Wararka aanu ka heleyno degmada Buur-Hakaba ayaa sheegaya in ay ka cabanayaan biyo la’aan iyo dhibaatooyin kale oo xagga nolosha ah.
| Sunday April 15, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Bilooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay cabasaho xoogan ee ka soo yeereysa dadweynaha degan degmada Buur-Hakaba iyo nawaaxigeeda taasoo ku aadan biyo la’aan aad u ba’an. Iyadoo xili roobaadkii sanadkan guud ahaanba laga waayey deegaanka Buur-Hakab ayaa waxaa gaar ahaan gudaha degmada Buur-hakaba kataagan biyo la,aantii ugu darnayd, biyo la,aantaasi oo saamayn wayn kuyeelatay nolasha bulshada kunool gudaha iyo nawaaxiga Buur.
Iyadoo markii horeba ay biyaha ku yaraayeen degmada ayaa hadana waxaa usoo barakacay dad aad u fara badan oo ka kala yimid tuulooyin badan oo ka tirsan degmada taasoo sii dhalisay in ay warihii iyo ceelashii ay wada qalaleen.
Waxaana markii ugu horaysay inta la xasuusto qiimaha foostada biyaha ahi gaartey degmada Buur $7dollar oo u dhiganta 10.000 sh.som halka booyada biyaha lagu kala iibsado lacag gaareysa inta u dhaxaysa $100-120 dollar biyahaas oo laga keeno magaalada Baydhabo, sida aan la wada socono qof walba ma awoodo inay ka bixiyaan foosto biyo ah lacag intaa la eg.
Mar aan la xiriirney hawlwadeenadiiBDC(Buur-Hakaba Development Commitee) maadaama ay yihiin dad u hurey waqtigooda si ay u kaalmeeyaan walaalahooda ayaan waydiiney sida ay damacsanyihiin sey wax uga qaban lahaayeen xaaladaan adag, wuxuu ii sheegeyJamaal Qaasim Mursalin ay dhibeyso iney maqlaan walaalahooda oo ooman laakiin ay ku tala jiraan sey wax uga qaban lahaayeen waqtigan xaadirka ah.Jamaalwuxuu kaloo ii xaqiijiyey inay sameeyeen sanduuq ay ugu tala galeen in loogu aruuriyo lacag lagu taakuleynaayo degmada si biyo looga keeno Baydhabo oo ay ugu qaybiyaan dadka masaakiinta aan awoodin iney iibsadaan biyaha.
Illaa hada waxaan haynaa lacag gaareysa $500 dollar waxaan kaloo rajeyneynaa intaa in ka badan in aan aruurino mudooyinkan soo socda, rajadeena ugu weyn waxay tahay in ay nagu daydaan walaalaheena reer Buur oo ku kala suguan aaduunka daafihiisa sababtoo ah waa waqtigii laisu baahnaa in la is caawiyo, dawladna ma jirto hayado samafalna ma joogaan, inagaa la inooga fadhiyaa inaan samafalna u noqono dawladna u dhisno waxaana halkan codsi ugu direyaa qof walboo reer Buur ah inuu ka qeyb qaato waajibaatkaan nawada saaran, sidaana waxaa yiri mas’uulkaan ka tirsanBDC.

Nuradin Foundation
Monday March 18, 2013 - 16:03:20
NF - Nuradin Foundation waa Urur samofal maxalli ah kana howlgala goobo cayiman ee Koofurta Soomaaliya lana aasaasay 28/4/08 ayaa waxay isu diyaarineysaa inay u kuurgasho dhibaatada biyo-la'aanta haysata Buurhakaba sida ugu dhaqsiyaha badanna ay uga jawaabi doonto sidii ay ugu gargaari lahayd dadkaas dhibaateysan ee ay biyo la'aantu ku habsatay Wabillaahi Towfiiq