Saaxiibkaaga maanta waa Cadowgaaga Berito[Maqaal Xiiso Leh]

  Wednesday September 12, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Saaxiibkaaga maanta waa Cadowgaaga Berito .ma'aha wax cilmiyan loo barto ama lagu ogaan karo xiliga aad isnacaysaan saaxiibkaaga dhabta ee naftu idiin qaybsantahay, laakiinse waxa laga yaabaa in dad badani ogaadaan marka uu isku dhacu yimaado ee arintu faraha ka baxdo, taasi ma'aha micnaheedu inaad ogaan waydo waxyaabaha keenaya isnacaybka saaxiibayaasha oo iyadu ku xiran hab-dhaqanka iyo wada socodka labada qof ee wax ka dhexeeyaan.

Saaxiibtinimadu waa dan isku gaarid inteeda badan, hase ahaatee waxa jira isfaham saaxiibtinimo oo laba qof iyo in ka badan walaaleeya, kaasoo isaga laftiisu ka dhashay wada rafiiq iyo cidlo iska weheshi aasaas u ah nolosha dadka caadiga ah,maahmaah ahayd “Nolol aan saaxiib lahayni waa Dhimasho aan Markhaati lahayn” oo ka dhigan marka la dhuuxo xaalada dhabta ah ee qof waxa uga xogogaalsan eheladiisa kan ay saaxiibka yihiin oo isku shar iyo Kheyrba wadaagi karaan, iskana qabtaan.

Laakiinse Saaxiibtimadda ay ku soo baxday Maahmaahda dhahaysa Saaxiibkaaga Maantu waa Cadowgaaga Berito oo ah maahmaah uu sameeyay nin Jarmal ah oo ka qayb galay dagaalkii labaad ee aduunku, waxay ku soo baxday ama ka turjumaysaa mustaqbalka Saaxiibtiminada ku saabsan ama ka dhalata aragtiyaha siyaasadeed ee shakhsiga ah iyo kuwo caamka ahba.

Inta badan waxa dhacda ama si joogto ah bulshada siyaasada ku fogaaday soo marta dad shalay isku mawqif siyaasadeed ahaa oo ku kala booday aragtidii ka dhaxaysay , kuwaasoo markay iskaga horyimaadaan danaha siyaasadeed aan waxba isula hadhin dagaalka afku dirirka ah iyo dacaayadaha ay isweydaarsanayaan, iyagoo isku caayaya afkii ay wakhti yar ka hor isku amaani jireen, isla markaana midba midka kale dibada soo dhigayo Xumaanta saxiibkiisa Ay bah wadaag ahayeen.

Nin Wariye ah oo ka mid ah Rugcadaayada Warfidiyeenada somaliyeed ayaa laga soo wariyay in su’aal laga waydiiyay Nin ay wada shaqayn jireen oo lagu yiri waar Hebelow ninkii Hebel ee aad u shaqayn jirtay ka waran xumaantiisa, waxaana la sheegay inuu su’aashaasi kaga jawaabay hadal Xikmadaysan“anigu Ninkaa afkii aan ku Amaani jiray ku Caayi maayo”, laakiinse xaqiiqada marka laga hadlayo sidaasi oo kale iskuguma ceyb qarshaan saaxiibo badan oo siyaasada ku bahoobay, hadana ku kala booday.

Hogaamihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan ayaa ka dhex muuqday xubnaha barlamaanka Soomaaliya xiligi ay soconaysay tirinta codadka Xildhibaanada ay dhiibteen.

Shariif Xasan ayaa aad ugu qoslayay jabka saxibkiisa waliba isagoo afka saartay gacanta,
Xiligii Ay Socdeen tirinta Cododka,halkaa soo saaxiibkiisii hore Shariif Sh Axmed oo codad badan looga qaaday guusha madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya oo muujinaya in Shariif Xasan Xildhibaanadii uu asxaab ahaan ugu lahaa barlamaanka uu ku wareejiyay Xasan Sh Maxamuud taas oo keentay inuu noqdo madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

190 Cod ayuu helay Musharax Xasan Sh Maxamuud halka Shariif Sh Axmed uu helay 79 Mudane waxaana ay tahay natiijo aad ukala fog.

kahor inta aysan dhicin doorashada sharif xasan wuxu ka qeyb Galay xaflad wayn oo shariif axmed uu ku dhigtay hotel City plaza ee magalada muqdisho.
shariif xasan ayaa iska dhigayay mid tageersan saxibkiisa balse Daqiiqadihii dhimashada ee waqtigii doorashada Ayuu dhulka lajaray saxibkiisa shariif sheekh Axmed.
Shariif xasan oo Aad udhoola cadaynaya Ayaa fadhiyay kursi hore oo Ay wada fadhiyeen qaar kamid ah madaxda,hase yeeshee wixii dhacay malinkaas ayaa ah saxibkaaga maanta waa cadowgaaga berito.


W/Q: Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbaahinta Buurhakaba.com
Email: Mo_Aadan@hotmail.com



NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS