Xildhibaan Maye "Madaxweynaha iyo R/wasaaraha waxay ku dhiiradeen in ay isku koobaan Saamiga Awood qeybsiga". Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in ay isku koobeen saamiga awood qeybsiga Dowladda.31-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Ururka ee Al-shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyada Dagaaladii xalay lagu qaaday fariisimaha Ciidamada Shisheeye ku leeyihiin Muqdisho.Garabka Hubeysan ee Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa sheegtay Mas'uuliyada dagaaladii xalay lagu qaaday fariisimaha Ciidamada Shisheeye ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.31-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Meydadka 5 caruur iyo hooyadood oo xalay Madfac ku halakeeyay gurigooda oo aaskooda dad fara badan ka qeyb galeen.Iyadoo xalay ilaa saaka si weyn Warbaahinta Muqdisho uga hadleysay Qoys ka kooban lix ruux oo ah hooyo iyo caruurteeda ku dhintay Madfac ku soo dhacay gurigooda ayaa waxaa saaka aaskooda ka qeyb galay dad fara badan. 31-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Khasaarahii uu geystay dagaaladii xalay lagu riiqmay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho oo sii kordhaya. Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu geystay dagaalo xalay lagu riiqmay ee ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.31-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Madaxweyne Mwai Kibaki oo ku guuleystay Doorashada Dalka Kenya
Guddiga doorashada dalka kenya (ECK) ayaa waxay ku dhawaaqeen doorashadii buuqa badan dhalisay ee ay ugu loollamayeen xilka madaxweynenimada labada xisbi ee PNU oo uu murashax u ahaa Madaxweyne Kibaki iyo ODM oo uu murashax u ahaa Raila Odinga.31-Des-2007@[BMC]14:00GMT

Faarax Garam Garam oo ahaan jiray Taliyihii Maleeshiyaadka Hogaamiye Kooxeedkii Maxamed Qanyare oo qarax Miino ku geeriyooday.
Faarax Garam Garam oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday qarax miino lala beegsaday gaari uu la socday oo marayay Isgoyska Bakaaraha.31-Des-2007@[BMC]14:00GMT

Abuu Mansuur iyo Ciidamo uu wato oo saldhigtay meel 60km u jirta Magaalada Baydhabo.
Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, isla markaana ah Afhayeenka garabka hubeysan ee Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu saldhigtay meel 60km u jirta Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Baarlamaanka Soomaaliya. 30-Des-2007@[BMC]14:00GMT


Kooxaha Burcada ee afduubka u heysata 2 ka mid ah Shaqaalaha MSF oo dalbdaday madax furasho.
Maleeshiyaadka Afduubka u heysata Shaqaalaha Hey'adda MSF Spain ayaa dalbaday in la siiyo madax furasho, sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse.30-Des-2007@[BMC]14:00GMT

Qarax aroortii saaka lala beegsaday Bar Koontarool Ciidamada Dowladda ku lahaayeen Isgoyska H/wadaag. Qarax Bambaano ayaa aroortii saaka lala eegtay Bar Koontarool Ciidamada Dowladda ku lahaayeen Isgoyska H/wadaag. 30-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday oo goor hore saaka ka dhacay Agagaarka Warshadii Caanaha.Dagaal Hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa saaka goor hore waxa uu ka dhacay agagaarka Warshadii Caanaha ee Degmada Hodan. 30-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Dhaq dhaqaaqa ganacsi saaka ka bilowday Suuqa Bacaad, kadib qaraxii shalay gil gilay suuqaas. Dhaq dhaqaaq ganacsi ayaa saaka laga dareemayaa Suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho, xilli shalay uu hakad ku yimid, kadib kolkii qarax xoogan uu gil gilay suuqaas. 30-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Ku dhawaaqista Doorashooyinka Kenya oo ay dib u dhigeen Rabshadaha iyo Kibaki oo lagu eedeeyay inuu ku shubtay Doorashooyinka.Iyadoo mudadii la filayay ee ahaa in lagu dhawaaqo doorashooyinka Dalka Kenya ay dib usii dhacayaan ayaa hadana waxaa xoogeysanaya Rabshadaha ka soconaya Magaalada Nairobi iyo Magaalooyinka kale ee Dalkaas. 30-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Ciidamo Ethiopia oo ka yimid dhinaca xuduuda Feer Feer ayaa maanta fariisin cusub ka sameystay Deegaanka Kala Bayr.Ciidamo Ethiopian oo ka yimid Dhinaca iyo Xuduuda Feer Feer ayaa maanta fariisin cusub ka sameystay Deegaanka Kala Bayr, xilli Ciidamadii ee ku sugnaa Guriceel ay isaga baxeen. 30-Des-2007@[BMC]14:00GMT

Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir oo goor dhoweyd ku geeriyooday Qarax Miino.
Allaha u Naxariiste Maxamed Muxyadiin Cali Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhintay Qarax Miino oo saaka lala beegsaday xilli garaash ku yiilay agagaarka gurigiisa degmada Kaaran kala soo baxayay gaarigiisa. 29-Des-2007@[BMC]12:00GMT


Madaxweyne Yuusuf oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo, si uu kaalin ugu qaato dhismaha Xukuumada Cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Baydhabo, kadib markii uu xalay ka soo duulay Magaalada London oo xaaladiisa caafimaad todobaadyo lagu daweynayay. 29-Des-2007@[BMC]12:00GMT

Weerarkii Labaad oo Kooxaha Kacdoonka xalay ku qaadeen Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay.Iyadoo dhowr habeen ka hor ay Kooxaha Kacdoonka gurigiisa ku weerareen Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay Ibraahim Xaashi Gaabow, ayaa xalay weerarkii labaad lagu qaaday. 29-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo jahwareer Siyaasadeed tii ugu weyneyd ku heysata Baydhabo.Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Magaalada Baydhabo ku heysata jahwareer siyaasadeed tii ugu weyneyd, tan iyo markii uu kala diray Xukuumadiisa ugubka aheyd. 29-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Taliyaha Booliska Gobolka Shabeellada Hoose Cali Aadan (Cali Ganey), ayaa wuxuu
tagey magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay, asagoo ay la socdaan Ciidamo, wuxuuna halkaas tagey maalintii dorraad, lama garanayo waxa uu halkaas ka dooney. 28-Des-2007@[BMC]16:00GMT

Maamulka gobolka bakool ayaa beeniyay jiritaanka warar lagu faafiyay qaar ka mid ah saxaafadda oo sheegayay in hay’adda msf Belgium oo ka howlgasha gobolkaasi ay
ay la kulantay mas’uul katirsan maxaakiimta islaamiga.Guddoomiyaha degmada xudur ee xarunta gobolka bakool, Maxamed macalin Axmed oo u waramayay saaka HornAfrik, Waajidpress. 28-Des-2007@[BMC]16:00GMT

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa wali ku guuleysan la' soo qabshada Kooxaha Afduubka u heysta Shaqaalaha Hey'adda MSF Spain ee shalay dharaar cad ay kooxo hubeysan ku afduubteen Gudaha Magaalada Boosaaso. 28-Des-2007@[BMC]16:00GMT

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas ay isku
hor-fadhiyaan Ciidamada Ammaanka Puntland iyo raggii af-duubtay labo hablood oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, kuwaasi oo saaka lagu af-duubtay gudaha Magaalada Boosaaso. 26-Des-2007@[BMC]15:00GMT


Wariyihii ajnabiga ahaa ee afduubka loogu haystay deegaanka Buuraleyda Mareero
ee Gobolka Bari ayaa caawa lasii daayay isagoo markii lasii daayay suxufigani la geeyay Hotel-ka International Village ee Magaalada Boosaaso. 25-Des-2007@[BMC]13:00GMT


Hal sano ah ayaa ka soo wareegatay markii Ciidamada Ethiopia soo galeen Soomaaliya.
  Hal sano ayaa ka soo wareegtay markii Ciidamada Ethiopia gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya isla markaana ay inta badan dalka awood kula wareegeen kadib dagaal ay la galeen xoogagii Maxkamadihii Islaamiga ee ka talinayay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.24-Des-2007@[BMC]13:00GMT

Xaaladda amaan ee Magaalada Baydhabo ayaa marba marka ka dambeysa sii xumaanaysa,  iyadoo dad fara badan oo Magaaladaas ku dhaqan cabsi weyn ka qabaan in saameyn ku yeelato noloshooda muranka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda. 24-Des-2007@[BMC]13:00GMT

Iska Hor imaad xoogan oo ka soconaya Hareeraha Suuqa Bakaaraha
. Iska hor imaad hubeysan ayaa waxa uu ka socdaa Deegaanka Black Sea iyo Suuqa Qudaarta ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkan uu saameyn ku yeeshay Ganacsiga Suuqa bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya.24-Des-2007@[BMC]13:00GMT


Heshiis Xabad Joojin ah oo la dhex dhigay Beelihii ku dagaalamay Gobolka Bakool.
Heshiis xabad joojin ah ayaa lagu soo waramayaa in la dhex dhigay Beelihii ku dagaalamay Gobolka Bakool, iyadoo ergo nabadeed oo ka socda labada beelood ay gaareen Magaalada Xudur oo ah Xarunta Bakool.23-Des-2007@[BMC]16:00GMT

Faah faahin ku aadan dagaaladii ugu cuslaa oo xalay Magaalada Muqdisho ka dhacayWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal faraha looga gubtay, kaasoo xalay si weyn u ruxay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.23-Des-2007@[BMC]16:00GMT
Maxamed Dheere oo wax aan ka soo qaad laheyn ku tilmaamay Dagaaladii xalay si weyn u gil gilay Magaalada Muqdisho.Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa wax aan ka soo qaad laheyn ku tilmaamay dagaaladii xalay gil gilay Magaalada Muqdisho.23-Des-2007@[BMC]16:00GMT
Dhaq dhaqaaqa Hubeysan ee Al-shabaab ayaa markii u horeysay dooratay Hogaan cusubDhaq dhaqaaqa Hubeysan ee Al-shabaab ayaa markii u horeysay dooratay Hogaan cusub, tan iyo markii uu dhaq dhaqaaqaas bilaabay dagaalo ka dhan ah Ciidamada Ethiopia la galeen.23-Des-2007@[BMC]16:00GMT
Baarlamaanka Puntland oo maanta ka doodaya Aayaha Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde MuuseMuran iyo buuq weyn ayaa aad u hareeyay Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweyne Cadde Muuse laga taqalusi rabo.23-Des-2007@[BMC]16:00GMT

Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo saarey Wareegto lugu joojinayo Dhismaha Maamulka gobalka Gedo.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna kusimaha xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur ayaa soo saarey Wareegto lugu joojinayo dhismaha Maamulka gobalka Gedo.22-Des-2007@[BMC]13:00GMT


Wariye ka tirsanaan jiray bahda saxaafada oo deeq Isboorti gaarsiiyey Xiriirka Kubada Cagta G/Sh/Dhexe.
Wariye ka tirsanaan jiray bahda Saxaafada oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Cabdulle Xasan “Siidi” ayaa maanta deeq qalab Isboorti ku wareejiyey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/dhexe Md. Maxamed Cumar Deelle.20-Des-2007@[BMC]22:00GMT


Indha Cadde "Waan ka qoomameynayaa qaladaadkii aan galay, ilaah baana cafis weydiisanaa".
Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ahaa Madaxii Ammaanka ee Golihii Maxkamadaha Islaamka ayaa qirtay qaladaadkii uu horay u galay, isagoona sheegay inuu ka qoomameynayo.20-Des-2007@[BMC]22:00GMT

Maxamed Dheere oo sheegay inuu xilka iska dhiibiyo, hadii nabad lagu helayo, isla markaana ay ku qancayaan Kooxaha dagaalada ka wada MuqdishoGudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa ka shanqariyay inuu xilka ka degayo hadii kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay ku qancayaan.20-Des-2007@[BMC]22:00GMT
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo todobaadk soo socda ku soo laabanayaa Magaalada BaydhaboMadaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada London, isla markaana halkaas daawooyin uga socota ayaa la filayaa in todobaadka soo socoda uu dib ugu soo laabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.20-Des-2007@[BMC]22:00GMT
Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo saaka lagu dukaday salaadii Ciidul Adxa, xilli Dunida Muslimka oo idil shalay wada ciideenIyadoo inta badan Maalinimadii shalay Dunida Islaamka si weyn looga ciiday, ayaa hadana waxaa jira Masaajido qaar oo maanta laga dukaday Salaadii Ciidul Adxa, kuwaasoo ka mid ah Gobolada Dalka.20-Des-2007@[BMC]22:00GMT
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo xalay kulan gaar ah Baydhabo ku yeeshay.Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde ayaa xalay kulan gaar ah Magaalada Baydhabo kula qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.20-Des-2007@[BMC]22:00GMT













Xal U Helida Tahriibta inkastoo Maamul Goboleedka Puntland uu dhowr jeer isku daydey inuu wax ka qabato mashaqada tahriibayaasha
oo aad moodo inay noqotay falaar dhabarka kaga taal umada soomaliyeed.19-Des-2007@[BMC]14:00GMT

Baarlamaanka Soomaaliya oo 15 cisho u kordhiyay Xilliga Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waqti ugu daray xilliga kama dambeysta ah ee Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada.19-Des-2007@[BMC]14:00GMT
Xiisad colaadeed iyo abaabulo dagaal oo laga soo sheegayo Deegaano ka tirsan Gobolka Bakool. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Xaaladda Gobolkaas ay qasan tahay isla markaana Magaalada laga dareemayo Barakac iyo dhiil colaadeed kadib markii gudaha iyo daafaha Magaalada laga dareemay abaabul dagaal oo ay ku jiraan Beelaha Hadamo iyo Luway.19-Des-2007@[BMC]14:00GMT

Ilaa 41 Ruux oo dhaawacyo ka soo gaaray Dagaaladii Xalay iyo shalay ka dhacay Huriwaa oo la dhigay Cusbitaalka Keysaney.
Ku dhowaad 41 ruux oo dhaawacyo qaba ayaa saacadihii la soo dhaafay la dhigay Cusbitaalka Keysaney ee Duleedka Bari Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku soo dhaawacmay Dagaalo shalay ilaa xalay ka socday Degmada Huriwaa.18-Des-2007@[BMC]15:00GMT

Ilaa 41 Ruux oo dhaawacyo ka soo gaaray Dagaaladii Xalay iyo shalay ka dhacay Huriwaa oo la dhigay Cusbitaalka Keysaney. Ku dhowaad 41 ruux oo dhaawacyo qaba ayaa saacadihii la soo dhaafay la dhigay Cusbitaalka Keysaney ee Duleedka Bari Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku soo dhaawacmay Dagaalo shalay ilaa xalay ka socday Degmada Huriwaa.18-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo Baydhabo ka bilaabay wada tashiyo ku aadan Magacaabida Xukuumada uu soo dhisayo. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka bilaabay wada tashiyo ku aadan magacaabida Xukuumada kooban ee uu soo dhisayo.18-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Dagaal xalay Labo Maleeshiyo ku dhex maray Gurigii Xildhibaan Barre Hiiraale ee Magaalada Kismaayo. Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, kaasoo labo maleeshiyo ku dhex maray Guriga Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale.18-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Hoos u dhac ku yimid Suuqyada Magaalada Muqdisho u diyaar garowga Ciidul Adxah Iyadoo Maanta Ku dhowaad 3 Milyan oo Muslimiin ay taagan yihiin Baak Carafo, ayaa diyaar garowga Suuqyada Magaalada Muqdisho ee ku aadan Maalinta Ciidul Adxah ay aad u yar yihiin.18-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Ku dhowaad 3 Milyan oo Muslimiin ah oo maanta taagan Bankii Carafo. Ku dhowaad 3 Milyan oo Muslimiin ah ayaa maanta waxay taagan yihiin Baanka Carafo, Muslimiinta taagan Baanka Carafo ayaa ah kuwo ka kala yimid Daafaha Aduunka, kuwaasoo gudanaya Waajibaadka Xajka ee Sanadkan.18-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Madaafiic ku soo dhacday maanta mar kale Suuqa Bakaaraha Ilaa inta la og yahay Labo ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay kadib rasaasta hoobiyaha oo ku soo dhacday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.18-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Mid ka mid ah Mas'uuliyiintii Maxkamadaha Islaamiga oo sheegay in Dalka %80 ay gacanta ugu jirto. Mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maxkamadihii islaamiga Soomaaliya ayaa sheegay in Gobolada Dalka ay %80 gacanta ugu jirto.18-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in uu soo dhisayo Xukuumad ka tayo badan tii hore isla markaana kooban.  Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta kulan muddo shan saacadood qaatay la yeeshay Golihiisa Wasiirada ayaa sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad ka karti badan tii hore, taasoo ah mid kooban.16-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Ciidamada Nabad Sugida Dowladda oo maanta Xabsiga u taxaabay Afhayeenkii dhinaca Siyaasada ee Odayaasha Beelaha Hawiye. Ciidamo ka tirsan Kuwa Nabad Sugida Dowladda Federaalka ayaa barqanimadii maanta xabsiga dhigay Afhayeenkii dhinaca Siyaasada ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar ( C/llaahi Dheere).16-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Ciidamo Soomaali iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan wadada Wadnaha oo isku sigtay in ay dagaalamaan, kadib markii. Tan iyo inta la xasuusta ilaa iyo markii Magaalada Muqdisho bishii Decembar ee sanadkii hore Ciidamada huwanta ah ee ka kooban Ethiopianka iyo Soomaalida.16-Des-2007@[BMC]15:00GMT

Dowladda Kmg oo Dadka ka qaxay Muqdisho ugu baaqday in aysan ku soo laaban guryahooda inta Kooxaha Dowlada ka soo horjeeda awooda la maquuninayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka Muqdishi ka barakacay in aysan guryahooda ku soo laaban inta Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda awoodooda la maquuninayo.16-Des-2007@[BMC]12:00GMT

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo maanta Baarlamaanka ka hor aqrinaya Qorshe siyaasadeedka Dowladiisa Cusub. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya ka hor aqriyo howlaha Siyaasada Dowladiisa.16-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Buqdii weyneyd ee uu Wabiga Shabelle ka fatahay oo lagu guuleystay in la xiro, muddo shan bilood kadib oo biyaha ka fatahay maasheeyeen deegaano badan.Buqdii weyneyd ee uu ka burqaday Wabiga Shabelle, isla markaana geystay qasaaraha dalagyada Deegaano ka mid ah Shabellooyinka ayaa lagu guuleystay in la xiro.16-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Xaalad kacsanaan oo ka taagan Magaalada Kismaayo, kadib markii la sheegay in Magaaladaas kaabiga ku hayaan dagaalyahano ka tisan Maxkamadihii Islaamiga.Abaabulo xoogan ayaa ka soconaya Deegaano ka tirsan Gobolada Jubooyinka, iyadoona Dagaalyahano hubeysan oo isku uruursanaya Jubooyinka ay kaabiga ku hayaan Magaalada Dekeda leh ee Kismaayo.16-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo iska foogeyay eedeymaha uga yimid Addis Ababa iyo Dowladda Federaalka ee ah Duqeyntii Bakaaraha.Dhaq dhaqaaqa Hubeysan ee Al-shabaab ee dagaalka kula jira Ciidamada Ethiopia ee taageeraya Dowladda Federaalka ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay duqeyn ka geysteen Suuqa Bakaaraha Maalinimadii Khamiista.16-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Qaraxyo culus oo saaka Muqdisho lagu kala beegsaday Ciidamo Ethiopian iyo Ciidamadii dhowaan tababarka ku soo qaatay Dalka Ethiopia.Ilaa labo qarax oo culus ayaa saaka laga maqlay magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu kala eegtay Ciidamo Ethiopian ah iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ah kuwii dhowaan Muqdisho soo gaaray ee tababarka ku soo qaatay Dalka Ethiopia.16-Des-2007@[BMC]12:00GMT

Tirada Dadkii ku dhintay Madaafiicdii shalay lagu garaacay Suuqa Bakaaraha oo sii kordhaya.
Wararka laga helayo Goobaha Caafimaadka ayaa sheegaya in cirka ay isku sii shareereyso tirada dhimashada dadkii shalay ku dhintay Madaafiicdii lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha.14-Des-2007@[BMC]12:00GMT

Maxamed Dheere "Waxa Madaafiicda dadka ku leynaya waa kuwa Dowladda ka soo horjeeda oo doonaya in shacabka kiciyaan". Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa ku eedeeyay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda in ay ka mas'uul yihiin Madaafiicdii shalay lagu weeraray Suuqa Bakaaraha..14-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Jawi Kacsanaan oo saaka laga dareemayo Muqdisho iyo Madaafiicda ku dhacaya Xaafadaha qaar. Xiisad kacsanaan ayaa saaka laga dareemayaa Magaalada Muqdisho, iyadoo xaafadaha qaarna ay ku dhacayaan Madaafiic Habow ah.14-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Ciidamada Isbaheysiga Xoreynta oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Deegaano ku dhow Magaalada Kismaayo. Xiisado dagaal ayaa laga soo sheegayaa in ay ka taagan tahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoona Ciidamo ka amar qaata Isbaheysiga Xoreynta ay kaabiga ku hayaan Magaaladaas.14-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Dowladda Ethiopia oo iska fogeysay eedeymo loo jeediyay ee ahaa duqeyntii Ciidamadooda ka geysteen Suuqa Bakaaraha. Mas'uul u hadlay maamulka Addis Ababa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ah Duqeyntii shalay Ciidamadooda ka geysteen Suuqa Bakaaraha.14-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Mas'uul ka tirsan Dowladda oo shaciyay in Dalka intiisa kale aysan Dowladda gacanta ugu jirin. Mas'uul ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dalka intiisa kale aysan Dowladda Fedeaalka gacanta ku heynta.14-Des-2007@[BMC]12:00GMT

Sarkaal Nabad Sugida ka tirsan iyo Dumaashidiisa oo xalay Baydhabo lagu qaarijiyay
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dumaashadiisa ayaa xalay lagu dilay Xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo.13-Des-2007@[BMC]20:00GMT

Ku dhowaad 10 ruux oo ku geeriyootay Madaafiic Hoobiyeyaal ku soo dhacay Suuqa Bakaaraha Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 15 ruux-na waa ay ku dhaawacmeen weeraro hoobiyaal ah oo aan la garanaynin halka laga so tuuray oo barqanimadii maanta lala beegsaday Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.13-Des-2007@[BMC]20:00GMT
Kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Miino kula kacday agagaarka Dugsigii 21 October In kastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay Qaraxan miino ee saaka waaberigii lala eegtay Gaari Tikniko ah oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya leeyihiin.13-Des-2007@[BMC]20:00GMT
Dhismo Saldhig Boolis ah oo shalay laga furay Degmada Afgooye oo dhulka la dhigay, kadib markii Miino lagu xiray.Dhismo Saldhig Boolis ah oo shalay laga furay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay kooxo hubeysan waxay ku xireen Miino kadibna dhismihii Saldhigaas guud ahaan dhulka lala mid dhigay.13-Des-2007@[BMC]20:00GMT
Weeraro Hoobiyeyaal oo xoogan ayaa xalay lagu ekeeyay Xarumaha Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.Weerarada oo ay Kooxaha Kacdoonka ku qaadeen dhowr saldhig oo Ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Muqdisho ayaa la sheegay in askarta Ethiopianka qasaaro ka soo gaareen.13-Des-2007@[BMC]20:00GMT
Kadib Weeraradii xalay lagu ekeeyay Xarumaha Ciidamada Ethiopia oo saaka Ciidamadu isku faafiyeen Xaafado dhowr ah.Kadib weeraro hoobiyaal ah iyo Madaafiic ay is weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa saaka waxaa xiran wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.13-Des-2007@[BMC]20:00GMT

In ka badan 3.malyan oo xujey ah ayaa soo gaarey maagaalada barakeysa ee Maka Al-Mukaramah
si ay u gutaan xajkoodi sanadkaan 1428 Hijirada ayahoo ka kala yimid daafaha caalamka oo dhan.12-Des-2007@[BMC]22:00GMT

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo kala dhex galay Beelihii ku dagaalamayay Tuulada Xaaji Cali ee G/Sh/Dhexe.Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa kala dhex galay Labo beelood oo ku dagaalamayay Deegaano ka tirsan Degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe.IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS. 12-Des-2007@[BMC]22:00GMT

Somali Reunification Party (SRP) oo ay London uga dhawaaqeen aqoon yahano reer Somaliland ahi.
Dhowaanahanba waxaa magaalada London ka socdey shirar is daba joog ahaa oo kuwoodii ugu horeeyey ee qaban qaabada ahaa laga soo bilaabay magaalada Hargeysa sanadkii ina dhaafay ee 2006. Shirarkaasi oo ay aqoon yahanada reer Somaliland.12-Des-2007@[BMC]22:00GMT


Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo qiray in Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka uu ka soo baxsaday Madaxtooyada, markii loo handaday, bastooladna lala soo baxay.
Iyadoo hadal heynta ugu badan Magaalada Baydhabo ay maalmahan aheyd guuritaanka Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka ahna Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Madaxtooyada ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan.11-Des-2007@[BMC]11:00GMT

Madaxweyne Yuusuf "Dowlad ma joogto Kismaayo, Qabiil baa gacanta ku haya, anagu qabiil lama diriri karno". Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii u horeysay sheegay in Magaalada Kismaayo aysan ku jirin gacanta Dowladda.11-Des-2007@[BMC]11:00GMT
Xaalada Suuqa Bakaaraha oo saaka cakiran iyo rabshado xoogan oo ka oogan maalintii 5aad. Xaalada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa saaka cakiran, iyadoo maalintii 5aad ay rabshado xoogan ka oogan yihiin.11-Des-2007@[BMC]11:00GMT
Weerar Xoogan oo xalay kooxo hubeysan ku qaadeen Saldhiga Booliska Galbeed ee Degmada Dharkeenley. Kooxo Hubeysan ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday saldhig galbeed ee Degmada Dharkeenley, halkaasoo fariisin u ah Ciidamo ka tirsan Booliska.11-Des-2007@[BMC]11:00GMT
Dekeda Muqdisho oo si weyn uga socota dhoofinta Dhuxusha, xilli Baarlamaanka uu qaban qaabinayo mooshino ka dhan ah xaalufinta dhirta. Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya Dhoofinta Dhuxusha, xilli Dowladda Federaalka ay mamnuucday.11-Des-2007@[BMC]11:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo saaka howl gallo ka wada Degmooyinka Yaaqshiid iyo Dayniile (meelaha qaar oo ay difaac xoogan ka galeen).Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah ayaa saaka howl gallo ka wada Degmooyinka Yaaqshiid iyo Dayniile, iyadoona meelaha qaar ay dhufeyso iyo difaac xoogan ka galay.11-Des-2007@[BMC]11:00GMT



Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo kulan qarsoodi ah Magaalada Jabuuti kula qaatay Xubno uu ka mid yahay Abuukar Cumar Cadaan
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdalla ayaa kulan qarsoodi ah Dalka Jabuuti kula qaatay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan iyo Ibraahim Xasan Caddow oo ka mid ahaa Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya.10-Des-2007@[BMC]15:00GMT

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Madaxweynaha Jabuuti oo kulan ku yeeshay Magaalada Lisbon, kadib Kulankii Madaxda Qaaradaha Yurub iyo Afrika Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle ayaa markii u horeysay ku kulmay Magaalada Lisbon ee Dalka Portugal.10-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo saaka xiray inta u dhaxeysa Isgoyska fagax ilaa Ex Hotel Towfiiq. Ciidamada Dowladda Ethiopia ee taageeraya Dowladda Federaalka ayaa saaka xiray inta u dhaxeysa Hotelkii Towfiiq iyo Isgoyska Fagax oo ka mid ah wadada ugu mashquulka badan.10-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo xalay lagu rasaaseeyay Gudaha Magaalada Baydhabo, xilli uu saarnaa gaari. Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa ka bad baaday isku day dil, kadib markii kooxo hubeysan rasaas la beegsadeen, xilli uu gaari saarnaa.10-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Xaalada Suuqa Bakaaraha oo saaka degan, iyadoo ganacsigii suuqaasna uu dib u furmay, kadib rabshadihii shalay halkaas ka dhacay. Xaalada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa saaka caadi ah, iyadoona ganacsigii suuqaas uu dib u furmay, wixii ka dambeeyay rabshadihii shalay hareeyay suuqaas.10-Des-2007@[BMC]15:00GMT

