Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor dhoweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho.Diyaaraddii waday Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo caga dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu saaka ka soo kictimay Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya.20-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Ammaanka Magaalada Muqdisho oo saaka aad loo adkeeyay iyo wadooyinka qaar oo xiran Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka faras magaalaha iyo kuwa halbowlaha u ah isu socodka caasimada Ciidamo fara badan lagu daadiyay.20-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Midowga Afrika oo codsaday in waqti loogu kordhiyo howl galka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ururuka Midowga Afrika ayaa sheegay in waqti kale oo dheeraad ah loogo kordhin doonoy Howl Galka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.20-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo markii u horeysay soo kala dhex gashay kala aragti duwanaan dhinaca siyaasada ah. 20-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Maxamed Dheere oo la iclaamiyay inuu noqonayo qofka ugu horeeyay ee is bedelka uu ku sameynayo R/Wasaare Nuur Cadde. Warar maalmahan soo baxayay ayaa ahaa in Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) uu noqonayo shaqsiga ugu horeeyay ee is bedelka uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde inuu ku dhici doono.20-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Wasiirka Maaliyada Dowladda Kmg oo Magaalada Baydhabo ka wada kulamo wax looga qabanayo Amni darada Magaaladaas.20-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Dowladda Federaalka oo wada qorshe ay ugu hortageyso dadaalka Daahir Rayaale aqoonsi ugu raadinayo Somaliland. Iyadoo Madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo hada socdaal aqoonsi raadis ah ku maraya Mareykanka ayaa waxaa soo baxaya qorshe dadaalada Rayaale ay majaha ugu xaabineyso Dowladda Federaalka. 20-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Qaar ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Uganda oo isaga tagay Magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda Uganda ayaa ka gaaray Magaalada Kampala, iyagoona isaga huleelay Caasimada Muqdisho ee qatarta badan.20-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Guddoomiye ku xigeenka Degmadda Skien ee wadanka Norway Geir Arild Tønnessen iyo Heidi Hamadi, waxey magaaladda Minneapolis ee cariga Mareykanka u aadeen sidii ay soomaalida deggen halkaas ay wax uga baran lahaayeen.18-Jan-2007@[BMC]14:00GMT
M/weyne C/Yusuf oo dhex mushaaxaya magaaladda London. Madaxweynaha dowladda federalka Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo baaritaano caafimaad uga socdaan magaalada London ayaa waxaa markii ugu horeysay shalay lagu arkayay goobaha ey Somalidu u badan tahay ee magaalada London.15-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Dagaalyahano Hubeysan oo la wareegay Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay. Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay Isaaq Aadan Shaamshaam waxa uu sheegay in Kooxo Hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen Degmada Qansax Dheere.17-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Xarakada Al-Islaax oo ku dhawaaqday in ay si rasmi ah ugu biirtay dagaalka lagula jiro Ciidamada Ethiopia. Xarakada Al-Islaax ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay doorteen hogaan cusub, isla markaana si rasmi ah ugu biiray kooxaha dagaalada kula jira Ciidamada Ethiopia ee jooga Somalia.17-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Deegaanadii xalay dagaalada ba'an ka dhaceen ee Degmada Hodan oo saaka degan iyo cabsi dadka deegaanka la soo deristay. Waxaa saaka degan qeybo ka mid ah Degmada Hodan oo xalay ay isku fara saareen Ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda.17-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo sheegay in Gudoomiye Kuxigeenkiisa Xuseen Dheere aanu shaqadiisa soo xaadirin. Tan iyo markii Magaalada Jowhar ka dhaceen isku dhacyada u dhaxeeyay Maleeshiyaad taabacsan Gudoomiye Kuxigeenada G/Sh/Dhexe, waxaa soo is baxaya kala daadsanaan dhinaca Maamulka, taasoo ka dhalatay shaqaaqooyinkii hareeyay Magaaladaas.17-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya Kulan Xildhibaan Gacma Dheere iyo Odayaasha Beesha H/gidir ku yeesheen Muqdisho. Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxay kulan ay shalay gelinkii Magaalada Muqdisho ku wada qaateen wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Maxmuud Guuleed (Gacma Dheere) iyo odayaasha Beesha H/gidir.15-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Xiisad xoogan oo wali u dhaxeysay Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga oo shalay dagaal ku dhex maray Isgoysyada Bakaaraha iyo H/Wadaag Inkastoo Isgoyska Bakaaraha iyo kan H/wadaag ay saaka degan yihiin ayaa hadana waxaa la dareemayaa xiisad wali taagan oo u dhaxeysa Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga oo shalay halkaas ku dagaalamay.15-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamada Dowladda oo saaka u xiran dhowr wado muhiim ah iyo dad ay ka qab qabteen Agagaarka Airportka. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa saaka xirtay wadooyin muhiim ah ee ah kuwa kaliya ee gaadiidka u furan in ay isticmaalaan, kaasoo isku xira deegaanada waqooyiga iyo Koonfurta Muqdisho.15-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Dagaalo xalay ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho, kaasoo kooxaha kacdoonka weerar adag kaga soo qaadeen dhanka wadada Balcad aada. Dagaalo qaraar ayaa habeenimadii xalay ka dhacay Duleedka bari ee Magaalada Muqdisho, kaasoo sida la sheegay Kooxaha kacdoonka ka soo qaadeen dhinaca Shabeellaha Dhexe.15-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Kooxda Al-shabaab oo cambaareysay dilkii Magaalada Baydhabo habeen hore loogu geystay wadaad caan ka ahaa.
Dhaq dhaqaaqa Hubeysan ee Al-shabaab ayaa sheegay in aysan ka mas'uul aheyn dilkii habeeno hore Magaaladaas loogu geystay Wadaad caan ka ahaa.14-Jan-2007@[BMC]13:00GMT

Qaar ka mid ah Ilaalada Madaxtooyada Villa Somalia ayaa ka baxsaday, kadib markii ay ka cawdeen mushaar la'aan. Ilo wareedyo ka tirsan Howl wadeenada Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia ayaa sheegaya in ciidamo gaar ah oo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada ay ka baxsadeen, iyagoona hubkoodiina iibsaday.14-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Agaasimaha Idaacada Somaliweyn oo maalintii labaad ku xiran Xarunta Madaxtooyada Somalia. Waxaa maalintii Labaad Xarunta Madaxtooyada Somalia ku xiran Agaasimaha Idaacada Somaliweyn iyo Wariye ka tirsan Idaacadaas oo lagu magacaabo Bashiir Mohamed (Al-Bashiir).14-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamada Dowladda oo dad fara badan ka qab qabtay Masaajidada ku yaal Magaalada Baydhabo. Caadiyan xiriirka ka dhaxeya Dowladda Federaalka iyo goobaha lagu cibaadeysto ayaa aad u yar, waxay u arkaan askarta Dowladda goobaha muhiimka ah ee dadka Muslimiinta isugu yimaadan meel laga soo abaabulo dilalka iyo weerarada ka dhanka ah Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya.14-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo baaritaano ka wada Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa. Kadib dagaal culus oo xalay ka dhacay wadada Warshadaha ayaa xaaladda Magaalada Muqdisho waxay u muuqataa mid degan oo nabdoon in kastoo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda saaka isku faafiyeen xaafadaha Yaaqshiid iyo huriwaa.14-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Maxkamadaha iyo Al-shabaab oo kala sheegtay Dagaaladii xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Dagaalo qaraar ayaa xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhacay fiidnimadii xalay ilaa saqdii dhexe.13-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Afhayeenka Booliska oo sheegay in ay jiraan rag labisan dareyska Ciidamada oo dhac u geysta shacabka. Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowladda C/llaahi Shac Shac ayaa daboolka ka qaaday in Ciidamada Booliska ay ku jiraan kuwo dhibaato u geysta dadka rayidka ah.13-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Culimaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah oo cambaareeyay dilkii xalay Baydhabo loogu geystay Afhayeenkoodii. Culimada Dariiqada Ahlu Sunaha Waljaamacah ayaa si kulul u cambaareeyay dil xalay Magaalada Baydhabo loogu geystay Afhayeenka Culimadaas oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Baalbaalow.13-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ugu baaqay Xukumada Federaalka in ay soo fara geliso go'doonka ay ku jirto Suuqa Bakaaraha. Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in xaalad go'doon ah uu ku jiro Suuqa Bakaaraha, iyagoona baaq u diray Xukuumada Federaalka Soomaaliya.13-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Casho Sharaf loo Sameeyey Wasiirka Arimaha Dibida ee Soomaaliya: Cali Axmed Jaamac Jangeli Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa xaley waxa ay ka dhacdey badhtamaha magaalada Minneapolis Minnesota.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Golihiisa Wasiirada oo bartamaha bishan ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.  Kadib ansixinta Baarlamaanka Soomaaliya ee Xukuumada Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Howl galkii ugu ballaarnaa abid oo saaka Ciidamada Booliska Dowladda iyo Ethiopia ka wadaan Degmada Dharkeenley. Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ayaa saaka howl galkii ugu ballaarnaa abid ka wada qeybo ka mid ah Degmada Dharkeenley.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Ciidamada Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan oo saaka isku fidiyay inta u dhaxeysa Beled Weyn iyo Matabaan. Wararka ka imaanaya Magaalada Beled Weyn ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan ay saaka isku fidiyeen inta u dhaxeysa Beled Weyn iyo Matabaan.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Boqolaal ruux oo shalay ilaa iyo xalay loo qab qabtay Dilkii Askarigii Ethiopianka shalay lagu dilay Baydhabo iyo xaalada oo wali kacsan. Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Booliska Gobolka Baay ayaa maalintii labaad baadigoob iyo baaritaan ku haya Suuqa Magaalada Baydhabo oo shalay askari ka tirsan Ciidamada Ethiopia lagu toogtay.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo saaka dadkii u shaqa tagay Suuqa Bakaaraha ku kacay dhac iyo boob. Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa saaka dhac iyo boob xoogan u geystay dadkii saaka u shaqa tagay Suuqa Bakaaraha.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
