Weerar xoogan oo habeenimadii xalay lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Degmada Marka.
Kooxo Hubeysan ayaa habeenimadii xalay weerar hubeysan ku qaaday guriga Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Dr. C/qaadir Maxamed Nuur oo ku yaal Magaalada Marka.30-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Ciidamada Ethiopia oo dad dhowr ah u qab qabtay Weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin Towfiiq.
Waxaa sii kordhaya Dadka Ciidamada Ethiopia ay u qab qabanayaan weerarkii bambaano ee xalay lagu qaaday Fariisimahooda oo ku yaal Isgoyska Towfiiq.30-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Xildhibaan Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Cusmaan Caato iyo Xildhibaano kale oo ka biya diidan Qorshaha Madaxweynaha ee ahaa in Dowladda laga soo xuli karo Gudaha Baarlamaanka iyo Dibadiisa.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeestay Qorshaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf soo jeediyay ee ahaa in Dowladda laga soo xuli karo Gudaha Baarlamaanka iyo Dibadiisa.30-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Boqolaal qoys ka barakacay Magaalada Muqdisho oo gaaray Gobolka Shabellaha Dhexe.
Iyadoo ay sii kordhayaan dadka Magaalada Muqdisho uga barakacaya dhibaatooyinka Ciidamada Dowladda iyo iska hor imaadyada habeenkii dhaca, ayaa boqolaal qoys dhowaan ay gaareen Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.30-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Qaramada Midoobey oo uga digtay Maamulada Puntland iyo Somaliland in ay sii huriyaan Xiisada u dhaxeysa.
Qaramada Midoobay, ayaa uga digtay Jamhuuriyadda la baxday Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland inay sii huriyaan xiisadaha colaadeed ee labada dhinac ka dhex aloosan. 30-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
XIDDIGGA CUSUB EE KUBADDA CAGTA.
Xiddigga cusub ee kubadda cagta Cabdisalaam Cabdulqadir Caddaay ayaa markii labaad ee noloshiis ka qay gelaya isreebreebka ciyaaraha Yurub.29-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Ra'iisul Wasaare Geeddi oo ku fashilmay sii deynta Gudoomiyaha Maxkamada Sare, xilli loo gudbiyay Xabsiga Dhexe.
Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku fashilmay sii deynta Gudoomiyaha Maxkamada Sare.29-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Meydka Nin rayid ah oo saaka lagu arkay Black Sea iyo Xaalada goobihii xalay dagaaladu ka dhaceen oo saak degan.
Meydka Nin rayid ah ayaa saaka lagu arkay isgoyska Black Sea, iyadoo Xaalada goobihii xalay dagaaladu ka dhaceen ay saaka deganeyd.29-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Ciidamada Dowladda oo dib u qabsatay Saldhiga Degmada Hodan, kadib weerar culus oo looga fara maroojiyay iyo dab la qabadsiiyay dhismaha saldhiga.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa xalay saqdii dhexe dib u qabsaday saldhiga Degmada Hodan, kadib weerar culus oo looga fara maroojiyay Saldhiga Xalay fiidkii.29-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Wadooyinka ka tirsan Magaalada Muqdisho oo saaka xiran, iyadoona howl gallo ballaaran ka socdaan
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa saaka xirtay qeybo ka mid ah wadooyinka Caasimada Muqdisho, iyadoona ay howl gallo ballaaran ka wadaan.29-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay Xaalad Bani'aadanimo ee Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada bani'aadanimo ee ka taagan Caasimada Soomaaliya, iyadoo sheegtay in qoysas gaaray boqolaal kun lagu qasbay in ay guryahooda ka barakacaan.29-Sept-2007@[BMC]11:00GMT
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo Kuxigeenadiisa oo Hubka dhigis lagu sameynayo.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu socdo qorshe hubka lagaga dhigayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo Kuxigeenadiisa oo Ciidamo iyo gawaari dagaal oo fara badan ku heysta Caasimada Muqdisho.27-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo xalay lagu dilay Isgoyska KPP ee Degmada Hodan, xilli uu qaad iibsanayay.
Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ayaa habeenimadii xalay lagu toogtay Isgoyska KPP ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, xilli uu qaad iibsanayay. Kooxo Hubeysan ayaa tacshiirad huwiyay Askari ka tirsanaa Saldhiga Degmada Hodan, iyadoona ragii falkaas geystay ay durba baxsadeen.27-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Mid ka mid ah wadaada ugu caansan ee Dariiqada Ahlu Sunnah Waljamaacah oo xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo.
Kooxo dabley ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah Wadaada ugu caansan Dariiqada Ahlu Sunnah Waljamaacah ee Magaalada Kismaayo.27-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka warbixin ka dhageysana Gudi u kuur galaya Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.
Baarlamaanka Soomaaliya oo dhowaan gudi dhex dhexaadiya Khilaafka baahsan ee u dhaxeeya Labada mas'uul magacaabay ayaa saaka warbixino ka dhageysanaya Gudigaas oo sida la sheegay u kuur galay Khilaadka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaarahiisa.27-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Sheekh Xasan Dahir Aweys oo la sheegay inuu dusha kala soconaya Isbaheysiga Xoreynta.
Sheekh Xasan Dahir Aweys Gudoomiyihii Golihii Shuurada ee Maxkamadihii islaamiga, isla markaana haatan ku sugan Magaalada Asmara ayaa laga waayay Liiska Xubnaha horboodaya isbaheysiga Xoreynta.26-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Wariye ka tirsan Idaacada Somaliweyn oo maalintii 4aad ku xiran Magaalada Beled Weyn .
Wariye ka tirsan Idaacada Somaliweyn oo lagu magacaabo Xuseen Xasan Dhaqane ayaa maalintii 4aad ku xiran magaalada Beledweyn, iyadoo aan ilaa iyo hada maxkamad la soo taagin.26-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Madoobe Nuunow "Idaacada Shabelle waxay u xiran tahay Saameynta Howl galada Ciidamada Dowladda ka wadaan Suuqa Bakaaraha".
Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa iska fogeyay eedeynta ah in Idaacada Shabelle oo maalintii 9aad hawada ka maqan ay u xiran tahay Dowladda Soomaaliya.26-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Gudoomiyihii Degmada Huriwaa iyo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo ku dhintay Weerar Hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday Saldhiga Degmada Huriwaa.
Gudoomiyihii Degmada Huriwaa iyo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa xalay ku geeriyooday weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday saldhiga Degmada Huriwaa.26-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
DHAGEYSO XUSHMO RADIO:
Wuxuu Radio Xusho, idiinkugu Bishaaraynayaa in uu bilaabay xogwaran ku saabsan Gobolka Shabeelaha-Hoose iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee halkaasi ka jira,
waxaanu maanta idiin haynaa war uu soo tabiyay wariyaheena dagmada Afgooye Sheikh cadow. Fadlan ka dhagayso qaybta dhacdooyinka ee radio Xusho. 26-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi oo loolan ugu jira Labada Gole ee Dowladda.
Iyadoo dhowaan la filayo in Madaxda ugu sareysa Dowladda ay socdaal ku tagaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka ayaa soo baxaya warar sheegaya in ay xarif jiid ballaaran ugu jiraan kasbashada Xubnaha Labada Gole.25-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Ra'iisul Wasaare Geeddi oo xalay casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho Malaaqyada Beelaha Digil iyo Mirifle.
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa habeenimadii xalay casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho Malaaqyada Beelaha Digil iyo Mirifle.25-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Weerar xalay lagu qaaday Ciidamada Jen. Darwiish ee ku sugan Isgoyska Aadan Cadde.
Weerar ba'an ayaa xalay lagu qaaday Ciidamo daacad u ah Taliyaha Ciidamada nabad Sugida Qaranka Jen. Maxamed Warsame Darwiish oo kor ka ilaalinaya Madaxtooyada.25-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Isbaheysiga Xoreynta oo sheegay in dhowaan ku soo wajahan yihiin Gudaha Soomaaliya si ay bilaabaan dagaal ka dhan ah Ciidamada Ethiopia.
Isbaheysiga Xoreynta Soomaaliya ee dhowaan lagaga dhawaaqay Magaalada Asmara ayaa ku dhawaaqay in dhowaan ay ku soo fool leeyihiin Soomaaliya, si u gutaan waajibaadka shacabka oo ay dalka uga saari lahaayeen Ciidamada Ethiopia.25-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Ilaa 40 maxbuus oo shalay gelinkii laga sii daayay xabsiga Dhexe, kadib markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha.
In ka badan 40 Maxaabiis oo u xirnaa Dowladda Federaalka ayaa galabnimadii shalay laga sii daayay Xabsiga Dhexe magaalada Muqdisho, kadib markii madaxweynaha uu cafis u fidiyay.25-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo ka soo muuqday Isbaheysiga Xoreynta, loona magacaabay Xilka Xoghayaha Difaaca.
> Isbaheysiga Xoreynta Soomaaliya ee dhowaan Asmara lagaga dhawaaqay ayaa Xubinta Difaaca u magacaabay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo kal hore ahaa Madaxii Ammaanka Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya.25-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Odayaasha Hawiye oo ugu baaqay Xubnaha Beelaha Hawiye ee matala Baarlamaanka in ay ka hadlaan Xasuuqa Muqdisho ka jira ama ay isaga baxaan Baarlamaanka.
Warsaxaafadeed ay maanta Magaalada Muqdisho ka soo saareen Odayaasha Beelaha Hawiye garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad .25-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/llaahi Barre oo ka horyimid xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre ayaa ku gacan seyray xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada maalintii shalay.23-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Khilaafka xoogan ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo heerkii ugu sareeyay gaaray.
Waxaa marxalad cusub oo aad xasaasi u ah sii galaya Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi oo xilligan maraya heerkii ugu kululaa.23-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
3 Ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan oo xalay Muqdisho lagu dilay.
Ilaa saddex ruux oo labo ay yihiin Saraakiil Ciidamada Dowladda ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho.23-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Qeybo ka mid ah Wadooyinka waa weyn ee W/Muqdisho oo saaka xiran
Wadooyinka waa weyn ee soo gala Deegaanada W/Muqdisho oo ah meesha kaliya ee xubnaha Dowladda ay ku sugan yihiin ayaa saaka xiran, iyadoo durba ay soo shaac baxday qorshaha Dowladda ku dooneyso in ay qad cagaaran kaga dhigto Magaalada Muqdisho.23-Sept-2007@[BMC]16:00GMT
Xildhibaanno Lagu Dhaawacey Inta u Dhaxeysa Ceel Cillaan iyo Buurdhuubo - Gedo:
Waxaa shaley wafdi aad u ballaaran oo iskugu jira xildhibaanno, Wasiirro, Siyaasiyiin iyo Odeyaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Gedo u ambabaxeen Xarunta Gobolka ee G/Harreey, halkaas oo la doonayo in laga furo Ismaamul Goboleed ay dadku soo doortaan.22-Sept-2007@[BMC]10:00GMT
Warar kale oo aan ka helney magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegayaa in shirkadda
isgaarsiinta ee Hormuud ay khilaaf aad u ballaaran ka dhax abuurtey dadka dega Degmada Ceelwaaq.22-Sept-2007@[BMC]10:00GMT
Malleeshiyaad lagu sheegey Boolis oo Banddoow ku rogey degmada Marka:
ka dib laba maalmood ayaa waxaa magaalada marka ka billowdey howllgallo amaanka lagu sugaayo kuwaas oo ay qeyb ka yihiin malleeshiyaadka ka qeyb qaatey dagaallada ka dhacey magaalada Marka.22-Sept-2007@[BMC]10:00GMT
Kulan looga hadllaayo nabadgelyada G.Sh.Hoose oo Maanta ka dhacey magaalada Marka:
Waxaa maanta shir balaaran lagu qabtey xarun goboleedka Shabeellada Hoose ee Marka,shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta maamulka Gobolka oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka,odeyasha dhaqanka ee Marka.22-Sept-2007@[BMC]10:00GMT
Michel Renneberger "Eritrea waxaan ku darnay Liiska dalalka taageera Argagixisada, waana hoyga Kooxaha argagixisada ku jira maamulka Maxaakimta"
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Mr Michel Renneberger ayaa sheegay in Dalka Eritrea uu noqday Dalka keliya ee si toos ah u gacan qabtay Kooxaha Argagixisada.21-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Isbaheysiga Xoreynta oo markii u horeysay soo bandhigay Calankood, kaasoo oo ay ka muuqdaan Astaanta Dagaalka.
Isbaheysiga Xoreynta Soomaaliya ayaa soo bandhiga Calankooda kaasi oo ay ka muuqdeen Astaan dagaal, iyadoona labada dhinac ee calanka laga dhigay Warano iyo Kitaabka Quraanka.21-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay diyaarisay Ciidamo gurmad ah oo ka howl gala Gobolada Dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ku dhawaaqday in ay diyaarineyso Ciidamo gurmad ah oo ka howl gala Gobolada Dalka.21-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Madoobe Nuunow "Qorshaha lagu xiray Idaacada Shabelle, Wasaarada warfaafinta waxba kama oga, waana Xad gudub"
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xad gudub ku tilmaamay xeritaanka Idaacada Shabelle, isagoo sheegay in aysan Wasaarada warfaafinta waxba ka ogeyn.21-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Ciidamada G/Hiiraan oo shaaca ka qaaday in ay soo qabteen Nin u dhashay Dalka Yemen iyo Nin Soomaali ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan falalka qaraxyada ee gobolkas.
Ciidamada Ammaanka Gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay Nin u dhashay Dalka Yemen iyo nin Soomaali ah oo ay sheegeen in ay ku tuhmayaan falalka Qaraxyada ah ee ka taagan Gobolkaas.21-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Baaritaano xoogan oo maanta ka socday Wadada Warshadaha, kadib markii xalay ay dagaalo ka dhaceen.
Baaritaano xoogan ayaa maanta ka socda wadada Warshadaha oo habeenimadii xalay dagaalo qaraar ay ka dhaceen.21-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Qaar ka mid ah Shirkii Dib u Heshiisiinta oo maanta banaan bax cabasho ah ka hor sameeyay Guriga Cali Mahdi
Qaar ka mid ah ergooyinkii ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta qaran ayaa maanta banaan bax cabasho ah ka hor sameeyay Guriga Cali Mahdi Maxamed oo madax u ah Gudigii Shirka Dib u Heshiisiinta.20-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Mareykanka oo taageeray Dalabkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ciidamada Carbeed
Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dhismaha isbaheysigii loogaga dhawaaqay magaalada Asmara dalka Ereteriya. 20-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Idaacada Shabelle oo wali hawada uga maqan hanjabaada Ciidamada Dowladda
Waxaa maalintii 3 aad hawada ka maqan Idaacadda Shabeelle oo ahayd idaacada ugu dhageysiga badan Magaalada Muqdisho iyo degaanada ku dhaw dhaw.20-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Mas'uul ka tirsan Maamulka Degmada Hodan oo maanta la dilay
Sadax nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Xoghayihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir xili uu ku weysa qaadanayey sida la sheegay isagoo markaasi doonayay inuu aado Masjidka oo uu ku soo tukado Salaadii Maqrab ee xalay.20-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo booqanaya afar dal oo carbeed
Sida laga war qabo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Carabta iyo Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf ayaa ah mid cago badan lahayn marka la eegana diblomaasiyadda carabta kula shaqeynayaan Dowladda Soomaaliya waa mid aan ku faraxsanayn Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.20-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Labo Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka oo xalay la dhaawacay, kadib markii kooxo burcad oo jidgooyo dhigatay ay rasaaseeyay, xilli ay ku sii jeedaan Gobolka Gedo.
aba mudane oo ka tirsan Golaha Baarlamanka Somaliya ayaa xalay lagu dhaawacay deegaan kamid ah gobolka Gedo xilli ay kusii jeedeen caasimadda gobolkaasi.20-Sept-2007@[BMC]21:00GMT
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/qaadir Sheekh Maxamednuur ayaa ka hadley dagaalladii shaley ka dhacey magaalada Marka, asagoo dagaalkaas ku sheegey mid u dhaxeeya ciidanka Booliska iyo kooxo uu ku sheegey Burcad,
hadalkaas oo ay durbadiiba si caro leh uga jawaabeen waxgaradka iyo aqoonyahannada Beesha Biimaal, waxayna hadalka Guddoomiyaha ay ku sheegeen mid xaqiiqda ka fog oo uu si ulakac ah ugu fududaadey.19-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Wafdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saaka aroortii ku soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Wafdi ballaaran oo ay hogaaminayaan Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda ayaa saaka aroortii dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kadib safar mudo saddex cisho qaatay oo ay ku joogeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya halkaasi oo ay heshiis ku soo saxiixeen.19-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Maamulka Idaacada Shabelle oo sheegay in hadii ay dib howl galaan loogu hanjabay in dil toogasho loo geysanayo shaqaalaha Idaacada.
Maamulka Idaacada Shabelle ayaa daboolka ka qaaday in Maalintii Labaad ay hawada ugu maqan tahay Idaacada Shabelle, hanjabaad kaga timid dhinaca Ciidamada Dowladda Soomaaliya. 19-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Midowga Europe oo sheegay in heshiisyadii Jeddah ay wajiyo Cusub u yeelayaan Siyaasadda Somaliya.
Madaxa Siyaasadda iyo arrimaha dibadda Midowga Europe Havier Solano ayaa sheegay in heshiiskaasi wajiyo Cusub uu u sameeyeen siyaasadda dalka Somaliya,isla markaana laga yaabo horseed in ay u noqoto talaabooyin wax ku ool ah.19-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Dibad bax cabasho ah oo ay ka dhigayan Muqdisho ergadii lagu xumeeyay shirki dib u heshiisiinta Muqdisho.
Dibad Bax cabasho ah ayay ka sameynayaan Magaalada Muqdisho ergadii lagu xumeeyay shirkii dib u heshisiinta Muqdisho,iyadoona dibad baxaasi uu ka dhan yahay gudoonkii shirka.19-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Maxamed Qanyare Ciidamada waxaa ku jira Jeneraalo is dalacsiiyay iyo Korneelo cawo madoow darajada la siiyay oon weligood askar noqon.
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo u muuqda nin maalmahan fadhiga ka kacay ayaa eedeyn ba'an u soo jeediyay qaabka loo xulo saraakiisha ciidamada xoogga dalka kaasoo lagu koobay sida uu sheegay labo beelood oo iyagu iska qeybsaday beelihii kalena aan wax saraakiil ah ka qaadanin.19-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Doorasho Gudoomiye Cusub ee jaaliyada D&M UK Waxaa maalintii sabtidii lagu qabtay howga
shirarka ee magaalada birmingham shirwenigii shanaad ee jaaliyada Digil iyo Mirifle Uk.18-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Waxaa magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya soo gaarey Wafdi heer qaran ah oo uu hogaaminaayo madaxweenaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf iyo
Raysul Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo raysul wasaare Cali Maxamed Geedi iyo wasiiro iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.18-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Maxamed Qanyare " Lacago fara badan oo gaaraya 8 milyan ayaa lagu lunsaday Shirkii Dib u Heshiisiinta Qaran".
Xildhibaanada Maxamed Qanyare Afrax ayaa eedeymo xoogan u jeediyay Gudiga uu madaxda u ahaa Cali Mahdi Maxamed ee hogaaminayay Shirkii Dib u Heshiisiinta Qaran.18-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Is Rasaaseyn dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay oo maanta Bartamaha Magaalada Marka ka dhacday.
Is rasaaseyn xoogan ayaa maanta ka dhacday Bartamaha Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose, kaasoo u dhaxeysay Labo Maleeshiyo. 18-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo madaafiic xoogan is dhaafsaday.
Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa mar kale xiisadooda dib usoo cusboonaatay, iyadoona goobaha ay isku hor fadhiyaan madaafiic isku dhaafsaday.18-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Waxaa maalintii shalay ahayd oo bisha sebtember 15, 2007 ku geeriyoodey magaalada Muqdisho Suldaan Cumar Suldaan Faqi Xaji Awiis oo ahaa Suldaanka Beesha Tunni.
Suldaan Cumar Suldaan Faqi wuxuu ku dhashey magaalada Barawe sanadka markuu ahaa 1921. Marxuumka wuxuu ka mid ahaa tageerayaasha Ururka Gobanima-doonka Somaliyeed ee SYL asagoo si gaar ah ula shaqeeyey Sh. Cabdulqadir Saqawadiin iyo Mohamed Cusman (Baarbe).18-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Kulan Dhaqaale Uruurin oo loo Sameeyay JAAMACADA KOOFURTA SOOMAALIYA"THE UNIVERSITY OF SOUTHERN SOMALIA"
Xaflad lagu taageerayo Jaamacada Koofurta Soomaaliya (University of Southern Somalia) ayaa lagu qabtay magaalada Satl Lake City, ee gobolka Utah.16-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo wada Dadaalo ay ku dhex dhexaadineyso Dowladda Kmg ah iyo Isbaheysiga Xoreynta Maxkamadihii islaamiga.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa wada dadaalo xoogan oo ay ku dhex dhexaadineyso dhinacyada isaga soo horjeeda ee Siyaasada Soomaaliya.16-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Nabadoon caan ka ah Gobolka Banaadir oo xalay kooxo hubeysan ay ka taqaluseen.
Nabadoon caan ka ah Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa habeenimadii xalay toogasho lagu dilay.16-Sept-2007@[BMC]12:00GMT
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Afhayeenka Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe iyo Ra'iisal Wasaare Geeddi oo saaka u ambabaxaya Dalka Sacuudiga.
Madaxda ugu sareysa Dowladda Kkmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku sii jeeda Dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, iyadoo la adkeeyay amaanka wadooyinka magaalada Muqdisho ka hor inta aysan Mas'uuliyiintaan ka duulin garoonka. 16-Sept-2007@[BMC]12:00GMT