Dowladda Masar oo dalkeeda ku marti qaaday Hogaamiyaha Mucaaradka Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dowladda Masar oo ka mid ah Dowladaha Carbeed ee sida weyn uga lugta leh Arrimaha Soomaaliya ayaa dalkeeda ku casuuntay Hogaamiyihii Maxkamadihii Islaamiga, ahna Madaxa Isbaheysiga Asmara Sheekh Shariif.29-Nov-2007@[BMC]18:00GMT
Ra'iisul wasaare Nuur Cadde oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira ku dhawaaqista Xukuumadiisa Cusub.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku guda jiro diyaar garowgii ugu dambeeyay ee uu ku soo dhisayo Xukuumadiisa Cusub.29-Nov-2007@[BMC]18:00GMT
Bambaanooyin iyo Tacshiirado saaka ka bilowday Deegaanka Suuqa Xoolaha, iyadoo Madaafiic culusna la maqlayo.
Dagaal qaraar oo la adeegsanayo Bambaanooyinka, rasaasta fud fudud iyo Madaafiic ayaa ka socota qeybo ka mid ah Degmada Huriwaa, gaar ahaan Suuqa Xoolaha.29-Nov-2007@[BMC]18:00GMT
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo saaka ku soo faafay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, qof rayidna ku dilay agagaarka Isgoyska Towfiiq.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Ethiopia ayaa saaka waabarigii ku soo faafay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, halkaasoo ay howl gallo ballaaran ka wadaan.29-Nov-2007@[BMC]18:00GMT
Muuse Suudi "Dhibka waxa shidaya waa kuwa Dowladda ka soo horjeeda ee wax tuuraya, iyagaana ka mas'uul ah dhibaatada".
Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku eedeeyay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda in ay ka mas'uul yihiin dhibaatada ka taagan Magaalada Muqdisho.29-Nov-2007@[BMC]18:00GMT
Somali Australian will Protest for Peace in Mogadishu, Somalia on Thursday, 6 December, 2007.
29-Nov-2007@[BMC]18:00GMT
Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cali Geeddi iyo Wafdi ka socda Beesha caalamka oo manta ku soo jeeda Baydhabo.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Baydhabo tan iyo markii uu isaga degay xilka Ra'iisul Wasaarenimada.27-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Madoobe Nuunow oo wax aan sharci aheyn ku tilmaamay qoraalka saxaafada ee qabyada uu soo saaray Maamulka G/Banadir.
Wasiirkii Warfaafinta ee Xukuumadii dhacday ee Cali Geeddi ayaa wax aan sharci aheyn ku tilmaamay qoraalka saxaafada ah ee qabyada uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir.27-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir "Maamul Gobol iyo mid degmo wax shaqo ah kuma lahan arrimaha saxaafada".
Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir oo ka mid ah Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga warfaafinta Baarlamaanka ayaa waxay sheegtay Saxaafada aysan wax shaqo ah ku laheyn Saxaafada, iyadoo sheegtay in saxaafada ay hoos timaado Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda.27-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Meydadka Labo ruux oo saaka ay yaalaan Saldhiga Degmada Kaaraan, kuwaasoo ay toogteen Ciidamada Booliska.
Meydadka Labo ruux ayaa saaka waxa uu yaala saldhiga Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo sida la sheegay ay toogteen Ciidamada Booliska Saldhigaas.27-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Qasaaraha Dagaalkii ka dhacay agagaarka Degmada Matabaan oo soo kordhaya, iyadoo gaari laga gubay Ciidamada Ethiopia.
Waxaa soo kordhaya qasaaraha uu geystay Dagaal shalay gelinkii ay isku fara saareen Ciidamo Ethiopian ah iyo xoogag ka soo horjeeda nawaaxiga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.27-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Weerar Culus oo xalay lagu qaaday Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Xerada Janta Kundishe ee Duleedka Beled Weyn.
Weeraro loo adeegsaday Hoobiyeyaal iyo Baasukayaal ayaa xalay lagu qaaday Ciidamada Ethiopianka ee fariisinka ku leh Deegaanka Janta Kundishe ee Duleedka Magaalada Beled Weyn.27-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Xaalad Bandow oo caawa lagu soo rogay Magaalada Baydhabo, iyadoo Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Magaalada.
Xaalad Bandow ayaa caawa lagu soo rogay Magaalada Baydhabo, iyadoona Ciidamo aad u fara badan lagu daadiyay wadooyinka Magaalada.27-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Dagaal culus oo Ciidamo Ethiopian ku qabsaday gelinkii dambe ee maanta Inta u dhaxeysa Matabaan iyo Guriceel, ilaa caawana soconaya.
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Bacda ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu halkaas ka soconaya, kaasoo u dhaxeeya Ciidamo Ethiopian ah iyo kooxo hubeysan oo maalmahan isku uruursanayay Gobolkaas.27-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobo oo la sheegay in ay miiska u saareen Nuur Cadde rag ay wataan in loogu daro Xukuumada Cusub.
Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe u gudbiyeen Ra'iisul Wasaaraha Cusub xubno ay wataan.
IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS
24-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo maanta u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Federaalka Kmg ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Baydhabo
.
IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS.
25-Nov-2007@[BMC]22:00GMT
Nuur Cadde "Kooxaha Mucaaradka waxaan u ogolahay, hadii aan siyaasad isku fahano inaan ku daro Xukuumada aan soo dhisayo"
Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xusen (Nuur Cadde) ayaa sheegay inuu wada hadal la galayo Kooxaha Mucaaradka ku ah Siyaasada Dowladda.
IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS
.
24-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Xaalada Wadada dheer ee 30-ka oo saaka degan, kadib dagaal culus oo xalay halkaasi ay ka dhaceen.
Xaalada Wadada 30-ka ayaa ah mid saaka degan, kadib markii xalay ay dagaalo ka dhaceen halkaas.
IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS
.
24-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Waxaa safar shaqo ah ku soo gaadhay dalka Finland Safiirka u fadhiya Swisarland DKG
Yusuf Maxamed Ismaciil (Baribari) Safiirku waxa uu la kulmay Madaxda Baarlamaan Dalkan Finland iyo wasaarada arimaha dibadaeewadanka finland.24-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Faahin faahin ku aadan weerar Hoobiyeyaal oo xalay lagu
qaaday Fariisimaha Ciidamada Ethiopia iyo Shabaabka oo sheegtay weerarkaas. Fadhi maanta Golaha Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa lago ogolaaday magacaabista Madaxweynaha ee Ra'iisul wasaaraha Cusub.
IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS
.
24-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Faahin faahin ku aadan weerar Hoobiyeyaal oo xalay lagu
qaaday Fariisimaha Ciidamada Ethiopia iyo Shabaabka oo sheegtay weerarkaas. In kastoo muddooyinkan dambe hoos u dhac ku yimid weeraradii joogtada ahaa ee lala beegsanayay.
IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS
.
24-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo daqiiqado ka hor Ra'iisul wasaare u magacaabay Nuur Cadde (Taariikhdiisa oo kooban)
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu yahay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, kadib wada tashiyo uu muddo la soo yeelanayay Beelaha Soomaalida. 22-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Maxaad ka taqaana Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mr Nuur Cadde
Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sandku markuu ahaa 1958, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1964.22-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Sheekha Muudey Gacal "Jagada Ra'iisul Wasaaraha waxaa la siiyay Beesha Mudullood, ee uu ka soo jeeday Ra'iisul Wasaarihii hore.
Xubin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulkaas ee socdaalka ku jooga Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in jagada Ra'iisul Wasaaraha la siiyay Beesha Mudullood ee uu ka soo jeeday Ra'iisul Wasaarihii Hore.22-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Weerar Bambaano oo saaka lagu qaaday Kolonyo Baabuurta Ciidamada Ethiopia oo mareysay Suuqa Xoolaha
Kolonyo Baabuurta Ciidamada Ethiopia oo marayay wadada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa subaxnimadii saaka niman hubeysan waxay ku weerareen Bam Gacameed, sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Muqdisho.22-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Taarikh Nololeed kooban ee ninka ugu cad cad ee laga yaabo inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Soomaaliya Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954. 20-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Golaha Ammaanka oo isku raacay baahida loo qabo suurta galnimada qorshe Ciidamo Nabad Ilaalineed lagu keenayo Somalia.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Q.M ayaa isla gartay baahida loo qabo suurta galnimada qorshe Ciidamo Nabad ilaalin oo ka socda Q.M lagu geynayo Soomaaliya.20-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ugu dambeyn maanta ku dhawaaqaya Ra'iisul Wasaaraha cusub.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kama dambeys maanta la filayaa inuu ku dhawaaqa Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.20-Nov-2007@[BMC]20:00GMT
Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in meesha ay isaga baxeen Musharaxiin u hanqaltaageysay Jagada Ra'iisul Wasaarenimada, oo ay sheegeen in ay isaga dageen loolankii ay ugu jireen jagadaas.
