Mahiga "Hala sameeyo baaritaan madax banaan"
| Sunday September 23, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Agustine Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyey dilki xalay loogu geystay Muqdisho xildhibaan Mustaf Maxamed Xaaji.
Mahiga ayaa uga tacsiyeeyey dadki uu ka dhintay iyo dhamaan umada Soomaaliyeed geerida xildhibaankaasi oo noqday kii ugu horeeyey ee loo geysto mid ka mid ah baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
War saxaafadeed uu kasoo saaray xafiiskiisa ayuu Mr Mahiga ugu baaqay in lagu sameeyo dilka xildhibaanka baaritaan madax banaan si loo keeno cadaalada kuwi ka danbeeyey weerarkaasi.
“Xildhibaanka waxa uu ahaa mid lagu soo doortay hab cadaalad ah oo ceeb ka saliin ah, wuxuu ku yimid hab wadatashi iyo inuu wakil ka ahaa dadkiisa, waxaa uu qeyb ka ahaa xildhibaanada u shaqeynayo dalkooda iyo dadkooda waqtigaan dhibka badan ee uu dalka marayo,’ ayuu yiri.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dilka xildhibaanka uu imaanayo xilli ay biloow tahay shaqada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo Dowlada.
“Bixitaanka xildhibaankan waxay kusoo aadeysaa waqti aad uu ubilow u yahay nolsha baarlamaanka kaasi oo ka shaqeynayo in Soomaaliya ay marto wadada saxda ah, isla markaana dhawaan uun soo doortay dowlad, tani waxay na xasuusineysaa caqabadaha ku hor gudban hey’adaha cusub ee dastuuriga ah iyo kuwa maamul,” ayaa lagu yiri warkaasi kasoo baxay Qaramada Midoobay.
Khamiistii weerar loo adeegsaday is qarxin ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 18 ruux oo ay ku jireen sadex wariye iyo sidoo kale dad u badnaa rayid, Jimcihina wariye kale ayaa lagu qaarijiyey Muqdisho.

NO COMMENTS