XAFLAD SAGOOTIN AH OO AY ASAP U QABATAY WASIIR HAMUD Waxaa ka dhacay magaalada Melboune, ee wadanka Australia xaflad sagootin iyo casho sharaf oo ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Melbourne ku sagootinayaan wasiirka cusub ee Maaliyada iyo Qorsheyta ee DKG ee Soomaaliya, mudane Mohamed Ali Hamud.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Maamulka Degmada Buur Hakaba oo Ciidamo ku daadiyay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Buur Hakaba. Maamulka Degmada Buur Hakaba ayaa ciidamo fara badan ku daadiyay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Buur Hakaba, kadib markii sida la sheegay la dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo saacadaha soo socda codka kalsoonida loo qaadayo. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa saaka la filayaa in codka kalsoonida loo qaadi, iyadoona Xildhibaanada Baarlamaankana ku kala qeybsan yihiin kalsooni siinta Xukuumada Nuur Cadde.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Magaalada Muqdisho oo saaka xasilooni ku waabariisatay, iyadoona aan xalay ka dhicin iska hor imaadyadii joogtada ahaa. Magaalada Muqdisho oo caan ku noqotay fowdada iyo rabshadaha joogtada ah ayaa xalay deganeyd, iyadoona saakana ku waabariisatay deeganaan.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Dilalkii aanooyinka qabiil oo dib ugu soo cusboonaaday Xadka u dhaxeya Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, xilli heshiis nabadeed la dhex dhigay Beelaha Abgaal iyo Xawaadle. Dilalkii ku saleysnaa aanooyinka qabiilka ayaa dib ugu soo cusboonaanaya Xadka u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Xukuumada Federaalka oo codka kalsoonida ka heshay Baarlamaanka Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay Xukuumada Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Casho Sharaf loo Sameeyey Wasiirka Arimaha Dibida ee Soomaaliya: Cali Axmed Jaamac Jangeli Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa xaley waxa ay ka dhacdey badhtamaha magaalada Minneapolis Minnesota.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Golihiisa Wasiirada oo bartamaha bishan ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.  Kadib ansixinta Baarlamaanka Soomaaliya ee Xukuumada Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Howl galkii ugu ballaarnaa abid oo saaka Ciidamada Booliska Dowladda iyo Ethiopia ka wadaan Degmada Dharkeenley. Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ayaa saaka howl galkii ugu ballaarnaa abid ka wada qeybo ka mid ah Degmada Dharkeenley.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Ciidamada Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan oo saaka isku fidiyay inta u dhaxeysa Beled Weyn iyo Matabaan. Wararka ka imaanaya Magaalada Beled Weyn ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan ay saaka isku fidiyeen inta u dhaxeysa Beled Weyn iyo Matabaan.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Boqolaal ruux oo shalay ilaa iyo xalay loo qab qabtay Dilkii Askarigii Ethiopianka shalay lagu dilay Baydhabo iyo xaalada oo wali kacsan. Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Booliska Gobolka Baay ayaa maalintii labaad baadigoob iyo baaritaan ku haya Suuqa Magaalada Baydhabo oo shalay askari ka tirsan Ciidamada Ethiopia lagu toogtay.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo saaka dadkii u shaqa tagay Suuqa Bakaaraha ku kacay dhac iyo boob. Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa saaka dhac iyo boob xoogan u geystay dadkii saaka u shaqa tagay Suuqa Bakaaraha.12-Jan-2007@[BMC]11:00GMT
XAFLAD SAGOOTIN AH OO AY ASAP U QABATAY WASIIR HAMUD Waxaa ka dhacay magaalada Melboune, ee wadanka Australia xaflad sagootin iyo casho sharaf oo ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Melbourne ku sagootinayaan wasiirka cusub ee Maaliyada iyo Qorsheyta ee DKG ee Soomaaliya, mudane Mohamed Ali Hamud.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Maamulka Degmada Buur Hakaba oo Ciidamo ku daadiyay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Buur Hakaba. Maamulka Degmada Buur Hakaba ayaa ciidamo fara badan ku daadiyay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Buur Hakaba, kadib markii sida la sheegay la dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo saacadaha soo socda codka kalsoonida loo qaadayo. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa saaka la filayaa in codka kalsoonida loo qaadi, iyadoona Xildhibaanada Baarlamaankana ku kala qeybsan yihiin kalsooni siinta Xukuumada Nuur Cadde.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Magaalada Muqdisho oo saaka xasilooni ku waabariisatay, iyadoona aan xalay ka dhicin iska hor imaadyadii joogtada ahaa. Magaalada Muqdisho oo caan ku noqotay fowdada iyo rabshadaha joogtada ah ayaa xalay deganeyd, iyadoona saakana ku waabariisatay deeganaan.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Dilalkii aanooyinka qabiil oo dib ugu soo cusboonaaday Xadka u dhaxeya Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, xilli heshiis nabadeed la dhex dhigay Beelaha Abgaal iyo Xawaadle. Dilalkii ku saleysnaa aanooyinka qabiilka ayaa dib ugu soo cusboonaanaya Xadka u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Xukuumada Federaalka oo codka kalsoonida ka heshay Baarlamaanka Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay Xukuumada Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).10-Jan-2007@[BMC]16:00GMT
Sheekh Aadan Madoobe oo Xildhibaanada Baarlamaanka ku qal qaalinayay in codka kalsoonida siiyaan Xukuumada. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii codka kalsoonida loo siin lahaa Xukuumada Nuur Cadde soo dhisay. 09-Jan-2007@[BMC]19:00GMT
Beesha Sade oo sheegtay in sababihii Beeshooda uga midka noqon weyday Golaha Wasiirada cusub uu ka dambeeyo C/llaahi Yuusuf.Odayaasha Beesha Sade oo gacanta ku haya Magaala xeebeedka Kismaayo ayaa sheegtay in ay qaadaceen Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo dhisay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.09-Jan-2007@[BMC]19:00GMT
Caqabadaha hortaagan Xukuumada Nuur Cadde oo lagu sababeeyay wax qabad la'aantii Xukuumadii Geeddi.
