Welcome to BuurHakaba Media Center |
|
KA HADALKA GUDNIINKA
By: Mamow, 25-June-2005@[BMC] Dawladda Norway ayaa mardhaweyd go’aan ka gaartey iney hawlgelineyso mashruuc looga hortagayo gudniinka gabdhaha. Go’aankaasoo baarlamaangka si aqlabiyadda buuxda ah loo wada go’aamiyey, mooshinkaasi wuxuu ogolaanayaa in caruurta markey marayaan baaritaanka caafimaadka la baadho iney gudan yihiin gabdhaha iyo in kale.
Aqoon yahan Inger-Lise Lien oo ka socota Machadka cilmi baarista ee Gobolada iyo Degmooyinka Norway, oo ka hadashey waayo aragnimadeeda kadib markey wareysatey gabdho badan oo soomaali ah. Waxey tiri gabdhaha Soomaalida aad iyo aad ayey uga dheregsan yihiin, xuquuqdooda ay u leeyihiin in ay ka dhiidhiyaan dhaqanka gudniinka. Inger-Lise Lien waxey tiri wey adag tahay sida lagu ogaan lahaa tirada gabdhaha la gudey ee degen Norway sanadihii nasoo dhaafey, in yar oo ajinebiga ka mid ah ay arimahan ka hadlaan. Koley waxaa la sheegey ayey tiri in England boqolkiiba konton gabdhaha Soomaliyeed la gudo.
Gudoomiyaha Mashruuca “OK-prosjekt” Elise B. Johansen, waxey aaminsan tahay in aanu waxba
ka soconeynin sida ay siyaasiyiintu u doonayaan iney mashruucan u hergeliyaan. Sababtoo ah bey tiri, waalidiinta qaarkood ee ka soo horjeeda gudniinka gabdhaha ayaa waxaa qasbaya “Ayeeyooyinkooda”
markey booqdaan wadankooda. Kuwo kalena waxeyba sugaan ilaa caruuta ay ka gudbayaan da’ada afar (4) jirka ah ee ay ku
marayaan baaritaanka caafimaadka.
Ayaan Yasiin oo ah Gudomiyaha Ururka Haweenka Soomaliyeed ee Norway, waxey tiri
marnaba kuma hirgelaayo mashruucaan qasab ama jujuub. Laakiin wada hadal iyo wargelin, waxaana
tusaale wanaagsan u ah Mashruucii “OK-prisjekt” oo ka shaqeeyey wargelinta ku
saabsan arintan gudniinka dhamaan dadkii ay quseeysey, dadka ajanibiga ah
shaqaalaha caafimaadka iyo dhamaan dadka ka shaqeeya arimaha bulshada. Nidaamkaasna wuxuu noqdey mid hirgaley. |
|
The opinions contained in this article are solely those of the writer and in no way form or shape represent the editorial opinions of Buurhakaba.com |