Tarsan Oo xilkii ka xayuubiyay Guddoomiyihii Dagmada Cabdul Casiis Ee Gobolka Banaadir.

  Sunday April 15, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Guddoomyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur"Tarsan"
Ayaa wuxuu xilkii si rasm ah uga xayuubiyay Guddoomiyihii Dagmada cabdulcasiis Yuusuf Cali Indhool. Munaasabad balaaran Uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir oo ka dhacday xarunta Degmada Cabdulcasiis, aya awaxaa si rasmi ah looga xilkii uu hayay Yuusuf Cali Indhool oo aha agudoomiyihi Dagmadaasi.
Munaasabadan uu ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Tarsan ayaa waxaa si diiran loogu caleemo saaray inuu guddoomiye ka noqdo dagmadaasi mudane Cabdullaahi Axmed Xasan.

Mudane Cabdullaahi Axmed Xasanayaa wxa auu noqonayaa guddoomiyaha rasmiga ah ee maanta wixii ka danbeeya gudoomiye u ah Dagmada c/casiis ee gobolka Banaadir iyada oo madaxada maamulka Gobolka Banaadir iyo waliba duqa Magaaladuna kula dar daarmeen inuu xilkiisa u guto si daacadi ku jirto waafaqsana sharciga dalka u yaal.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS