Shirkii Mudulood ee Waqooyi America.
Waxaa magaaladda rochester ka furmey shir mudulood oo lagu taageerayo DFKMG. 17-June-2007-2007@[BMC]22:00GMT


Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo Isbeddel Lagu Sameeyey
War na soo gaarey ayaa sheegeya in isbeddel aan caadi ahayn lagu sammeeyey maamulka Shabeellada Hoose kaas oo la beddeley 3 xubnood oo muhiim ah oo ku jirey maamulkii hore ee la dhisey. 17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT


Taariikhdu markay ahayd 29/12/06 fagaaraha beerta sheikh zayid ee degmada afgoye
raisulwasare Gedi waxaa ka soo jeediye qudbad qiimo badan iyo qadarin ku fadhide kuna farxen shacabka ku nool Shabeelaha Hoose. 17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT

JAALLIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE DALKA CANADA WAXEY TAAGEERSAN TAHAY MAAMULKA CUSUB G/SHABEELADA HOOSE kulan ay yeesheen jaaliyada digil iyo mirifle ee canada waxay hambalyo u dirayaan maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka shabeelada hoose Dr Abdukadir mohamed nuur. 17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT
Mid ka mid ah Aas aasayaashii Isbaheysigii La-dagaallanka Argagixisada oo ka bad baaday Qarax lala beegsaday gaari uu watay. Cabdi Nuure Siyaad oo ka mid ahaa aas aasayaashii Isbaheysigii La-dagaallanka waxa loogu yeeray argagixisada ayaa maanta ka bad baaday isku day la doonayay in lagu qaarijiyo. 17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT
Dowladda Federaalka oo si kulul ugu jawaabtay Hadalkii Xildhibaan Cusmaan Caato. Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta bayaan ay soo saartay kaga jawaabtay eedeymo ka soo yeeray Xildhibaan Cusmaan Caato oo ahaa in Ciidamada Ethiopia ay boobeen hantidiisa xilli ay howl gallo ka wadeen gurigiisa.17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT
Maamulka Gobolka Baay oo Bandow Habeenkii ah ku soo rogay Magaalada Baydhabo. Maamulka Gobolka Baay iyo Saraakiisha Ammaanka Gobolkaas ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Baydhabo kaga soo saaray go'aamo ah in Bandow la saaro Magaalada.17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT
Magaalada Muqdisho oo markii ugu horeysay laga furay Xafiisyo ay ku howl galaan Wasaaradaha Dowladda Federaalka. Iyadoo aysan jirin Xafiis rasmi ah oo ay ku shaqeynayeen Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya oo marka laga reebo dadka ay ku qaabili jireen Hoteelada. 17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT
Qarax Xoogan oo xalay lala beegsaday Dhismaha Bangiga Dhexe ee Dowladda Federaalka ku leedahay Baydhabo. Qarax Xoogan ayaa habeenkii xalay ahaa lala eegtay Dhismaha Bangiga Dhexe ee Dowladda Federaalka ku leedahay Magaalada Baydhabo. 17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT
Midowga Afrika oo ku baaqay in la caawimo dadka Soomaaliyeed ee heysata dhibaatooyinka Dawo La'aaneed. Midowga Afrika ayaa ku baaqay in Taageero deg deg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed, xilli laga deyrinayo Dhibaatooyinka xaga nolosha ee soo foodsaartay boqolaalka kun ee qoysaska ku dhibaateysan Duleedka Magaalada Muqdisho. 17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT
Xiisadii ka taagneyd Magaalada Kismaayo oo sii xumaaneysa, xilli dhinacyadii hore u dagaalamay ay wadaan Abaabul dagaal. Waxaa sii xumaaneysa Xiisadii ka taagneyd Magaalada Kismaayo, iyadoo dhinacyadii hore ugu dagaalamay Magaaladaas ay wadaan abaabulo dagaal.17-June-2007-2007@[BMC]18:00GMT

WAR-SAXAAFADEED MIDOWGA KOONFURTA SOOMAALIA (SSU)
oo shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Dowladda KMG ee Fedreaaliga Soomaaliyauu wado qorshe lagu xalaaleynayo in lagu soo daro haraadigii maamulkii Indhacadde inay ka mid noqdaan maamulka cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose.16-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT

Dad fara badan oo loo soo qab qabtay Qaraxyadii shalay ruxay Magaalada Muqdisho. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay soo qab qabteen kooxihii ka dambeeyay qaraxyadii shalay gil gilay Magaalada Muqdisho. 16-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamada Milateriga Ethiopia oo saaka xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Isgoyska Sanca. Ciidamada Militaarka Ethiopia ayaa saaka gebi ahaanba xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Isgoyska Sanca ee W/Muqdisho. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay qarax lagula beegsaday Isgosykaas, kaasoo Askarta Ethiopianku ay labo kaga dhaawacmeen. 16-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamada Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa xalay 40-ruux oo Masaajid ku cibaadeysaneysay u taxaabay Xabsi. Masaajid ku yaal Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho ayay Ciidamada Dowladda kala baxeen dad Masaajiidkaas ku cibaadeysaneysay. 16-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT
Dadka ku dhaqan Agagaarka Stadium Muqdisho oo Ciidamada Ethiopia ku amreen in ay isaga guuraan, hadii kale. Dadka ku dhaqan Agagaarka Garoonka Dadan ee Stadium Muqdisho ayaa soo food saartay wal wal iyo cabsi, kadib markii Ciidamada Ethiopia ku amreen in ay isaga guuraan. 16-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT

Bixidda iyo Soo Noqoshada Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose.
Intii uu Guddoomiyaha iyo Xubnaha Maamulkiisu ku mashquulsanaayeen qaabilaadda Beelaha Soomaaliyeed oo dhan.16-June-2007-2007@[BMC]01:00GMT

Qaraxyo kala duwan oo maanta gil gilay qeybo ka mid ah Caasimada Muqdisho. Qaraxo xoogan ayaa manta ruxay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan. 16-June-2007-2007@[BMC]01:00GMT
Cusmaan Caato oo sheegay in Ciidamada Ethiopia ay gurigiisa ka qaateen Lacago fara badan oo Doolarka Mareykan ah iyo Dahab Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali Caato ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay gurigiisa kala baxeen Lacag. 16-June-2007-2007@[BMC]01:00GMT
Dowladda Soomaaliya oo hub fara badan ku soo bandhigtay Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Hub fara badan oo ahaa kuwoo maalmahan howlgalka ku soo qabaneyneysa.16-June-2007-2007@[BMC]01:00GMT
Ciidamada Booliska Baydhabo oo baaritan ku haya weerarkii bambaano ee dhimashada iyo dhaawacaba dhaliyay ee lagu qaaday Shineemo aflaanta lagu daawanayay.16-June-2007-2007@[BMC]01:00GMT

Qaraxyo xoogan oo saaka iyo xalay ay magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan.
Qaraxyada Muqdisho ayaa waxa ay u muuqanayaan mid sii daba dheeraanaya, marka loo eego habacsanaanta Ciidamada Dowladda oo aan iyagu waxba qaban.04-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT

Afhayeenka Ciidamada Uganda oo sheegay in ay la wareegeen Ammaanka Ra'iisul Wasaaraha. Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya captain Paddy Ankunda ayaa shaaca ka qaaday in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku jiro Gacanta Ciidamada AMISOM ee Uganda. 04-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT
Ciidamo Ugandes ah iyo Ethiopian oo ay wehliyaan Ciidamo Boolis ah ayaa la soo dhigay Isgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho. Isgoysyada Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa saaka la soo dhoobay Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Kuwa AMISOM, Ethiopia iyo Booliska Dowladda Kmg ah. 04-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT
Magaalada Muqdisho oo xalay lagu dilay Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud. Gudoomiyihii Degmada Ceelbuur ee uu dhowaan Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay toogasho lagu dilay. 04-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT
Meydka labo nin oo saaka la sii dhigay Saldhiga Booliska Degmada W/dhiigley Meydka Labo Ruux oo mid la soo jir dilay ayaa saaka la soo dhigay Saldhiga Degmada W/dhiigley ee Magaalada Muqdisho.04-June-2007-2007@[BMC]13:00GMT

KULAN AY ISUGU YAMAADEEN QOOMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE UK.
Waxaa ka dhacay magaalada London ee wadankaan England shir aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tira badan.03-June-2007-2007@[BMC]22:00GMT


Qarax Xoogan oo goor dhoweyd ka dhacay Albaabka hore ee Guriga Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi.
Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax Xoogan oo galabta ka dhacay Guriga Ra'iisul Wasaaraha.03-June-2007-2007@[BMC]22:00GMT


