriga ee halkaas ku sugan. Waxay si toos ah u dhacaan dukaamada caadiga ah, shaqsiyaadka caadiga oo la baarto lagana qaato wax kasta oo uu sito taas oo ay ugu horreeyaan mobailada.05-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Baraawe: Dhuxuloow iyo Dhuxusha Baraawe.
Magaalada Baraawe oo uu ku sugan yahay Guddoomiyaha sharciga ee dhowaan loo magacaabey maamulka degmada ayaa weli wuxuu awood u helin inuu maamulo degmada Baraawe. 03-Aug-2007@[BMC]01:00GMT

DHAGEYSO XUSHMO RADIO: Dood xaasaasi ah oo ku saabsan xukun qeybsiga soomaliya ee 4,5
Dadka Muqdisho oo caawa Dhegta u wada daban (Iska Hor imaadyadii Xalay oo kale oo laga cabsi qabo in ay caawana ay dhacaan.Inkastoo wixii ka dambeeyay Barqanimadii Maanta ilaa caawa fiidkii ay deganeyd Xaalada Magaalada Muqdisho ha yeeshee dadka ku dhaqan Caasimada ayaa dhegta u daban caawa.02-Aug-2007@[BMC]23:00GMT
Yuusuf Dabageed oo gaaray Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Xiisad laga cabsi qabo in ay ka dhalato tagitaankiisa Gobolkaas.Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa goor dhoweyd gaaray Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo ay laga cabsi qabo in tagitaankiisa Gobolkaas ay xiisad ka dhalato.02-Aug-2007@[BMC]23:00GMT
Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse oo caawa Muqdisho ku hoyanaya.Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa caawa ku hoyanaya Caasimada Muqdisho kadib waqti dheer.02-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Waxay ku dhalatey todoba lugood, waxartan yari wey socon kartaa lakiin maku noolaan kartaa sidan?
Callaghan wuxuu yiri waan naxey markaan arkey waxartan oo dhex taagan, waxaraha ii dhashey oo ka lugo badan kuwii kale ee la midka ahaa. 02-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Gobolka Shabeellada Hoose: Ammaandarro, Dacwooyin iyo Jahwareer. Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Guutada Sagaalaad ee ka howlgasha Gobolka Shabeeelada Hoose ayaa ka warbixiyey amandarida ka jirta Gobolka, wuxuuna sheegey inay qas iyo jahwareer.02-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
In ka badan 10 ruux oo ku geeriyootay Weeraro Hoobiyeyaal ah oo xalay lagu qaaday Muqdisho.Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya ayaa mar kale habeenkii xalay ahaa Marti u noqotay Daryanka madaafiicda culus iyo iska hor imaad toos ah.02-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Askari ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo ku geeriyootay Qarax lagula beegsaday Isgoyska Ex Ctrl Balcad.Ciidamo ka tirsan Milateriga Ethiopia ayaa qasaaro xoogan ka soo gaaray qarax goor dhoweyd lagula beegsaday Isgoyska Ex Ctrl Balcad.02-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta mar kale guda galaya ka doodista Mooshinka la Xisaabtanka Xukuumada.Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale guda galaya Ka doodista Mooshinka La Xisaabtanka Xukuumada, kaasoo dhowr jeer oo hore lagu kala dareeray.02-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Jen Cabdi Qeybiid oo sheegay in Ammaanka Muqdisho ay gacanta ku hayaan, isla markaana waxa dhacaya aysan sidaa u weyneyn.Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa meesha ka saaray in Xaalada ammaan ee Muqdisho ay tahay mid faraha ka baxday.02-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Gen. Cadde Muuse oo Muqdisho ku soo wajahan maanta.Madaxweynaha Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Gen Cadde Muuse ayaa goor dhoweyd usoo ambabaxay Magaalada Muqdisho.02-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Weerar Hoobiyeyaal ah oo xalay saqdii dhexe lagu qaaday Fariisimaha Ciidamada Dowladda Federaalka.
Weerar Hoobiya ayaa xalay saqdii dhexe lagu qaaday Fariisimaha Ciidamada Dowladda ee ay ku leeyihiin Warshadaha Tolmada.01-Aug-2007@[BMC]13:00GMT

Xuseen Ceydiid "Waxaan ahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, waxaana uga Go'ay Dowladda markii aan arkay Musuq maasuqa ay ku kacday".Xildhibaan Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo ku sugan Magaalada London ayaa sheegay in Dowladda uu uga go'ay kadib markii uu sheegay in ay ku kacday musuq maasuq.01-Aug-2007@[BMC]13:00GMT
Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo saaka Muqdisho ku soo jeeda, xilli shalay Maxamed Dheere uu si kulul u weeraray Siyaasada UN-ka. Wafuud ka socda Hey'adaha Qaramada Midoobeya ayaa maanta ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.01-Aug-2007@[BMC]13:00GMT