Kooxo Hubeysan oo wiil dhalinyaro ku dilay degmada Shibis

  Monday September 17, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Rag ku hubeesnaa bistoolado ayaa xalay ku dilay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyara ah, balse waxaa qabtay oo gacanta ku dhigeen ciidamada Dowlada.

Wiilka la dilay oo la oran jiray Zakariye Maxamed Maxamuud ayaa waxaa toogtay wiil kale oo dhalinyara ah oo kaasi oo xabad madaxa uga dhiftay wax yar kadib marki uu kasoo baxay maqaayada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo goobta ka ag dhawaa ayaa kusoo baxay kadibna ninki falka geystay dhaawacay isla markaana gacanta ku dhigay, waxa kale oo ay qabteen laba kale oo isaga la socotay, halka uu baxsaday mid afraad sida ay sheegeen dad goob joog ah.

Saraakiisha amaanka ee degmada Shibis ayaa sheegay in baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ragani ay ka tirsanyihiin Al Shabab.

Waa marki sadexaad oo ay ciidamada amaanka Shibis ku guuleysanayaan in ay qabtaan ama ay dilaan kooxaha bistooladaha wax ku ugaarsada ee ka tirsan Al Shabab, 3 bilood ka hor ayey sidaan oo kale u dileen wiil dhalinyara ah oo dilay nin ku sugnaa Shibis.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS