Welcome to BuurHakaba Media Center

Kullan lagu sagootinayay Wasiirka Maaliyadda oo lagu qabtay Intercontinental Hotel in London

London, 10-April-2007@[Buurhakaba Media] Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Digil & Mirifle ee ku dhaqan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa lagu qabtay Intercontinental Hotel oo ku yaalla bartamaha magaalada London.

Waxaa ugu horreyn halkaasi hadallo qiimo leh ka soo jeediyay Ing. Liibaan Cali Caliyow oo ahaa xiriiriyihii fudedeeyay kullankaasi iyo Maxamed Nuur Xabiib, xildhibaan Shariif Maxamuud.

Soo dhaweyn iyo is marxabeysiin ka dib, waxay jaaliyadda halkaasi su'aallo uga soo jeediyeen Wasiirka Maaliyadda & Lacagta ee Dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Xassan Max'ed Nuur (Shaati guduud), Wasiirka oo ka jawaabayay su'aalihii ay weydiinayeen jaaliyadda Digil & Mirifle ayaa marka hore warbixin ka siiyay xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka iyo howlaha lagu sugayo ammaanka, wuxuuna ugu baaqey jaaliyadda in ay ka qeyb galaan howlaha loogu jiro sugidda ammaanka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuuna ugu dambeyntii uga mahadceliyay jaaliyadda Digil & Mirifle xafladda sagootinta ah ee ay u sameeyeen, wuxuuna kula dardaarmay in ay ka qeyb galaan howlaha lagu baadi goobayo dib u yagleelidda qarannimadii Soomaaliya.

Xafladdan waxaa goobjoogayaal ka ahaa xubnaha jaaliyadda Digil & Mirifle xubnahaasina waxaa ka mid ahaa:- C/rashiid Xaaji Xassanow, C/kariim Yaanyuurow iyo xubno kale oo fara badan.




Saleban hassan Alasow
Buurhakaba Media: London, UK.

WWW.BUURHAKABA.COM