Welcome to BuurHakaba Media Center


Ayaan Yasin oo caan ku noqotey kalintii labaad ee ay ka gashey caleemo saarkii muwaadinka magaaladan Oslo ee 2004

Jimco, 24-Desember-2004

Habalyadaha ayaa waxey ka kala imaanayeen wadanka gudihiisa iyo debadiisaba, e-mail ahaan iyo telefono. Hadalkaasi waxaa yiri weriyihii ka socdey wargeyska Aftenposten-Aften Hanne Waaler Lier oo shaley ku wareysatey Ayaan gurigeeda.

Wareysigaas oo shaley galab ku soo baxey wargeyska Aftenposten-Aften, ayaa la weediyey Ayaan sida ay ugu suurta gashey iney kaalinta labad ay gasho. Waxeyna ku jawaabtey, iney ka heshey caawimaad website-yada Soomalida. Haba ugu horeyee Buurhakab.com oo iigu tarjumey Af-Soomaali iyo website-yada kale ee ii soo bandhigey sida Hargeysa.org, Somaliweyn.com, Shabele.net iyo kuwo kale oo fra badan.

Dadka Ayaan u codeeyeyna waxey u badnaayeen Soomali, meelwalba oo ay aduunka ka joogaanba. Ayagoo qaar dadkaas ka mid ah oo la soo xiriirey Ayaan, ayna doonayaan iney kala shaqeyaan halgankaan ay bilowdey.

Waxeyna u mahad naqdey dhamaan website-yada, bulshoweynta Soomaaliyeed iyo kuwa Norweejanka ah ee u suurta geliyey iney kalaalinta labaad ay gasho.

Eeg wargeyska Aftenposten-Aften, wareysigii oo ku qoran Af-norwiijan

Buurhakaba.com Oslo Office, Norway
Mohamed Ali Mamow
Mamow@buurhakaba.com

WWW.BUURHAKABA.COM