INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo kala ah:

1.  Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow.
2.  Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen.
3.  Mohamoud M. Warabow (Jidow) iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow.
4.  Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow.
5.  Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow.
6.  Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal.
7.  Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi.
8.  Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9.  Aweis Sh. Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin.
10.Fowsiya Mohamed Sheikh iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh.
11.Dhamaanba reer Hassan Sheikh Osman (Xasan Yarow - Swiss).
12.Dhamaanba reer Hussein Hassanow (Genova-Italia).
13.Dhamaanba reer Lo Jiroow.
14.Cabdiraxmaan Sheikh Ibraahim iyo dhamaan reer Sheikh Ibraahim.
15.Mohamed Maye Mursal (Diidey) iyo dhamaan reer Maye Mursal.
16.Baarliin Xasan Cali iyo dhamaan reer Xasan Cali.
17.Liibaan Cali Caliyow iyo dhamaan reer Cali Caliyow.
18.Cabdulqaadir Xasan Xeydar iyo dhamaan reer Xasan Xeydar.
19.Xasan Mad Fanaay iyo dhamaan reer Mad Fanaay.
20.Cusmaan Sh. Aadan Xeydar iyo dhamaan reer Sh. Aadan Xeydar.
21.Shariif Aadan Abuukar iyo dhamaan reer Aadan Abuukar.
22.Cabdiraxman Sh. Axmed (xaange) iyo dhamaan Sheekh Axmed.
23.Abdullaahi Hassanow Gaabow iyo dhamaan reer Hassanow Gaabow.
24.Abdulqadir Nuurow Attacca iyo dhamaan reer Nuurow.
25.Al-Haaji Ahmed Abdurahman (Ziyo) iyo dhamaan reer Abdurahman (Ziyo).
26.Proff. Mohamed Haji Mukhtaar iyo dhamaan reer Haaji Mukhtar.
27.Proff. Abdi Kusow iyo dhamaan reer Kusow.
28.Proffessor Abdiaziz Sharif Aden iyo dhamaan reer Sharif Aden.
29.Marin Abdulkadi Aden ”Zobe” iyo dhamaan reer Abdulkadi Aden ”Zobe”.
30.Abdi Muse Mayow iyo dhamaan reer Muse Mayow.
31.General Mohamed Sheikh Abdullaahi iyo dhamaan reer Sheikh Abdullaahi.
32.Eng. Salah Shek Osman iyo dhamaan reer Shek Osman.
33.Dhamaan reer Ibraahim Kaabey.
34.Dhamaan reer Sheekh Xuseen Sool.
35.Dhamaan reer Eedeng Nuurow Eedeng.
36.Iyo Dhamaanba Bahda Buurhakaba Media.

waxey tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan reer  Samow  meelkasta oo ay aduunyada ka joogaan iyo xaaskii iyo caruurtii uu kageeriyooday Allaha ha u naxariistee marxuumka oo dhowaantan ku geeriyoodey magaaladda Tonronto ee Canada.

Fadumo Samow

waxaan Eebe uga baryaynaa inuu janadii Fardowso kawaraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu kategayna waxaan eebe uga baryaynaa inuu Samir iyo Iimaan kasiiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Aanagoo kala ah
1- Cabdiraxmaan Sh. Ibraahim iyo xaaskiisa Maano Cali Sheekh Ibraahim
2- Suldaan Aadan Cabdiraxmaan Maxamed iyo xaaskiisa
3- Muxyadiin Cabdiraxmaan Maxamed iyo xaaskiisa
4- Cabdullaahi Cusmaan Caliyo iyo xaaskiisa
5- Maxamed Cali Sheekh Ibraahim iyo Xaaskiisa
6- Maxamed Sheekh Ibraahim
7- Sahra Sheekh Ibraahim iyo familkeeda
8- Xaawa Cali Sheekh iyo familkeeda
9- Maxamed Cabdiyow Cabdiraxmaan iyo xaaskiisa
10-Iyo Dhamaanba Bahda
Buurhakaba Media.

Iyo dhamaan bahwaynta digil iyo mirif oo ku kala nool shanta qaaradooda ee aduunka waxay halkaan uga tacsiyeynayaa Guddomyiha Qomiyada Digil iyo Mirifle uu UK Mr Cabdullaahi Siidow Sheekh geeridii naxdinta lahayd ee ku timid aabihhi
 
                        Marxuum Siidow Seekh Cabdullaahi
 
oo markay taahrrihdu ahayd 22/03/2008 ku geeriyooday maagalada muqdisho waxayna ilaahay uga baryaynaa in uu u naxariisto jandiisana fardawso ka waraabiyo dhamaan qaraabdiii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

xxxxx

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

A
niga oo ah Mohamed Muhudin (Atiya baydhabo) oo joogga dalka Holanda.

Waxan halkan tacsiyo uga diraya dhaman ehelki iyo qarabadii uu ka geeriyoodey:

Macalin Axmed Maxamed

oo dhawan ku geeriyoodey magalada baydhabo 16/3/2008 waxan ilahay uga tuuggaya in oo ilahay ka warabiyo  janadii fardawsa  iyo in uu ilahay samir iyo iiman ka siiyo ehelki uu ka geeriyoodey, 

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

xxxxx

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo kala ah:

1.  Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow.
2.  Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen.
3.  Mohamoud M. Warabow (Jidow) iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow.
4.  Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow.
5.  Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow.
6.  Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal.
7.  Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi.
8.  Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9.  Aweis Sh. Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin.
10.Fowsiya Mohamed Sheikh iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh.
11.Dhamaanba reer Hassan Sheikh Osman (Xasan Yarow - Swiss).
12.Dhamaanba reer Hussein Hassanow (Genova-Italia).
13.Dhamaanba reer Lo Jiroow.
14.Cabdiraxmaan Sheikh Ibraahim iyo dhamaan reer Sheikh Ibraahim.
15.Mohamed Maye Mursal (Diidey) iyo dhamaan reer Maye Mursal.
16.Baarliin Xasan Cali iyo dhamaan reer Xasan Cali.
17.Liibaan Cali Caliyow iyo dhamaan reer Cali Caliyow.
18.Cabdulqaadir Xasan Xeydar iyo dhamaan reer Xasan Xeydar.
19.Xasan Mad Fanaay iyo dhamaan reer Mad Fanaay.
20.Cusmaan Sh. Aadan Xeydar iyo dhamaan reer Sh. Aadan Xeydar.
21.Shariif Aadan Abuukar iyo dhamaan reer Aadan Abuukar.
22.Cabdiraxman Sh. Axmed (xaange) iyo dhamaan Sheekh Axmed.
23.Abdullaahi Hassanow Gaabow iyo dhamaan reer Hassanow Gaabow.
24.Aadan Moh'ed Nuur iyo dhamaan reer Col. Mohamed Nuur (Afgooye).
25.Dhamaan reer Ibraahim Kaabey.
26.Dhamaan reer Sheekh Xuseen Sool.
27.Dhamaan reer Eedeng Nuurow Eedeng.
28.Iyo Dhamaanba Bahda Buurhakaba Media.

waxey tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan reer Haaji Ibraahim Jaziira meelkasta oo ay aduunyada ka joogaan iyo xaaskii iyo caruurtii uu kageeriyooday Allaha ha u naxariistee marxuumka oo dhowaantan ku geeriyoodey magaaladda Baydhabo ee gobolka Bay.

Ali Haji Ibrahim Jaziira

waxaan Eebe uga baryaynaa inuu janadii Fardowso kawaraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu kategayna waxaan eebe uga baryaynaa inuu Samir iyo Iimaan kasiiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

xxxxxxxxxx
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi rajicuun, anagoo ah:
1- Cabdiraxman Sh Axmed (Xaange) xaaskiisa iyo caruurtiisa, iyo dhamaan reer Sheekh Axmed.
2- Ibrahim Cali Mukulaal iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo dhamaan reer Cali Mukullaal.
 waxaan tacsi udiraynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu kageeriyooday marxuum.
 
        Aadan Xaaji Yaroow.
 
Oo isniintii 25 feb 08 ku geeriyooday degmada WADAJIR ee magaalada MUQDISHO.
marxuumka ILLAAHEY JANADII FARDOWSO haka waraabiyo eheladiisana samir iyo iimaan allaha kasiiyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi rajicuun anagoo ah:

Reer Cabdiraxmaan Macalin iyo reer Mayow Isaaq

waxaan halkan ugu tacsi gudaneynaa ayeeyadeen kaltuuma cabdulle iyo marxuunka xaaskiis, caruurtiisa iyo dhamaan eheladiisa in illaahey samir iyo imaan ka siiyo marxuun

CALI IBRAAHIN JIMCAALE abti CALI SEED

Aagoo kala ah

CULMIINA C/RAXMAAN MACALIN

TIFOOW C/RAXMAAN MACALIN

XABIIBA C/RAXMAAN MACALIN

JEYLAANI C/RAXMAAN MACALIN

FADUMO MAYOW ISAAQ

NAANEY MAYOW ISAAQ

ISMAACIIL MAYOW ISAAQ

NUURTA MAYOW ISAAQ

RUQIYO CISMAAN GEEDI

IYO FAADUMO MAYOW DUQEEDA AWEES XAAJI MUNGAANI

dhamaantiina samir iyo iimaan illaahey ha idinka siiyo asagana jannadii fardowsa

Aamiin aamiin aamiin

TACSI.
Shariif Abdinur Shariif Omar

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Shariifku waxa uu ku dhashay tuulada Salagle oo ka tirsan magaalada Baardheere sanadku markuu ahaa 1932. Shariifku wuxuu ku dhintay (Allah ha u naxariistee) tuulada haabarah December 5ta 2007.

Shariifku wuxuu ka mid ahaa odayaashii udubada u dhigay tuulada Haabarah oo dadka badankiis ay u yaqaaniin tuulada jameecada Sheikh Banaani.

Shariifku wuxuu dhalay iyo waxey sii dhaleen waxa ay gaarayaan 36 qof, oo kala jooga Mareykanka, Kenya, iyo Somaaliya.

Dhamaanteen waxaan tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeryoodey.

Shariif Abdinur Shariif Omar

oo dhowaantaan ku geeryoodey tuulada haabarah

waxayna ilaah uga baryayaan inuu naxriistii janno ka waraabiyo, caruurtii iyo walaalihii uu ka geeryoodeyna samir iyo iimaan alla haka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.
Anigoo ah Abdirizak Musse Husssein

Waxaan halka uga dirayaa Tacsi Eheladii iyo Asxaabtii uu ka geerigyooday Alle ha u naxariiso ee Cali Ibraahim jimcaale (ALISEED).

ILAAH WAXAAN UGA RAJEYNAYAA IN UU SAMIR NAGA SIIYO ISAGANA JANADII FARDOWSO AHEYD KA WARAABIYO.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.
Dhamaan qoyska reer Xassan Sh. Xeydar.

Cusman sh adan xaydar

Ismaciil sh. adan xeydar
Cabdulqaadir xassan xeydar
Maxamed xassan xeydar
Faaduma xassan xeydar
Cabdirisaaq xassan xeydar
Sahra xassan xeydar
Dhamaan reer sh. madoobe
Abuukar sh. madoobe
Nuur sh. madoobe ( nuur taajir)
Culama cabdiraxmaan macallim
Xabiiba cabdiraxmaan macalim
Ibraahim cabdiraxmaan(tifoow)
Nuur barre geedi
Xassan sh. cali
Xassan qaadi axmed
Hilaal cabdi saciid

Iyo Dhamaanba Bahda Buurhakaba Media

Dhamaantood waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeryoodey.

Cali Seed Ibraahim Jimcaale

oo dhowaantaan ku geeryoodey degmada Buur Hakaba

waxayna ilaah uga baryayaan inuu naxriistii janno ka waraabiyo, caruurtii iyo walaalihii uu ka geeryoodeyna samir iyo iimaan alla haka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo kala ah:

1.Awes Sh. Muxiyadiin Amin iyo xaaskiisa Xaliima Warsame Cusman (Xaliima Yarey)
2.Axmed Sh. Muxiyadiin Amin iyo xaaskiisa Ubax Cali Aden
3.Maxamud Jama Afrax (Cadaawe) iyo xaaskiisa
4.Khadija Muse (Jiija) iyo caruurteeda
5.Salaad Ibrahim (Atosh) iyo xaaskiisa
6.Maryan Garweyne

Iyo guud ahaan Jaaliyada Soomaalida ee Melbourne, Australia, waxaan tacsi u diraynaa reer Warsame Rooti meel kasta dunida ay ka  joogaan geeridii ku timid RAABACA MAXAMED WARSAME ROOTI oo ku geeriyootay magaalada London Khamiis 20/09/2007. Waxaan EEBE ugu baryaynaa in uu ka waraabiyo janada, samir iyo iimaan ka siiyo ehelada iyo qaraabada.  AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo kala ah:

1. Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow.
2. Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen.
3. Mohamoud Mohamed Warabow iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow.
4. Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow.
5. Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow.
6. Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal.
7. Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi.
8. Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9. Aweis Sheikh Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin.
10. Fowsiya Mohamed Sheikh iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh.
11. Dhamaanba reer Hassan Sheikh Osman (Xasan Yarow - Swiss).
12. Dhamaanba reer Hussein Hassanow (Genova-Italia).
13. Dhamaanba reer Lo Jiroow.
14. Cabdiraxmaan Sheikh Ibraahim iyo dhamaan reer Sheikh Ibraahim.
15. Mohamed Maye Mursal (Diidey) iyo dhamaan reer Maye Mursal.
16. Baarliin Xasan Cali iyo dhamaan reer Xasan Cali.
17. Liibaan Cali Caliyow iyo dhamaan reer Cali Caliyow.
18. Cabdulqaadir Xasan Xeydar iyo dhamaan reer Xasan Xeydar.
19. Xasan Mad Fanaay iyo dhamaan reer Mad Fanaay.
20. Cusmaan Sh. Aadan Xeydar iyo dhamaan reer Sh. Aadan Xeydar.
21. Shariif Aadan Abuukar iyo dhamaan reer Aadan Abuukar.
22. Ali Haaji Ibraahim Jaziira iyo dhamaan reer Haaji Ibraahim Jaziira.
23. Abdullaahi Hassanow Gaabow iyo dhamaan reer Hassanow Gaabow.
24. Aadan Mohamed Nuur iyo dhamaan reer Col. Mohamed Nuur (Afgooye).
25. Dhamaan reer Ibraahim Kaabey.
26. Dhamaan reer Sheekh Xuseen Sool.
27. Dhamaan reer Eedeng Nuurow Eedeng.
28. Iyo Dhamaanba Bahda Buurhakaba Media.

waxey tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii uu kageeriyooday Allaha ha u naxariistee marxuumka oo maanta August 02, 2007 ku geeriyoodey magaaladda muqdisho laguna aasey xabaalaha tuuladda kur-kuro ee degmada buurhakaba.

Abdulkadir Aadan Hussein

waxaan Eebe uga baryaynaa inuu janadii Fardowso kawaraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu kategayna waxaan eebe uga baryaynaa inuu Samir iyo Iimaan kasiiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo ah Jaalliyada reer Baardhere ee ku nool qurbaha, waxaan halkan tacsi murugo leh uga direynaa dhamaan caruurtii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Abdulkadir Aadan Hussein oo dhowaan xijaabtay.

Waxaa si qaas ah tacsi halkan uga diraya:

1. Cumar Cabdulqadir Sheikh (Dr Cumarey)

2. Cabdiraxman Xuseen Sheikh Cali(Dr Inow)

3. Ustad Cabdullahi Amiin Sayid Cali iyo xaaskiisa Xalima Sayid

4. Cabdulcasis Daahir Shabeel

5. Sahra Cabdulqadir Sheikh

6. Xaajiya Xabiiba Cabduladhif Sheikh

7. Fadumo Cabduladhif Sheikh iyo Duqeeda Cali Nuur

8. Mursal Cabdulqadir Sheikh

9. Safiya Cabdulqadir Sheikh

10. Maxamed Cabdi Aaney iyo xaaskiisa Raxma Bullow

11. Xabiba Bullow Sheikh Cabdisalaam

12. Maxamed Cabdey Cabdisalaam iyo Xaaskiisa Faduma Axmed Nur

13. Falastiin Maxamed Nuur (Helloman)

14. Mukhtar Sheikh Cabdiraxman Irdhe

waxaan Eebe uga baryaynaa inuu janadii Fardowso kawaraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu kategayna waxaan eebe uga baryaynaa inuu Samir iyo Iimaan kasiiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Aanagoo kala ah

1- Cabdiraxmaan Sh. Ibraahim iyo xaaskiisa Maano Cali Sheekh Ibraahim
2- Suldaan Aadan Cabdiraxmaan Maxamed iyo xaaskiisa
3- Muxyadiin Cabdiraxmaan Maxamed iyo xaaskiisa
4- Cabdullaahi Cusmaan Caliyo iyo xaaskiisa
5- Maxamed Cali Sheekh Ibraahim iyo Xaaskiisa
6- Maxamed Sheekh Ibraahim
7- Sahra Sheekh Ibraahim iyo familkeeda
8- Xaawa Cali Sheekh iyo familkeeda
9- Maxamed Cabdiyow Cabdiraxmaan iyo xaaskiisa
10-Iyo Dhamaanba Bahda Buurhakaba Media.

Iyo dhamaan bahwaynta digil iyo mirif oo ku kala nool shanta qaaradooda ee aduunka waxay halkaan uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid

Marxuum Abdulkadir Aadan Hussein

oo markey taariikhdu ahayd 03/08/2007 ku geeriyoodey magaalada buurhakaba waxayna marxuumka ilaahay uga baryayaan in uu janadiisafardawso ka waraabiyohorteena ilaahay cafiyo una naxariisto; dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.
Aanagoo kala ah

1- Mahamed Hussein iyo xaaskiisa Xaawo M. Xaaji.
2- Hassan Husseiniyo xaaskiisa Sahro Abdullahi Sheikhahmed.
3- Farhio Hussein Sheikhahmed iyo Abdi.
4- Hooyo dhuubo iyo Fadumo Hussein Sheikhahmed.
5- Ibrahim Hussein Sheikhahmed iyo Caruurtiisa.
6- Halimo Hussein Sheikhahmed iyo caruurteeda.
7- Canab hussein sheikhahmed iyo caruurteeda.
8-Iyo Dhamaanba Bahda Madhayta & mooragaabey .

Iyo dhamaan bahwaynta digil iyo mirif oo ku kala nool shanta qaaradooda ee aduunka waxay halkaan uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid

Marxuumada Habiibo mahamed Ibrahim

oo markey taariikhdu ahayd 21/07/2007 ku geeriyoodey magaalada Yamen waxayna marxuumada ilaahay uga baryayaan in uu janadiisa fardawso ka waraabiyo horteena ilaahay cafiyo una naxariisto; dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyootayna samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.
Aanagoo kala ah

1- Cabdiraxmaan Sh. Ibraahim iyo xaaskiisa Maano Cali Sheekh Ibraahim
2- Suldaan Aadan Cabdiraxmaan Maxamed iyo xaaskiisa
3- Muxyadiin Cabdiraxmaan Maxamed iyo xaaskiisa
4- Cabdullaahi Cusmaan Caliyo iyo xaaskiisa
5- Maxamed Cali Sheekh Ibraahim iyo Xaaskiisa
6- Maxamed Sheekh Ibraahim
7- Sahra Sheekh Ibraahim iyo familkeeda
8- Xaawa Cali Sheekh iyo familkeeda
9- Maxamed Cabdiyow Cabdiraxmaan iyo xaaskiisa
10-Iyo Dhamaanba Bahda Buurhakaba Media.

Iyo dhamaan bahwaynta digil iyo mirif oo ku kala nool shanta qaaradooda ee aduunka waxay halkaan uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid

Marxuum BASHIIR SHEEKH IBRAAHIM

oo markey taariikhdu ahayd 06/07/2007 ku geeriyoodey magaalada buurhakaba waxayna marxuumka ilaahay uga baryayaan in uu janadiisafardawso ka waraabiyohorteena ilaahay cafiyo una naxariisto; dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Aanagoo kala ah

Mohamed Maye Mursal (Diidey) iyo xaaskiisa Habiibo Maxamed Macalin, col. Omar Ibrahim Mohamed iyo xaaskiisa Dowlaay, Dr Ahmed Ibrahim (Ahmed David) Ibrahim Elmi Mohamed (sokorow) iyo xaaskiisa Oto Osman, Abdullahi Hadamow, Hassan Mad Jiroon (dhegey), Hassey Eedin, Muktar Eedin (Zope) Dr Abdalla Mohamed, iyo dhamaan jaaliyada jaalliyada digil iyo mirifle ee ku nool North America .

Waxaan tacsiyo u direynaa MOHAMED ALI WANAAG, oo hooyadiisa NUNAY MAD ALIYOW ku geeriyootay magaalada xudur ee gobolk bakool, waxaan illaah oga baryaynaa in janadii fardowsa ilaah ka waraabiyo...ehelkii iyo qaraabadii ay ka tagtayna samir iy iimaan in ilaah ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

DMC Washington DC 06/27/07

Waxaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed lagu wargelinayaa inuu Gobolka Virginia ee Dalka Mareykanka ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Dr. SUUFI CUMAR KARAANI. Marxuumka maanta ayaa la aasay, waxaana salaada lagula tukaday Misaajidka Jaamaca ee Washington DC ee Mareykanka.

Marxuumka wuxuu ka mid ahaa dadkii doorka weyn ka soo qaatay maamulka dowladda ee Soomaaliya tan iyo xornimadii asagoo soo qabtay xilal kala duwan, waxaa ugu dambeeyey asagoo ahaa Wasiirkii Maaliyadda Dowladii rayidka ahayd ee u dambeeysay oo uu madaxda ka ahaa Allaha u naxaariistii Maxamed Ibraahim Cigaal, dowladaasoo uu incilaabay Maxamed iyaad Barre. Tan iyo markaas Marxuum Suufi Cumar Karaani wuxuu ku noolaa dalka dibediisa sida Itaaliya iyo dalka Mareykanka.

Waxaa marxuumka halkan tacsi uga dirayo Guddiga Fulinta, Guddiga Dhexe iyo dhammaan xubnaha Ururka Midowga Koonfurta Soomaaliya (SSU), iyagoo Ilaahay uga baryaya inuu ka waraabiyo jannadii farduusa, carruurtiisa, eheladiisa iyo dhammaan asxaabtiisana inuu samir iyo iimaan ka siiyo. INAA LILLAAHI WA INAA ILAAHAY RAAJICUUN

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Aanagoo kala ah

Baarliin Xasan Cali
Cusmaan Sh. Aadan Xeydar
Ismaaciil Sh. Aadan Xeydar
Maxamed Xassan Cali
Cabdulqaadir Xasan Xeydar
Yuusuf Xasan Cali

Waxaan halkaan tacsi uga direynaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeryoodey marxuum Globe Sheekh Ibrahim waxaana ilaah uga baryeynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, eheladii uu ka tageyna samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo kala ah:

1. Mr Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow,
2. Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen,
3. Mohamoud Mohamed Warabow iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow,
4. Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow,
5. Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow,
6. Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal,
7. Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi,
8. Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9. Aweis Sheikh Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin.
10. Fowsiya Mohamed Sheikh iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh.
11. Dhamaanba reer Hassan Sheikh Osman (Xasan Yarow - Swiss).
12. Dhamaanba reer Hussein Hassanow (Genova-Italia).
13. Dhamaanba reer Lo Jiroow.
14. Iyo Dhamaanba Bahda Buurhakaba Media.

waxey tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii uu kageeriyooday Allaha ha u naxariistee

Globe Sheekh Ibrahim

waxaan Eebe uga baryaynaa inuu janadii Fardowso kawaraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu kategayna waxaan eebe uga baryaynaa inuu Samir iyo Iimaan kasiiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anigoo ku hadlaya magaca reer Sheekh Xuseen Sool

C/Salaam Sheekh Xuseen Sool
Dhaahiro Sheekh Xuseen Sool
C/Raxmaan Sheekh Xuseen Sool
Max'd nuur ibaahim sh. xuseen sool
Xaawo sheeq madoobe mad usmaan
Daahiro sheeq xuseen sool
Xasiilo Sheekh Xuseen Sool
Nuur Ibraahim Sheekh Xuseen Sool
Iyo dhamaan reer Sheekh Xuseen Sool

Waxaan halkaan ugu tacsiyadeynaynaa dhamaan reer Sheekh Ibrahim iyo eheladii iyo caruurtii uu ka tagey marxuun Globe Sheekh Ibrahim waxaan rabiga ugu baryeynaa naxriistiisa inuu siiyo jabadiisuna uu ku waraabiyo

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo kala ah:

1. Mr Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow,
2. Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen,
3. Mohamoud Mohamed Warabow iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow,
4. Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow,
5. Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow,
6. Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal,
7. Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi,
8. Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9. Aweis Sheikh Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin.
10. Fowsiya Mohamed Sheikh iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh.
11. Dhamaanba reer Hassan Sheikh Osman (Xasan Yarow - Swiss).
12. Dhamaanba reer Hussein Hassanow (Genova-Italia).
13. Dhamaanba reer Lo Jiroow.

waxey tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii uu kageeriyooday Allaha ha u naxariistee

Maxamed Nuur Ibraahim

oo ahaa aabihii Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) wasiirka maaliyada DFKM ee Soomaaliyeed oo ku geriyooday 29/10/06 magaalada Baydhabo ee gobolka Bay

waxaan Eebe uga baryaynaa inuu janadii Fardowso kawaraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu kategayna waxaan eebe uga baryaynaa inuu Samir iyo Iimaan kasiiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

ANAGOO AH JAALIYADDA DIGIL IYO MIRIFLE EE DALKA ITOOBIYA GAR AHAAN MAGALADA ADDIS ABABA, WAXAAN TACSIYO TIIRAANYO LEH U DIRAYNAA COL.XASAN MAXAMED NUUR (SHAATIGADUUD)WASIIRKA MAALIYADDA EE DFKM

OO UU AABIHII MAXAMED NUUR IBRAAHIM KU GEERIYOODAY TAARIIKHDU MARKAY AHAYN 29/10/06 MAGAALDA BAYDHABO EE GOBOLKA BAY.

WAXAAN EBE UGA BAYAYNAA INUU SAMIR IYO IIMAAN KASIIYO EHELADII UU KAGERIYOODAY IYO CARUURTIISABA ISAGANA JANADII FARDOWSO AHAYD KAWARAABIYO AAMIIN. TACSIYADA WAXA DIRAYA

1.C/csiis Maxamed Axmed (Dhegacadde) kusimaha jaaliyadda Digil iyo Mirifl ee Itoobiya,
2. C/laahi Gsaaragudow. X/guud ee jaaliyadda
3.Nuur Maxamed Ibraahim (Nuur Eelay) X/arimaha Bulshadda
4.C/raxmaan Seediyo
5.C/laahi Jiidow
6.C/laahi Hadamow.
7.Hindiyo Maxamed Nuur
8.Xaaji maxamed Iimaan.
9.Faameey Sanweyne.
10.Nuur Mursal Malaaq.
11.Sheekh C/raxmaan.

IYO DHAMAAN JAALIYADDA DIGIL IYO MIRIFLE EE KUNOOL DALKA ITOOBIYA GAAR AHAAN MAGAALADA ADDIS ABABA. Iyo Dhamaanba Bahda Buurhakaba Media.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo kala ah reer Xasan Cumar, Isaaq Xasan cumar, Aamino,Xabiibo,Saynab Miski, Aadan, Nadiifo Xasan Cumar, Xasan Aadan, Haaruun Samow, Reer Dhegacadde oo kala ah, C/qaadir dhegacadde, Faadumo dhegacadde, Luul dhegacadde, Sacdiyo dhegacadde, C/casiis dhegacadde, Aamino dhegacadde, C/fitaax dhegacadde, Maxamuud dhegacadde hooyo Muraayad Cawad, reer Mustaf Sheekh, oo kala ah Salaad mustaf, Ibraahim Mustaf,Aamino mustaf, Maryan mustaf, Tamiimo mustaf, reer Ibraahim Boolis oo kala ah, Xasan Ibraahim Boolis, James, Shukri, Xareedo, Maryan, Faadumiin, Raaxo iyo Xasan Axmed C/raxmaan (Xariimow), Ibraahim C/laahi (Buurfuule),Sahro C/laahi Qaasim, reer Sheekh Maxamed Maxamuud iyo reer Cali Xaaji Shirwac oo kala jooga, Samalia, Uk, Canada, Sweden, Finland, Italy iyo Itoobiya

waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii uu kageeriyooday Allaha ha u naxariistee

Maxamed Nuur Ibraahim

oo ahaa aabihii Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) wasiirka maaliyada DFKM ee Soomaaliyeed oo ku geriyooday 29/10/06 magaalada Baydhabo ee gobolka Bay

waxaan Eebe uga baryaynaa inuu janadii Fardowso kawaraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu kategayna waxaan eebe uga baryaynaa inuu Samir iyo Iimaan kasiiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.
Waxaa dhamaan dadkii u ehelka ahaa iyo intii tiqiinba la ogeysiinayaa in uu

(Ebdi Buulih Eedin)

maalintii Sabtiga aheyd ee ay taariikhdu aheyd 4-ta Noofember 2006 ku geeriyoodey gurigiisa ku yaal magaalada Liverpool, England, United Kingdom oo uu in muddo ahba deganaa. Marxuumka waxaa isla magaalada Liverpool lagu aasey maalintii Jimcaha aheyd ee 10-ka Noofember 2006.

Alle ha u naxariistee aaska marxuunka waxaa ka soo qeybgal ehelkiisa, muslimiin badan oo ay Soomaalidana ka mid tahay. Waxaa kale oo aaska marxuumka ka soo qeybgalay jaaliyada Raxanweyn (Digil & Mirifle) ee wadankan England degan haba u badnaadeen inta ka timid magaalooyinka Manchester, Birmingham iyo Liverpool.

Xaaji Cabdi Buulle Aadan waxa uu sanadkii 1926 ku dhashey degmada Dalandoole ee gobolka Upper Juba (Alta Juba) waxa uuna ka mid ahaa Soomaalidii u soo halgamey xoriyada Soomaaliya. Waxa uu ka mid ahaa xubinihii xisbiga HDMS ( Hisbiya Digil Mirifle Soomaali iyo Hisbiya Dastuur Mustaqbal Soomaali) ee doonayey in wadanka Soomaaliya nidaamka Federaaliga ah lagu dhaqo. Waxa uu xubin ka ahaa baarlamaankii daakhiliyada 1950 1960 iyo baarlamaankii Jamhuuriyada Soomaaliya ee 1960 1967. Wixii intaas ka damneysey siyaasada iskiis ayuu uga baxey oo hawlaha ganacsiga ayuu u wareegey. Waxa uu Xaajiga ifka uga tagey xaaskiisa Nuriya ,carruurtiisa iyo intii ay sii dhaleen oo 70 qof oo kala jooga Soomaaliya, Africa, Asia, Europe iyo America.

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anagoo kala ah

Culumo C/raxmaan Macalin iyo Faaduma Mayow Isaaq

Waxaan u tacsiiheynaa Ayeeyo Kaltuuma Cabdulle oo gabadheeda Faaduma Ibraahim Jimcaale ku geeriyootay wadanka Tanzania.

Marxuumada ehelkii iyo qaraabadii ay ka tagtay samir iyo Iimaan eebe haka siiyo.

Amiin Yaa Rabbi.

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anigo ah Fadumo Mayow Isaq waxaan u tacsinayaa walaashay Maryan Ciise Amiin Baale iyo walaashey Seynab Maxamed Faarax oo ah xaaskiisa uu ka tagey marxuumka AWEYS Ciise Amiin waxaa uu ahaa takhtarka degmada Buur-hakaba AWEYS waxaa uu ahaa shaqsi aad iyo aad u wanagsan kartina uu lahaa ilaahey ha u naxriistee.

Marxuumka waxaa u ahaa nin bulsho badan una gargaaro dadkiisa dhibateysan waxaa tacsi gaar ah u direyaa dadka dadka ka shaqeya caafimaadka degmada buur-hakaba. Waxaan Eebe oga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan eebe ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

CABDIRAXMAAN ISAAQ CABDULAAHI (RAAMAAN ) (HARIIMOW), ABDULQADIR A. ISAAQ AWEYS SH. MUHUDIN, AHMED SH. MUHUDIN, Dr.MAXAMED IBRAHIM (FARKEETI), AXMED IBRAHIM, MAXAMED DHAQANE, AMBIYO IBDOW,NADIFO SH XASAN, CADEY AXMED, NUURTO CADOW,BATUULO IBRAHIM SH. MAXAMED CRAXMAAN, XAAWOLUUL C/RAXMAAN. SACIID C/RAXMAAN,JAMAAL C/RAXMAAN, AYUUB C/RAXMAAN, XASAN C/RAXMAAN IYO MAXAMED AMIIN C/RAXMAAN.

waxay tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay marxuumad

RAXMO HILOWLE ISAAQ

oo ku geeriyootay magaalada BAYDHABO 11/09/2006. marxuumada oo dadeedu ahayd 106 sano jir waxy ifka uga tagtay 58 qof oo isugu jira inta ay dhashay iyo inta ay dhaleen waxaan ilaahay uga baryeynaa in uu janadii ka waraabiyo intii ayka tagtayna samir iyo imaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

ASALAMU ALEYKUM ANIGOO AH FADUMA HASAN SHEEK HAYDAR Degan magalada rhus dalka Danmark waxaan anigoo ku hadlayo magac dhamaan reer heydar tacsi u direyaa ehladii asxaabtii ku geeriyoodey walaalkena:

AWEYS CIISE AAMIIN BAALE

waxaan u tacsinaydeynaa abbe Ciise Amiin baale iyo walaashey seynab maxamed faarax oo ah xaaskiisa uu ka tagey marxuumka AWEYS waxaa. Uu ahaa takhtarka degmada Buur-hakaba AWEYS waxaa uu ahaa shaqsi aad iyo aad u wanagsan kartina uu lahaa ilaahey ha u naxriistee waxaa u ahaa nin bulsho badan una gargaaro dadkiisa dhibateysan waxaa tacsi gaar ah u direyaa dadka dadka ka shaqeya caafimaadka degmada buur-hakaba.

Waxaan Eebe oga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anagoo kala ah:

1.  Mr Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow,
2.  Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen,
3.  Mohamoud Mohamed Warabow iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow,
4.  Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow,
5.  Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow,
6.  Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal,
7.  Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi,
8.  Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9.  Aweis
Sheikh Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin.
10.
Fowsiya
Mohamed Sheikh iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh.
11.Dhamaanba reer Lo Jiroow

waxey tacsi u dirayaan

Dhamaan reer

Ciise Amiin Baale meel kasta oo ay aduunka ka joogaan Iyo dhamaan dadweynaha soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qowmiyadda D&M uga tacsiyeyneynaa dilkii waxshinimada ahaa ee loo geystey taariikhdu markey ahayd 04 August 2006

Dr. Awes Ciise Amiin Baale

Waxaan Eebe oga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin

INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.

Anigoo ah Dr Aweys Cabdi Cumar deggan magaalada Perth ee dalka Australia waxaan anigoo ku hadlaya magaca dhamaan reer Cabdi Cumar (Cabdi Jidle) tacsi u dirayaa eheladii, iyo asxaabtii uu ka geeriyooday walaalkeen

AWEYS CIISE AMIIN BAALE.

Gaar ahaan waxaan u tacsiyadeynayaa reer Ciise Amiin Baale iyo Seynab Max'ed Faarax (Saynabow) oo ah xaaska uu ka tagay marxuumka.

Aweys Ciise Amiin Baale, waxaan is baranay 1988 markaas oo aan ahaa takhtarka magaalada Buur Hakabo. Aweys waxaa uu ahaa shaqsi aad iyo aad u firfircoon kartina Ilaahaey ku maneystay. Waxaa uu ahaa Aftahan, bulshay, kaftan badan una gargaara dadka dhibaateysan.

Aweys marwalba waxaa uu ku dadaali jiray sidii ay ku horumari lahayd degmada Buur-hakabo. Reer Buurhakabow, waxaan idinka codsanayaa inaad ALLAH u baridaan in uu janadii fardowsa ka waraabiyo anagana samir iyo Iman naga siiyo.

Waxaan tacsi gaar ah u darayaan bahda caafimaadka ee degmada buur hakabo. Dr Aweys Cabdi Jidle

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Qowmiyadda D&M ee Norway:

waxey si wada jir ah tacsi u dirayaan

dhamaan dadweynaha soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qowmiyadda D&M uga tacsiyeyneynaa dilkii waxshinimada ahaa ee loo geystey taariikhdu markey ahayd 28 July 2006 marxuum

Cabdalla Deerow Isaaq.

Waxaan Eebe oga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anagoo kala ah:

1.  Mr Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow,
2.  Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen,
3.  Mohamoud Mohamed Warabow iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow,
4.  Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow,
5.  Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow,
6.  Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal,
7.  Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi,
8.  Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9.  Aweis
Sheikh Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin. 10.Fowsiya Mohamed Sheikh iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh.
11.Dhamaanba Bahda Buurhakaba.com

waxey tacsi u dirayaan

Dhamaan reer

Saciid Soleymaan meel kasta oo ay aduunka ay ka joogaan Marxuun

(Biiwaaye) Ciisediin Cali Saciid Soleymaan

Oo maalinta talaadada ahayd 28-July-2006 ku geeriyooday Magaalada California, USA

Waxaan Eebe oga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anagoo kala ah:

1.  Mr Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow,
2.  Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen,
3.  Mohamoud Mohamed Warabow iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow,
4.  Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow,
5.  Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow,
6.  Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal,
7.  Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi,
8.  Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9.  Aweis
Sheikh Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin. 10.Fowsiya Mohamed Sheikh iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh.
11.Dhamaanba Bahda Buurhakaba.com

Iyo Dhamaan qaraabada inteeda kale oo aan halkan ku soo koobi karin ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

waxey tacsi u dirayaan

dhamaan dadweynaha soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qowmiyadda D&M uga tacsiyeyneynaa dilkii waxshinimada ahaa ee loo geystey taariikhdu markey ahayd 28 July 2006 marxuum

Cabdalla Deerow Isaaq.

Waxaan Eebe oga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan dhamaan dadweynaha soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qowmiyadda D&M uga tacsiyeyneynaa dilkii waxshinimada ahaa ee loo geystey marxuum Cabdalla Deerow Isxaaq. Waxaan ilaah uga baryeynaa inuu u naxriisto..Aamiin.

