Qarax kadhacay Baydhabo
Views: 1455
| Sunday April 15, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Afar ruux ayaa kudhaawacmay Qarax galabta kadhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay kuwaas oo isugu jiray Shacab iyo Ciidamo katirsanaa Dowlada KMG Soomaaliya.
Dadka Magaalada Baydhabo ayaaa Mudug media usheegay in qaraxaan loo adeegsaday Romuut kadib markii horay loogu aasay Miino wadada bartamaha kutaal aadna ugu dhaw suuqa weyn ee Baydhabo.
Waxaa jiray markii uu qaraxa dhacay howlgalo Ciidamada dowlada ay sameeyeen lakiin majirin cid ay uqabteen Qaraxaas.
Dhaawacyada dadkaan ayaa waxaa ladhigay Cisbitaal weyn oo kuyaal Baydhabo halkaas oo ay hada ay kujiraan Dadkii horay ugu soo dhaawacmay Todobaadkaan qaraxii kadhacay kaawanka hilibka lagu iibiyo.
Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan waxaa ay marti gelinaysaa qaraxyo kaas oo ay kadambeeyaan Ururka Al-shabaab oo looga awood roonaaday Gacan kuhayntii Magaaladaas.

NO COMMENTS