Xildhibaankii lagu qaarijiyay Muqdisho oo maanta la aasayo

  Sunday September 23, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

Xildhibaan Mustaf Maxamed Xaaji oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta loo sameeyo aas qaran, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan Mas'uuliyiin iyo Xildhibaano.

Mudanahan oo ahaa aabaha dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweynaha ayaa waxaa xalay ku toogtay degmada Waabari banaanka hore ee gurigiisa laba nin oo ku hubeesnaa bistoolado kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku tilmaamay dilka marxuumka mid lagu rabo in dib loogu celiyo qalalaasaha iyo rabshadaha dalka Soomaaliya.

Waxaa uu ku tilmaamay in ay ka dambeeyaan kooxo uusan magacaabin balse caadeystay buu yiri dilka dadka waxgalka ah iyo kuwa rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee hada ka kooban 274 mudane ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay iyaga oo uga tacsiyeeyey dadki uu ka geeriyooday, waxaana aaskiisa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan madaxweynihi hore Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha cusub.

Xarakada Al Shabab ayaa sheegtay dilka xildhibaan Mustaf iyaga oo ku tilmaamay mid ay sii wadi doonaan dilalka ku saleysan ugaarsiga xildhibaanada.



NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS