Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Seyoum Mesfin oo goor dhoweyd gaaray Magaalada Baydhabo
Warararka naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia iyo wafdi uu hoggaaminayo ay Magaaladaas soo gaareen.31-Oct-2007@[BMC]20:00GMT
Prof. Geedi oo maanta kula kulmaya Nairobi Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya
Ra'iisul Wasaarihii Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa saacadaha soo socda kulan xasaasi ah kula yeelanaya Magaalada Nairobi Safiirka Mareykanka ee u fadhiya Kenya Michel Ranniberger.31-Oct-2007@[BMC]20:00GMT
Iska hor imaad hubeysa oo barqanimadii maanta ka dhacay Suuqa Dayax ee Magaalada Muqdisho.
Iska hor imaad hubeysan ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Dayax ee lagu iibiyo Xoolaha, kaasoo dhex maray Kooxo Hubeysan iyo Ciidamada Dowlada hoose ee halkaas canshuurta ka uruurinya.31-Oct-2007@[BMC]20:00GMT
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ka yeelanaya waxyaabihii ka soo baxay
shirkii dib u heshiisiinta Qaran ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay dhowaan..31-Oct-2007@[BMC]20:00GMT
Madaxweynaha Mareykanka iyo Uganda oo ka arinsanaya todobaadka soo socda Xaalada Dalka Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Uganda iyo Mareykanka ayaa todobaadka soo socda ka arinsanaya Xaalada Dalka Soomaaliya, iyadoo Uganda ay soomaaliya ka joogaan 1,700 oo askari nabad ilaaliyeyaal ah.31-Oct-2007@[BMC]20:00GMT
War deg deg ah
: Prof. Geeddi oo iska casilay Xilkiisii Ra'iisul Wasaarenimada Soomaaliya.
war deg deg ah oo hada naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu xilkii Xafiiska Ra'iisul wasaarenimo isaga degay Cali Maxamed Geeddi.29-Oct-2007@[BMC]10:00GMT
Qaraxyo iyo tacshiirado goor dhoweyd ka bilowday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha
Qaraxyo loo adeegsanayo Bambaanooyinka gacanta laga gano iyo tacshiirado ayaa ka socda Wadada 1aad ee Suuqa Bakaaraha.29-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Dibad bax rabshado wata oo maalintii 3aad ka dhigayaan Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Dibad bax rabshado wata ayaa maalintii 3aad waxa uu ka soconayaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay ka jiraan xiisado dagaal.29-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo xirmay, kadib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo gudaha usoo galay Suuqa.
Waxaa xiran Guud ahaan ganacsiga Suuqa Bakaaraha, kadib markii saaka ay gudaha usoo galeen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia.29-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Meydadka ilaa afar ruux oo rayid oo saaka laga helay goobihii shalay dagaaladu ka dhaceen
Meydka ilaa afar ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay yaalaan Goobihii shalay dirirtu xoogani ka dhacday, iyadoona labo ka mid ay toogasho ku dileen Ciidamada Ethiopia.29-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Mudaaharaad lagu amaanayay diinta Islaamka oo maanta ka dhacay Oslo, Norway.
Banaanbax balaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen Urururada Muslimiinta ku dhaqan Dalka Norwey ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Oslo ee Caasimada Dalka Norwey.28-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda oo xooga uga saaray Saldhiga Degmada H/wadaag
Ciidamadii Booliska iyo dab la qabad siiyay Dhismaha Saldhiga.28-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Dad fara badan oo ka cararay Dagaalada Muqdisho ka socda maalintii labaad oo
nolol xumo ku heyso inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.28-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Warshadii Baastada ayaa maanta rasaas ooda uga
qaaday Dibad baxayaal careysan oo isugu soo baxay banaan bax rabshado watay.28-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Miino dhulka hoostiisa lagu hoos qarshay oo saaka laga helay agagaarka Guriga uu degan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa waxay ay sheegayaan in Miino aan qarxin laga soo hoos bixiyay agagaarka Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo.28-Oct-2007@[BMC]10:00GMT
Faah faahin dheer ah oo ku aadan Xaalada Magaalada Muqdisho, iyadoo rasaas iyo Madaafiic laga maqlayo Magaalada
Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa jawi kacsanaan saaka ku jirta, iyadoona meelo qaar ay ka dhacayaan rasaas iyo Madaafiic xoogan oo qaarkood ay yihiin kuwo fool ka fool la isaga soo horjeedo.28-Oct-2007@[BMC]10:00GMT
Dagaal Qaraar oo saaka dib mar kale uga soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho
Dagaal qaraar ayaa goor dhoweyd ka qarxay Magaalada Muqdisho, kaasoo ah mid dhowr jiho ka soconaya, waxaana la maqlayaa hubka cul culus.28-Oct-2007@[BMC]10:00GMT
Muqdisho oo xalay iyo saaka ku waabariisatay degenaansho, kadib dagaalkii ugu xomaa ee shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada
Xaalada Guud ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo ay shalay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay ayaa xalay iyo saakay ku waabariistay degenaansho, kadib dagaal xoogan oo shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.28-Oct-2007@[BMC]10:00GMT
La Taliyaha Madaxweynaha oo shaaca ka qaaday in Ra'iisul Wasaaraha uu is casilayo markii uu Baydhabo ku soo laabto.
La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Arrimaha Dibada Dr. C/risaaq Aadan ayaa daboolka ka qaaday in Ra'iisul Wasaare Geeddi uu maanta iclaamin doono is casilaadiisa, marka uu Baydhabo ku soo laabto.28-Oct-2007@[BMC]10:00GMT
Banaan bax taayaro lagu gubayo oo saaka ka socda Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho.
Banaan bax rabshado wata oo taayaro lagu gubayo ayaa iminka ka soconaya qeybo ka mid ah Wadada 30-ka oo ah halkii shalay ay ka dhaceen dagaalada qaraar.28-Oct-2007@[BMC]10:00GMT
Afhayeenka Xafiiska R'iisul Wasaaraha C/llaahi Codka oo si kulul uga jawaabay wararka sheegaya in Ra'iisul Wasaare Geeddi uu is casilayo.
Afhayeenka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha C/llaahi Codka ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Mas'uul ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, kaasi oo sheegaya in Ra'iisul Wasaaraha uu is casilayo.28-Oct-2007@[BMC]10:00GMT
Ra'iisul Wasaare Geeddi oo kulan xasaasi ah la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.27-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda oo la wareegay Saldhiga Booliska Degmada Hodan iyo dad fara badan oo ku xoomay saldhigaas
Iska Hor imaadyo qaraar oo toos ay ugu jiraan Ciidamada Ethiopia ayaa barqanimadii maanta ku faafay qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.27-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Maxamed Dheere oo joojiyay Howlihii Shaqo ee Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa hakiyay Howlihii shaqo ee Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.27-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Weerar loo adeegsaday Hubka wax guba ee Baasuukayaasha oo saaka waabarigii lagu qaaday Fariisinka Cali Kamiin ee Ethiopianka
Weeraro loo adeegsaday hubka wax guba ee loo yaqaano Baasuukayaasha ayaa waaberigii saaka lagu qaaday Fariisanka Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Cali kamiin ee degmada.27-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle oo amar ku bixiyay in toogasho lagu dilayo cidii lagu arka Hub iyadoo sidata.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa amar ku bixiyay in la dilo Cidii lagu arko hub ee diida in ay ku soo wareejiso gacanta Booliska.27-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Iska Hor imaad xoogan oo saaka ka dhacay Magaalada Marka ee G/SH/Hoose
Dagaal xoogan ayaa saakay waabarigii waxa uu ka qarxay xaafadda Buulo Jaan ee magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo la soo sheegayo in dagaalkan uu yahay mid hubka noocyadiisa kala duwan la isugu adeegsanayo.27-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Weerar Bambaano loo adgeesaday oo xalay lagu qaaday Shineemo aflaanta lagu daawanayay ee ku taal Xaafada Siinaay.
Weerar Bambaano ayaa xalay lagu qaaday Shineemo aflaanta lagu daawanayay oo ku taal Xaafada Siinaay ee Magaalada Muqdisho.27-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Dagaalo qaraar oo xalay ku waabariisatay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho
Dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa la isku waabariistay, iyadoo dagaalkaasi uu istaagay daqiiqado ka hor inta aan la tukan Salaaddii Subax, wuxuuna ahaa dagaalkii ugu waqtiga dheeraa oo Magaalada ka dhaca bishan October aynu ku jirno.27-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Odayaasha Hawiye oo ugu baaqay Maxamed Dheere, Cabdi Qeybdiid iyo Maareyaha Dekeda in ay ka hortagaan qalabka laga bililaqeysanayo Dekeda Muqdisho.
Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka mucaaradsan Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga hortago qalabka laga raranayo Dekeda Muqdisho oo ay sheegeen inuu yahay qalab aanan la heleyn.25-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Ra'iisul Wasaare Geeddi oo gaaray Magaalada Jeddah, Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaankana oo maanta ku sii jeeda.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa gaaray Magaalada Jeddah ee Dalka Boqorootada Sacuudi Carabiya, iyadoo maanta lagu wado in ay halkaasi gaaraan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.25-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Qalab Muhiim u ahaa Balaarinta Dekeda Muqdisho oo saaka loo rarayo Puntland, kadib markii sida la sheegay nin la yimid warqad fasax ah oo uu ka watay Madaxweyne Yuusuf.
Qalab Keyd u ahaa Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho, isla markaana 17-kii sano ee dalka uu ku jiray Fowdada ka bad baaday, ayaa saaka laga daad gureynayaa Dekedaas oo sida la sheegayo uu ku xiran yahay Markab ku sii jeeda Gobolada Bari.25-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Ra'iisul Wasaare Geeddi oo xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Seyoum Mesfin.
Kulamo socday in ka badan 5 saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa uu dhex maray Madaxda dalka Ethiopia oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Seyoum Mesfin iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Kulamadan ayaa dhamaantood salka ku haayaan muranka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Madaxda sar sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.25-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo cambaareeyay ee Weerarkii Hoobiyeyaasha ahaa ee xalay 3 ka tirsan Askartooda loogaga dhaawacay.
Afhayeenka Ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, Captian Paddy Akunda, ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada AMISOM ay baaritaan ku sameyn doonaan weeraradii Hoobiyayaasha ee xalay maqribnimadii lagu garaacay Dekadda weyn ee Muqdisho.24-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Dad fara badan oo rayid ah oo saaka ku geeriyooday Gaari Bl ah oo ay miino kula kacday Isgoyska Fagax ee M/Muqdisho.
Dad aad u fara badan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Qarax Miino oo saaka gaari Bl ah kula kacday Agagaarka Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho.24-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Dib u dhac ku yimid fadhigii Baarlamaanka ee codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Xukuumada Ra'iisul Wasaare Geeddi.
Dib u dhac ayaa ku yimid Fadhiga Baarlamaanka uu ku yeelan lahaa Magaalada Baydhabo, kaasoo sida la filayay codka kalsoonida ah loogu qaadi lahaa Xukuumada Ra'iisul Wasaare Geeddi.24-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Maxamed X. Xaad "Geeddi waa Mas'uulka kaliya ee ku hadlay hadal sax waxaana xaq in lala dagaalamo kuwa xiran Tuutaha ee shacabka dhacaya.
Odayaasha Beelaha Hawiye garabka mucaaradsan Dowladda Federaalka ayaa si weyn u soo dhoweeyay hadalka Ra'iisul Wasaaraha ee uu shacabka ugu gubaabinayay ee ah in ay iska celiyaan kuwa xiran Tuutaha ee dhibaatada u geysanaya.24-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Waxaa si farxad leh la ogeysiinaaya shacabka digil/mirifle meel kasto ay joogan furitaanka- Shabakada Warbaahin oo ku hadasha
Codka Shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose oo hawada soo galayso dhowaan.24-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Guddoomiyaha Degmada Wanla-Weyn oo ka Warbixiyey Gacan ka Kadalka ka Dhacey Kontoroolka Degmada.
Guddoomiyha degmada Wanlle Cusmaan Aadan Yaxye ayaa ka warbixiyey shaqaaqooyinkii shaley ka dhacey kontoroolka degmada, wuxuuna sheegey in malleeshiyaadka ku sugan halkaas ay rasaas la beegsadeen ilaalada Guddoomiye ku xigeenka degmada Xuseen Sheekh Maxamed, waxaana halkaas uu dhaawac ka soo garey hor-joogaha malleeshiyadka.24-Oct-2007@[BMC]13:00GMT
Shir ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha jaaliyada Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan dalka boqortooyada sacuudi Arabia
Shirka ayaa waxaa loogu hadley arimaha Soomaaliya haatan ka jira qaasatan sida lama huraan ay u tahay in la helo maamu goboleed u gaar ah qoymiyada Digil iyo Mirifle.23-Oct-2007@[BMC]16:00GMT
BAYAAN TAAGEERO AH OO KA SOO BAXAY JAALIYA PUNTLAND EE JEDDAH, KSA. Waxaa taariikhdu markay ahayd 19kii Octobar 2007 isugu yimi shir odayashaa, culimaa’udiinta iyo wax garadka jaaliyada reer Puntland
ee degan magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya kaasoo laga arinsanayey xaalada colaadeed ee ka soo cosbaanaatay degaanada Puntland.23-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Wasiirka Dalxiiska Ethiopia Maxamuud Dirir oo ku guuldareysta xalinta Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha, kadib saddex cisho oo ku sugnaa Baydhabo
Sida Muuqata Dowladda Ethiopia oo taageerta Dowladda Federaalka ayaa maara u heli weysay hakinta khilaafka sii laba kacleynaya ee u dhaxeeya Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.23-Oct-2007@[BMC]16:00GMT
Dowladda Ethiopia oo sheegtay in qatar xoogan ay soo food saartay ciidamadeeda jooga soomaaliya tan iyo markii khilaafka soo kala dhex galay Yusuf iyo Gedi.
Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay in si weyn uga murugsan tahay xaalada Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, oo labadii maalmood ee la soo dhaafay la kulmeen weerar lagu laayay.23-Oct-2007@[BMC]16:00GMT
Baarlamaanka oo maalinta berri wajihi doonaan Xil u qaadista Xukuumada ( Aayaha Xukuumada Geeddi oo aad u liidato, kadib guul weyn oo ay usoo hoyatay Madaxweynaha)
Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta galaya 24 saac oo nasasho ah taasoo maanta u bilaaban doonto, iyagoo maalinta berina wajihi doonaan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi.23-Oct-2007@[BMC]16:00GMT
Taliye Ciidan oo la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday qarax miino saaka ka dhacay agagaarka Kulyadii Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Taliye Ciidan iyo askari kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax xoogan oo saaka ka dhacay agagaarka kuliyaddii hore ee Jaallle Siyaad.23-Oct-2007@[BMC]16:00GMT
Ammaan daro ku soo korortay Jowhar, dagaal laga cabsi qabo inuu dhex maro Mas'uuliyiinta Gobolka iyo qaar ka tirsan Hey'adihii Sama falka oo isaga baxaya magaaladaas.
Magaalada Xarunta u ah Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa gashay xaalad fowdo iyo jawi u muuqan kara loolan ah gacan ku heynteeda cida awooda kula wareegeysa.23-Oct-2007@[BMC]16:00GMT
C/llaahi Muuse Abuukar oo Eedeyn u Jeediyeey Dr. Cabdulkadir.
Wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayaan la yeelaney Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda Gobolka Shabeellada Hoose Md. C/laahi Muuse Abuukar..23-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Toortooroow: Maamulada Degmooyinka Gobolka Sh. Hoose Qaarkood oo Guddoomiyaha Gobolka La Shirey. Waxaa deegaanka Toortooroow kulan aad u ballaaran ku yeeshey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/qaadir Sheekh Maxamednuur,
qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Degmooyinka Qoryooleey, Awdheeglle iyo Wanllaweyn, iyadoo kulankaas oo looga hadlley adkeynta nabadgeliyda.23-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Dagaal ka Dhacey Kontoroolka Degmada Wanla-Weyn. Dagaal ayaa ka dhacey Kontoroolka weyn ee Degmada Wanla-Weyn kaas
oo dhaxmarey ilaalada Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Wanla-Weyn Xuseen Sheekh Maxamaed iyo malleeshiyaada joogtey Kontoroolkaas, kuwaas oo ka ammar qaata Nuuriye Cali Faarax iyo Cali Ganey (Cali Waaw).23-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in codka kalsoonida loo qaado Xukuumada uu hogaamiyo Prof. Geeddi
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo afjaray is jiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya Taageerayaasha Geeddi iyo Madaxweynaha, taasoo maalmahanba uu loolamo u dhaxeeya.22-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
5 ka tirsan Ciidamada Milateriga Dowladda oo ku geeriyootay shil baabuur goor dhoweyd ka dhacay agagaarka Wanlaweyn
Wararka ka imaanaya Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in shil gaari ay ku dhinteen 5 ka tirsan Ciidamada Milateriga Dowladda, xilli ay ku sii jeedeen Garoonka Ballidoogle.22-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Odayaasha Hawiye garabka Mucaaradka ah oo ka digay xil ka qaadis lagu sameeyo Ra'iisul Wasaaraha oo ay sheegeen inuu hayo Xil Hawiye
Odayaasha Hawiye garabka mucaaradsan Dowladda uuna hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa ka digay qatarta ka imaan karta xil ka qaadis lagu sameeyo Ra'iisul Wasaare Geeddi oo ay yiraahdeen inuu hayo xil Hawiye.22-Oct-2007@[BMC]15:00GMT
Bishan October oo noqotay Bisha ugu dhimashada badneyd ee Ciidamada Ethiopianka ee jooga Soomaaliya.
Bishan October ayaa loo aqoonsaday in ay noqotay bishii ugu dhimashada badneyd ee Ciidamada Ethiopianka ee jooga Magaalada Muqdisho, marka loo eego weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Ciidamadaas.22-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Xaalada Deegaanka Suuqa Xoolaha oo saaka degan, kadib dagaal xalay fiidkii ku dhex maray Xoogaga wax iska caabinta iyo Ethiopianka
Xaalada Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaal culus oo bilowday gabal dhicii shalay uuna socday ilaa xalay fiidkii uu ku dhex maray Xoogaga wax iska caabinta iyo Ciidamada Ethiopianka.22-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Askari ka tirsan Booliska iyo ruux kale oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Askari ka tirsan Ciidamada Booliska iyo ruux kale oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax bam oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, xilli Magaaladu ku jirtay Bandow.22-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Xubnaha Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo wali ku mashquulsan is casilaadooda, kadib markii ay badatay weerarada lagu hayo.
Qaar ka mid ah Xubnaha Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay in ay xilkooda iska casilaan kadib markii ay ku badatay dhibaatooyinka loogu geysanayo inta ay xilkaasi hayaan oo isugu jira hanjabaadyo iyo ugaarsiga lagu hayo.22-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Baarlamaanka Soomaaliya oo saacadaha soo socda doodo kulul uga bilaabaneysa Baydhabo, xilli caqabad ay hortaagan tahay Xukuumada Geeddi.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda doodo kulul uga bilaabaneysa Magaalada Baydhabo, iyadoo kulanka Baarlamaankana uu yahay dhameystirka doodihii ku aadanaa la xisaabtanka xukuumadda Geeddi.22-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Maxaad ka taqaan tariikhda Siyaad Barre?
Kacaankii Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya waxuu dhashay 21-kii Oktobar, 1969-kii, kaddib markii la af ganbiyey xukuumadii sharciga ahayd ee dalka Soomaaliya, taasoo uu Ra'isul wasaare ka ahaa Maxamed Ibraahim Cigaal oo uu magacaabay Madaxweeynihii dalka ee xilligaas Cabdirishiid Cali sharmaarke.21-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Ra'iisul Wasaare Geeddi oo si kulul u weeraray Wasiiradiisa ku kacsan, sheegayna hadii ay wax qabaan in ay miiska u soo saaraan
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa si kulul u weeraray qaar ka mid ah wasiiradiisa ee sida weyn uga soo horjeeda, isla markaana Baydhabo ka wada kulamada ka dhanka ah.21-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ka yeelanaya Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha soo dhex galay
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta miiska u saaran Khilaafka baahsan ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha, kaasoo gaaray heerkii ugu xumaa ee ay Xildhibaanadu labo dhinac ugu kala jabeen.21-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Ganacsigii Suuqa Labaad ee Suuqa Bacaad oo maalintii labaad hakad ku jira
Iyadoo maalintii labaad ay irdaha u laaban yihiin dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee Suuq Bacaad ee ah suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya, ayaa hadana jirin tallaabo maamulka Gobolka uga qaadayo wax qabashada askarta Dowladda ee halkaas boobka ka wada.21-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Warar dheeraad ah oo ka soo baxay weerar qasaaro ba'an loogu geystay oo xalay fiidkii lagu qaaday Ciidamo Ethiopian ah oo dhex lugeynayay xaafada Towfiiq
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii kooxaha Kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho ku qaadeen Ciidamo Ethiopian ah oo lugeynayay Xaafada Towfiiq.21-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Meydadka dad gaaraya ilaa 8 ruux oo saaka laga helay goobihii xalay dagaalada culus ay ka dhaceen ee deegaanka Towfiiq
Kadib markii dagaal qaraar oo ay ku le'deen Ciidamada Ethiopianka ay kooxaha kacdoonka ku qaadeen xalay fiidkii xaafad ay dhex lugeynayeen ayaa saaka la arkay meydadka ilaa 8 ruux oo sida la sheegay ay Ciidamada Ethiopianku ciil dartii u toogteen.21-Oct-2007@[BMC]11:00GMT
Baydhabo maqaal warbixin: Waxaan idiin soo gudbiniyaa inay beenabuur tahay
xanuunka lagu sheegay madaxweynaha wadanka soomaaliya mudane Abdulaahi Yusuf Axmed oo hawshiisii qaran sidii loogu talagalay u wata dadka warka beenta faafinaya waa cadowga ummadda Soomaliyeed.20-Oct-2007@[BMC]18:00GMT
Aqoon isweydaarsi looga hadlaayay Dilka ruuxa Muslimka ah ee loo daadinaayo sida Micno drida ah ayay
Culumada Driiqada Ahlu sunna Wal-jamaaca maaanta ku qabteen Hotel Global.20-Oct-2007@[BMC]18:00GMT
Ilaalada Ra'iisul Wasaare Geeddi iyo Ilaalada Wasiirada ku kacsan oo isku sigtay in ay Baydhabo isku rasaaseeyaan, xilli wasiiradaas oo kulan uga socday Guriga Xasan Abshir
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta qarka la isku saarmay inuu dagaal dhex maro Ilaalada Ra'iisul Wasaare Geeddi iyo Ilaalada Wasiirada ku kacsan Geeddi oo shir uga socday Guriga Xasan Abshir.18-Oct-2007@[BMC]18:00GMT
Barakac cusub ayaa maanta ka bilowday qeybo ka mid ah Degmooyinka W/dhiigley, Hodan iyo H/wadaag ee Magaalada Muqdisho
Boqolaal dad ah ayaa ka barakacaya xaafadaha ku xeeran aagagii ay shalay ka dhaceen iska horimaadyada xooggan ee ka kala tirsan Degmooyinka Wardhiigley, Hodan iyo H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.20-Oct-2007@[BMC]18:00GMT
Ra'iisul Wasaare Geeddi iyo Wasiirka Dalxiiska Ethiopia oo maanta Baydhabo ka soo degay.
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ka soo degay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.20-Oct-2007@[BMC]18:00GMT