Loolanka ayaa hada waxaad moodaa inuu ku koobmay Labo Beel oo ka soo wada jeeda Beelaha Hawiye, waana Beelo siyaasadooda mar waliba iska soo horjeedi jirtay.19-Nov-2007@[BMC]16:00GMT
Idaacadaha Magaalada Muqdisho oo shaqo joojin ay kaga cabanayaan Idaacadaha kale ee xiran maanta sameeyay
Mas'uuliyiinta Idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in shaqo joojin ay kaga cabanayaan Idaacadaha kale ee Muqdisho ee xiran ay sameeyeen laga Bilaabo galabta.19-Nov-2007@[BMC]16:00GMT
Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in uu ka mid noqdo Baarlamaanada Ururada IGAD
Kulan maanta magaalada Baydhabo ay ku yeesheen xubnaha Baarlamanka Dowladda Kmg ah ayaa waxa ay ku ansixiyeen dhowr qodob oo ay mid tahay ka mid noqoshada Baarlamanka soomaaliya, Baarlamanadda Dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD.19-Nov-2007@[BMC]16:00GMT
Dadka Muqdisho oo iska ilaabay maritaanka Wadooyin ka mid ah Caasimada, iyadoo ay wada fadhiyaan Ciidamada Isbaheysanaya.
Waddooyinka waa weyn ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhamaantood xiran, iyadoo ay wada fadhiyaan waddooyinkaas Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee isbaheysanaya.19-Nov-2007@[BMC]16:00GMT
Arday fara badan oo waxbarashadoodii ay saameysay Howl galada Ciidamada Ethiopia ka wadaan Caasimada Muqdisho
Ilaa iyo 2800 arday ayaa la xaqiijiyay in Waxbarasho La’aan ku haysa Magaalada Muqdisho, kuwaas oo wax ka baran jiray dugsiyo waxbarasho oo ku teedsan wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.19-Nov-2007@[BMC]16:00GMT
2 Markab oo Mucaawino u sida Hey'adda WFP oo ku soo xirtay Dekeda Marka, iyadoo uu sheeda ka ilaalinayo Markab Faransiis ah.
2 Markab oo mucaawino u sida Hey'adda WFP ayaa saaka waabarigii ku soo xirtay Dekeda Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.19-Nov-2007@[BMC]16:00GMT
Barakac iyo kala carar ka bilowday Deegaanka Ceelaha Biyaha oo ay degan yihiin dadkii Muqdisho ka soo qaxay.
Iyadoo qarax qasaare u geystay Ciidamo ilaalo u ahaa Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere uu ka dhacay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Ceelaha Biyaha, ayaa deegaanka Ceelasha waxaa ka bilowday qax iyo kala carar xoogan.19-Nov-2007@[BMC]16:00GMT
Ciidamada Booliska Gobolka Baay oo xalay tacshiirad ku furay dhalinyaro ku xoonsaneyd goob qaad lagu iibiyo
Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska magaaladaasi ay Xalay dad ku laayeen suuq qaadka lagu iibiyo oo ku yaal baratamaha Magaalada Baydhabo.19-Nov-2007@[BMC]16:00GMT
Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo ku kala qeybsan cida ay u xulayaan inuu qabto Jagada Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaanada Beelaha Hawiye u metela Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsan cida ay u xulayaan Jagada Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.17-Nov-2007@[BMC]22:00GMT
Madaxweyne Yusuf oo xalay kulan gaar ah la qaatay Maxamed Dheere iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Mudullood.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yusuf Axmed ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, ayna ka mid yihiin ku dhowaad 200 oo ruux oo ka soo jeeda Beesha Mudullood.17-Nov-2007@[BMC]22:00GMT
Weerar Baasuukayaal loo adeegsaday oo xalay saqdii dhexe lagu qaaday Fariisimaha Ciidamada Uganda ee KM4
Weerar hubeysan oo socday ku dhawaad nusa saac ayaa xalay kooxaha Kooxaha Hubeysan ay ku qaadeen fariisan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ku lahaayeen Isgoyska Km4 ee Magaalada Muqdisho.17-Nov-2007@[BMC]22:00GMT
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo qirtay Weerarkii xalay lagu qaaday Ciidamada Uganda ee Amisom
Afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qirtay in ay ka dambeeyaan weerarkii xalay lagu qaaday fariisan Ciidamada dalka Uganda ku lahaayeen Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.17-Nov-2007@[BMC]22:00GMT
Meydka allaha u naxariistee Marxuumad Madiina Jeneraale oo maanta lagu aasi doono Duleedka Magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee Madiino Maxamud Cilmi (Madiina Jeneraale) oo shalay gelinkii u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay fureen kooxo hubeysan.17-Nov-2007@[BMC]22:00GMT
Qarax loo adeegsaday Bam Gacmeed oo saaka lagu weeraray Ciidamo ka tirsan
Dowladda oo ku sugnaa agagaarka Geed Jaceyl ee Wadada Wadnaha.17-Nov-2007@[BMC]22:00GMT
Xulka Qaranka Soomaaliya oo guuldaro shalay dhabarka loo saariyay, dibna ugu soo laaban doono Muqdisho.
Cayaartii ka tirsanayd isreereebka koobka kubadda cagta adduunka ee lagu qaban doona 2010ka dalka koonfur afrika ayaa shalay galab waxaa ay dhex martay xulalka kubadda cagta ee dalalka Soomaaliya iyo Djibuti, iyadoo guushii 1-0 ku raacday xulka reer Jabuuti.17-Nov-2007@[BMC]22:00GMT
Dowladda Nigeria oo Ciidamo gaaraya 700 oo nabad ilaaliyeyaal ah usoo direysa Soomaaliya
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in hal Batallion oo ciidamo ah ay u soo direyso Soomaaliya xilli uu soconayo dadaalo xoogan oo Midowga afrika uu ugu jiro in ciidamo uu ugu soo diro Soomaaliya.15-Nov-2007@[BMC]14:00GMT
Ciidamada Ethiopia iyo Taangiyadooda oo isaga huleelay Gudaha Suuqa Bakaaraha, balse ku sugan Hareeraha Suuqaas.
Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa isaga baxay Gudaha Suuqa Bakaaraha oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.15-Nov-2007@[BMC]14:00GMT
Howl gallo Ciidamada Ethiopia saaka ugu dhaqaaqeen Deegaanada Gubta iyo Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile.
Ciidamo ka tirsan Dalka Ethiopia ayaa saaka howl gallo Baaritaan ugu dhaqaaqay Deegaanka Gubta ee Degmada Dayniile, halkaasoo ah goobaha iska caabinta xoogan lagala hor yimaado Ciidamada.15-Nov-2007@[BMC]14:00GMT
Qarax Miino oo waaberigii saaka Kolonyo Ciidamo Ethiopian ah lagula beegsadat agagaarka Kulyadii Jaalle Siyaad.
Qarax Miino oo xoogan ayaa waabarigii saaka Kolonyo Ciidamo Ethiopian ah lagula eegtay Agagaarka Kulyadii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.15-Nov-2007@[BMC]14:00GMT
Banaan bax lagu taageerayo xasiloonida Magaalada Muqdisho aan cagaha badan ku taagneyn oo ka socda Fagaaraha Stadio Koonis.
Banaan bax lagu taageerayo Nabadeyn Magaalada Muqdisho ee aan cagaha badan ku taagneyn ayaa haatan ka soconaya Fagaaraja Stadio Koonis ee Degmada C/casiis.15-Nov-2007@[BMC]14:00GMT
Dhaq dhaqaaqyo ka soconaya Xafiiska Madaxweynaha ee Baydhabo, Kulamo iyo wada tashi socda iyo R/Wasaaraha cusub oo saacadaha soo socda la shaacinayo
Dhaq dhaqaaqyadii ugu xoogan ayaa ka soconaya Xafiiska Madaxweynaha ee Baydhabo, xilli uu shalay galab soo gaaray Madaxweynaha Magaalada Baydhabo.14-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Xaalada Suuqa Bakaaraha oo maalintii 3aad ay cakiran tahay, iyadoo Ciidamada Ethiopianka ay dul saaran yihiin Daaraha Dhismayaal Ganacsi ee suuqaas
Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa maalintii 3aad cakiran, iyadoona aanay ka jirin wax dhaq dhaqaaq ganacsiga marka laga reebo Howl gallo ay ka wadaan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda oo gudaha u galay Suuqaas.14-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Dhaq dhaqaaq ganacsi iyo isu socodka Suuqa Xoolaha oo saaka dib u furmay, maalmo kadib markii ay shalay halkaas ka baxeen Ciidamada Ethiopia
Howlihii ganacsi ee suuqa xoolaha ayaa saakay dib u furmay malmo ka dib markii ay shalay ka baxeen halkaasi cidamada Ethiopia oo howl-gallo ka waday halkaasi.14-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Isku dayo la doonayo in lagu furo Wadada Warshadaha Qeybta Deegaanada Towfiiq ilaa Gubta iyo Meydad la tabayo oo halkaas laga baadigoobayo.
Iyadoo Deegaanadii dhowaan Dagaaladu ka dhaceen ee Xaafadaha ku teedsan Wadada Warshadaha ay yihiin kuwo aad u cakiran, isla markaana aanu jirin cid isticmaaleysa, ayaa haatan waxaa la doonayaa isku dayo lagu furayo.14-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo si jees jees ah uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Cali Geedi ee ahaa inuu dhex dhexaadinayo Dowladda iyo Mucaaradka.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeeray Ra'iisul Wasaarihii is casilay ee Cali Geeddi, kaasi oo ahaa inuu dhex dhexaadinayo Dowladda iyo Mucaaradka Dowladda.14-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Noloshii ugu adkeyd oo soo marta Wariyeyaasha iyo qeybaha kale ee Warbaahinta Muqdisho (Dowlada oo go'aansatay in cagta hoosteeda geliso Warbaahinta madax banaan
Waa noloshii ugu adkeyd ee soo marta Wariyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya, haatan waxay ku jiraan labo talo mideeda, qaar kale waxay leeyihiin noloshan cusub waxay Qatar gelinaysaa ujeedadii ahayd in la hormariyo madax bannaanida Saxaafadda, qaar kalena waxayba yihiin kuwo ka baxsanaya Xaaladahan cusub ee ugaarsiga Saxafiyiinta.14-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Labo Musharax oo ka soo jeeda Beesha Abgaal oo midkood la doonayo in Xilka Ra'iisul Wasaaraha loo dhiibo
Baadigoob xoogan ayaa wali loogu jiraa cidii bedeli laheyd Ra'iisul Wasaarihii shaqada ka tagay ee Cali Geeddi, iyadoo inta badan Musharaxiin u ololeyneysa Jagadaas ay ka gaabsadeen oo ay shuruudo ku xireen. Madaxweyne Yusuf ayaa haatan heysata laba daran mid dooro, waa tan kowaadee isagoo ku jahwareersan cida uu u dhiibi lahaa jagadaas iyo in uu qaato qof ay usoo xulaan Mareykanka iyo Ethiopia.13-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo wali albaabada u laaban iyo Ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Somali oo lagu arkayo wadooyinka soo gala suuqaas.
Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga guud ee Suuqa Bakaaraha ayaa maalintii 3aad hakad ku jira, iyadoona wadooyinka soo gala Suuqaasna lagu arkayo Ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Somali.. 13-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Wadada Warshadaha iyo Ex Ctrl Balcad oo saaka dib u furmay kadib heshiis dhex maray Shirkadaha Ganacsiga iyo Saraakiil Ethiopian ah.
Wadada dheer ee Warshadaha iyo tan isku xirta Balcad iyo Muqdisho ee loo maro Suuqa Xoolaha ayaa saaka dib u furantay, xilli heshiis shalay dhex maray Ganacsato ka socota Shirkadaha Isgaarsiinta ee Muqdisho iyo Saraakiil Ethiopian ah. 13-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Wasaarada Warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xeritaanka Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Wasaarada Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta laga bilaabo ay guda geli doonto sababihii loo xiray Idaacada madax banaan ee Shabelle oo maalintii shalay Ciidamo ka tirsan Dowladda ay albaabada isugu dhifteen.13-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Meydka Nin Dhalinyaro ah oo saaka laga soo qaaday agagaarka Warshadii Baastada.
Goobaha Dagaaladu ka dhaceen Maalmihii la soo dhaafay ee ay isaga baxeen Ciidamada Ethiopia ayaa laga helayaa Meydad hor leh, kuwaasoo ay toogteen Ciidamada.13-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Culumaa'udiin iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha uu ka dhashay Axmed Diiriye oo ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Nabadoonkooda.
Culumaa'udiin iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha uu ka dhashay Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Nabadoonkooda.13-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Maxamed Dheere "Hub badan ayaan ku soo uruurinayay Howl galada aan ka wadno Suuqa Bakaaraha"
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hub badan ay ka ka soo heleen Suuqa Bakaaraha, intii ay Howl galka halkaas ka wadeen.13-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Ma dhabaa inuu Prof. Jimcaale uu ka baxay Musharaxnimada Jagada Ra'iisul Wasaaraha cusub, kuna laabtay Mareykanka maxayse tahay sababaha uu uga baxay (Xog dhab ah).
Prof. Cali Axmed Jimcaale oo todobaadkii hore ahaa shaqsiga aad loogu hadal haya inuu qabanayo jagada Ra'iisul Wasaaraha Cusub ayaa hada ka baxay, loolanka uu ugu jiray jagadaas. Cali Jimcaale ayaa labo maalmood ka hor ku laabtay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka, kadib markii ay Maamulka Addis Ababa isla meel dhigi wayaeen qabashada xilkii uu baneeyay Cali Geeddi. 12-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Gacma Dheere "Ciidamo u yimid Danta Umada in wadooyinka lagu jiid jiido aad ayaan uga xumahay, waxaan Hey'adaha Amniga farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan kuwa Muqaawamada iyo shabaabka la yiraahdo"
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka taagan Caasimada Soomaaliya, isagoona Hey'adaha Amniga faray in gacan bir ah lagu qabto Ammaanka Caasimada. 12-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka Baay oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka Baay ayaa habeenimadii xalay ay kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Baydhabo.. 12-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Sheekh Xasan Dahir Aweys "Waa arrin aad loola yaabo aamusnaan Beesha Caalamka ee ku aadan Gumaadka Ciidamada Ethiopia.
Gudoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatooyinka dadka soomaaliyeed ku dhacay iyo aamusnaanta Beesha Caalamka ee ku aadan Gumaadka ay geysanayaan Ciidamada Ethiopia.12-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Ciidamada Militeriga Guutada 9aad oo Mar Kale Dib Loo Dhisayo – Maleeshiyaadka Indhacadde
oo La Baabi’in Doono. Guutada 9aad oo ku burburtey gacanta Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa mar kale lagu wadaa in dib loo dhiso, waxaana intii ka hartey hadda ku sugan yihiin Degmada Afgooye. 11-Nov-2007@[BMC]14:00GMT
"FAALO"
Yaa Maamula Gobolka Shabeellada Hoose?
Tan iyo intii la dhisey Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa hareeyey khilaafaad aad u ballaaran oo u dhaxeeya xubnaha maamulka iyo Maamullada Degmada iyo kuwa Gobolka, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa isa soo taraayey khilaafaadka u dhaxeeya mas’uuliyiinta Maamulka. 11-Nov-2007@[BMC]14:00GMT
Ciidamada Dowladda oo goor dhoweyd gacanta ku dhigay afhayeenka Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye
Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd xafiiskiisa ka qafaashay Afhayeenkii Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali.
IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS
. 11-Nov-2007@[BMC]12:00GMT
Cali Geedi "Waxaan u maleynayaa in Madaxweynaha qaladaadkiisa garwaaqsan yahay, waxaa diyaar u ahay inaan dhex dhexaadiyo Dowladda iyo Kooxda Asmara"
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya isla markaana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in lagama marmaan ay tahay in dhibaatada Soomaaliya.
IYO WARAR KALOO CUSUB OO GOOS-GOOS
.11-Nov-2007@[BMC]10:00GMT
Meydadka Ilaa 20 ruux hor leh oo si arxan daro ah ay u dileen Ciidamada Ethiopia oo laga helay Xaafada Shiirkole.
Meydadka 20 ruux oo rayid ah ayaa saaka laga helay Xaafada Shiirkole ee Magaalada Muqdisho.10-Nov-2007@[BMC]10:00GMT
Magaalada Muqdisho oo maalintii 3aad cakiran iyo Wadooyinka waa weyn ee Caasimada oo xiran
Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalintii 3aad ay tahay mid cakiran, iyadoona Ciidamada Ethiopia ay si aan kala sooc laheyn ay u xasuqeen Maatida Muqdisho. 10-Nov-2007@[BMC]10:00GMT
Xaafado hor leh oo ay saaka gudaha usoo galeen Ciidamada Ethiopia, iyagoona dhaq dhaqaaqyo ka wada.
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Wasaaradii Gaashaandhiga iyo Warshadii Baastada ayaa saaka gudaha usoo galay xaafado hor leh oo ka tirsan Magaalada Muqdisho. 10-Nov-2007@[BMC]10:00GMT