Qaraxyo iyo tacshiirado saaka ka bilowday Gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo qeybo ka mid ah ganacsiga suuqaasna uu xanibmay.
Qaraxyo iyo tacshiirado kala duwan ayaa saaka ka bilowday Gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoona jawiga Suuqana uu yahay mid aad u cakiran.  09-Des-2007@[BMC]12:00GMT

Xaalada Beled Weyn oo saaka degan, kadib markii xalay weerar culus lagu qaaday mid ka mid ah Gudoomiye Kuxigeenada G/Hiiraan. Xaalada Magaalada Beled weyn ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka ah mid degan, iyadoo habeenkii xalay ahaana weerar culus lagu qaaday.09-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Dadka degan nawaaxiga Suuqa Bakaaraha oo saaka bilaabay in ay qaxaan, kadib iska hor imaadyo cusub oo halkaas ka bilowday. Kadib markii habeenkii xalay ahaa dib u bilawdeen rabshadihii ka socday Suuqa bakaaraha ayaa saaka waaberigii waxaa la arkayay qoysas fara badan oo isaga qaxayay nawaaxiga Suuqa bakaaraha. 09-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan Xukuumada Nuur Cadde oo sheegay in la soo gaarsiiyay Hanjabaadyo. Xildhibaadana Baarlamaanka ee mucaaradsan Xukuumada Nuur Cadde ayaa sheegay in fariimo iyo hanjabaadyo la soo gaarsiiyay, kadib markii ay dhaliileen hab dhismeedka Golaha wasiirada cusub.09-Des-2007@[BMC]12:00GMT
Dagaalyahanadii qabsatay Degmada Buulo Burde oo xalay saqdii dhexe halkaas isaga baxay.Dagaalyahanadii hubeysneyd ee barqanimadii shalay gacanta ku dhigtay Degmada Buulo Burde ayaa xalay saqdii dhex isaga baxay Degmadaas, iyadoo aan la ogeyn meel ay abaareen.09-Des-2007@[BMC]12:00GMT

KOOXDA OSLO-STARS IYO DAHABSHIIL NORWAY Xaflad si heer-sare loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey Cayaar-yahanada kala ah Nuur Jaamac
Aadan iyo Ciise Abahir (Ciise-Dheere) oo guul wanaagsan u soo hooyay Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Norwey,ayaa lagu qabtay Magaalada Oslo ee caasimada Dalka Norwey. 09-Des-2007@[BMC]15:00GMT


The Canadian Somali Congress, the national advocacy organization for the Canadian Somali community,
along with community leaders from the Canadian Somali community, held the first ever Canadian-Somali national lobby day on Wednesday, December 5th, 2007 on Parliament Hill. 08-Des-2007@[BMC]12:00GMT


Madaxweynaha Somalia oo Maanta Laba jeer Laba Shir Jaraa'id ku Qabtay Nairobi Hospital
ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, balse ku sheegay in suuqa loo geliyay inuu dhintay. 08-Des-2007@[BMC]12:00GMT


Dagaalyahano hubeysan oo la wareegay Degmada Buulo Burde
(Maxaabiistii ku jirtay Xabsiga oo ay sii daayeen iyo Mas'uuliyiin ay xabsiga dhigeen). IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS. 08-Des-2007@[BMC]12:00GMT

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Nabad Sugida oo xadiday dhaq dhaqaaqyada Xildhibaano dhowr ah oo kulan ay yeelan lahaayeen laga joojiyay.Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ayaa xadiday dhaq dhaqaqyada qaar ka mid ah Xilbaano sida la sheegay ka biya didian Xukuumada Cusub. IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS. 08-Des-2007@[BMC]12:00GMT

Ismail Muhyadin oo ku guuleyste abaalmarinta muwaadiniinta isku xilqaamey inay wax kaqabtaan
bulsha weynta ku dhaqan magaala madaxda labaad ee goboladda dhexe ee dalka Norway magaalada Trondheim.06-Des-2007@[BMC]15:00GMT

Madaxweyne Yusuf "Waa markii 3aad ee la ii leeyahay waa dhintay ama Koome ayuu galay, sanad kastana waad la socotiin inaan Baaritaan caafimaad maro". Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmd ayaa beeniyay wararka sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay liidato.. 06-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Qarax xoogan oo saaka ruxay Gudaha Magaalada Baydhabo, kaasoo lala eegtay Kolonyo Ethiopian la socdeen Qarax xoogan ayaa saaka waxa uu ruxay Magaalada Baydhabo, abaarihii 7:30, waxa uuna ahaa mid lala eegtay Kolonyo Ciidamo ka tirsan Kuwa Ethiopia ay saarnaayeen.. 06-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo xalay kulan kula qaaday Magaalada Addis Ababa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa xalay Magaalada Adis ababa kulan gaar ah kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Condoleeza Rice. 06-Des-2007@[BMC]15:00GMT
Dad Rayid ah oo waxyeelo kala duwan ka soo gaartay Iska Hor imaadyo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho. Iyadoo ay wali sii kordhayaan iska hor imaadyada habeen iyo maalin ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa hadana inta badan waxay saameyn ku yeelataa dad rayid ah.. 06-Des-2007@[BMC]15:00GMT