Mar Labaad ayay hadana qarka u saaran tahay in ay fashilanto Xukuumada tirada yar ee Nuur Cadde uu soo dhisay, waxaana ka hor imaanaya mucaarado xoogan. Tani waa marxalad aad xasaasi u ah oo heysata Ra'iisul wasaaraha, waxaana caqabado badan ka heysto Bulshada Soomaalida hore usii socoshada Xukuumadiisa.09-Jan-2007@[BMC]19:00GMT

Qaar ka mid ah Wadooyinkii fara ku tiriska ahaa ee dadweynaha mari jireen mudooyinkan dambe oo saaka wada xiran.Dadka Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay, iyagoo gebi ahaanba xiran qaar ka mid ah Wadooyinkii fara ku tiriska ahaa ee maalmahan dadweynuhu isticmaali jiraan.09-Jan-2007@[BMC]19:00GMT
Barakaca xoogan oo saaka ka bilowday Qeybo ka mid ah Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.Barakacii ugu ballaarnaa ayaa saaka ka socda qeybo ka mid ah Degmada Dayniile oo ahaa halkii dadka ka qaxay Degmooyinka Gobolka Banaadir gabaadna ka raadsaday degaanada Dayniile.09-Jan-2007@[BMC]19:00GMT
Xaalad Gobolka Sh/Dhexe oo kacsan iyo Mas'uuliyiin 12 saacadood gudaheed lagu dilay Deegaano hoos yimaad Jowhar iyo Balcad.Xaalad kacsanaan ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoona 12-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay Mas'uuliyiin.09-Jan-2007@[BMC]19:00GMT
Madaxweyne Yuusuf oo sheegay inuu yahay musharaxa Madaxweynaha ee Doorashada 2009-ka, xilli Cusbitaalka dib loogu celiyay. Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf oo arrimo Caafimaadkiisa la xiriira u jooga Magaalada London ayaa waxa uu ka dhawaajiyay inuu yahay Musharaxa Jagada Madaxweynaha Soomaaliya doorashada Baarlamaaniga ah ee dhici doonta 2009-ka marka uu dhamaado waqtiga Dowladda Federaalka Soomaaliya.08-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo saaka baaritaano xoogan ka bilaabay Ex Koontarool Afgooye Ilaa Jidka Warshadaha. Ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh Xaruntii Asluubta Wasaaradii Gaashaandhiga ayaa saaka howl gallo ballaaran ka bilaabay inya u dhaxeysa Ex Koontarool Afgooye, ilaa Jidka warshadaha oo ah Goobaha weerarada loogu geysto.08-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Maxamed Xasan Xaad "Kuwii Warlords-ka ahaa oo 17-kii sano dhiigya cabka ahaa ayaa Gobolka Banaadir horkacaya" Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in aysan marnaba ka ogolaan doonin howlaha qaar ee ay wadaan Mamulka Maxamed Dheere.08-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka Miiska u saaran Xukuumada tirada yar ee Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka miiska u saaran Xukuumada tirada yar ee Ra'iisul wasaare Nuur Cadde, taasoo dhismaheeda ay ka hor imaanayaan mucaarado xoogan.08-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Koox uu hogaaminayo Mowliid Macaan oo wacad ku maray in ay jilbaha dhulka u dhigi doonaan Xukuumada cusub, markey ay Baarlamaanka kalsoonida soo weydiisato. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay jilbaha dhulka u dhigi doonaan Xukuumada cusub ee Baarlamaanka oo maanta codka kalsoonida loo qaadi doono.08-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Madfacii Labaad oo xalay qoys hurdaya gurigoodii ku habsaday Aabihiina ka dilay. Madfac Habow ah ayaa xalay ku dul habsaday qoys hurdaya Xaafada warshada Caanaha ee Degmada Hodan. Madfacan ayaa sida la sheegay ku dhacay guri ay deganaayeen hal qoys, waxa uuna sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.08-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Mowliid Macaan "Waxaa Dhacday in M/weynihii Qaranka uu yiraahdo Jareer Weyne Soomaali ma ahan ee waa Tanzaaniya, taasna waa nasiib daro"
Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed in Beesha Jareer weyne uu yiraahdo Soomaali ma ahan ee waa Tanzaaniya.06-Jan-2007@[BMC]17:00GMT

Ciidamada Ethiopia oo Xaafadaha qaar ee Muqdisho la soo galay Taangiyadooda iyo xiisado ka taagan meelaha ay soo galeen.Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Caasimada Soomaaliya ayaa saaka Xaafadaha qaar la soo galay iyagoo Taangiyadooda wata, waxaana goobaha ay saaka ku soo faafeen ka taagan Xiisad xoogan.06-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Cusmaaciil Buubaa "Ilama ahan in Baarlamaanka aqbali doono Xukuumada Nuur Cadde, waayo kuma dhisna Axdiga Kmg ah"
Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Cusmaaciil Hurre Maxamuud (Buubaa) ayaa si kulul u weeraray Xukuumada uu dhowaan soo dhisay Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ee ka kooban 18-ka Wasiir.06-Jan-2007@[BMC]17:00GMT

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo markan la kulmaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhinaca Beelaha. Hadii shalay uu heystay taageerada Beelaha Soomaalida ama aysan jirin beel si cad u diiday Magacabistiisa waxa hadda muuqdaa inuu la kulmayo cadaadis kaga imaanaya dhinaca Beelaha waa weyn ee Soomaalida.06-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Weeraro xoogan oo xalay lagu qaaday Saldhigyada Booliska Degmooyinka Waabari iyo Hodan.Weeraro loo adeegsaday Baasukayaal iyo Qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa xalay lagu qaaday labo saldhig oo ay Ciidamada Booliska Dowladda degan yihiin.06-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Mas'uul Maxkamadaha ka tirsan oo digniin u diray Diblomaasiyiinta Shisheeye ee Muqdisho ku sugan.Mas'uul sare oo Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya ayaa digniin u diray Diblomaasiyiinta Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho.06-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Maanta ayay ugu xumeyd magaalada nairobi iyada oo ay jirtay dhac aad u xoog leh oo cagta mariyey halihii yaraa ee ka soo haray gaarisa looj, waxaana sidoo kale dil loogu gestay islii dhinaceeda bangaani station saddex qof oo soomaali ah, halkaas oo lagu baangadeeyey ka dib markii ay ishaleeleen kooxo budhcad ah oo ku labisanaa dereyska askarta kiinyaatiga.06-Jan-2007@[BMC]17:00GMT
Maxaad ka taqaan Magacyada Xubnihii Wasiirada ahaa ee iska waayay Golaha wasiirada ee uu magacaabay Col. Nuur Cadde.
Dhowr Xildhibaan oo miisaan culus ku lahaa Xukuumadihii horay loo soo dhisay ayaa iska waayay Golihii Wasiirada ee uu shalay ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.05-Jan-2007@[BMC]14:00GMT

Qarax xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo, xilli Bandow aan waqtiyeysneyn uu saaran yahay. Qarax Xoogan ayaa habeenkii xalay ahaa si weyn u gil gilay Magaalada Baydhab, xilli Magaaladu aheyd mid Bandow saarneyd.05-Jan-2007@[BMC]14:00GMT
Mas'uul u hadlay Idaacada Horn Afrik oo sheegay in ku biiritaanka Xukuumada Cusub ee Axmed Cabdisalaan aysan waxba u dhimi doono Madax banaanida Idaacada.
Mid ka mid ah Milkiilayaashii Idaacada Horn Afrika ayaa shalay loo magacaabay inuu nuqdo Ra'iisul Wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Warfaafinta, Arrimaha Dhalinyarada iyo Isboortiga Dowladda Soomaaliya.05-Jan-2007@[BMC]14:00GMT

Xaalada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shaki weyn laga muujinayo, iyadoo mar kale loo duulin rabo London.Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay Diyaarad qaas ahi ka qaaday Magaalada Baydhabo ayaa xaaladiisa caafimaad la sheegayaa in khatay ay ku jirto.05-Jan-2007@[BMC]14:00GMT
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (Milkiilaha Idaacada Horn Afrika oo ka mid ah Wasiirada la magacaabay) Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 15 Wasiir iyo 5 kuxigeeno, iyadoo xubnahan dhiman uu waqtiyada soo socda ku dhawaaqi doono.04-Jan-2007@[BMC]22:00GMT
Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya socdaal deg deg ah oo uu Madaxweyne Yuusuf kaga ambabaxay Baydhabo, taasoo diyaarad qaas ahi ka qaaday. Warar is khilaafsan ayaa waxay ka soo baxayaan socdaal deg deg ah oo uu Madaxweynaha goor dhoweyd uu uga ambabaxay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.04-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo ku kala aragti duwan qaab dhismeedka Xukuumada tirada yar. Waxaa soo ifbaxaya is faham daro la sheegayo in ay u dhaxeysa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaarihiisa, taasoo ku wajahan dhismaha Xukuumada Cusub ee tirada yar.04-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Salaad Cali Jeelle oo qirtay in sanad kadib Caasimada Muqdisho awoodoodii ay la soo baxeen Kooxihii ay horay uga saareen. Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in muddo sanad kadib ay awoodahooda ay dib ula soo baxeen Kooxihii ay horay uga saareen Magaalada.04-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Taliska Booliska Dowladda oo beeniyay qasaare xalay Ciidamadooda ka soo gaaray Dagaal ku qabsaday Isgoyska Aadan Cadde. Taliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay dagaal Ciidamadooda saqdii dhexe ee xalay qasaare xoogan ka soo gaaray.04-Jan-2007@[BMC]13:00GMT
Xaalada Degmada Cadaado oo saaka degan, kadib Dagaaladii ka dhacay Degmadaas Xaalada Degmada Cadaado ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaal qaraar oo shalay Degmadaas ka dhacay.03-Jan-2007@[BMC]12:00GMT
Salaad Cali Jeelle oo Bilad sharafeed lagu siiyay Dagaaladii sanadkii hore dhex maray Maxkamadihii iyo Dowladda FederaalkaBaarlamaanka Soomaaliya ayaa u gartay Salaad Cali Jeelle Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashandhigga Dowladda Federaalka nin geesi ah oo halgan dheer u galay sidii looga dhaqan gelin lahaa Dowladda Federaalka guud ahaan dalka Soomaaliya.03-Jan-2007@[BMC]12:00GMT
Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo albaabada u laaban kadib tacshiirado goos goos oo suqaas ka bilowday. Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha ayaa ah mid albaabada u laaban kadib markii goor dhoweyd ay ka dhaceen tacshiirado kala duwan.03-Jan-2007@[BMC]12:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo saaka isku ballaariyay wadada dheer ee 30-ka, iyagoona howl galo ka bilaabay Ciidamo fara badan oo Ethiopian ayaa saaka ku faafay wadada 30-ka oo ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho, iyagoona kubaareeyay wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha.03-Jan-2007@[BMC]12:00GMT
Dukaan ay wax ka iibsan jireen Ciidamada Ethiopianka ee jooga Afgooye oo xalay la qarxiyay. Faahin faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dukaan ganacsi oo ku yaal Degmada Afgooye oo la qarxiyay, kaasoo sida la sheegay ahaa meel ay ka dukaameysan jireen Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Degmadaas.03-Jan-2007@[BMC]12:00GMT
Dagaal Degmada Cadaado ku dhex maraya Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo taabacsan Maxaakimtii Islaamiga. Dagaal qaraar ayaa ka soconaya Bartamaha Degmada Cadaado ee Gobolka G/gaduud, kaasoo ku dhex maraya Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyo taabacsan Maxkamadihii Islaamiga.03-Jan-2007@[BMC]12:00GMT
Dalka kiinya waxaa ka bilowday dagaal aad u xun oo u badan inuu u xuubsiiban doono kuwii Rwanda iyo Burundi, waana dagaal qoomiyadeed u dhexeeya qabiilka Kikuyu iyo reerka kale ee loogu magacdaro Luo.03-Jan-2007@[BMC]12:00GMT
Afhayeenkii Ciidamada Midowga Afrika Captain Paddy Ankunda oo xilkii afhayeenimada laga qaaday. Afhayeenkii Ciidamada Midowga Afrika AMISOM Captain Paddy Ankunda ayaa xilkiisii laga qaaday, isagoona lagu amray inuu soo gaaro Magaalada Kampala.02-Jan-2007@[BMC]15:00GMT
Weerar xalay Kooxo Hubeysan ku qaadeen Xarunta Hey'adda DBG, bililaqana u geystay qalabkii Hey'addaas. Kooxo Hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Xarunta Hey'adda Daryeel Bulsho Guud ee K/Muqdisho.02-Jan-2007@[BMC]15:00GMT
Ciidamada Dowladda Federaalka oo xalay faarujiyay Qeybo ka mid ah Degmada Hodan oo ka mid ah Goobaha cakiran. Ciidamadii Dowladda Federaalka ee dhowaanahan fariisinka ku lahaa Degmada Hodan ayaa xalay halkaas faarujiyay.02-Jan-2007@[BMC]15:00GMT
Maamulka Somaliland oo looga fadhiyo inay jawaab ka bixiyaan hadalkii gacan siinta ahaa ee ka soo yeeray C/llaahi Yusuf. Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa looga fadhiyaa inuu jawaab cad ka bixiyo hadalkii gacan siinta ahee ee uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu xaglinayay Maamulka Puntland ee ku aadanaa arrinta Laasacaanood.02-Jan-2007@[BMC]15:00GMT
Xaalada magaalada Kismaayo oo aad u kacsan, kadib isbaarooyin hor leh oo ay soo dhigteen Maleeshiyooyinka heysta. Tan iyo shalay iyo doraad ayay Xaalada Magaalada Kismaayo u muuqatay mid aad u kacsan, kadib markii Maleeshiyooyinka ka mid ah kuwa heysta Magaaladaas ay isbaarooyin dhex dhigteen gudaha Magaalada Kismaayo.02-Jan-2007@[BMC]15:00GMT