“Sharif Sakiin”: Musiibo Soomaaliya kusoo Wajahan!
| Sunday September 02, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Ayuub A. Aden (Keydmedia Online) - Ma ahan wax Magaciisa lagu dhaamayo ee waa waxa uu kusoo caan baxay ka hor inta uusan ka qaybgelin Maamulka dawladda. Malaha ma garan Qofka Noqonaya Mas'uul Dawladeed inuu huwan yahay haybaddii Qaranimo, hiddihii iyo dhaqankii ummadda iyo asluubtii iyo anshaxii Diinta.
Naynaasta uu sito waa mid loo bixiyey yaraanimadiisii xumaanteeda ayuuna kusoo barbaaray. Waxaa Diintu qeexday in Qofka Muslimah uu Muslimiinta dhibaato gaarsiiyo inuusan banaaneyn, sida: Xanta, warxumotashiilka, Handdadaadda, dibindaabyada, laaluush-bixinta, muaamaro falka, dilka, beensheegidda, dhaca, boobka iyo xatooyada xoolaha dadweyne, isku dirka, dhagarta ummadda, abuuridda xaaladaha argagixisonimada, shirqoolka dhiiggu ku daato, xulufaysiga dhgarqabeyaasha Qaranka Soomaaliyeed, iwm.
Bal culumada u Bandhiga Shakhsiga isku darsaday musiibooyinka kor ku xusan inuu muslinimo ku sifoobi karo. Ayaan Cali Xirsi baa ka fajacday xumo-falka iyo xajirnima fogaatay oo shariifku ku tanaaday waana ka cawdu billaysataa.
Keydmedia Online Afar Sano kahor eyee Nalka ku shidday Nacabnimada Shakhsigaas ku jirta. Qoraalo Farabadan ayeenah kasoo Qortay"Sakiinta"Sharif Xasan!
Sharif Xasan ayaaKeydmedia Onlinelasoo xiriiray, wuxuuna noo ballan qaaday inuu bixiyo Af-dhabaan dhaw inta aanu codsano, 2 jeer bayna arrintanu dhacday. Waxaan ku niri "Annagu iib ma nihin".
Fadlan dib fanida inta Maqaal oo aanu kasoo qornay dhibaatada Shariif Sakiin uu dadka iyo dalka ku hayo laga soo bilaabo 2010 - 2012.
Cayiir walba muddo gaaban bay socotaa, haddaad ka badbadisana wigladu mar bay kula rogmataa. Wax walba waa la hambeeyaa, hambaduna waa xurmo.
Haddaad Siyaasi noqoto, xumaanta laguma talaxtago. Haddaa tuugtahay lama xado habka dhallaanka. Haddaad dilaa tahay lama laayo nugulka Bulshada. Haddaad dhagarlow tahay quraanyo layskuma jafo. Waa inaad wax hambaysaa.
Shariif Xasan waxba ma Hambayn, ceebo badan oo uu falay oo cabbursanaa baa soo shaac-biixi doona, waanad arki doontaa goor dhow. Dhagarta Soomaaliya dad baa xambaarsan hase yeeshee golal mugdi ah bay ku kulmaan waqtigooduna waa gabaabsi.
Dhacdooyinkii ugu dambeeyey, wuxuu damacsanaa inuu afgambi ku sameeyo Madaxtooyada haddii ay Madax noqoto cid kale oo aan isaga ahayn, dalkiina uu fadqalallo iyo qarbudaad hor leh dib ugu celiyo.
Shariif Xasan wuxuu hub guuto ku dagaalami karto muddo 15 cash ah kusoo qarsaday guri Madaxtooyada hoostiisa ku yaa oo qoriga AK ah uu wax ka dili karo. Ciidanka hubkaas loogu talogalay waxay ahaayeen Al-Shabaab oo Shariifku gacansaar la lahaa oo labakaclaynta xukun doon uu ugu talogalay.
Ku xigeenka kooxda inqilaabka waxaa kamid ahGeneraal Shariid Sheekhunaoo ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Qaranka, ku xigeena waxaa ka ahaa Aadan Saransoor oo kamid ah taliyaashii ciidnaka Al-Shabaab ee Gobolka Bay.
Hubkii meesha laga qaaday oo ku cad inuu keensaday Shariif Xasan iyo dambigii lagu qaadi lahaa isaga iyo kooxdiisii weli waa rahman yahay oo waxaalala sugayaa dawladda cusub. Shariif Xasan uma tartamin xilkii Baarlamaanka hase yeeshee musharrixii uu watey wuxuu ku bixiyey2 Malyan oo Doollar, nasiibdarrana kuma soo bixin.
AMISOM markay ogaatay qaska iyo mu'aamarada Shariif Xasan wado waxay kala noqotay hubkii iyo ciidankii ilaalin jirey kalsooni darro loo qabo awgeed. Shariif Xasan baqdin iyo dakano ayuu Muqdisho uga soo cararay, haddana laasluush bixin iyo mu'aamiro ayuu Nairoobi ka maleegayaa inaan doorasho nabad ku dhicin oo Muqdisho xaslin.
Wuxuu furfuray xashimihii lacagta xaaraanta ahu ugu jirey si u abuuro xasarado colaadeed, wuxuuna ku halqabsadaa "Naar hoo galaasu guudkaa ay hamuudney, ama naar hoo galaasu tiimboy" Markuu gaaro gunta naarta ayaa lays warsan doonaa wuxuu lasoo kulmay.
"Sakiin" wuxuu hadda la bahoobay Madax asalkoodii Soomaali u dhashay kana tirsan dawladda Keenya oo u tafaxaydan inay fashishliyaan dawladnimada ka dhalan doonta Soomaaliyeed sidii ay u xalaaleeyaan Uururka Azania oo gobollada Jubbooyinka la hoos keeno dalka Kenya shidaalka ku jira badda Soomaaliyeedna la xalaalaysto.
Haddii qorshaha Shariif Xasan fashilmo waxuu la mid noqonayaaQorshayaashii laga lahaa Dagaal Ooge Gaandioo Dad Farabadan markii la laayey kadib ku dhamaaday mid Aduunka Fashilmay Aakhirana ay sugeyso. Iskana da'a ba oo haba sheegin Xalaalaysashada Shidaalka Badda ku jira iyo Gobollada Jubbooyinka oo hoostaga Dawladda Kenya. Taasi waxay aheed Riyo koogaa Beesaa lagu soo qaatay oo Maalmo lagu soo mooday.
Keydmedia Online -http://www.keydmedia.net

NO COMMENTS