Qowmiyadda D&M ee Minnesota, gaar ahaan Minneapolis:

1-   Suldaan Ibraahim Aliyow Ibrow

2-  Maxamed Axmed Sacad

3-  Abdulfatah Shariif Cabdinuur (ABDUL)

4-  Maxamed Shariif Abdirahmaan (MADSHEEG)

5-  Jaamac Cabdi (Jaamac Jiis)

6-  Axmed Xasan Diini (Aboshey)

7-  C/samed X. Maxamed (Samow)

8-  Daadir Yaasiin (Deta Yaasiin)

9-  Maxamed Sheikh Abdinuur (Maddeer)

10-Caliyoow Maamud Leysaan

11-Cumar Shariif Ibraahim

12-Maxamed Cali Diriyey

13-Mad Edoow

14-Isaak Kaabeey

15-Eedin Jamba

16-Abdisalaan Mai TV

17-Isaaq Xaaji Tarey

18-Aadan Abukaate

19-Xaaji Malleey

20-C/ xafiid Garaar

21-Col. Guudle

22-Maxamed Cali ( Maaxoow)

23-Xaaji Maxamed Abduukar

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anagoo kala ah:

1.  Mr Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow,
2.  Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen,
3.  Mohamoud Mohamed Warabow iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow,
4.  Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow,
5.  Abukar Sh. Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow,
6.  Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal,
7.  Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi,
8.  Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.
9.  Aweis
Sheikh Mohedin Aamiin iyo dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin. Iyo 10.Dhamaanba Bahda Buurhakaba.com

Iyo Dhamaan qaraabada inteeda kale oo aan halkan ku soo koobi karin ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

waxey tacsi u dirayaan

Aabe Cabdulqadir Aden Xuseen Dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen meel kasta oo ay aduunka ay ka joogaan

Marxuun

Boorge Cabdulqadir Aden Xuseen

Oo maalinta talaadada ahayd 21-June-2006 ku geeriyooday Magaalada Buurhakaba Allaha u naxariistee marxuunka wuxuuna ifka kaga tagay Xaas iyo Caruur.

Waxaan Eebe oga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Yaa Allah

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anagoo kala ah:

1. Mohamed Ahmed Abuuker ( Derbi) & xaaskiisa Saharay Aliyow
2. Mahamed Dhaayow Abuuker & xaaskiisa Caashi Mohamed
3. Iishi Ahmed Abuuker & ninkeeda Cabdi Buubi (Ekis)
4. Maryan Ahmed Abukar & ninkeeda A/razaaq Iiman
5. Cali Bare Maxamed iyo Xaaskiisa

Waxan halkan halkaan tacsi ugu direynaa Cabdullahi Sheekh Mohamed Omar, Maryin Mahdi iyo Raxma mahdi geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Hooyadood Marxuumad FAADUMA ABUUKAR oo ku geeriyootey Magaalada Mogdisho Jimcihii 09/06/2006 waxaana ilaahay uga baryaynaa in uu Janadiisa Fardawso ka waraabiyo ehaladiiiyo qaraabadii uu ka geeriyooteyna samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anagoo kala ah:

1. Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim iyo Xaaskiisa Mano Ali
2. Xasan Bare Maxamed iyo Xaaskiisa Maryan Mustaf Ali
3. Maxamed Mustaf Ali iyo Xaaskiisa
4. Axmed Mustaf Ali iyo Xaaskiisa
5. Cali bare Maxamed iyo Xaaskiisa
6. Maxamed Yarow iyo xaaskiisa Madina Bare Maxamed
7. Xasan Sheekh Cusman iyo Xaaskiisa

Bahda Buurhakaba Media Center Iyo dhamaan bahwaynta Digil iyo mirifle
Waxan halkan halkaan tacsi ugu direynaa Nuur Shariif Cali iyo Madiina shariif Cali geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Hooyadood Marxuumad Nuunaay Ibraahim Cumar oo sideetan jir ahayd oo ku geeriyootey Magaalada Baydhaba Habeenkii Sabtida 10:00PM waxaana ilaahay uga baryaynaa in uu Janadiisa Fardawso ka waraabiyo ehaladiiiyo qaraabadii uu ka geeriyooteyna samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anagoo ah golaha sare ee jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee ku kala nool Shanta qaaradood ee aduunka. Iyo Bahda Buurhakaba Media Center Waxaan halkan tacsiyad ugu direynaa dhamaan reer Sheekh xeydar geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Xassanow Sh. Xeydar kuna geeryoodey Buurhakaba 7-5-2006.

Waxaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday uga tacsiyadaynaynaa geeridiisa waxa aanan leenahay samir iyo iimaan Allaha ha idinka siiyo isagana janadii Fardowso ahayd Allaha ka waraabiyo, Aamiin.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Anagoo ah golaha sare ee jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee kunool magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaan tacsi u diraynaa Engineer: Mohammed Ahmed Nour "Boorow" oo uu aabihiis Axmed Nuur Bagadi ku geeriyooday 10/03/06 magaalo madaxda kumeelgaarka ah ee DFS ahna caasimad gobboleedka gobolka Bay iyo tan qowmiyada Digil iyo Mirifle ee Baydhabo.

Waxaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday uga tacsiyadaynaynaa geeridiisa waxa aanan leenahay samir iyo iimaan Allaha ha idinka siiyo isagana janadii Fardowso ahayd Allaha ka waraabiyo, Aamiin.

Golaha sare ee Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee dalka Itoobiya.

1-Sheeq Xuseen C/raxmaan. Guddoomiye
2-Maxamed Dhaalib C/lle. G/xigeen
3-C/laahi Sheeq Cali. Xubin
4-Nuur Ibraahim Maxamed " Nuur Eelaay". Xubin
5-C/laahi Ibraahim Jiidow. Xubin
6-C/casiis Maxamed Axmed "Dhegacade". Xubin
7-C/raxmaan Xuseen Seediyow. Xubin
8-Abuukar Mayow Abuukar. Xubin

Iyo Bahda Buurhakaba Media Center, sidoo kale dhamaan jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee ku nool dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis Ababa, oo ay kamid yihiin Sheeq C/raxmaanm Maxamed Xuseen, C/laahi Macallin C/raxmaan" Hadamow" Xaaji Maxamed Iimaan, Nuurow Mursal Malaaq, Cali Maxamed Yuusuf "Calishukur" Hindiyo Maxamed Nuur, Shukri Ibraahim Boolis, Faameey Sanwiine iyo dhamaan jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee dalka Itoobiya

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Hadaanu nahay Jaaliyadda ku dhaqan dalka Norway ee ka soo jeeda gobalada sool,sanaag iyo cayn . Waxaanu tacsi u dirayanaa ehelkii iyo qaraabadii iyo dhamaan dadweynaha dega gobolada Sool, Sanaaag iyo Cayn geeridii ku timi Garaad Cabdi Qani garaad Jamac Garaad Cali oo ku geeriyooday wadanka Jabuuti. Waxaanu marxuumka eebe uga baryeynaa inuu ka waraabiyo janatul firdoowsa samir iyo iimaana ka siiyo dhamaan ehelkii uu ka tegey .

1. Maxamed Aadan laangadhe .
2. Cabdi daahir afdaleel.
3. Faarax Muuse ciise.
4. Alhaaji jamac dhawdhawle .
5. C/laahi jamac foodcade.
6. Siciid xasan bide.
7. Iidle diiriye .
8. C/xamiid ismaacil yare.
9. C/qaadir siciid cilmi.
10.Maxamuud axmed bowkax.
11.Axmed cismaan x. cabdulaahi.
12.Maxamuud jamac cilmi.
13.C/risaaq haariye.
14.Ibraahim cali dheere.
15.Yusuf astur.
16.C/naasir xaaji ciise cumar.
17.Saleebaan sabaray.
18.Muuse maxamed cawl.
19.Aadan faandhe.
20.C/weli caamir.
21.keyse Axmed wakiil.
22.Keyse jibriil xaaji cige.
23.yaasin Axmed shiil.
24.Axmed saxardiid dheere.
25.Ibraahim Maxamed ismaaciil cagasaydh.
26.Cismaan maxame d ismaaciil.
27.Axmed Abdulaahi ismaaciil.
28.Maxamuud faarax cade.
29.Maxamed cabulaahi xaaji hasan.
30.Faysal taleexi.
31.Maxamed c/llaahi xaaji axmed.
32.Axmed c/laahi booldhan.
33.Axmed cadood.
34.Cali qawdhan cagmadhige.
35.Cawil xaaji faarax.
36.Cismaan qawdhan.
37.Khadar c/laahi falash.
38.C/raxmaan amed caato.
39.Dhamaan ilma cabdilaahi falash,
40.Dhamaan ilma xasan madoobe.
41.Ibraahim cali dheere.
42.Maxamed cali isbariije.
43.C/qani ahmed gadhle.
44.C/laahi hareeri.
45.Khadar maxile.
46.C/risaaq maxamed ahmed.
47.Axmed xaaji cabdale.
48.Axmed cabdi buqul.

Iya dhamaan dadka ku nool Norway ee dumar iyo Ragba leh aan lagu soo koobi karin halkan waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday GARAAD CABDIQANI GARAAD JAAMAC.. ASALAAMUC ALAYKUM.. WAXAANA IDIN SOO GAADHSIIYEY ANIGOO AH ALHAAJI JAMA IBRAHIM NORWAY OSLO.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Dhamaanba Bahda Buurhakaba.com,

Mr Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow,
Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen,
Mohamoud Mohamed Warabow iyo dhamaan reer Haji Mohamed Waraabow,
Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow,
Abukar Sheikh Madoobe iyo dhamaan reer Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow,
Abdulqadir Qaasim Mursal ''Goong'' iyo dhamaan reer Qaasim Mursal,
Bashir Baraawi iyo dhamaan reer Sheekh Osman Baraawi,
Mohamed Jawaari iyo dhamaan reer Sheikh Osman Jawaari.

Iyo Dhamaan qaraabada oo aan halkan ku soo koobi karin ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

waxey tacsi u dirayaan Dhamaan reer Sheikh Mohedin Aamiin meel kasta oo ay aduunka ay ka joogaan

marxuun

Abdisataar Sheekh Mohedin Amiin

Oo maalinta talaadada ahayd 21-June-2005 ku geeriyooday Magaalada Muqdishu

Allaha u naxariistee marxuunka wuxuuna ifka kaga tagay Xaas iyo Caruur.

Waxaan Eebe ooga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, ehelakii uu ka geeriyooteyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Yaa Allah

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Dhamaanba Bahda Buurhakaba.com,

Mr Mohamed Maamow iyo reer Hasanow Aliyow Maamow,
Amina Cabdulqadir Aaden iyo dhamaan reer Cabdulqadir Aden Xuseen
Faduma Mohamed Eenow iyo dhamaan reer Mohamed Eenow

Aweys Sheikh Muhidiin iyo dhamaan reer Shiekh Muhidiin Aamin.

waxey tacsi u dirayaan Dhamaan reer Sheikh Madoobemeel kasta oo ay aduunka ay ka joogaan

marxuun

Sheekh Midoobe Mad Usmaan Eenow

Marxuumka wuxuu maalinta talaadada ahayd ku geeriyooday Magaalada Buurhakaba

marxuunka oo ka mid ahaa culimaa'udiinkii iyo odayaashi degmada Buurhakaba.

Allah ha u naxariistee marxuunkan oo da'adiisu gaaraysay 90-jir ayaa wuxuu dhalay 11 wiil iyo 11 gabdhood wuxuuna ifka kaga tagay 100 iyo dhowr ruux oo isuga jira wuxuu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen.

Marxuunkaas asiddiisa ayaa waxaa ka soo qayb galay dad fara badan.

Waxaan Eebe ooga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, ehelakii uu ka geeriyooteyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Yaa Allah

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Dhamaan Bahda Sportiga ee Norway, gaar ahaan Ururka Somali Sport and Culture ee Norway.
Mr. Cabdulqadir Cadaay, Mahad Turbashash, Abdi Jama iyo Maxamed Maamow.
waxey tacsi u dirayaan Saaxiibkood:- Tababarihii Qaranka ee kubadda Koleyga ee Soomaaliya,
Tababare Aweys Haji Cabdi Hiraabe oo jooga Norway iyo walaakiisa Jeylaani Xaaji Cabdi oo degen Swetzerland
ayadoo la xiriirta geeridii ku timid Hooyadood Allah u naxriistee:
Marxuumad. Xawa Rooble Cabdulle
oo ku geeriyootey magaalada Muqdisho - Soomaaliya maalmo ka hor. Waxaan Eebe ooga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii firdowsa, ehelakii iyo caruurtii uu ka geeriyooteyna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Yaa Allah .

From:Awes Sheikh Muxiyadin Amiin

City, Country (Optional)

Melbourne, Australia

Halkaan ugu tahniyadeey

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilehi Raajiun.
Anigoo ku hadlayo magaca reer Sheikh Muxiyadin Amiin,
waxaa tacsi u diraynaa qoyska, ehelada, qaraabada iyo dhamaan qoomiyada Digil/Mirifle in Eebe samir iyo iimaan ka siiyo marxuum Col. Maxamuud Bataar oo dhawaan lagu dilay Muqdishu. Cidii ka dambaysay dilkaasi waxuu mudan yahay cadaab aakhiro iyo addunba

Allaha u naxariise Ugaas Maxamed Ugaas C/lle (Ugaas Maame) oo ahaa Ugaaska Beesha Shanta Caleemood oo ka mid ah Beelaha Digil iyo Mirifle wuxuuna dhintay xilli uu shirka Kenya maraya dhamaad, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah eheladiisa waxaa la filaya in Ugaaska Meydkiisa Maalinta berito la keeno deegaanka Daafeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo uu lagu aasi doonaa.