Maxaad ka taqaan Beelaha ay ka kala soo jeedaan Xubnihii Golaha Wasiirada Cusub ee uu ku dhawaaqay Col. Nuur Cadde
Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Nuur Cadde oo xalay magacaabay Golihiisa Wasiirada ayaa xubnaha uu magacaabay ka keenay Dibada Baarlamaanka iyo Gudahaba, waxaana xubnaha qaar ee Golihiisa Wasiirada ay yihiin kuwo aan wax ka bedelneyn Xukuumadii Geeddi.03-Des-2007@[BMC]13:00GMT

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalkii saaka ka dhacay Magaalada JowharWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal qaraar oo saaka Magaalada Jowhar ku dhex maray Labo Maleeshiyo oo ka wada tirsan Ciidamada Gobolka, balse kala taabacsan Gudoomiye Kuxigeenada Gobolka. IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS 03-Des-2007@[BMC]13:00GMT
WAR DEG-DEG AH. Halkan ka aqriso Magacyada Xukuumada Cusub oo dhameystiran ee uu caawa ku dhawaaqay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Nuur cadde.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay magacyada xubnaha ka mid noqonaya Xukuumadiisa cusub, iyadoona Wasiirada uu magacaabay caawa oo gaaraya 20. 02-Des-2007@[BMC]20:00GMT

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo saacadaha soo socda magacaabaya Golihiisa Wasiirada.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu magacaabo Golihiisa Wasiirada sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan Magaalada Baydhabo.02-Des-2007@[BMC]10:00GMT

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Caasimada Muqdisho ayaa saaka howl gallo ballaaran oo aad u adag ka wada deegaanada Yaaqshiid iyo Huriwaa oo dhinaca Waqooyigi ee Magaalada Muqdisho ku teedsan,  iyagoo guriyaha xaafadahaas ku yaala mid mid u galaya isla markaana sida la sheegay qabqabteen dhalinyaro fara badan oo lagu gaaday iyagoo jiifa guriyahooda .02-Des-2007@[BMC]10:00GMT
Gudoomiyaha Maxkamada Sare maalintii 72aad ku jira Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho, laguna ilaabay. Gudoomiyihii Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun iyo Garoose Maxamed Nuur Sheegow ayaa maalintii 72aad ku jira Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho, iyadoona muuqata in lagu ilaabay Xabsiga oo aan xataa la soo marsiin Maxkamad.02-Des-2007@[BMC]10:00GMT
Gacma Dheere "Waxaan aaminsanahay in wali Soomaaliya ku dhuumaaleysanayaa Labo Xubin oo ka tirsan Ururka Alqaacida. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa shaaca ka qaaday in wali Soomaaliya ku dhuumaaleysanayaan rag ka tirsan Ururka Alqaacida.02-Des-2007@[BMC]10:00GMT
Ciidamo ku heyb ah Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo maanta u baqoolaya Baydhabo si ay ammaankiisa ula wareegaan. Waa wax iska isk caadi ah in qofka haduu madax ama Hogaamiye noqdo inuu qorto ciidamo beeshiisa oo daacad ah.02-Des-2007@[BMC]10:00GMT
Xiisad culus oo ka taagan Bakool, kadib markii meel u dhow Degmada Xudur ay gaareen Ciidamo uu wato Abuu Mansuur.
Ciidamo fara badan oo Ethiopian ayaa u ruuqaansaday Gobolka Bakool, iyadoona la soo sheegayo in ay ka taagan tahay Xiisad culus oo laga cabsi in dagaalo la isku fara saaro ay halkaas ka dhacaan.01-Des-2007@[BMC]10:00GMT

Madaxweyne Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo maalmaha soo socda tagi doono Addis Ababa si ay halkaas kula kulmaan Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka.Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Mss Condolleezza Rice ayaa maalinta arbacada ee soo socota imaan doonta Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, iyadoo halkaas kula kulmi doono Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Somalia.01-Des-2007@[BMC]10:00GMT
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda oo saaka ku soo dhowaaday Suuqa Bakaaraha iyadoo laga cabsi qabo in ay dhacaan qaraxyo.Ciidamo fara badan oo Ethiopian iyo Somali ayaa saaka ku soo dhowaaday Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyagoona suuqa saaray culeys xoogan oo ah xaga wadooyinka looga soo galo suuqa.01-Des-2007@[BMC]10:00GMT