Welcome to BuurHakaba Media Center


Ayaan Yasin oo ka qeyb gashey, casho sharaf lagu qabtey guriga boqortooyadda ee Norway.

muuse

Axad 21-Aug-2005@[MBC] Waxaa martiqaad fidiyey ninka leh dhaxaltooyada wadanka Norway Haakon iyo Xaaskiisa Mette-Marit, ayadoo ay xafladaasi ay ka soo qeyb galeen marti ku dhow ilaa 80 qofood.

Martidaasoo laga soo xushey bulshada ku nool Norway, oo ah kuwa ugu firfircoon ee gacanta ka geysta hawlaha lagu caawinaayo dadka ugu taagta daran bulshada iyo dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan Norway.

Ayaan Yasin oo ah gudoomiyaha ururka haweenka Soomaliyeed ee Norway, ayaa ku muteysatey ka qeybgalka martisharaftaas.  Halganka ay ugu jirto sidii ay u caawini lahayd dumarka Soomaliyeed ee ku nool Norway, dhalinyarada xabsiyada ku jira iyo la dagaalanka gudniinka fircooniga ah.

Ayaan waxaa xafladaasi ku wehliyey gabar ay wadashaqeeyaan oo la yiraahdo Ruth Painstil oo ka timid wadanka Ghana, oo ayadana u qabatey bulshada ay ka dhalatey mid la mid ah tan ay Ayaan ay Soomalida u qabatey.

Inanka Boqorka Haakon iyo xaaskiisa Mette-Marit waxay gacan qaadeen, marti sharaftii ka soo qeybgashey xafladaas, wuxuu ku bogaadiyey in ay sii wadaan howsha ay bulshada u haayaan.

Mohamed Ali Mamow
BMC: Oslo Office, Norway
Mamow@buurhakaba.com

WWW.BUURHAKABA.COM