Kulan uu gudiga jaaliyadda D&M ee wadanka Norway yeeshey oo lagu taageerey
maamulka loo magacaawey Gobolka Shabeelaha Hoose, oo uu guddoomiye ka yahay Dr. C/qaadir Maxamed Nuur.03-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Maxamed Dheere oo sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono Odayasha Beelaha Hawiye. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa ku eedeeyay Odayaasha Beelaha Hawiye Sheegta in ay ka dambeeyaan Dilalka iyo qaraxyada ka dhaca  Muqdisho.03-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Dowladda Soomaliya oo is hortaag ku sameysay Casuumaad ay Odayaasha Beelaha hawiye ka heleen Midowga Yurub. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hor istaagtay Casuumaad ay Odayaasha Beelaha Hawiye ka heleen Midowga Yurub.03-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in la soo afjaray Howl Galkii ka socday Deegaan Xeebeedka Baar-gaal. Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in la soo afjaray Howl galkii ka socda Deegaan Xeebeedka Baar-gaal ee Gobolka Bari.03-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay sii wadi doonto Howl Galka ay ka wado Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howl galka ay ku baadi goobeyso waxa ay ugu yeertay Argagixisada Caalamiga ah.03-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Qarax Xoogan oo saaka waabarigii lala beegsaday Kolonyo Ethiopian ah oo mareysay Wadada Ex Ctrl Balcad. Qarax ayaa saaka Magaalada Muqdisho lagula beegsaday Kolonyo Ciidamo Ethiopian ay saarnaayeen,   Ex Ctrl Balcad.03-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir-ul-Dowllaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Sayid Aadan iyo Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose
ayaa ku sugan Degmada Afgooye shaley, xaley iyo maantaba.02-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT


Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka oo ka hadashay Duqeyntii ay Maraakiibta Dagaalka Mareykanka ka geysteen Baar-gaal.
Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Duqeyntii Maraakiibteeda wax bur buriya ay ka geysteen Deegaanka Baar-gaal ee Waqooyi Bari Soomaaliya.02-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Ciidamada Booliska G/Banaadir oo Dad dhowr ah u qab qabtay Dilkii Gudoomiyihii Degmada H/wadaag. Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa dad dhowr ah u qab qabtay Dilkii Xalay loo geystay Gudoomiyihii Degmada H/wadaag. 02-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Taliyihii Nabad Sugida Qaranka ee Magaalada Kismaayo oo xalay la dilay. Taliyihii Nabad Sugida Qaranka ee Degmada Kismaayo ayaa xalay toogasho lagu dilay. G/lle Makhtal Faarax Gaagaab ayaa kooxo dableey ah ay ku dileen xalay fiidkii bartamaha Magaalada Kismaayo, xilli uu ku sii jeeday Gurigiisa.02-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Diyaaradaha Dagaalka iyo Maraakiibta wax bur buriya ee Mareykanka oo xalay Duqeyn Xoog leh u geystay Buuraha Deegaanka Xeebeedka Baar-gaal. Maraakiibta Dagaalka Mareykanka ayaa xalay duqeyn xoog leh u geystay Deegaanka Baar-gaal oo ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland.02-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in shirka dib u heshiisiinta qaran uu maalmo dib uga dhaco xilligii lagu waday inuu qabsoomo. Gudoomiyaha Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in ay dhici karto in maamlo uu dib uga dhaco shirka dib u heshiisiinta qaran.02-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT
Qarax xalay ka dhacay Isgoyska Towfiiq oo sababay dhaawac dad rayid ah. Qarax ayaa xalay ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho, kaasoo mid lagu bartilmaameedsanayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopianka ee fariisinka ku leh halkaas.02-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaran oo loogu deeqay 8.5 Milyan oo Doolar ah.
Hey'addaha Deeqda Bixiya ayaa shalay gelinkii Gudiga Dib u Heshiisiinta qaran ugu deeqa lacag gaareysa 8.5milyan. 01-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT

Dowladda Federaalka oo ka hor timid shirka Dowladda Talyaaniga u qabaneyso Haweenka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid qorshaha Dowladda Talyaaniga ku dooneyso in ay shir ugu qabato dalkeeda Haweenka Soomaaliyeed.. 01-June-2007-2007@[BMC]12:00GMT